SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSUQMAASUQ - LA DIRIR

Qormadii Asbuuca ee Musuqmaasuq La Dirir

Axmed Yusuf | puntland1998@yahoo.co.uk

  • Qoraaga "Musuqumaasuq la dirir" ee fikradan leh, waxa uu akhristayaasha halkan ugu soo bandhigi doonaa qoraal asbuucle ah sida waqtigu ugu saamaxo oo uu ka soo qori doono madaxda Puntland waxyaabihii ay u qabteen bulshada...

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DGPL, Gaagaab

Axad: Feb 18, 2007

Gaagaab
Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab"

Madaxweynihii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, Siyaad Barre.

Hordhac

Mudane Gaagaab waa nin midabbo badan oo si sahal ah ugu milmi kara siyaasadda ka jirta Soomaaliya, khaasatan Puntland oo uu hadda ka yahay Wasiirka Maaliyadda. Wakhtiga lagu jiro waa ninka ugu tunka weyn siyaasadda Puntland, waxaana dad badan oo aan ku arkay magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo khaasatan Gaalkacayo qabaan in uu yahay maskaxda ka danbeeya siyaasadda gurracan ee General Cadde. Taas ayaa Gaagaab ka dhigeysa in uu maanta yahay saaxiibka ugu dhow ee General Cadde uu leeyahay. Labadaas nin ayaa hadda loo tirinayaa in ay masuul ka yihiin musuqmaasuqa, qaraabakiilka iyo dawlad xumada ka jirta Puntaland. 

Waxaa nasiib darro ah in Gaagab oo midabadiisa badan la yaqaano, oo weliba nacayb siyaado ah u qabey General Cadde, hadana Generalku u dhiibto Wasaaradda Maaliyadda, hadana yahay saaxiibka ugu dhow General Cadde.

Waxaa kale oo nasiib darro ah in Gaagaab wasaaradda uu madaxda ka yahay oo laga rabey in ay noqoto tan meekhaamisa hantida DGPL oo weliba la qiyaasay in ay wasaaraddaas bishiiba soo gasho in kabadan $2.5 million oo doolar, ay noqotay wasaaradda lagu tilmaamay tan ugu musuqmaasuqa badan, sida xitaa uu carrabaabay General Cadde Muuse.

Dawaldii kaligii taliye Siyaad Barre 

Mohamed Siad Barre
Siyaad Barre

Gaagaab waxaa uu ka mid ahaa Kaadiradii ugu waaweynaa Jaalayaashii kacaankii dawaldii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre [Allah ha u naxariistee]. Waxaa uu ahaa qoraa weyn oo qoraalo ku soo saara journal-kii ku hadli jirey magacii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Dadka u dhow dhow ee aan ku arkay Boosaaso ayaa ii sheegay in uu aad ugu dhowaa xisbiyada shuuciga ah. Waxaa taasi u sahashey in uu aad ugu milmo Kacaankii markaas ka talinaayey Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa keligii taliye Maxamed Siyaad Barre. Arintan ayaa Gaagaab waxaa ay sii say khibrad aad u saraysa oo keentay in uu si sahal ah ula jaan qaadi karo siyaasad kasta oo Soomaaliya ka curata. Haddii ay ahaan lahayd mid qabiil sare ah sida Puntland, amaba mid hoose sida reer Mudug. 

Waa nin da’adiisu aaney yaray oo ku soo barbaaray Mudug halkaas oo aad loogu sheego in uu ka jirey nin tooxsiga, qabiil iyo haanaan socodka qabiilba. Arintan ayaa aad u soo tababartay Mudane Gaagaab, waxaana uu maanta khibrad fiican u leeyahay kala qaybinta qabiilada iyo weliba isticmaalka qabiilka.

Asaaskii DGPL iyo Kusoo Biiridii Gaagaab

Gaagaab waxaa uu siiqada siyaasada ee Puntland ku soo biiray, isaga oo qurbaha ka soo noqday, 1998 oo ahayd markii la dhisay DGPL. Waxaa uu markiiba rafiiq dhow la noqday cabdulaahi Yusuf oo ah nin marna ay isku beel yihiin, kana soo wadda jeedaan Mudug. Midaas ayaa keentay in labaad nin ay isku aragti ka noqdaan arrimaha siyaasada Puntland.

Abdullahi Yusuf Ahmed
C/lahi Yuusuf

Mudane Gaagaab ayaa si sahal ah ku soo galay Baarlamaanka DGPL isaga oo noqday Xubin Baarlamaan (XB). Waxaa dad badan oo siyaasadda Puntland indha indhaya ay aad ula yaabeen markii uu noqday XB, maadama Cabdulaahi oo ay jifo aad u hoosaysa uu wada yihiin uu isna u tartamayey Madaxweynaha DGPL. Sababtu waa wax cad. Sida uu doono haku soo galee, Mudane Gaagaab waxaa uu ahaa xubin Barlamaan oo aad ugu fir fircoon danta gaarka ah ee isaga iyo Cabdulahi Yusuf ka dhexeysey. Waxaa uu ahaa qofka ugu dhow ee jaalaha la’ah Cabdulahi Yusuf isaga oo seef labo af leh sita. Mida qabiilka oo laba nin aad ugu soo bar baareen, iyo iyaga oo dantooda, damaaciga ku dhisan hoosta ka watey. 

Gaagaab iyo Siyaasadii Is-khilaafka Puntaland ee 2001

Arinta damaaciga ah ayaa waxaa ay si waadix ah u soo if baxday wakhtigii la soo gaarey doorashadii Puntland ee 2001dii. Xirfada Gaagaab markaas ayey hanaqaad noqotay. Waxaana uu noqday gudoonkii guddigii loo xilsaaray Axdigii Puntland ee wakhtiga lagu kororsanayey. Gaagaab, isaga oo baal maraya sharciga u yaaley Puntland (dastuuri iyo dhaqanba) waxaa uu go’aamiyey in wakhtiga dawalad oo markaas ku ekaa 30 June 2001kii, lagu daro sadex sano oo kale. Waxaa Gaagaab iyo jaalayaashiis sal uga dhigeen sababta kordhinta arimahan hoos ku qoran oo ay soo gudbiyeen Gudigii Doorshada Dawlada Goboleedka Puntland;

  • a) Nabadgelyada oo aan sugnayan illaa xad.

  • b) Baahinta maamulka Dawladda oo aan sidii la rabay uga hirgelin Degmooyinka iyo Tuulooyinka Dalka.

  • c) Tiro-koob sugan oo aan laga qaadin Dadka. 

  • d) Dhaqaalaha. 

  • e) Tababar la’aanta hawlwadeenada. 

  • f) Dhibaatooyinka siyaasadaha jaah-wareerka ah ee Soomaaliya ka jira.[1]

In kasta oo Cabdulahi Yusuf watey in, qiimahay doonto ha ku kacdee, loo kordhiyo wakhtiga, ayaa hadan waxaan si toos ah amaba dadban uga hor imaan Gaagaab iyo jaalayaashiisii Barlamaanka Puntland ee kororsaday jiritaankooda. Gaagaab waxaa uu noqday mindida daabkeeda uu Cabdulahi Yusuf haystey. 

Reer Puntland waa ay ka dheregsan yihiin, dhibtii arinta kororsigu keentay. Waxaa la qiyaasaa in ay ku naf waayeen dad tiradoodu kor u dhaaftay ilaa 300 oo qof. Waxaana dhaawacmay ilaa shanboqol oo qof. Cidna ma tira koobin dhaqaalaha ka kooban hantida guud iyo mid gaarka ah ee ku burburtay. Dadka ku dhintay dhibtaas uu horseedka Gaagaab iyo Cabdulahi Yusuf ay ka ahaa, waxaa ka mid ahaa biri-magaydho uu ka mid ahaa Suldaan Hure iyo Farax Dheere. 

Nairobi 2003-2004 

Wakhtigii uu socdey loolankii siyaasadda iyo dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socdey Eldoret & Nairobi, Kenya, Gaagaab waxaa uu aad uga shaqeeyey sidii uu madaxweyne ugu soo bixi lahaa jaalihiis Cabdualahi Yusuf Axmed. Wuxuu aad uga shaqeeyey dhex gelid beelaha kale ee Soomaaliya, isaga oo danta gaarka ah ee Cabdulahi Yusuf wadda.  Cabdulahi Yusuf ayaa waxaa madaxweyne Somaliyeed oo ku meel gaar ah loo doortay 10/10/2004kii isaga oo codka ku helay 189.[2]

M/ ku-xigeenimadii Gaagaab iyo Isku daygii Kororsiimo kale ee 2004

Mohamed Abdi Hashi
M. Cabdi Xaashi

Gaagaab ayaa ku soo noqday Puntland markii Cabdulahi Yusuf loo doortay madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya. Gaagaab waxaa uu isu soo sharraxay madaxweyne ku xigeen, ka dib markii Cabdulahi Yusuf uu ka baxay jagadii madaweyne ee Puntland. Tan ayaa keentay in Madaxweyne ku xigeenkii wakhtigaas Maxamed Cabdi Xaashi uu si toos ah u noqdo madaxweynaha Puntland. Lakiin waxaa loo baahday Madaxweyne ku xigeen. Dad badan ayaa aad ula yaabay damaaciga Gaagaab, waxaana dadka reer Puntland qaarkood u qaateen in ay noqotay sidii dhaxaltooyo oo kale. Mar hadii Cabdulaahi noqday madaxweynaha Soomaaliya lama fileynin in Gaagaab oo ay jifo hoose yihiin isna isu soo sharaxo M/ku xigeenka Puntalaand. Sida oo kale lama fileynin in Gaagaab oo jifo hoose ay Cabdulahi Yusuf yihiin uu isu soo sharaxo M/ku xigeen. Arintu sidey doonto ha noqtee, Gaagaab ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka DGPL loo doortat 18kii October 2004, sideed cisho ka dib markii Cabdulahi Yusuf loo doortay madxaweynaha kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.[3] 

Markii Gaagaab uu salka la helay kursigii Madaxweyne ku xigeenka ayaa isaga iyo saaxiibkiis Maxamed Cabdi Xaashi waxaa ay ku hamiyeen sidii loo kororsan lahaa wakhtiga. Waxaa markii u horaysaba Gaagaab loo magacaabay in uu noqdo gudoomiyaha guddiga difaaca Puntland.[4] Waxaa dabasocotey isaga oo u guurey Laascaanood oo uu fariisin ku meel gaar ah ka dhigatay. Arintan ayaa noqotay mid ugu muuqata arin xasaasi ah oo dib u dhigi karta doorasho, wakhtigoodana kordhin karta. 

Waxaa Gaagaab iyo Maxamed Cabdi Xaashi ku dhawaaqeen in waddanka aan doorasho ka dhici karin, maadaama dagaal uu ka socdo xuduudda labada gobol ee Puntland iyo Somaliland. Dad iyagu aad ugu dhow dhow siyaasada Puntland ayaa ii xaqiijiyey in arinkan kororsiga ah uu ka dabeeyey Gaagaab oo ay talo hoose ku soo wadagaareen Cabdulahi Yusuf oo ka baqsanaa in qof aan isaga daacad u ahayn hogaanka Puntland qabto. Habkaas kororsiga ee la qorsheynayeyna waxaa Puntland looga yaqaan "Xaalad Abuur" - oo ah in la abuuro xaalad dhalisa in dadka loogu sheego in dalku xaalad adag ku jiro oo aan doorasho madaxweyne la qaban karin.

Faroole
C. Faroole

Arintaas ayaa waxaa gaashaanka u daruuray dadkii isbedel doonka ahaa, ee rabey in ay doorasho dhacdo. Ragaas isbedeldoonka ah ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Faroole , General Cadde Muse iyo odayaal dhaqameedyo muhiim ah. Labadaas nin ayaa waxaa ay qabeen in aan loo baahnayn dagaal kale oo ka dhalan kara kororsiga la rabo. Waxaana ay ku dadaaleen, geed kastan u fuuleen, in doorasho dhacdo marka ay dhamaato wakhtiga Gaagaab iyo Maxamed Cabdi Xaashi oo ku ekaa 31dii December 2004. 

Tartankii Madaxweyna nimada Puntland 2005 

Siyaasiyiinta reer Puntland, khaasatan kuwa aad ugu dhow dhow General Cadde Muuse ayaa aad uga yaabay markii General Cadde uu wasiir ka Maaliyada u doortay Gaagaab oo lixdii bilood ee ka horeysey doorashada aad uga soo hor jeedey qabashada doorashada iyo isbedel, isla markaasna madaxweyne ku xigeen u tar tamayey isaga oo taageero buuxda oo aan qorasoonayn u hayey jaalihiis Maxamed Cabdi Xaashi. Siyaasiyiinta aan dhowaan Boosaaso ku soo arkay ayaa ii sheegay in ay filan waa ku noqotay in Gaagaab oo General Cadde aad uga soo hor jeedey wasiir uu noqdo, oo weliba wasiir uu u noqdo ninkii uu aad uga soo hor jeedey, wakhtiyadii dagaalka iyo wakhtiyadii doorashada ee dhamaadkii 2004 iyo horaantii 2005.

Ilaa hadda ma cadda waxa Generaalka ku khasbay Gaagab in uu wasiirkiisa Maaliyada u doorto. Waxaa laakiin cad, in uu ku yimid sabab Cabdulahi Yusuf la xiriirta. Cabdulahi Yusuf oo aad uga soo hor jeedey doorashadii General Cadde ayaa markuu arkaya in Cadde soo baxay, oo uu ku soo baxay hiilada Dr. Cabdiraxmaan Faroole, ayaa Cadde ku khasbay in maaliyadda loo dhiibo Gaagaab si uu dhaqaalaha uu u baahan yahay uga helo dawalada Puntland. Dhinaca kale General Cadde ayaa taliyayaashiisu u sheegeen in aan marna laga maarmi karin jifada Cabdulaahi iyo Gaagaab oo markaas ciidamada daraawiisha ee Puntland dadka ugu badan, uguna tayada rooni ahaayeen. Taas ayaana ah, sababta keentay in Generalku uu u safro Laascanood si uu ula soo hadlo ciidamo gedoodey oo laga baqay in ay Garoowe la wareegan iyaga oo inqilaabay General Cadde Muuse. 

Wasiirka oo howshiisii Wasiirnimo ku dhacay 2005-2007 

gaagaab
Gaagaab

LACAGTA LAGA QAADO ALAABADA KA SOO DEGTA DEKEDDA MAGAALADA BOOSAASO

Lacagaha laga qaado dekedda Bosaso  ka eeg halkan

gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada  DGPL ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...
awnuurQormadii Asbuucii hore ee Musuqmaasuq La Dirir: oo ku saabsanayd: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada DGPL, Axmed Saciid Aw-nuur. Akhri.

Wasiirka Waxbarashada DGPL oo ka laabtay Iscasilaadii... Akhri...


Cadde Muuse: 90 Cisho Gudohood...
cadde muuse"Shidaalkii waa dhamaynay, waa soo saxiixnay, kuwo kalena waa sugeynaa, hadda waxaa labilaabi doonaa afar (4) ceel. Sagaashan (90) casho ka bacdi Insha Allah shaqadeedii ayaa bilaabaneysa." Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, oo  Feb 11, 2007 ka hadlayey arrimaha shidaal soo saarista Puntland... Dhegeyso..

Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka
Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen."

Arintu sidey doonto ha noqotee, wakhtiga la joogo, waxaan qarsoonayn in Gaagaab uu ka soo bixi waayey hawshiisii Wasiirnimo ee Wasaaradda Maaliyada. Waxaa wasiirka laga sugayey in uu meekhaamiyo maamulida dhaqaalaha u soo xerooda dawladda ee ay bixiyaan shacabka oo si cashuur ahaan ku bixiya. Waxaa si hoose laygu sheegay in Dekeda Bosaaso, iyo mida Garacada, Garoonka Boosaaso iyo weliba kan Gaalkacayo, marka si wanaasan loo maamulo, layskana ilaaliyo musuqmaasuq iyo qaraabakiil baahsan, waxaa soo xeroon kara lacag gaareysa ilaa $2.5 million bishii, khaasatan marka baddu ay furan tahay. Intaas oo dhan waxaa raacsan dhaqaalaha ka soo xerooda cashuuraha kale. 

Wasiirka Maaliyadda, waxaa looga baahan yahay in uu soo dejiyo, siyaasad lagu yaraynayo dhaqaalaha sida macna darrada ah ku baxa. Dhaqaalaha ku baxa shaqaalaha aad u badan ee sida maskaxda ka baxsan loo qoray, khaasatan ciidamada qalabka sida ee Puntland (Police-ka iyo Daraawiishta). Waxaa wasiirka looga baahan yahay in uu keeno siyaasad wanaasan oo lacagaha dakhliga ah ee waddanka soo gala lagu maamulo. Nasiib daro, malaha wasiirku wax aqoona uma laha, hawsha uu hayo.  

  • A) Shaqaalaha oo aan lacagtooda la siin

Taas waxaa daliil u ah, in aan shaqaalaha reer Puntland lacagtooda la siinin wakhtiyada ku haboon. Qaar ayaa lacagtooda suga mudo lix bilood iyo ka badan ah. Qaar ayaan si fiican loo hubin diiwaan gelintooda. Ciidamada qalabka sida qaar ayaan la heli karin marka loo baahdo, basle mushahaari ah. 

Dadkaas shaqaalaha ahi, marka lacagtu ay ka soo daahdo, waxaa ay deyn ka qaataan, makhaayad-leyda, dukaanta iyo gedisleyda lagu magaacabo “Kabadhlayda.”  Shaqaalaha ayaa waxaa ay keenaan in ay dhaqalaha la sii degaan marka ay wakhti ku bixin waayaan deynkii ay qabeen taas oo keenta in gedisleyda yar yari kacaan. 

General Cadde dhowr jeer ayuu ku eedeyey in madaxdiisu ay lacag dhunsadeen. Gaagaab wuxuu ahaa masuuliyiinta Cadde afka ku dhiftay.[5]

Intii aan qormadan qorey waxaa soo baxay warar sheegaya in uu is casiley wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada ee DGPL, Axmed Saciid Aw-nuur ee aan qoraalka ka qoray asbuucii hore, waxaana wararka ugu horreeyey sheegeen in wasiirku is casiley kaddib markii uu Gaagaab wasaaradda uu madaxda ka yahay ee maaliyaddu ay bixin weydey mushaharkii 200 oo macallin. In kasta oo ay jiraan warar kale oo sheegaya in wasiirku waxa uu isu casiley kaddib markii qoraaalo laga qoray isaga iyo wasaaraddiisa.

Haddii ay run noqoto in sababta uu wasiirkaasi isu casiley ay ahayd in wasaaradda maaliyaddu bixin weydey mushaharkii macallimiinta, waxay taasi cadayn u noqoneysaa musuqmaasuqa ka jira Puntland ee baahsan.

  • B) Wasiirka oon xisaab celin iyo horumarka soo bandhigin.

Wasiirada maaliyadda ee wadamada horay u maray ee aqoonta u leh hanti dhowrka guud waxaa ay sanad kasta soo bandhigaan dhaqaalaha dawaladdu ay sanad dhaqaaleedkii la soo dhaafay badbaadisey. Waxaa wasiiradu Barlamaanka hortiisa ka akhriyaan lacagta la kharaj-gareeyey, inta la badbaadinkaro sanadka soo socda, iyo weliba arimaha muhiimka u ah kobcinta dhaqaalaha, sida cashuur dhimid. Intaas oo dhan waxaa weheliya dhaqaalaha loogu talagalay arimaha bulshada sida waxbarshada iyo cilmibaarista, dib u dhiska wadooyinka iyo xarumaha dawlada. 

Mudane wasiir, maxaad dadka iyo dawlad goboleedka Puntland u qabatay oo muuqda sanadkii 2005-2006? Imisa ayaad lacag ku kharaj-garaysay horumainta waxbarshada? Imisa dhaqaale ah ayaad u kaydisay mustaqbalka dhow iyo midka fog ee bulshada reer Puntland? Imisa shaqale ah ayaan mushahardooda qaadan lixdii bilood ee ina soo dhaaftay? Mudane wasiir imisa lacag ku soo dhacday khasnadda dawladda, sideese u baxday? Imisa ayaad ku bixisay waxa loo yaqaano “fadlan sii”? Mudane wasiir imisa ayaa lacag cadaana u siisay General Cadde oo aan lagu xisaabtamin? Imisa ayaa Cabdulahi Yusuf gooni loo siiyey? 

  • C) Consort iyo Range Resources

Mudane wasiir, maxaa ka tahay Consort? Saamigaaguse waa imisa? Mudane wasiir imisa ayaa lacag idinka soo gashay heshiiskii Consort iyo Range-resources? Lacagtii bil kasta idinka soo gelijirtey xagee ku baxaday? Yaa maamulay? Sideese loo maamulay? Mudane wasiir, lacagta dekedaha iyo garoonada imisa ayaan khasnada dawalad soo gaarin? Yaase masuul ka ah? Mudane wasiir sidee ayey ku dhacday in Liibaan Muuse Boqor oo ehel dhow u ah General Cadde uu Range Resources ka yahay Maareeye guud? Miyaaney midani ahayn eex, iyo qaraabakiil?

::: DIGAAGGA & MACDANTA:::


Shirkadda Shiidaalka oo Boosaaso keeneysa Digaag Guji

Mudane wasiir sidee ku dhacday in xilli adduunka uu ka jirey cabsi laga qabey cudurka shimbiraha in aad tiraahdid shirkad ajniba ah ayaa dalka waxay keeneysaa digaag. Weliba xilligaas waxaad sheegtay dhulka digaaga lagu dhaqayo oo ku yaal Boosaaso in la siinayo shirkaddaas? Wasiir hadalkaagii Dib u Dhegeyso...

Wasiir waxaad bishii September ee 2005 sheegtay in ay shirkadaha Macdan baaristu ay hawshooda rasmiga ah bilaabi doonaan bishii Octobar 2005. Taasi ma dhicin. Waxaaan daliil u ah in madaxweynaha Puntland uu bilowgii Febraayo 2007 markii uu ku soo laabtay Boosaaso in uu sheegay in ay mudo saddex (3) bilood gudahood ah (90 maalmood) ay ku imaan doonaan shirkadaha macdanta ka baaraya Puntland   si loo guda galo halwaha baaritaan ee macdanta Puntland.[6]

Mudane wasiir, sannadkii 2006 xilli aad booqatay Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, waxaad sheegtay in la idin yiri "shidaalka ma soo saari kartaan", waxaadna sheegtay in nimankii dhulka joogi jirey ay idin yiraahedeen meesha lacag ayaa nagaga baxday, sidaas daraadeedna aydin baari karin waxna ka soo saari karin. Waxaadna sheegtay in aad tiraahdeen in aysan iman karin dalka, haday yimaadaana in ay iyagu is dileen. Haddaba mudane wasiir nimanka aad xustay shacabka Soomaaliyeed ma u cadayn kartaa shiirkadohooda ama dalalka ay yihiin shacabka Soomaaliyeed, si rasmi ahna ma ugu cadayn kartaa bulshada inta aan waqtigu ka dhammaan xukuumada Cadde Muuse, si arrintaas shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan.[7]... Maadaama aad xustay in aad nimankaas ku tiraahdeen "haddii aad timaadaan dalka idinkaa is diley" (in kastoo dadka qaarkiis ay hadalkaas ku tilmaameen mid aan dublomaasi ahayn) hadana waxay muujineysa heerka arrintu gaarsiisan tahay, sidaas daraadeed shacabku miyuusan xaq u lahayn in ay nimankaas ogaado? Wasiir hadalkaagii  Dib u Dhegeyso...

Su'aalahaas oo dhan waxaa ay ahayd in barlamaanku ku weydiiyo. Nasiib daro laguma weydiin, lamana filayo in lagu weydiiyo oo aad ka jawaabto. 

  • D) Daabicidda lacagata Shilinka ah iyo wersheda Boosaaso taal

Wasiirka maaliyaddu wuxuu si toos ah iyo mid dadbanba wax uga qaban waayey lacagta lagu daabaco magaalada Boosaaso. Wakhtigii aan Boosaaso ku sugnaa waxaa caadi ahaa in laga sheekaysto lacagta lagu daaboco Boosaaso iyo sida ay dhaqaalaha gobolka wax ugu dhintaya. Waxaanan garan sababta keentay xitaan in aan laga hadlin oo warbaahinta Puntland uga hadlin. 


Thailand: Saddex dhallinyaro ah oo ak tirsanaa ciidamada ilaalada baadda Puntland oo lagu Xakumay min Toban Sano oo Xarig ah”.

Waxaa lacagtaas weheliya, 12 Million oo dollar oo Indoniishiya laga soo daabacay. Lacagataas ayaa la baxshey 5 Million oo qura, sida wararku sheegayaan. Lakiin waxaa ay noqondoontaa 12 Million oo dollar, marka suuqa Puntland lagu soo daayo.

  • E) Doonyaha Badda ka Jiraafa Kalluunka iyo Aargoosatada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DGPL, waxaan ilaa hadda laga hayn cadayn rasmi ah oo uu ka bixiyo kharashka dawlad Goboleedka Puntland ka soo gala maraakiibta ka kalluumaysta badda ku xeeran Puntland.

Waxaa marar badan la xusay in maraakiib farabadan ay kalluunka iyo aargoosatada ka xaalufiyaan badda Puntland, arrintaas oo dhibaato weyn ku haysa deegaanka, ayaan haddana shacabka Puntland loo cadayn lacagta laga helo maraakiibtaas. Cadaynteedana waxaa lahayd in ay bixiso wasaaradda Maaliyadda ee uu madaxda ka yahay Gaagaab.

Maqaar Saarka General Cadde iyo maamulidda Gaagaab

Generaal Cadde ayaa waxaa lay sheegay in uu yahay nin uu si maldahan majaraha uu ugu hayo Gaagaab. Waxaan arkay dhowr qof oo aad ugu dhow dhow General Cadde oo aad uga wel welsan sida uu Gaagaab ugu dhow yahay Generaalka, iyo weliba sida uu talada isag uga qaato. Dadkaas ayaa ii sheegay in ay aad uga yaaban yihiin in Generalku aad u soo dhoweystey nin isaga dabinkiisa horay u qoday, hadan ay ku jirto hami ah in uu noqdo Madaxweynaha Puntland ee doorshada soo socota. 

cadde muuse
Cadde Muuse

Waxaa cad oo reer Puntland aan ka qorasoonayn awood buuxda ee uu leeyahay Gaagaab iyo sida maqaar saarka ah ee uu si dadban u maamulo dawlada. Arintan oo lagu tilmaamay in ay tahay halaasi doqoni magarato ah ayaa waxaa hada soo ogaanaya General Cadde. Dhinaca kale, General Cadde dad u dhow ayaa ii sheegay in aaney fogayn wakhtiga labadan nin ay seefta isula soo bixi lahaayeen. 

Gaba gabo 

Waa nasiib daro in wasiirkaas lagu tilmaamay in uusan aqoon xeel dheer oo maamulid iyo marayn dhaqaale lahayn, kana soo hor jeedey General Cadde qorshayaashiisa, iyo xitaa doorashadiisii uu noqdo wasiirka maaliyadda. Waxaa kale oo nasiib darro ah in la wadda og yahay in uu hada yahay nin hawshiisii gudan waayey. Waxaa kale oo nasiib daro ah in nin midabadiisa la yaqaano loo dhiibtey wasaaradii ugu awood badanayd ee DGPL. 

GaagaabSidee ayaa hadaba mudane Gaagab uga fikaday waxaas oo su’aalo ah. Iyada oo kooban, waxaa labadan nin oo markii hore ay isu keentay danta gaarka ah ee Cabdulahi Yusuf, ayaa markii danbe ku shirkoobey arimaha gaarka ah ee barista shidaalka. Waxaan asbuucyada soo socda ka hadli doona Generaal Cadde Muuse oo isagu ah aabbaha musuqmaasuqa, eexda iyo qaraaba kiilka. Taas ayaa keentay in wasiiradiisu ay ka fakadaan su’aalaha shaqadooda.

  • Farriin ku socota Akhristayaasha: Qoraagu waxa uu akhristayaasha ka codsanayaa in ay u tebiyaan wixii xog iyo macluumaad ah oo ay ka hayaan Madaxda sare ee Dawlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan Wasiirada, wixii qoraalo laga qoray linkiyadooda, sida ay ku ku noqdeen wasiirada, iyo sida ay wasaaradahooda u maamulaan. Waxaana lagu soo hagaajin karaa Email: puntland1998@yahoo.co.uk

Qore: Axmed Yusuf | puntland1998@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2007

_______________________________________

[1] Somaliwatch.org “War Bixin: Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Puntland” Eeg, http://www.somaliawatch.org/archivemay01/010617601.htm
[2] Somalitalk.com, “C/laahi Yusuuf Axmed, ayaa ku guulaystey madaxweynaha soomaaliya” Eeg,  http://www.somalitalk.com/2004/oct/10oct14.html
[3]Somalitalk.com “Doorashadii Madaxweyne kuxigeen DGPL oo maanta la Qabtay” Eeg http://www.somalitalk.com/2004/oct/18oct44.html
[4] Somaliatalk.com “Xaaladihii ugu dambeeyay ee Dagaalada Puntland iyo Somaliland” Eeg http://www.somalitalk.com/2004/nov/12nov44.html
[5] Somalitalk.com  “Madaxwaynaha DGPL oo Wasiirkiisa Maaliyadda ku eedeeyey in uu Lacago Qaatay: Cadde Muuse oo si toos ah eedayn maaliyadeed dusha uga tuuray wasiirka maaliyada Gaagaab”. Eeg    http://www.somalitalk.com/terry/terry79.html
[6] Somalitalk.com  “Hadalkii Wasiirka Maaliyada Puntland uu kaga Warbixinayey Heshiiskii Puntland iyo Shirkada uu ku Sheegay Australian oo Cod iyo Qoraal ah...”. Eeg http://www.somaliatalk.com/terry/terry9.html
[7] Somalitalk.com  “Gaagaab: Waxaa Nalaku Dhiiri Geliyaa in aan Dalka ka Go'no, Anaguna Taas Waa diidney...”. Eeg  http://www.somaliatalk.com/puntland/pl10.html


Toddobaadkii hore: Wasiirka Waxbarashada DGPL... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD