Maxkamadda Darajada Koowaad ee
Boosaaso ma hal beel baa leh?
Qormada:
1aad | 2aad
| 3aad |
Maxkamadda darajada koowaad
ee magaalada Bosaaso qaab dhismeed ahaan waxaa loo unkey in
ay dhowrto indhahana ku hayso ciddii ku xad-gudubta, kuna
tumata shuruucda u degsan mandiqadeena. Maxkamadda waxaa
kaloo waajib ku ah in ay ku qaado xukun ciddii denbi
galabsata.
Maxkamadda dadka habboon in
ay ka shaqeeyaan waa khubaro aad u taqaan culuumta sharciga,
waajibkooduna yahay dhawrista caddaaladda.
Akhristoow, tilmaanta kore
ee ay maxkamadi leedahay waxaa si toos ah u baal marey
maxkamadda derajada koowaad ee magaalada Boosaaso.
Haddii aan u dhaadhaco
dulucda qormadayda, maalinimadii bisha May ahayd 7 (ee 2007)
waxaa maxkamadda derajada koowaad ee magaalada Boosaaso
xukun aan caddaaladi ku dheehnayn ku riddey maraakiib iyo
doonyo maamulka shirkada Al xabaabi ee Cadde Muuse ku soo
afduubteen xeebaha magalooyinka Qandala iyo Caluula,
xukunkaas oo aan jirin wax sharciya oo loo tiigsadey, aanan
haysan wax caddaymo ah, aanan lahayn wax haba yaraatee lagu
yaqaan qaab maxkmadeed ayaa godoomiyaha maxkamaddu ku
dhawaaqey.
Si aan loo khaldin ummadda
reer Puntland een ka mid ahay anigu, waxaan door bidey in
aan daah furo waxyaabo badan oo aysan saxaafaddu u warhayn,
isla markaana aan dhegaystayaal badan oo maxkamadda ila
fadhiyey aysan ogayn.
Afduubkii Maraakiibta Iyo
Doonyaha
Sida aan horey ugu soo
xusey qormadaydii hore, Shirkadda
Al xabaabi waa shirkad aan si sharciya uga hawlgelin
Puntland, isla markaana aan haysan xasaanada ama
ogolaanshaha Golaha Wakiilada DGPL, isla markaana ah shirkad
ay si khaas ah u leeyihiin Cadde Muuse iyo ilma adeeriis
dhow, una samaysteen in ay biyaha Puntland iyaga maahane aan
cid kale uga soo ag dhowaan, isla markaana ummadda ka
hor-istaagaan ka faa’idaysiga khayraaadka ilaaheena wayni ku
manaystey deegaanadeena.
Hawl-wadayaasha shirkadaas,
isugna jira saddex nin oo ay ilmo adeer run ah yihiin Cadde
Muuse, lana kala dhaho, Siciid Warmajaale, Cagoole, iyo Ini
Cali Qood, waxay dabayaaqadii bishii April (2007) soo
afduubteen maraakiib iyo doonyo ku soo wajahnaa deegaanada
Puntland si ay u helaan ruqsadda kaluumaysiga Puntland.
Maraakiibtaas iyo
Doonyahaas nasiib darradooda raggaasi wax hanti ah oo ka
kooban kalluun ay ku tebayeen ma uusan saarneen, waayo waxay
ahaayeen gaadiid markaas rabey in ay bilaabaan hawlo
kalluumaysi sugayana oggolaanshaha kalluumaysiga ayna ugu
maqnaayeen wakiillada gaadiidkaas oo ah muwaadiniin reer
Puntland ah.
Oraah baa waxay dhahaysey (who
will guard the guard himself?), yaa ilaalinaya ruuxa loo
igmadey in uu hanti iyo dad ilaaliyo? Su’aasha aan
iswaydiinayo waxay tahay, ma jirtaa cid raggaas wax soo
afduubtey soona gashadey shaati dawladnimo ka ilaalin kara
denbiyada ay ugu horeeyaan afduubka hantida dadwaynaha.
Raggaasi aan horey u soo
sheegey ka dib markii ay ku hungoobeen gaadiidkaas aan wax
hantiyi saarneen, waxay ku fekereen in ay baad ka qaadaan
doonyahaas iyo maraakiibtaas iyaga oo isku halaynaya
maxkamadda degmada Boosaaso.
Hantidaas la soo dhacey
waxaa ayaan darro ah in muddo lagu xannibey dekedda
magaalada Boosaaso, lagana qaadey xorriyadii, shaqaalihii (Crew)
gaadiidkaasna oo ajnabi u badnaa waxaa lagu xirey xabsiyo
qarsoodi ah. Sharci ahaan dadkan ajaaniibta ah ma banaana in
sidii tuugtii guryo khaas loo leeyahay lagu xiro, la iskana
indha tiro in dadkii mas’uulka ka ahaa ay damiintaan.
Dastuurka Puntland ayaa qoraya in qofka denbi loo haytso
maxkamad lagu soo taago 2 beri gudohood, waxaa xusid mudan
in dadkaas 2 asbuuc lagu hayey guryo ay khaas u leeyihiin
Siciid Warmajaale, iyo ini Cali qood.
Wasiirka
Kaluumaysiga, Dekedaha iyo Khayraadka Badda ee
Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Maxamed Raage
|
Akhristoow, Wasaaradda
kallumaysiga DGPL qoraal ay horey u soo saartey waxay ku
caddaysey in Dawlada Yamen iyo Masar ay xiriir la soo
sameeyeen DGPL isla markaana ka dalbadeen in maraakiibtaas
iyo doonyahaas la afduubtey si shuruud la’aan ah loo sii
daayo. In kastoo wasiirku isku dayey in uu dawladahaas
qanciyo isla markaana ugu yaraan uu xal dhex dhexaad ah
keeno, haddana waxaa seef la soo baxey saddexdii kaabe ee
xeebta Punland sheegtey, waxayna ku adkeeysteen in
maraakiibtaas ay ku ganaaxayaan lacago aan caqli gal ahayn.
Qaabkii loo abbaarey kiiska
dacwadda
Muddo dheer ka dib markii
wakiillada gaadiidkaasi ka biyo diideen dalabaadkii burcadaas
hantida ummadda soo afduubtey, waxaa ugu dameeyntii lagula
taliyey burcaddaas in ay waddo macquul ah u maraan hanashada
lacagahaas baadda ah.
Waxay soo jiitantoba 6-dii
May (2007) waxaa la isla yimid maxkamadda magaalada Boosaaso,
Akhristoow maxkamaddaas dhan ee la rabey in dadka si
caddaalad ah wax ugu garsoorto ayaa waxay ka koobnayd hal
qooys oo isku wada mabd’a ahaa kullina watey hadaf ah in ay
helaan lacagtaas aadka u badan ee baadda ah.
Makhraatiga Qura ee la soo
kiraystey waxuu ahaa laba alifle Cumar Waaberi, kana tirsan
maliishiyada shirkada Al xabaabi. Makhraatigaasi waxuu dhaar
ku marey in ay doonyahaas iyo maraakiibtaas soo qabteen
iyagoo hawlo kalluumaysi ku guda jira. Su’aashu waxay tahay
sidee nin burcad ah, isla markaana hanti ummadeed soo
afduubtey isaga laftirkiisu u noqon karaa makhraatiga qura
ee denbiga ku caddaynaya kooxda ka soo horjeeda. Sideedaba
sharci ahaan makhraatigu waa in uu ahaadaa qof madax banaan
isla markaana lagu kalsoonaan karo oon labada dhinac dhanna
ka tirsanayn.
Sida maxkamaddaha sharciga
ah u shaqeeyaan waxaa kiis kasta oo la qaadayo laf dhabar u
ah caddaymo wax ku ool ah isla markaan daah furaya oo waadax
ka dhigaya in denbigu xaqiiq ahaan dhacey. Waxaa jira laba
cadaymood, mida koowaad oo ah (Direct Evidence) oo ah
cadaynta tooska ah, sida in la helo qof joogey markii falku
dhacayey, ama isla danbiiluhu qirto in uu denbiga galo. Caddaynta kale waxa weeyaan
(Circumstantial Evidence) oo iyadu ah caddayn laga shidaal
qaadan karo oo suurta gal ka dhigi karta in denbigaasi
dhacey iyadoo la soo daliishanayo waxyaabo badan oo abuuri
kara dhibka dhacey.
Hadaba maxkmada Boosaso wax makhraati ah
ama caddayn la keeney oo lagu dheeraadey ma jirin.
Qareenka qolada la dacweeyey (Defendants) lama siin wax
fursad (jaanis) ah oo uu ku imtaxaamo (Cross-Examination) laba alifle
Cumar Waaberi oo ay ilmo adeer yihiin ragga wax soo
afduubtey, kana mid ahaa maliishaydii maraakiibta iyo
doonyaha soo afduubtey, isla markaana loo qaatey in uu ahaa
makhraati.
Xeer ilaaliyaha dacwadda ku
soo oogey gaadiidkaas la soo afduubtey waa Axmed Taraan, oo
isaguna ilma adeer dhow la ah ragga wax soo afduubtey,
ninkaasi xeer ilaaliyaha sheegtey ma uusan keenin wax
sharciya maxmadda dhexdeeda, mana marin qawaaniinta iyo
xeerarka u degsan maxkamaddaha. Waxa uu u dhaqmey sida
burcad (gangs)
baad ka qaadanaya dad kale.
Qareenka shirkadda Al xabaabi oo magaciisa la dhaho
Axmed
Barre isaguna waa Cadde Muuse iyo ragga badda ilaaliya
walaalkiis, waxa uuna waddo kasta u marey in aanu wax difaac
ah samayn, isla markaana dabada ka riixayey in aan wax waqti
dheeri ah la siin maxkamadda.
Maxamed Cabdi Awaare | Sawirka: PP |
Sidoo kale waxaa xusid
mudan in ninka dhan ee loo asteeyey loona xushey in uu
garsoore ka noqdo maxkamadda ku taal magaalada ugu wayn
deegaanka Puntland ayna ku noolyiihiin dadka ugu badan
deegaanka Puntland ee Boosaaso waxa waaye Maxamed Cabdi
Awaare, walaalo yihiin wasiirka horumarka reer miyiga Cali
Cabdi Awaare, isku qooys dhoowna la ah Cadde Muuse.
Waxaa wax aad looga naxo ah
in garsoorahaas oo ah nin da’ wayn, uu bar bar marey
caddaaladii, ayna qaadey caadifad iyo qabyaalad qaawan,
gartana siiyey tolkiisa, isla markaana denbi aan ka harayn
ka galey dadkaas ajaanibta ah oo uu ku xukumey lacag aanay
haysan oo kun jeer isku laba laabta mushaharkooda.
Haddaba akhristoow is
waydii sidee bay ku dhacdey in maxkamad dhan oo dadka u
dhaxaysa ay hal reer hawlaheeda iyo maamulkeeda hayaan una
isticmaalaan sidii ay doonaan. Maxkamadda derejada koowaad ee
Boosaaso waxaa iska leh dadka reer Puntland ee ku nool
magaalada dekedda ah ee boosaaso, ma lahan Cadde Muuse iyo
qaraabadiisa, hantidii iyo hay’adihii dawliga ahaa kulligood
waxay gacan u galeen hal qoys, dadkii kalena waxay noqdeen
dad la ilaaway oo aan wax door ah ku lahayn dhulkooda ay u
dhasheen.
Makhraati, Qareen, Qaaddi,
Xeer ilaaliye, Dacwad ooge kuligood waa isku reer, waxayna
ka soo wada jeedaan jifida hoose ee Cadde Muuse ka dhashey,
waxaana loo xalaaleeyey in ay dadka dhacaan, aan laga daba
hadlin, su’aashuse waxay tahay, Ma u suuroobaysaa hawshaasi?
Cidna cid kama xoga badna sida muuqata.
Haddaba guud ahaan xukunkii
lagu ridey gaadiidkaas la soo afduubtey, waxa uu reebey
fadeexad ma guurto ah, taas oo daaha ka qaadaysa sida Cadde
Muuse iyo inta ku xeeran ay ugu tunteen waxii nadaam ahaa ee dadku
kuwada heshiiyeen.
Xasuusnoow akhriste in
nadaamkaas burcadnimada ah uusan keliya fashileeyn Cadde
Muuse, balse uu sidoo kale hurin doonaa kalashaki baahsan oo
saamayn ku yeelata dhammaan gobolada Puntland. Sida muuqata
Cadde Muuse waxuu fahmi waayey sida loo naas-nuujiyo
dadkiisa, sidaas awgeed, aqoon darri darteed waxuu ku
dhaqaaqey wax aan cid caqli taam ah qabta ku kacdeen oo laga
xishoodo, taariikhdana meel xun ka gasha.
Waxaan ugu baaqayaa Cadde
Muuse iyo inta ku xeeran in ay ka tanaasulaan dhaqan xumadaas
baahdey, isla markaana maraakiibtaas iyo doonyahaas ku sii
daayaan si shuruud la’aan ah, hadii taasi dhici waydona uu
Cadde Muuse mas’uuliyadeeda uu diyaar u noqdo in uu qaado
waxii musiibo ah oo ay reebto gardarada iyo burcadnimada uu
ka bilaabey gayiga Puntland.
Dadka Puntland waxaan
iyagana leeyahay iska dul qaada heeryadaas idin dul fuushan,
kana dhiidhiya caddaalad xumada lagula kacayo hantidiina iyo
naftiinaba.
Waxaan aad ula yaabey erey
ka soo baxay garsooraha maxkmada Mr Awaare oo uu digniin ugu
jeediyey dadka ganacsatada ah ee mas’uulka ka ah maraakiibta
shisheeyaa ah, waxaan leeyahay mr Awaare ilma adeertaa Cali
Qood, Warmajaale, iyo Cagoole ayaa mas’uul ka ah jiriifidda
badaheena ee hadaad caddaalad ku shaqaynaysid iyaga ka soo
biloow, kana toobad keen caddaalad darrada aad ku dhaqaaqdey,
lana soco in aan Cadde Muuse weligiis garsoore kugu hayn
Karin, ayna iman doonto maalin xitaa kii wax garsoori jirey
isagana lagu qaado maxkamadda laguna soo oogo danbiyo ka dhan
ah aadamiga oo ay ugu horeeyso caddaalad darro iyo si xun u
maamulid caddaalad.
Isku soo wada duub, hadal
iyo dhamaantiis, dadwaynaha Puntland indhahooda ayay ku
arkaan meesha xaaladda musuqmaasuq ee Cadde Muuse iyo inta
ku xeeran ay marayso, waxaa habboon in fadhiga laga kaco lana
qaadaco hagardaacada, afduubka iyo burcadnimada.
Puntland Guul Mar Walba
Faysal Cali Axmed
E-mail:
Bosaaso,
Puntland, Somalia
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2007
|