SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Khudbadii Gaalkacayo ee Cadde Muuse 

xariiri

Cabdiraxmaan Xariri –

Saudi Arabia

xariri@hotmail.com


Markaan Dhegeystey Khudbadii Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ee Gaalkacayo waxaa ii muuqatay in Khudbada "boqorka" madaxweynaha ahi jeediyey oo sida la sheegay toos looga soo tebinayey warbaahinta gudaha ay ahayd mid aan waafaqsanayn dareenka Soomaalinimo ee ay caan ku noqdeen reer puntland waxayna ahayd baa la orankara mid aad moodo in si khalad uu akhriyey madaxweynuhu oo uu ugu akhriyey dad khalad ah oo looga akhriyey meel khalad ah (wrong man, wrong people and wrong place). 

Ma doonayo inaan Madaxweynaha ama Boqorka xasuusiya doorka ay beesha uu ku halqabsaday ku lahayd la dagaalankii gumaysiga iyo taabagelinta dowladnimadii aynu qaadanay 1960kii ee inaga burburtay 1991, mana rabo inaan madaxweynaha xasuusiyo in reer Puntland ay ku guulaysteen in ilaashadaan maamul goboloodkooda iyagoon u yeeran shisheeye ama aan soomaalinimada ceel dheer ku ridin mudadii 15ka sano ahayd ee wadanku dagaalka ku jirey.  


MAXAMED ABSHIR: NELSON MANDEELAHA SOOMAALIYA...

Sidoo kale Ma doonayo inaan madaxweynaha u sheego hadal uu hoos iigu yiri Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo ahaa "Beelaha soomaliya beel waliba wax bay ku nooshay anaga beeshayadu waxay ku nooshahay soomaaliweyn-nimo iyo qaranimo hadii soomaali lawaayana waa nala waayey, hadii soomaali la helana waa nala helay…Balse aan meel dhow ka soo qabto oo tibaaxo lix qodob oo aan is leeyahay inta hadalkii madaxweynuhu raadka ku reebay aad ku dhaydid. 

1.  Markii dagaalka sokeeye halka ugu sareeya marayey ee gobolada koonfureed ee soomaaliya ay adkayd in si sahal ah loo dhexmaro ama loogu noolaado gaar ahaan hadii aad ka soo jeedid beeshii loo tirinayey inay isku hayb ahaayeen dowladii milateriga ahayd, gobolada puntland waxay ahaayeen meel soomaali u dhex ah oo cid waliba ku noolaato, reer puntlandna waxay sharaf ku mutaysteen inaanay dagaalkii hayb-haybta ahaa ee koonfur ka socday aanay u soo dhoofin goboladooda, waana ta keentay in  goboladaasi ilaa maanta ay xarun u noqdaan dadka tahriibayaasha ah ee Geeska Afirka oo dhan ka socdaala. Xassan Buulle oo aanu dugsigii sare isku fasal (galas) ahayn ayaan ku arkay magaalada Jiddah ee wadanka Saudi Arabia isagoo safar tahriib ah kaga soo galay dhinaca Yaman soona maray magaalada dekeda ah ee Boosaaso isagoo igu yiri markaan waydiiyey siduu arko waxa soomaaliya ka soconayey "Weligay isma oran xamar baa qabiil-qabiil u kala xirmaysa oo goboladii soomaaliya ugu yar yaraa baa soomalinimo iyo wadaniyadi ka dhalanaysaa".

2. Gobolada Puntland waxay ahaayeen meeshii ugu horeysey ee maamul diini ah oo ay horkahaysey Al-Itixaad laga dhiso iyadoo madaxdooda sar-sare ay ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Sh.Cali Warsame oo labaduba ka soo jeeda gobolo ka baxsan Puntland xili dagaalo beel beel ihi ka aloosnaayeen soomaliya inteeda kale.

3.  Markii dowladii Carta lagu soo dhisay Jabuuti, ee madaxweynaha loo doortay Cabdilqaasim Salaad Xasan (waxaa wax lagu qaybsaday 4.5 oo ah qabyaalad)  dadweynaha reer Puntland waxay muujiyeen taageerada ay u hayeen maamul qaranimadeedii Soomaaliya soo celiya cidii doonaysaaba madax haka noqotee, waxayna bilaabeen culays ay saareen madaxdii Puntland si ay ula shaqeeyaan maamulkii Carta lagu soo dhisay taasoo aakhirkii keentay inay ku khasbaan in Madaxweynihii xiligaas Cabdilaahi Yusuf Axmed inuu iskaga baxo caasimada Puntland ee Garoowe.

4. Intii shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed uu ka socdey Kenya, shacabka Puntland waxay hiil iyo hooba ku taageerayeen shirka si uu u guulaysto oo looga baxo dowlad la'aanta, taageeradaas oo dadka qaar u arkayeen mid lugu bari-taarayey madaxweynaha dowlada federaalka ah ee xiligan ayaa xaqiiqadu ahayd in shacabka puntland ay kala weyneyd dowladnimadii oo soo noqota in cabdilaahi Yusuf madaxweyne noqdo…..Taasna waxaa cadeeyey waraysiyo ay soo qaaday shabakada wararka ee qaramada midoobey IRIN xiligii uu socdey shirka dib u heshiisiintu ee Nairobi.

5.  Xiligii Abaaraha Ba'ani ka jireen meelo ka mid ah gobolada koonfureed ee soomaaliyeed reer puntland waxay ku tabaruceen maaliyadii ugu badnayd ee mar qura la gudoonsiiyo gudigii gurmadka abaaraha.

6. Taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya taasoo aan puntland la'aanteed shaqayn karteen, gudaha soomaaliyana u soo guuri karteen. Waxaana xusid mudan in mar uu tababar u furayey ciidamo Boolis ah degmada Carmo, PM, Cali M. Geedi ay dadkii soo dhoweynayey raisul wasaaraha oo tiradoodu kumaankun ahayd oo safnaa inkabadan 20km, iyadoo ayaamo ka-horna la doonayey in lagu khaarajiyo Bam galaaftay nolosha qaar ka mid ilaaladiisii mar uu booqasho ku tegey magaalda uu asal ahaan ka soo jeedo ee Muqdisho. Hadaladii RW waxaa ka mid ahaa "Hadii Soomaaliya sideedii hore ku soo noqota, abaalka reer Puntland soomaliya u galaya lama iloobi doono. 

Markaan eegno lixdaas qodob ee kor ku xusan iyo kuwo kaloo badan luuqada qudha ee ay reer Puntland fahmaan waa ta soomaalinimada, midnimada, qaranimada iyo walaaltinimada mana aaminsani in Soomalinimada loo wax yeeleeyo si looga hortago Maxkamadaha Muqdisho oo iyaga qudhoodu jecel in logu yeedho Islaamiyiin halkii laga oran lahaa Soomali.  

Markaa Madaxweynaha Puntland waxaa la gudboon in uu shacabka reer puntland uu mariyo dhinaca ay jecelyihiin inay maraan oo ah dhinaca wadaniyada iyo Somaaliweynimada, taasoo ah dariiqada keliya ee lagu kasban karo qalbigooda iyo ka soomaalida kalaba laguna joojin karo Maxkamadaha u tafa-xaytey inay ku xaliyaan mashaakilka Soomaliya iyo kuwa deriskaba qori caaradii, iyo dagaalo diineed. 

Walaahu Aclam

Cabdiraxmaan Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD