SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Waraysi Sh. Maxamud Qorane ay SomaliTalk layeelatay.

Waxaa noo suura gashay Inaan waraysano sh. Maxamud Qorane oo jooga Boosaaso kadib markii lasiidaayey isagoo maalin iyo habeen ku xiraa Dekada Boosaaso, waxaana waraysigii u dhacay sidan:

Somalitalk: Sh. Maxamud Kusoo dhowow Somalitalk 

Sh. Maxamud Qorane: Waad mahadsantihiin waan dhawahay 

Somalitalk: Sh. Sidee laguu xiray xarigaaguse qaabkee ahaa?. 

Sh. Maxamud Qorane: Waxay ahayd Casarka dabadii waxaan markaas imid Xafiiskayga waxaa ii yimid Taliyaha Dekeda Maxamed Yare oo ii sheegay inaan raaco, waan is raacnay waxaan tagnay Dekada halkaas waxaa joogay Lataliyaha Madaxwayha Xaga amniga, Gudoomiyaha Gobolka Bari, iyo Taliyaha Booliska. Waxay ii sheegeen inaan xiranahay markaan waydiiyey sababtana waxay iisheegeen in lasoo amray in la i xiro, yaa soo amray, kor baa nalaga soo amray. Waxaan u sheegay inaan Jaamacada darsi ku leeyahay oo arday i sugayso howlo kalena aan leeyahay sidaa daraadeed inaan baxo oo mar kale usoo noqdo maadaama aan ahay nin Masuula oo aan meelna usocon. Waxay ii sheegeen inaan xiranahay taliyihii Dekedana waxaa amar lagu siiyey in la i-xiro. 

Somalitalk: Sh. Maxamud maluguu sheegay sababta aad u xirantahay?. 

Sh. Maxamud Qorane: Waxaa la iisheegay berri in la iisheegi doono Sababta aan u xiranahay la ina sii dayn doono, subaxii markii lagaaray ayaa waxaa ii yimid C/laahi Siciid Samar, Lataliyaha Madaxwaynaha xagga amniga, wuxuu ii sheegay inuu waraysi ila yeelan doono, ana waxaan iri soo la iskuma ogayn in waxa la igu haysto maanta la iisheegi doono, la ina siidayn doono?. Wuxuu yiri ma adigaa Reerkiina hubeeyey arimahaan Maxkamadana ka danbeeya?. Waxaan iri anigu cidna ma hubayn waxaan ahay ganacsade. Wuxuu kaloo i waydiiyey reerka ma adigaa Cadaado u diray?. Waxaan iri markaad Ceel afwayn u qaxdeen oo ciidan kamida reerka idiinku yimaadeen ma anaa idiin soo diray?. Markaas maxaad iigu imaanwayday?. Intaa ka dib wuu iga tagay. Islmaalintaasna waa la isii daayey. 

Somalitalk: Maxay tahay ama u malaynasaa ujeedada ka danbaysa xarigaaga?. 

Sh. Maxamud Qorane: runtii waxaan u qaatay xarigayga dantiisu inay ahayd waxaad kasoo jeedaa Beesha Qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo kaliya. Sidoo kale dad badana waxay ku dareen inuu Gaagaab arintaan lug wayn ku leeyahay maadaama uu Gudoomiye u yahay gudi dhawaan lasameeyey hadana uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso. 

Somalitalk: Sh. Maxamud sidee looga arkay xarigaaga Puntland?. 

Sh. Maxamud Qorane: Aad iyo aad baa looga xumaaday dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada arintaas waxay ka muujiyeen inaysan ahayn mid laga fiirsaday horayna aan looga aqoon Gobolada Puntland in qof loo xiro waxa loo malaynayo inuu aamin sanyahay. Sidoo kale waxay muujiyeen inaan  loo baahnayn in nooceeda oo kale ay soo noqoto markale. 

"raali ahow waa lagugu qaldamay!."
C/laahi Siciid Samatar, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland xagga amniga

Somalitalk: Ugu danbayntii Maxay kuu sheegeen Masuuliyiinta ku xiray markii lagu siidaynayey?. 

Sh. Maxamud Qorane: Markii la isii daayey ayaa waxaa iga daba yimid anoo siibaxaya C/laahi Siciid Samatar oo yiri raali ahow waa lagugu qaldamay!. 

Somalitalk: Waad mahad santahay Sh. Maxamud Qorane. 

Sh. Maxamud Qorane: Idinkaa mudan. 

Waraysigii www.SomaliTalk.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2006


.Beesha MOORCASE: Baaq ku dhaqan Shareecada Islaam
.Hambalyo iyo Taageero ka timid Beelaha Cali Saleebaan

»
Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD