SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA DFKMG OO LOO GUDBIYAY QORAAL KA DHAN AH SHARCIGA BETROOLKA...

  • “yaa doonaya dambiile Qaran ah, ma xubnaha baarlamaankaa oo ansixin doona sharcigan” 

Qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka DFKMG oo ka biyo diidsan  sharciga shidaalka ee horyaala baarlamaanka ayaa qoraal ka kooban 2-bog oo ka dhan  ah sharciga batroolka oo imanka hor yaala baarlamaanka muran badana uu ka taagan yahay ansixintiisa  ayna ku kala  qeybsan yihiin ansixinta sharcigaan Batroolka Madaxweynaha DFKMG iyo Ra’isul wasaarahiisa ayaa u qornaa sidan:- 

“Gudoomiye waxaan kula socodsiinaynaa in sharciga maareynta shidaalka in la helo waa muhiim, markii uusan ku xirnayn dano gaar ah, way haboon tahay in la gudbiyo balse waxaan qabnaa horta in la soo bandhigo heshiisyada qarsoon ee aan la socon sharcigan, loona soo bandhigin miiska Ummadda Soomaaliyeed oo ay ku dhaqmaan Axdiga Federalka. 

Hadaba Gudoomiye Su’ashu waxay tahay sidee loo aqbali karaa xeer ay dajiyeen kuwa leh shirkadaha iyaga isa siiyay saamiga ugu badan.

KUWAIT ENERGY & MEDCO 49%  Shirkada hay’ada betroolka 30% + 10% Dowlad goboleedka  Puntland oo isku darkooda yahay 89% xagee arintu iska qaban la dahay, mise waa duudsiin aan gabaad lahayn waxaa dhici karta in is weydiisid balse aad ka gaabsato inay maqan tahay 11% taasina  waa (Administration Fee)  ama khidmad ay wada leeyhiin mas’uuliyiinta dowlada Federalka KMG iyo la taliyaashooda akaabiirta ah oo  qorshahan iyo fekirkan iyaga soo dejiyeen. 

Waxaa xusid mudan in sharcigaasi uusan ahayn rasmi balse uu yahay DRAFT taasoo micnaheedu yahay in wax lagu kordhin karo lagana dhimi karo qodobada Sharciga Shidaalka,  heshiiska qarsoon ee meesha ku jira ayaa waxaa uu yahay in marka la dhiso Somali Petroleum Authority oo marka la soo gaabiyo magaceedu yahay (SPA) ay iyadu ahaan doonto mid ka madaxbanaan wasaarada tamarta iyo betroolka waxayna  qabsan doontaa waxyaabaha soo socda:- 

Cabirka Dhulka, Qeybinta dhulka iyo Block-yada, bixinta qandaraasyada, qiimeynta shidaalka, suuq gaynta betroolka iyo  la xisaabtanka shirkadaha oo dhan. 

Waxaan halkaas ka garan karnaa waajibaadka wasaarada tamarta iyo betroolka in laga wareejiyay mas’uuliyadii barista shidaalka. 

Dhinaca kale maamulka  Puntland ayaa si caro leh ugu hadashay sharciga betroolka ee la horgeeyay baarlamaanka waxaana Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Cadde Muuse uu sheegay in sharcigaasi ay ka soo hor jeedaan maadaama aan lagala tashan jiritaankooda ka soo horjeeda kheyraadkeena inaga ayaa xag u leh dalkuna waa Federal. 

Hadaba  yaa doonaya dambiile Qaran ah, ma xubnaha baarlamaankaa oo ansixin doona sharcigan, mise kuwa u qaraab doontay shirkadaha shisheeye?”ayaa lagu yiri qoraalkan oo nuqul ka mid ahi aan helay  maalintii Khamiista.

Hase ahaatee qoraalkan waxaa si weyn uga dhex muuqda waxyaabo badan oo xubnaha baarlamaanka u qarsoon oo ay mustaqbalka Xukuumada Prof. Geedi ay la damacsan yihiin

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in kulankii Baarlamaanka ee lagu wadey inuu dhaco 15/09/007 uu u baaqdey sababo lagu sheegey mar hadii aysan xubnaha Baarlamaanka helin gunadoodii in ay ka soo horjeesteen inay soo xaadiraan kulanka, inkastoo laga yaabo in sababo kale uu u baaqan karo. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo

Sept 14, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH