SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSUQMAASUQA - PUNTLAND

Cadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?

  • Faysal Cali Axmed
    E-mail:
    faysal-dheere@hotmail.com
    Bosaaso,
    Puntland, Somalia
    Link:
     www.somalitalk.com/puntland/faysal.html


    Afeef: Nidaamka waayadan Soomaaliya ku dhisan tahay ayaa ah in maamulka lagu qaybiyo hab qabiil, sidaas daraadeed marka laga hadlayo caddalad falka maamulka waxaa la eegaa sida uu dadka ugu sidan yahay. marka arrintaas laga hadlayona looma jeedo beesha uu markaas madaxweynuhu ka dhashay ee waxaa loo jeedaa sida uu madaxweynuhu ugu tagri falay caddaalada iyo in la iftiimiyo hab dhaqanka maamulka si xukuumaddu ugu waano qaadato ama si xukuumadda xigta aysan khaladkaas oo kale u gelin....

Qormada: 1aad | 2aad | 3aad |

Sharci ahaan mudadii xukuumada Cadde Muuse xilka hayn lahayd waxay ku eegtahay biloowga sanadkan soo socda ee 2008, su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay Kaabe Cadde Muuse ma geli doona doorasho, mise waxuu sida muuqata dalbanayaa muddo-kororsi?

Haddii aynaan is indha tirayn ma muuqato wax u eeg doorasho, ma muuqato wax u eeg dimiqoraadiyad. Website-ka uu Cadde Muuse leeyahay (www.puntlandgove.net) waxa lagu qorey in Cadde Muuse xilkiisu ahaa muddo 4 sano ah!! Ma garanayo cidda la rabo in ay qoraalkaas aaminto.

Yaa beenta loo sheegayaa? Yaa la marin habaabinayaa?

Macno wayn keeni mayso in aan ku meermaraysano doorasho ha dhacdo iyo yeysan dhicin, ee waxa waajib ah in la badbaadiyo mandaqadeena maadaama aynu indhaheen ku aragno dhaqan xumada xukuumada hadda jirta. La yaab ma lahan in aan aragno
Xildhibaan Xareed oo xukuumad ku amraya in ay Garoowe ku soo laabato, waa wadiiqo lagu yaqaan qof kasta oo xil kororosi raba. Is waydiintu waxay tahay Golaha wakiilada Puntland oo weligood Cadde Muuse u sacab tumayey maxay maantey u muujinayaan siday uga soo horjeedaan musuqmaasuqiisa? Malaha Xareed waa saxanyahay oo Cadde ayaa iska indhatirey golihii wakiilada…

Si kastaba ha ahaatee waxaa inoo wada muuqda in golaha wakiilada aysan ahayn ha’ad u madax banaan sharci dejinteeda. Rumayso ama ha rumaysan, maamulka Puntland waxaa gole sharci dejin ka ah dhowr wiil oo ay Cadde ilma adeer yihiin, dhamaan wasiirada golaha xukuumada Puntland waa hurdaan, umana madax banaana shaqadooda, tusaale ahaan wasiirka kaluumaysiga waxaa ka awood roon xoghaynta madaxtooyada Eng. Cayduruus.


Degmada Caluula oo Rafcaan u qaadeysa Doonyo ay Xukuntay Maxkamada Boosaaso

  • $100,000 oo Doolar oo lagu Ganaaxay Maraakiib iyo Doonyo tiradoodu dhantahay Sagaal (9).

Boosaaso: Maxkamadda darajada Koowaad ee G/Bari Boosaaso ayaa May 7, 2007 waxay xakuntay doonyo, marakiib muddo 10 cisho ka hor ah laga soo qabtay aagga Qandala iyo Caluula.

Lix (6) ka mid ah doonayahaas waxaa lagu ganaaxay lacag u dhexaysa $3200 ilaa $47,000 oo Doolar. Waxaana Saddex (3) doonyood kabtanadii wadey lagu ganaaxey midkiiba $5,000 oo Doolar.

Isku darka lacagta lagu xukumay doonyahaas waa $100,000 oo Doolar.

Waxaa kale oo ganaax lagu xukumay shaqaalihii doonyahaas oo tiradoodu 104 qof, kuwaas oo mid kasta lagu xukumay $100 doolar.

Maxkamadda waxaa guddoomiye ka ah Maxamed Cabdi Awaare, waxaana xeer ilaaliye ka ahaa Axmed Taaran.

Saddex (3) ka mid ah doonyaha la xukumay waxay ruqsad ka haysteen maamulka degmada Caluula, waxaa sidaas sheegay  Maamulka degmada Caluula.

Gudoomiyaha degmada Caluula, Xareed Ciise Cumar, waxa uu qaar ka kamid ah warbaahinta Boosaaso u sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka doonyahaas lagu ganaaxay.

Isha: Wakaaladaha Wararka: May 7, 2007


Waayadan danbe reer Garoowe waxay u ooynayaan xukuumadii oo ka guurtey magaaladoodii, qoraalkaygii hore baan ku xusey in musuqmaasuq jiro, sida muuqatana reer Garoowe ayaa si wayn iila arkey is-daba marinta boqor Cadde iyo ilma adeertiis.

Bal u fiirso baaxada uu leegyahay sharci jebinta Cadde Muuse, sidee bay ku dhici kartaa dawlad aan deganayn magaalo madaxdii mandaqada? Maxaa geeyey Boosaaso? Golaha wasiiradiisa maxaa ku daba darey oo geeyey meesha uu Cadde joogo?

Sharci jebinta Cadde Muuse kuma ekaan in uu Garoowe iskaga huleelo, waxaa tusaale kale kuugu filan fadeexada uu waayadan ka wado Bosaaso, ilma adeertiis maraakiib ay soo af-duubteen oo ay ka waayeen wax hanti ah oo ay kala wareegaan ayaa maxkamad soo taagey maraakiibtaas oo u soo socdey in ay helaan ruqsad kaluumaysi. Akhristoow xeer ilaaliyaha, kan wax dacwaynaya, kan qaadiga ka ah maxkamada, kan makhraatiga ah, kulligood waa Cadde Muuse qooyskiisa. Maxaan ku sheegi karnaa maxkamda noocaas ah?

Maalinimadii Axadda, May 6, 2007 hoolka maxkmada degmada Bosaaso waxaa iska taagey nin sheegtey in uu yahay xeer-ilaaliye, waxa uu aad u baryey qaadiga maxkamada isagoo dalbanaya in maraakiibtan lagu ganaaxo lacag, xeer ilaaliyuhu ma uusan tilmaamin wax sharci ah oo uu ku tiirsan karo.

Dabcan way iska cadahay xeer-ilaaliyaha in waxa uu doonaya oo ku wayni tahay lacagtaas ganaaxa ah oo lagu soo rogo maraakiibta iyo doonyaha, dabcan ninkaasi wax dan ah kagama jiraan kaluumaysiga sharci darada ah oo loo haysto maraakiibtan.

Waxaa xusid mudan in maraakiibtan iyo doonyahanba laga soo qabtey meel u dhow magaalooyinka Qandala iyo Caluula, maxaa loogu maxkamadaynayaa Bosaaso, maadaama maamulka labadaasi magaalo ay iyagu xaq u leeyihiin in ay la xisaabtamaan maraakiibtaas iyo doonyahaas?

Su’aasha kale ee is-waydiinta habooni waxay tahay aaway mas’uulkii dhamaa ee Puntland? Jawaabta oo fududi waa in uu UAE joogo, balse qaybta dhibta badani waxa weeyaan maxuu ka qabanayaa UAE ee oo uu hadda muddo ku sugnaa?

Cadde Muuse waxuu UAE aadey wadanka oo colaad ku jira, qaab dhismeedka xukuumada Puntland ayaa ku dhisan in madaxwaynaha Puntland uu isagu yahay taliyaha Milliteriga, way muuqataa in uu waajibaadkaas dastuuriga ah uu iska ilaaway.

RAK and Puntland State of Somalia sign agreements to boost bilateral cooperation
Cadde Muuse oo heshiis la saxiixanaya Sheikha
Ras Al Khaimah | Apr 16, 2007

Nin meel u caddaha meeli ka madoow!! Dhahar oo Somaliland qabsan rabto ayuu Al-jaabiri iyo maafiyadii Dubai kula shirayey. Yaabka yaabkiis. Qofka waxaasi sameeynaya waa madaxweyne.

Aynu iftiimino qulqulatooyinka waayadan ka socda Boosaaso, Garoowe, iyo Xuduudka, sida qof kastaayi ogyahay magaalada Boosaaso waa xaruntii ganacsiga DGPL, waxay hooy u tahay ganacsatada Puntland. Dekedda magaalada Bosaaso iyo weliba Gegida diyaaradaha waa labada ilood oo ay ka soo xerooto dhamaan lacagaha canshuuraha ah ee ay dawladu hesho. Magaalada Boosaaso waxay la ciirciiraysaa golihii xukuumada oo xarrun ka dhigtey kana soo guurey magaalada Garoowe oo aysan wax lacag ah haba yaraatee aan ka ahayn mushaharka looga keeni jirey Boosaaso ka heli jirin.

Dhibaatada haysta magaalda Boosaaso waxaa ugu wayn iyadoo isbarbaryaac wayni ka jiro magaalada. Boosaaso waayadan waxay la deristey amni xumo iyo isku-haleyn darro, cid kasta oo Boosaaso joogta xilligay doonto ayay ka cabsi qabaan in uu iska hor imaad dhaco, sababtuna way cadahay waa ganacsadihii reer Sucuudi Caraabiya ee yiri arigi Puntland baan hal maxjar ku kaydsanayaa oo keligay qaadnayaa… Arrinkaas waa laga dhiidhiyey oo ganacsadtii way ku gacan sayreen, taasi waxay keentey in la kala shakiyo oo magaaladii ay u muuqato meel kalashaki.

Magaala madaxda DGPL waa cidla. Mataxooyadii iyo dhamaan xafiisyadii dawlada waa banaanyihiin, Cadde Muuse-na waxaan hubaa in uusan wax wayn u arkin in uu magaala madaxda ka guuro sababtoo ah dastuurkii la rabey in uu ku dhaqmo ayuuba aaminsanyahay in uu yahay kan ka hortaagan helitaanka maalka uu u mintidayo in uu dhaqso ku helo.

Cadde Muuse xil iskama saarin in uu ilaaliyo gobolada Sool iyo Sanaag oo ah baro colaadeed oo ay ka taagantahay muran dhulsheegasho ku saabsan iyo khilaaf siyaasadeed oo inoo dhexeeya maamulka Somaliland. Dadkaas reer Sool iyo Sanaag ee u baahan in la gaarsiiyo maamuladii muhiimka ahaa isla markaana loo qoondeeyo mashaariic horumarineed ma aysan helin xaqoodii, waxaaba khatar ku jirta amnigoodii oo aysan aqoon waxa ay ku dambeeyn doonto aayahooda dhow.

cadde muuse
Jeneral Cadde Muuse Xirsi

Hadii aad isku geeysid dhamaan khaladaadkaas Cadde Muuse ku kacayo waxaa toos ku garanaysaa in Cadde Muuse uusan lahayn awood uu ku hogaamiyo dadka kuna degsado siyaasad uu ku hago barnaamijkiisa awoodeed. Madaxweyne ku guuldaraystey in uu kasbado dadkii, ku guuldaraystey in uu amnigii gobolka horumariyo, ku kacey musuqmaasuq baahsan, dhacey hantidii umadda si aan dahsoonayn, aan haysan wax khibrad ah ama aqoon uu wadankii ku sii maamulo, sida muuqata ma rabo in uu doorasho ku dhaqaaqo, mana raba in uu ka dego xilkaas. Sababta aan sidaas u leeyahay wax waaye, qofku markii uu isleeyahay dib ayaad codka dadwaynaha ugu baahan doontaa ma dhaco hantidooda, ma khalkhal geliyo nabadgelyadooda, horumarkooda ayuu u kacaa, wax lagu xasuusto ayuu reebaa. Marka qof aan intaas oo dhan sameeyn wuu hubaa in uusan helayn hal cod ama hal taageero, sidaas daraadeed Cadde Muuse waxaa u qorsheeysan in uusan ka deign madaxtinimada, dalbado muddo dheer, hadii aan taas loo yeelina uu dagaal bilaabo, taas oo keeni karta khasaare naf iyo maalba isugu jirta.

Hadii tasi jirtona waa ayaan darro in haysta hadaynu nahay dadka Puntland degan. Qofka laga dareemo in uusan u qalmin hogaaminta dadwaynaha waxaa haboon in la iska beddelo, bacdamaa uusan Cadde Muuse lahayn tilmaan siyaasdeed oo qurux badan, taas bedelkeedna ku sifoobey hogaamiye aan lahayn siyaasad isu dheelitiran, kana bayrey wadadii saxnayd, kuna dhex jira wax ka baxsan siyaasad, kana fogaadey hogaamintii hufneeyd ee lagu yaqaaney labadii madaxweyne ee isaga ka horeeyey.

Reer Puntland-oow sida muuqata waynu u wad ajeedna meesha Cadde Muuse inoo wado oo ah dagaal khasaare badan oo gilgila gayigeenan nabdoon een u baahnayn colaad, waxaan si wayn u hubaa in hadii uusan ka waantoobin Cadde Muuse waxyaabha foosha xun ee uu ku guda jiro in saadaasha dagaal ay imanayso maalmo gudaheed isla markaana inoo keenta taariikh modoow oo aynu si naxdin badan mustaqblka u xusi doono.

Ugu danbeeyntii waxaan leeyahay bacdamaa xilkii Cadde gabaabsi ku jiro, Cadde Muuse iyo kuwa u shaqeeya ma dhaafi doonaan Puntland mise waxay dalban doonaan kororsi?

Akhri: Maxkamadda Darajada koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?

Faysal Cali Axmed
E-mail:
faysal-dheere@hotmail.com
Bosaaso,
Puntland, Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD