SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSUQMAASUQ - LA DIRIR

Dr. Cabdiraxmaan Saciid "Dhegaweyne" iyo Wasaaradda Caafimaadka DGPL

Axmed Yusuf | puntland1998@yahoo.co.uk

  • Qoraaga "Musuqumaasuq la dirir" ee fikradan leh, waxa uu akhristayaasha halkan ugu soo bandhigi doonaa qoraal asbuucle ah sida waqtigu ugu saamaxo oo uu ka soo qori doono madaxda Puntland waxyaabihii ay u qabteen bulshada...

Ku: Dhegaweyne

dhegaweyne

Sida akhristayaashu ay ka warqabaanba, asbuucyadii ina soo dhaafay, waxaan soo bandhigay qoraalo ka hadlaya musuqmaasuqa baahay ee ka taagan Puntland iyo raga baxaarida ka ah doonta Musuqmaasuqa iyo Qaraabakiila uu naakhuudaha ka yahay General Cadde Muuse Xirsi oo u muuqata mid dhowaan soo caariyidoonta, hadaaneyba degin inta aaney xeebta soo gaarin. Waxaan soo qaadanay Wasiirka Maaliyada, Mudane Maxamed Cali Yusuf Gaagaab iyo sida uu dhaqaalaha Puntland u maamulo, iyo Wasiirka Waxbarshada Axmed Saciid Aw-Nuur oo isagu shaqada isaga casiley markii Gaagaab uu bixindiidey 200 oo macalin musharkoodii, waa sida uu hadalka u dhigaye Axmade. Asbuucan waxaan si gooniya u fiirineynaan Wasiirka iyo wasaarada caafimaadka DGPL. 

Taariikhdiisa

Wasaaradda Caafimaadka DGPL waxaa hogaanka u haya Mudane Dr. Cabdiraxmaan Saciid "Dhegaweyne" oo jaamacada Somaliya kaga baxay sanad 1988-89. dad u dhow dhow oo ka warqabey sida uu jaamacada ku dhameeyey ayaa ii sheegay in dhibweyn iyo laaluush uu maadooyinka qaarkood ku gudbey. Maadoyin ayaa waxaa gudbiyey madaxdii jaamacada ka dib markii laaluush la siiyey. Warkaan ayaanan ila hada helin runtiisa, marka laga reebo hal qof oo arinta ii sheegay. Sida ay doontaba runtu ha noqotee. Dhegaweyne, waxaa isaga iyo Dr. Idil M Jamac Afbalaar iyo Dr. Munishiibyo oo labaduba ku nool Melbourne, waddanka Australia wadda qoreen thesis ay kaga hadalayaan qaybta lafaha amaba “orthopaedics”. Labo sano ka dibna waxaa ku dhacay qabtii isaga oon khibrad shaqo iyo mid dhakhtarnimo oo buuxda helin. Ninka noocaas ahaa ayaa hada Wasaarada Caafimaadka ee DGPL madax ka ah. 

Ku soo biirida siyaasada Puntland 


Boosaaso

Qardho

Garoowe

Galkacyo

Dr. Dhegaweyne waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray ka dib markii uu noqday Agaasiimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka DGPL wakhtigii Cabdulahi Yusuf uu madaxweynaha noqday.[1] Nasiib darose waxaa shaqadiisi ka ereyey Cabdulahi Yusuf Axmed. 

Dadka yaqaana waxaa ay Dr.“Dhegaweyne” ku tilmaameen nin aan aqoon u lahayn dhinaca maamulka iyo maaraynta wasaarada Caafimaadka oo ah wasaarada labaad ee halbowlaha u ah horumarinta bulshada. Nasiib daro, Dr. Dhegaweyne oo dadka Bosaaso, Gaalkacayo iyo Garoowe aan ku arkay in uu yahay ninka haya wasaarada ugu weyn ee daryeelka caafimaadka Puntland in aanu lahayn, inaba wax aragti dheer oo shaqadiisa qaabilsan. Waxaa kale oo Dr. Dhegaweyne laga yaaban yahay waxa uu qaabto iyo cida uu u qabto. Waxaana dad aan arkay ii sheegeen in uu yahay nin ay balwad xad dhaaf ahi ilowsiisay shaqadiisa.

Cisbitaalada DGPL waxaa Dawlad Gobeeldka Puntland dhaqaale ahaan siisaa 3% dhaqaalaha ku baxa sannadkii. Inta kale waxaa daboola NGO shisheeye oo dhamaantood si toos ah amaba si dadban u qabta howlaha wasaarada “Dhegaweyne” maamulo qaban lahayd. Cisbitaaladii laga dhaxlay dawaladii Maxamed Siyaad Barre ee ku yaala ilaa Caluule ilaa Cayn waxaa cad in wasaarad Cafimaadku aaney wax xoogan oo horumarin ah ku samaynin. Si marka dadka shacabka ahi taas uga baxaan waxaa Galdogob, Gaalkacayo iyo Bosaaso laga sameeyey cisbitaalo dad shacab ahi ay leeyihiin. Waxaana ka shaqeeya, qaarkood dad ajnabi ah oo ay mulkiilayaasha cisbitaaladaasi ay dibada ka keensadeen. 

Ka jawaab su’aalahan? 

Mudane wasiir, adigu ma’awoodi-weydey in intaas aad dawalada aad wasiirka ka tahay, ka dhamysid? Mudane Wasiir, maxaa keenay in dawalada oo dhaqaale ciidaas ka badan hesha hadana la waayo wax qabad dadka bulshada ee bukaanka ku aadan? Maxaa sababay in dawaladu hal cisbitaal xitaa wax fiican oo buuran ugu qaban weydey? Maxaa keenay in adigu qof ahaan aadan marna barlamaanka imaan si aad bulshada ugu sharaxdo hadii arimahaas dhibaato kaa haysato? Maxaad bulshada shacabka ah marna u hor imaanweydey ood ugaga warbixinweydey? Yaa loo haystaa dadka buslahada ah ee reer Puntland ee dayaca iyo darxumada u jiifa cisbitaalada  aad lacatooda kala qabsataan?  

Waan ogahay in aadan awood aqooneed iyo mid karti, aanad u lahayn in aad kaga jawaabto su’aalahan. Waxaana ogahay, sida dad ku dhow dhow Generalku ii xaqiijiyeen in aad doonta General Cadde baxri uga tahay, xiriirka hoose ee adiga iyo Cadde idinka dhexeeya. Waxaa kale oo lawada ogsoon yahay in aadan ka mid ahayn dadkii kacdoonka ee Dhuudo iyo Ceel-afweyn tegey, balse wasiir ku noqday heshiiskii garabka GBP iyo garabkii uu Cabdulahi Yusuf madaxda ka aha. Wakhtigaas oo aad ahayd nin ku sugan Boosaaso waxaa lagugu xaman jirey, sida dadka aad kuu yaqaana ii sheegeen in aad nolol maalmeedkaaga ka heli jirtey warka basaasnimada ah ee aad labada dhinac u kala iib geyn jirtey. 

Dr. Dhegaweyne, waxaa hada lagugu tilmaamaa in aad tahay qof u haya General Cadde hawl ka baxsan mida caafimaadka. Qof adiga kugu dhow kulana shaqeeyey ayaa waxaa uu ii sheegay in aanu garaneynin aqoonta maamul amaba maarayn ee aad leedahay, balse uu og yahay in aad shaqo kale u haysid Generalka. Waxan filayaa in adigu aad garanayso howshaas. 

Mudane wasiir, mar aan cisbitaalka Bosaaso ku tegey booqasho, aniga oo la socda eheladayda oo cidi ka jiran tahay, ayaa waxaa la sheegay in cisbitaalkan Bosaaso uu yahay ka ugu roon cisbitaalada Puntland ka jira. Waxaana intaas gaarsiiyey Dr. Cabdulahi Saciid Aw-Muse oo laysheegay in uu ka yahay maamulaha isagu jecel in uu gacanta ku hayo. Waxaa kale oo lay sheegay in qalabka cisbiyaalka yaal iyo daawooyinka, iyo weliba kharajka ku baxa ay bixiyaan NGO shisheeyey ah. Waxaa lay sheegay in qalab badan oo yaala laga keenay dibada oo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka soo baryeen cisbitaalada wadamada Europe iyo Australia. 

Dhinaca kale, waxaa naxdin ah in maanta cudurka AIDS-ku uu marayo 10% oo ah 10kii reer Puntland waxaa AIDS qaba 1 qof. UNDP, UNICEF iyo hay’adaha caalamiga ahi waxaa ay ku dadaalayaan in ay ka hortagaan sidii loo joojin lahaa fididda cudurkan iyo kuwa kale ee fida. Waxaa cudurada dabaysha iyo kuwa kale hawshooda gacanata ku haya NGO shisheeyey. 

Waxqabadka Soomaalida dibadda


VIDEO: Filmka Q.1aadFilmka Q.2aad
ABC Australia: Somalia Hospital- Bosaso...

Markaan Bosaaso joogey waxaa ku sugnaa dhakhaatiir ka timid waddankaas Australia oo uu hogaaminayey nin dhakhtar oo laygu sheegay Dr. Garaham oo reer Australia ah. Ninkaas waxaa la'ii sheegay in uu keenay nin Australia ku sugnaa oo magiciisa laygu sheegay Ciisa Maxamed Dholawaa oo caruur reerta Soomaaliyeed ka qaadi jirey, Soomaaliya si loogu soo daaweeyo Australia. Ciisa waxaan dhowaan film waxqabadkisa ah ku arkay Youtube-ka.

Mudane wasiir, adiga iyo Ciise Maxamed Dholawaa kuma ayaa dhinaca caafimaadka reer Puntland wax ka qabtay? Yaa labadiina keenay qalab?


Dr. Graham  oo booqday cisbitaalka Bosaso Feb 2005.

Mar aan la xiriiray Ciisa wuxuu ii sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wixii uu u qabtay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Wuxuu diidey in uu iiga jawaabo su’aalo badan oon ka weydiiyey xiriirka u dhexeeyey Consort, Range iyo Terry oo lay sheegay in uu isagu waddanka keenay. Shirkadan ayaa lay sheegay in ay waadanka ka dhalisay xiisadan aan degin, dhiig iyo dhaawacna keentay.

Warar hoose oo lay sheegay ayaa tibaaxaya in uu Ciisa ka mid yahay Somali National Democratic Party [SNDP] oo la filayo in uu xafiisyo ka furto Bosaaso, Gaalkacayo iyo Muqdisho sanadkan gudihiisa. Mar aan arinkaas wax ka weydiiyeyna wuxuu ii sheegay in uu ka warqabo xisbigaas, oo ka qayb qaadandoona loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya-oo-dhan iyo Puntlandba. Laakiin wuxuu ii sheegay in aanu hada ka mid ahayn, laakiin uu ka fiirsanayo siyaasadooda guud iyo midka DGPL. Xisbigan, howl wadeenadiisa iyo weliba qorshihiisa siyaasadeed markaan war faah faahsan ka helo ayaan idinla socodsiindoona. 

Gabagabo 

Su’aasha ugu danbaysa ee aan ku weydiinayaa, Midane wasiir, waa maxaad wasiir ka tahay? Yaase wasiir u tahay? Hadii howshada ay qabtaan NGO shisheeye iyo shacabka soomaalida ee qurba joogga ah ee cisbitaalada Bosaaso, qardho, garowe, Laascaano, Gaalkacayo ay iyagu qalab horay loo soo isticmaalay u soo baryayaan, adigu ma’awoodiweydey in aad dawalada Puntland lacagta soo gasha ee aan lagaraneynin halka ay ku baxdo, qayb yar aad isticmaashaan oo cisbitaalada wax ugu qabataan? Miyaad garaneysaa cida aad masuulka u tahay? Mise waxaad u qaadatay in General-ka aad masuul uun u tahay? Ma ogtahay in aad shacabka masuul u tahay?

Nasiib darada haysata, dadka reer Puntland ee aan soo arkay in ay tahay mid salka ku haysa shacabka oo makhaayadaha ka hadla laakiin aan dawalada la xisaabtamin. Waxaa dadka aad ugu baahay, oo diloodey kala qaybsanaan, eex iyaga dhexdooda ah, maamul dulaysan oon waxba qaban, odayaal dantoodu tahay lacagata la kala booboo, iyo maamul gacanta hada ugu jira koox horror ah oo dantooda waxaan ahayn aan ka shaqaynin.


Boosaaso - xarunta uu Gen. Cadde Muuse ka hago wasiiradiisa....:::

Waxaa nasiib daro ah, in dadka oo dhami ka dheregsan yihiin baxaarida General Cadde in aaney awood iyo aqoon u lahayn howshooda. Waxaa ka sii daran in aan lagula xisaabtamin howlaha ay qabtaan. Waxaan soo arkay waddan aan cidina horumarkiisa jeclayn. Waxaan soo arkay waddan masuuliyiintu ay masuul u yihiin General-ka oo qura, ilaaweena in ay masuul u yihiin shacabka reer Puntland. 

Hadii Ebbe idmo, asbuucyada soosocda waxaan eegi doonan baxaarida ka shaqaysa ee saaran doonta uu naakhuudaha ka yahay General Cadde Muuse. Dadkaasna waxaa ka mid ah, Taliye Carays, Xaabsade, Awaare, Liibaan Muse Boqor iyo ....... 

Hay’adahana waxaa ka mid ah, Baarlamaanka Puntland, ciidamada Police-ka iyo Oday dhaqameedyada oon soo arakay in ay qayb ka yihiin dadka la haray horumarka Puntland. Weli ma maqasheen Boqor, Islaan, Garaad, amaba isin kale oo school, cisbitaal amaba dhisay? Ma maqasheen mid ceel qoday amaba dhisme dadka oo dhan ay u siman yihiin dhisay? Su’aalahaas oo dhan waxaa i weydiiyey nin ka mid ah dadka aan u raadsadey warar ku saabsan qoraaladayda.

Akhri qoraaldii hore:

Qore: Axmed Yusuf | puntland1998@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007

________________________________________

[1] Warsidaha Puntland, Tirsiga 58-3 September 2000,Garowe Puntland” Eeg http://www.somaliawatch.org/archivejuly/000903601.htm   Accessed 27/1/2007.
::: Sawirada: Google Earth

Akhri: Jawaab Laga Bixiyey Qoraalkan May 6, 2007.....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD