SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

Sida looga arkay Puntland ku Dhawaaqida Dowlada ee ku Dhaqanka Shareecada Islaamka....

Warbixintii: SomaliTalk.com | Nov 21, 2006

Waxaa aad looga soo dhaweeyey Puntland hadalkii shalay kasoo yeeray Maamulka goboleedka Puntland, marka laga reebo dad aan badnayn oo ka soo horjeeda arinkaas. Dadka arinkaas kasoo horjeeda ayaa waxay isugu jiraan qaar kamida wasiirada DGPL, qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka Puntland  iyo Dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG).

Mar aan laxariiray qaar kamida beelihii ku dhawaaqay Qaadashada shareecada Islaamka ayey waxay noo sheegeen inay ku faraxsan yihiin Go’aanka kasoo yeeray Maamulka Puntland kaddib markay isku afgarteen Culimada Puntland in Puntland lagu dhaqo shareecada arintaana ay noqon doono mid taariikhi ah. 

Beelahaas qaar kamida ayaa noo sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay jawaab taageerid ah uga bixihin lahaayeen, go’aanka dowlada oo ay ku tilmaadeen taalabo loo qaaday xagga nabada iyo horumarka reer Puntland iyo Somaaliyaba.

Mar aan wax ka waydiinay Masuul ka mida Beesha Maxamed Cumar oo iyadu ah beeshii ugu horaysay ee arinkaan bilowda ayuu noo sheegay inay soo saari doonaan hadal ku aadan arintaan Maamulka Puntland ku dhawaaqay shalay. 

Gen Cadde Muuse
Gen. Cadde Muuse, madaxweynaha ugu horeeya ee Soomaaliya ka hirgelin doona shareecada

Waxaa aad u hadal hayaan dadwayna reer Puntland go’aankii shalay ka soo baxay Maamul Goboleedka Puntland iyagoo is waydiinaya su’aalo badan oo ay kimid yihiin goormaa lagu xijin doonaa hirgalinta shareecada lagu dhawaaqay?, sidoo kale qaar kamida Culimada ayaa iyaguna qaba su’aalo ah arintaan ma shacabkaa lagu dajinayaa sidii xilligii Jamaal Cabdi Naasir uu ugalay akhwaanul muslimiin mise waa ka dhab Dowlad Goboleedka Puntland?. Su’aalahaan iyo kuwa kale oo badan ayaa la filayaa inay kala cadaadaan maalmaha fooda inagu soo haya  sida uu yiri mid kamida shacabka reer Puntland. 

Arintaan ayaa ka danbaysay kadib markay beelaha daga Puntland ay soo saareen Baaqyo aan kala go' lahayn iyagoo ugu baaqaya DGPL inay ku dhaqdo Puntland shareecada Islaamka. Sidoo kale iyo culimada reer Puntland oo iyana dadaal dheeraad ah u galay sidii dowlada iyo rabitaanka shacabka la isugu keeni lahaa, loogana badbaadi lahaa kacdoono wata gacan kahadal oo ka bilowda Puntland, Kadib markay qaar ka mida beelaha daga Puntland ka baxeen deegaanka Puntland iyagoo hubaysan doonaya ku dhaqanka shareecada.

Si kasta ha ahaatee arinta ayaa hadda u muuqata mid rajo leh iyo inay Puntland noqoto mid laga tixgalinayo rabitaanka shacabka iyo in madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) uu noqon doono madaxweynihii ugu horeeyey ee shareecada islaamka ka hirgeliya dalka Soomaaliya.

Warbixintii: SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2006


Waraysi Sh. Maxamud Qorane ay SomaliTalk layeelatay
kadib markii lasiidaayey isagoo maalin iyo habeen ku xiraa Dekada Boosaaso... Akhri Waraysiga...

.Beesha MOORCASE: Baaq ku dhaqan Shareecada Islaam
.Hambalyo iyo Taageero ka timid Beelaha Cali Saleebaan

»
Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD