SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSUQMAASUQ - LA DIRIR


Qormadii Asbuuca ee Musuqmaasuq La Dirir

Axmed Yusuf | puntland1998@yahoo.co.uk

  • Qoraaga "Musuqumaasuq la dirir" ee fikradan leh, waxa uu akhristayaasha halkan ugu soo bandhigi doonaa qoraal asbuucle ah sida waqtigu ugu saamaxo oo uu ka soo qori doono madaxda Puntland waxyaabihii ay u qabteen bulshada...

Ku: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada DGPL

Axad, Feb 11, 2007

Aw NuurWasiirka Wasaarada Waxbarshada DGPL, Axmed Saciid Aw-nuur, yaan arkay qoraal isaga ka hadlaaya oo lagu soo daabacay Internetka. Qoraalkaas ayaa sheegay in wasiirku uu ka cabanayo qoraal kale oo lagu soo daabacay SomaliTalk.com. Qoraalkaas isaga ah ee laga cabanayo ayaa wuxuu sheegayaa in buugaag aradayda reer Puntland loogu deeqay in lagu arkay suuqa magaalada Garoowe iyaga oo beec ah. Haday jirto waa nasiib daro. Arrinta runteed waa mid u baahan baaris laakiin waxaan baaris u baahnayn in Wasiirka iyo Dawlada MGPL ee uu matalo ay ku fashilmeen arimaha horumarinta bulshada oo waxbarshadu ay ka mid tahay. Waxaa nasiib darro ah in Wasiirku soo qaad qaado buugaag mucaawino loo siiyey. Mudane Wasiir, dawalada aad ka mid tahay cashuur ayey dadka ka qaadaa, waxaana la rabey in lacagataas si wanaagsan loo meekhaamiyo, oo si wanaagsan loo maareeyo, dad booska aad joogtana loo dhiibo cid si wanaagsan u maamulikarta. Waxaa cad, marba hadii aad buug deeq laydiinsiyey aad ka sharqamisay in aadan booska aad joodto u qalmin, madaweynaha Caddena loo baahan yahay in madaxnimada laga qabto. Kadibna loo dhiibo cid wax ka qabata baahida raagtey ee reer Puntland qabaan. Hadaba maxaa igu kalifay in aan arinkan ka hadalo, fikirkana oo soo gudbiyo.

Mudane Wasiir, waxbarshada aradayda ku nool Soomaaliya, khaasatan Puntland, waxaa dhaqaaleheeda, intiisa badan baxsha sadex qolo. Qaybta u badan waxaa baxsha hay'ado shisheeyey oo ama Muslimiin ah amaba reer Galbeedka ah. Waxaa kuwaas soo raaca kuwo hoos yimaada Qaramada midoobey sida UNDP, UNICEF, UNESCO oo ayana qayb wanaagsan ka qaata waxbarshada dhalaanka Soomaaliyeed. Waxa labadaas ay suurta geshaan in dugsiyo/iskoollo la helo, macalimiin dhigtana la helo. Labadaas qolo waxaa dheer dadka qurba jooga ah oo suurta geshey in ay walaalohood amaba ehelkooda kaleba ay u diraan dhaqaale, kaas oo ugu filan nolol iyo waxbarashada caruurtooda. Dawalada adigu aad wasiirka ka tahay, adiga oo Eebbaha lacaabudo ka baqaya boqolkiiba imisa ayaad kabtaan waxbarshada aradayda reer Puntland. Aniga yaa kuu sheegayee waa ka yartahay 5% inta idinku aad bixisaan. Waxaan qabaa in intaas in kabadan dawaladu bixinkarto. Nasiib darose waxaan marna laydinka goynkaraynin boobka, musuqmaasuq, qaraabakiila iyo lacagta macna darada isaga baxaysa ee cid loo raaco ayan jirin.

Mudane Wasiir Iskoolada ku yaala Bosaaso, Qardho, Garowe, Cayn, Laascaano, Baran iwm, waxaa kharajkooda qaybta ugu weyn ka yimaada shisheeye. Waxaan kuu sheegayaa in Bosaaso Dugsiyaddeeda Sare iyo kuwa Hoose waxaa kharajkooda, intiisa badan baxsha hay'ado shisheeye inta kalena waalidiinta oo kharajka hela eheladooda dibada. Mudane wasiir adigu may sheegi kartaa inta dhaqaale wasaaradaadu hesho iyo halka ay ku baxdo?

Sow marka ceeb ma'aha, in adiga oo Wasiir sheeganaya, in aad masrax soo dhigto "buugaag mucaawinada ahaa" ee UNESCO. Aaway dhaqaalihii dawladdu? Maxaa keenay in Wasaaradaada dhaqaale ku filan aaney lahay?

Mudane Wasiir, macalimiinta dugsiyada sare/hoose ee Gaalkacayo, Garoowe, Qardho, Bosaaso iyo magaaloyin kaleba, waxaa dhaqaalohooda si aan yarayn u kaba, hadaaneyba wadda bixin, dadka dibada jooga ee ka soo jeeda degmooyinkaas. Wasaaraddaadu boqolkiiba ima ayay mushaharada shaqaalaha dugsiyada reer Puntland bixisaa? Imisa ayey ku kabtaa Jaamacada East Africa University? Imisa araday ayaa deeq waxbarasho ama scholarship dawaladu siisaa oo East Africa University dhigata? Ma ka warqabtaa inta arday ee scholarship dawaladu siisay ee dhigata Puntland State University?


Wasiirka Waxbarashada DGPL oo soo bandhigayey buugaagta ay UNESCO ugu deeqday wasaaradiisa.

SomaliTalk.com: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn

Aduunka horay u maray waxaa wasaaraduhu soo bandhigaan wixii lagu hor marin lahaa bulshada ay masuuliyadoodu saaran tahay. Waxaana lagaaga baahan yahay in aad sanadkiiba hal mar barlamaanka hor tagtid, adiga oo soo bahdigaya sida loo hor marinayo, waxbarshada aradayda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare. Waxaa sanadkasta la soo bandhigaa sida guud ahaanba waxbarshada dalka loo hor marin lahaa si wasaaradu ula jaanqaado horumarka aduunka. Mudane Wasiir, marna Barlamaanka GDPL ma hor tagtay, mase ka soo jeedisey, wax wasaaradadu qabatay sanadkaas iyo waxa ay qabandoonto sanadaka soo socda?

In aad horumarisid ha joogtee waxaa la soo rogey in cashuur laga qaado qalabka usoo degaya dugsiyada, machadyada iyo jaamacadaha ka jira Puntland, cashuurtaas oo aysan ka bixi karin. Waxaana dhacda qalab mucaawino loogu soo uruririyey in marka laga soo dejiyo Puntland in cashuur badan la saaro. Xilligii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa Dr.C/raxmaan Faroole ma jirin wax cashuur ah oo la saaro qalabka waxbarashada usoo dega. Taas hadda waad bedesheen oo cashuur ayaad saartaan qalabka waxbarashada ee Mudane wasiir maxaad taas ka qabatay?

Waxaan ogahay in aadan ka jawaabi karin su'aalahaan.

Mudane wasiir, waxaad dawalada Puntland ku soo gashay habka 4.5 ee kuma aadan soo gelin hab xulsho cilmiyeed ama aqoonta aad leedahay ee aad wax ugu qaban karto bulshadaada. Waxaad ahayd qof ka shaqeeya xafiis dekeda Bosaaso ah. Waxaadna si lama filaan ah ku noqotay Wasiirka Waxbarashada DGPL oo ay hoos yimaadaan kumanaan araday ah oo u baahan in wax loo qabto, si ay iyaguna aqoon u yeeshaan, dadkooda iyo dalkoodana ay wax u taraan mustaqbalka. Marna haw malayn in aad aqoon, kartid dheerada, jacayl dad iyo dal aad ku heshay masuuliyada Wasiirka Waxbarshada DGPL. Waxaa wax ku noqotay, qabysida beelaha reer Puntland. Waxaa wasiirka ku noqotay, sida aad daacadda ugu tahay hadba madaxweynaha jira.

Waxaa hada wasiirka ku tahay, danta Jeneral Cadde uu ka leeyahay beesha Nugaal, ee marna kuma tihid in aad wax badan ka qabatay arrimaha waxbarshada ee loo baahan yahay in wax laga qabto. Jeneraal Cadde oo aad wasiir u tahayan waad ogtahay waxa uu ku yimid. Akhristayaasha Cadde Asbuucyada soo socda ayaan siduu ku yimid iyo wax uu qabtay fiirindoona. Waxaase ka horayndoona wasiirada uu isku gedaamey.

  • Toddobaad ka bacdi markii qoraalkan la qoray waxaa is casiley wasiirkii waxbarashada Puntland... Eeg Halkan...

Qore: Axmed Yusuf | puntland1998@yahoo.co.uk

Afeef: Qoraaga "Musuqumaasuq la dirir" ee fikradan leh, waxa uu akhristayaasha halkan ugu soo bandhigi doonaa qoraal asbuucle ah sida waqtigu ugu saamaxo oo uu ka soo qori doono madaxda Puntland waxyaabihii ay u qabteen bulshada...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2007

gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa dhowaan waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo...
Akhri...


.MA ANIGAA WAALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYAA - Jibriil
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD