SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIDAALKA

  • Maxamed Xandule: xarun satellite-ka laga hago Ruushku haka dhigto Soomaaliya....
  • Xaggee Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska...

Safiirka Soomaalida ee Moscow oo Ruushka ku Casumey Soo saaridda Macdanta Nukliyeerka Laga Sameeyo ee Soomaaliya...

Waxa kale oo Safiirku Qalqaalo ugu Jiraa in Ruushku uu dalka Soomaaliya ka dhisto Xarun laga hago satellite-ka, taas oo Ruushka u bedesha xarun ku taal dalka  Kazakhstan...

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 29, 2008 | Cusboonaysiin: June 30, 2008

Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Ruushka ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Moscow, Jimcadii June 27, 2008, waxana uu ku sheegay in Soomaaliya ay rajayneyso in shirkadaha Ruushku ay ka qayb qaataan soo saaridda macdanta Yuraaniyamka (uranium), Batroolka iyo Gaaska Dabiiciga ah, sida ay werisey wakaaladda wararka u faafisa Ruushka ee RIA Novosti.
safiirka soomaalida ee ruushka Maxamed Maxamuud Xandule
Dr. Mohamed Mohamud Handule, safiirka Soomaaliya u fadhiya Moscow
Isha: Sawirka: http://myafrica.ru/

"Maanta waxaan dheheynaa aan wada shaqayno. Soomaaliya waa dal qani ah, oo uu ku jiro kayda rasmiga ah (ugu badan) ee batroolka iyo gaaska dhulka Geeska Afrika," ayuu yiri Maxamed Maxamuud Xandulle.

Waxa kale oo safiirku sheegay in sahaminta Yuraanimka laga sameeyey Soomaaliya xilligii Midowgii Soviet-ka (U.S.S.R).

"Soomaaliya waxay rumaysan tahay in soo saaridda Yuraaniyumka (Soomaaliya) uu khaas u yahay shirkadaha Ruushka, taas oo asaas looga dhigayo heshiiskii dawladeed ee dhex maray Soomaaliya iyo Ruushka," ayuu yiri Xandule.

Safiirku waxa kale oo uu ka hadlay in Soomaaliya laga dhiso xarun laga hago hawada sare (space center). Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: "Xarun hawada sare ee Soomaaliya waxaa loo adeegsan karaa sida xarunta caalamiga ah ee hawada sare, waxaana xaruntaasi ay garab siineysa xarunta Baikonur," ayuu yiri, waxana uu intaas ku daray: Waxaa xaruntaas laga diri karaa gantaallo xambaarsan aaladaha isgaarsiinta ee satellite-ka.

Baikonur waa xarun laga hago aaladaha hawada sare loo diro, waxaana sannadihii 1950-naadkii laga dhisay Kazakhstan. Markii uu burburay Midowgii Soviet kaddib dalka Kazakhstan waxa uu xaruntaas ka kireeyey Ruushka, heshiis ay kala saxiixdeen 1994. Saraakiisha Ruushku waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan adeegsiga xaruntaas laga diro aaladaha hawada sare ilaa 2050 oo ah waqtiga uu ku egyahay heshiiskaas lagaga kireeyey xarunta, sida ay werisey wakaalada RIA.

Hay'ada wararka ee ITAR-TASS waxay sheegtay in safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka Maxamed Maxamuud Xandule, oo munaasabadda xorriya Soomaaliya awgeed shir jaraa'id ku qabtay Moscow, waxa uu sheegay in shirkadaha Ruushka xuquuq gaar ah ay u leeyihiin qoditaanka macdanta Yuraaniyumka ee Soomaaliya.

"Xiriirka u dhexeeya Moscow iyo Muqdisho waa mid caado ahaan xoog leh oo waaqici ah," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray "Waxaan haysanaa fursad aad u weyn oo wada shaqayneed, gaar ahaan horumarinta khayraadka macdanta. Waxaan si firfircood hadda wada xaajood ugula jirnaa dhaw shirkadood oo Ruush ah, oo ay kamid tahay shirkadda Gazprom, waxaana gaarey qaddar natiijo. Soomaaliya waxay qani ku tahay Yuraaniyumka, taas oo ay hore u baareen shirkado Soviet iyo Ruush ah. Waxaan taageersanahay heshiiska, kaas oo shirkadaha Ruushka si gaar ah fursad ugu siinaya xuquuqda in ay baaraan Yuraaniyumka."

Safiiriku waxa ka mahad celiyey in Ruushku ay June 10, (2008) $1 million oo doolar u qoondeeyey mucaawinada bini'aadaminimo ee dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu yiri in xaaladda Soomaaliya ay degeyso toddobaad kaddib marka la kala saxiixdo heshiiska cusub ee dhex maray dawladda iyo muqaawamada oo ay dhex dhexaadiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (QM), Ururka Carabta, Midowga Yurub iyo Ururka Islaamka. Qaraar Golaha Ammaanka ee QM oo cunaqabataynta ka qaadaya in hub laga iibiyo Soomaaliya, isla markaasna dalka la keeno nabad ilaaliyayaasha QM, waxay ka qayb qaadaneysaa xasiloonida, ayuu yiri safiirku, sida ay ku warrantay Itar-Tass.

Ma aha markii ugu horeysey ee safiirku uu dalka Ruushka ugu gacan haadiyo khayraadka Soomaaliya. Qoraal la faafiyey March 15, 2007 ayuu Maxamed Maxamuud Xandulle waxa uu sheegay in Soomaaliya ay Ruushka ku casumeyso ama siineyo macdanta Yuraaniyumka iyo dahabka. Waxaa xilligaas la weydiiyey su'aal ahayd: Midowgii Soofiyeeti ee Ruushka (USSR) iyo Soomaaliya ma waxay dhamaystireen heshiis ku saabsan macdanta uranium-ka?, Waxa uu kujawaabey "HAA, waxay arrintaasi dhacday sannadkii 1976 xilligaas oo la daah-furay kaydka Yuraaniyumka-dahabka."

Safiirku waxa uu markaas waxa uu yiri: Hadda waxaan wada xaajood kula jirnaa Ruuska ku saabsan qodista Yuraaniyumka iyo dahabka. Taas waxaa dheer in shirkadda Zarubezhgeologia ay danayneyso baaritaanka batroolka iyo gaaska (Soomaaliya). Waxaa sidaas oo kale ku andacoonaya Canadian iyo dalal kale. Hadda waxaan ku hawlanay qorista sharciga kaas oo xallin doona dhammaan dhibaatooyinkaas.

Sidoo kale shir jaraa'id oo uu ku qabtay Moscow August 22, 2007 ayuu safiirku waxa uu yiri "Waxaan ku casumeynaa shirkadaha Batroolka iyo tamarta ee Ruushka in ay sida ugu xawliga badan uga qayb qaataan hawsha hadda ka socota Soomaaliya," sida ay xilligaas werisey hay'adda wararka ee Interfax.

Taariikh: Xiriirkii Soviet-ka iyo Soomaaliya

Qorayaasha Adduunku waxay Soomaaliya ku tilmaamaan in aysan weli ka soo waaqsan jabkii ka soo gaarey dagaalkii 1977-1978 ee xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato. Soomaalida oo dagaalka aad ugu gacan saraysa ayaa Midowgii Soviet ee Ruushku waxa uu September 1977 bilaabay in uu taageero buuxda siiyo Itoobiya. Markaas ayaa Soomaalidu xiriirkii Dublamaasiyadeed u goysey Soviet-ka. Hubka iyo taageerada dhaqaale ka sokow, waxaa taariikhdu xustay in 1,500 oo Ruush ah oo lagu sheegay lataliyayaal ka socda Soviet-ka iyo 11,000 Cuban ah (ciidankii Fidel Castro - Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia) waxay garab soo siiyeen ciidan la isku dumay oo Itoobiyaan ah oo gaarayey 50,000. Waxay iyagoo wada jira weerar cir iyo dhul ah kusoo qaadeen ciidamadii Soomaalida oo isugu jirey militariga iyo Jabhaddii Soomaali galbeed oo tiradoodu isku ahayd 20,000 oo ku sugnaa aagga Harar. Taangiyada iyo hubka kale Ruushka iyo Cuba iyo diyaaradaha waxay sababeen in Ciidankii Soomaaliya khasaare ba'ani soo gaarey, taas oo keentay in Maxamed Siyaad Barre uu March 9, 1978, amar ku bixiyey in Soomaaliya ay ka soo bexeyso dagaalka. Jabkaas, xilligaas soo gaarey Soomaalida, ayaa taariikhdu xustaa in uu ka soo bilowday dhibka Soomaalida haysta maanta (2008).
 


Xaggee Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska...

Xafiiska Madaxweynaha (DFKMG ee) Soomaaliya ayaa sheegay in ay majara habaabin yihiin wararka la xiriir heshiiska uu madaxweynaha Cabdullaahi Yuusuf bishii May (2008) la saxiixday shirkadda khaaska ah ee Militariga Faransiiska. Halka ay weriyaha VOA Alisha Ryu ay warbixinta ay ka soo dirtay Afrikada Bari Nairobi, ay shirkaddu sheegay in la siiyey heshiis shirkadda u gaar ah oo aan lagula tartami karin si ay muddo saddex sano ah u ilaaliyaan badaha (xeebaha Soomaaliya), una tababaraan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. Laakiin xafiiska madaxweynaha Yuusuf waxa uu sheegay in aan wax heshiis ah oo noocaas ah la saxiixin. Sidaas waxaa qormo ku bilowday shabakadda VOA, June 20, 2008.

  • Xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waa uu diidey in uu faallo ka bixiyo heshiiskaas....

    Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 29, 2008

Lataliyaha Madaxweynaha DFKMG, Cabdirisaaq Aadan Xasan, ayaa Idaacada Codka Maraykanka qayteeda Afka Ingriisiga waxa uu u sheegay in Cabdullaahi Yuusuf uu ogolaansho siiyey shirkadda Fransiiska, Secopex, si ay u sii wadato raadinteeda qandaraaska ku saabsan in la sugo ammaanka Badda ku xeeran Xeebaha Soomaaliya, samaynta unug qaabilsan sirdoonka xeebaha, iyo tababaridda waardiyaasha madaxweynaha.

Laakiin C/risaaq Aadan Xasan waxa uu sheegay in aan Yuusuf shirkadda Secopex siin heshiis keligeed xuquuq u siinaya in ay fuliso mashruucyadaas Soomaaliya.
abdullahi yusuf
C/laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha DFKMG

"Waxa dhacday waxay ahayd, shirkaddaas ammaanka qaabilsan ayaa nasoo qaabishay anaga, waxana uu hab dhaqanka madaxweynuhu ahaa, 'waad ogtihiin, idin lama geli karno qandaraas, sababtoo ah annagu idinma siin karro lacag. Haddii aad heshaan lacag aad idinku leedihiin, isla markaasna aad qandaraas ka heshaan inta kale ee beesha caalamka - gaar ahaan Qaramada Midoobey, Maraykanka iyo dawladda Faransiiska - haddii markaas ay iyagu idin xushaan oo idin siiyaan qandaraaska iyo ogolaanshada, waxba kama qabno. Markaad heshaan iyaga ogolaanshadooda, igu soo laabto. Markaas ayaan dhehi karaa haa ama maya,'" ayuu yiri lataliyaha madaxweynaha DFKMG. [Dhegeyso halkan].

Cabdullaahi Yuusuf waxa uu la kulmay madaxda sare ee shirkadda Secopex markii uu booqday magaalada Paris bishii May 2008, ayey tiri idaacadda VOA. Booqashadaas oo qayb ka ahayd mahad naq dawladda Fransiiska kaddib markii ay ka qayb qaadatay soo deyntii dadkii saarnaa markabkii dalxiiska ee Fransiiska, meel u dhow xeebta Soomaaliya bishii April 2008.

Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf waxa uu May 5, 2008 magaalada Paris kula kulmay madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy.

Lataliyaha, C/risaaq Aadan Xasan, oo madaxweyanaha DFKMG ku weheliyey booqashadiisii Faransiiska, waxa uu yiri Cabdullaahi Yuusuf waxa uu si cad ugu sheegay shirkadda Secopex in ay tahay in ay qandaraaska gorgortan u soo gasho, qandaraaska oo lagu qiyaasay in uu ku fadhiyo lacag u dhaxaysa $75 million ilaa $150 million sanandkiiba, kaas oo soconaya saddexda sano ee soo socota.

Lataliyuhu waxa uu intaas ku daray "ma siin karno hal qof. Waxaan eegeynaa takhasusaad kala duwan, waxa kale oo aan eegeynaa kan ku haboon shaqada."

Laakiin (31/05/2008) Jariidadda Indian Ocean Newsletter waxay ku soo warrantay in heshiiskaasi uusan ahayn mid dawladda Soomaaliya khasab kaga dhigaya in ay shirkadda Secopex lacag ku siiso adeegga ay qabato. Waxayna isla markaas jariidaddu sheegtay in ay hayso dukumiinti muujinaya in heshiiskaas lagu saxiixay Paris uu shirkadda Faransiiska u siinayo xuquuq aan lagula tartami karin oo ah in muddo 36-bilood ah ay wadaan mashruucaas.

Madaxa shirkadda Faransiiska Secopex, Pierre Marziali oo waraysi siiyey hay'adda wararka ee AFP (June 14, 2008) waxa uu u hadlay sidii in shirkaddiisu ay heshay qandaraaska, ayey tiri Idaacada Codka Maraykanku.

Madaxa shirkadda Faransiisku waxa uu AFP u sheegay in shirkadda Secopex ay samayn doonto xisaab hubin (odhod) ay ku eegeyso goobaha Soomaaliya si aan u qiimaysno inta uu ku kacayo qandaraasku. Waxana uu intaas raaciyey: guushii laga gaarey soo badbaadintii shaqaalihi saarnaa doontii (la afduubay) waxay ka qayb qaadatay saxiixa heshiiska aan la galnay hoggaamiyaha Soomaaliya.

Shirkadda Secopex waxaa la asaasay sannadkii 2003 waxayna ka kooban yihiin xubno ka tirsan Ciidamada Milatariga Faransiiska iyo laamaha kale ammaanka ee dawladda.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waa uu diidey in uu faallo ka bixiyo heshiiska, isagoo yiri arrinta weli wada hadal ayaa ka socda, ayey tiri Idaacadda Codka Maraykanku. [Dhegeyso halkan].

Heshiisyada Fashilmay:

May 2006 ayey ahayd markii warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG uu shaaca ka qaaday in shirkadda NSG ay "noqonayso wakiilka keliya ee qaabilsan dhammaan hawlgallada xeebaha Soomaaliya, difaaca, ciidan iyo tababarida dhammaan ciidanka difaaca xeebta ee DFKMG." Heshiiskaas waxa uu noqday mid aan waxba ka socon, mana hirgelin. [Eeg: "NSG" Waa Shirkad Caynkee ah ]

Sidoo kale, bishii December 2005 ay ahayd markii ay soo shaac bexeen wararka la xiriirey in DFKMG ay heshiis-badeed la gashay TOPCAT, laakiin heshiiskaas hadal haytiisii laga waayey DFKMG ka dib markii saxaafaddu si xeel dheer uga faalootay arrimaha la xiriirey heshiiskaas. [Akhri Qoraal dheer oo laga qoray TOPCAT]

Taas waxaa ka sii horeysey in Febraayo 2005 uu soo shaac baxay heshiiskii saddex geesoodka ah (Puntland/DFKMG/HAFZA) ee Xaafuun muddo 99 sannadood ah lagu siinayey HAFZA, heshiiskaas oo asagana hadal hayntiisii la waayey.

October 25, 2000, wax yar kaddib markii la doortay dawladii kumeel gaarka ahayd ee Carta, ayaa Xasan Abshir Faarah oo ahaa wasiirkii macdanta, Biyaha iyo khayraadka dabiiciga ah iyo wasiirkii Beeraha Yuusuf Macallim Amiin, waxa heshiis la saxiixdeen shirkad Maraykan ah oo magaceeda la yiraahdo WORLDWATER. Heshiiskaas oo lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho waxa uu ku saabsanaa in dhammaan adeegyada la xiriira maaraynta Biyaha iyo tamarta qoraxda, in muddo sadex sano ah ay shirkaddaasi kala taliso dawladda, kana caawiso wax kasta oo la xiriira biyo gelinta, sida tuubooyin gelinta Muqdisho iyo magaaloyinka kale iyo dhulka ka fog magaalooyinka ee dalka oo dhan. Xasan Abshir waxa uu xilligaas yiri: "Dadka Soomaaliyeed oo la siiyo biyo nadiif ah iyo koronto ayaa ah waxa ugu weyn dib u dhiskayaga." Sidoo kale Yuusuf Macallin waxa uu yiri: "Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu ku dhisan yahay beeraha, waxaa waajib nagu ah in aan dib u soo celino hab bereedkii. Shirkadda WorldWater waxaan weydiisaney in ay naga caawinto sidii aan u maarayn lahayn nidaamka waraabinta beeraha ayadoo la deegsanayo habkooda Qorraxda lagu soo saarayo biyaha, sida ugu dhaqsaha badan." Lama sheegin meesha uu ku dambeeyey heshiiskaasi.

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.

Akhri qormadii Fahad Yaasiin ee Agoosto 15, 2005

Total, Fina, ELF ayaa bishii February 2001 waxay Soomaaliya la galeen heshiis baaritaan shidaal, heshiisyadaas oo la sheegay in Xasan Abshir qayb ka ahaa. Lama sheegin meesha uu heshiiskaasi ku dambeeyey.

Dhammaan heshiisyadaas waxay sugayaan in dawlad Soomaaliyeed oo xisaabtami karta ay ka jawaabto.

Sidee madaxdii hore ee Soomaalidu adduunka ula hadli jireen ama ula xaajoon jireen - Eeg Halkan - waa Xuseen CabdulQaadir Qaasim, wasiirkii Khayraadka Macdanta iyo Biyaha Soomaaliya oo October 8, 1976 magaalada New York wada hadal ku dhex maray xoghayahii Maraykanka ee xilligaas Henry KISSINGER. Wasiirku waxa uu xilligaas wakiil u ah wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya. Waxaa goobta wada hadalku ka dhacay fadhiyey Safiirkii Soomaalida ee Washinton DC, Cabdullaahi Caddow iyo Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo Maxamed Maxamuud. Wadahalkii dhex maray Wasiirkii Soomaaliya iyo Xoghayihii Maraykaanka, oo noqday qoraal dhan 11-bog, waxa uu sir ahaa 30 sano - laga soo bilaabo markii wada hadalku dhacay October 8, 1976 ilaa May 4, 2006, markaas oo Maraykanku sirnimadii ka saaray. Qoraalkaas ka Akhri Halkan (pdf).

  • Dhibaatada ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed haysata waxaa kamida in madaxda Soomaaliyeed marka ay ka degaan xilkii ama laga wareejiyo aysan wax qoraal ah ama buug ah ka samayn khibradoodii intii ay xilka hayeen - taas oo tix raac u noqon lahayd shacabka iyo cidda xilka uga dambaysa - wixii uu qofkaasi saxay in laga faa'iido, wixii khaldamayna aan markale lagu dhicin. Qoris la'aantaas waxaa ku luma khibraddii qofkaas laga faa'iidi lahaa.
  • Akhri YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

Isha: RIA Novosti, AFP, VOA, Africa Intelligence, AP, Google images, Interfax, Itar-Tass, onwar, Globalsecurity.

BAARID | SEARCH


Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri

aloreWasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal... Akhri...

gacamayTaliyihii Iscasiley ee Booliska Puntland oo Eedayn Kulul u Jeediyey Wasiirka Amniga
"Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin... Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS