SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
Daabaco Boggan | Print

ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..



"...waxay ahayd bisha dambe in ay mashaariicdeena noo socoto. Waagii hore heshiis baanu gaarney, bishii la soo dhaafay in bansiinka u horreeya in la soo qaado. Dagaaladii yaryarka ahaa oo dhacay ama Garoowe ka dhacay ama Boosaaso ka dhacay  ayaa dib loogu dhigay...." Madaxweynaha DGPL. Akhri:
"Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."



Ardayda wax ku barata Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho ... AKHRI...



Beesha Gumasoor oo ka tirsan beelaha gobolka Mudug oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka

Waxaa SomaliTalk.com Nairobi la soo gaarsiiyay Bayaan ay soo saareen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, culumaa'udiinka ,aqoomyahanada iyo waxgaradka beesha Gumasoor (Majeerteen) oo ka tirsan beelaha dega gobolka Mudug, kaasoo la sheegay in lagu taageerayo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo weliba in baahi degdeg ah loo qabo in beeshaasi ay sida ugu dhaqsaha badan haddii laga hirgelin waayo maamul goboleedka Puntland ay si iskeed ah ugu dhawaaqdo maxkamad islaami ah,baaqaas ay beeshu soo saartay oo uu noo soo gaarsiiyey weriye reer Puntland ah oo magaciisa la yiraahdo  Iimaan Cali Cabdi ayaa waxa uu u qornaa sidan:   

Kulammo iyo wadatashiyo isdabajoog ah oo ay yeesheen,

Culimaa'udiinka, waxgaradka, Aqoonyahanka iyo dhalinyarada Beesha Gumasoor oo ka tirsan beelaha gobolka Mudug, ayaa falanqayn dheer ka dib markii ay :

-Arkeen isbedelada sida xawliga ah ku socda ee shacabka Soomaaliyeed ay ka hirgeliyeen goobihii dalka Soomaaliya ugu nabadgelyada xumaa maantana noqday meelaha ugu ammaanka badan dalka ee koonfurta Soomaaliya. 

-Fahmeen sida keliya ee beeshu dhexdeeda u kala badbaadi karto ummadda kalana uga badbaadi karto inay tahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.  

-U fiirsadeen sida ay maanta wixii lagu qaban waayey muddo ka badan 16sannadood lagu soo afjaray muddo ka yar 6 bilood.

-Si qoto dheer uga doodeen meesha dantu ugu jirto maanta inay tahay qaadashada shareecada Islaamka waxay beeshu go'aan buuxa ku gaartey  
  • In laga bilaabo maanta 17ka bisha 11aad sannadka 2006 ay beesha Gumasoor go,aansatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee waajibka ah sidii Allaah ku cadeeyey quraakiisa in ciddii aan isku xukumin wixii Allaah soo dejiyey(Shareecada Islaamka) inay yihiin Gaalo, Daalimimiin, Faasiqiin.  
     
  • In haddii aan Maamulka Puntland qaadan ku dhaqanka Shareecada Islaamka ay beel ahaan ka madax bannaan yihiin aysana hoos tegin wax shaqo ahna ku lahayn maamulkaas.   
     
  • Beesha Gumasoor waxay caddaynaysaa inay taageero hiil iyo hooba ah la garab taagan tahay cid kasta oo u adeegaysa ku dhaqanka Islaamka,maadaama Allaah quraankiisa ku cadeeyey (isu kaalmaysta wanaagga iyo cabsida Allaah ee ha isu kaalmaysanina denbiga iyo cadaawadda)  
     
  • Waxay beeshu uga digaysaa cid kasta oo isku dayda caburinta nuurka Allaah ee beeshu ku tallaabsatay inaysan waxba ula hari doonin iyadoo kaalmaysanaysa Allaah iyo xisbigiisa kuwaasoo Allaah ku cadeeyey inay guulaysan doonaan sida uu inooku sheegay qawlkiisa(Hooy Allaah Xisbigiisa ayaa guulaysan doona)  
     
  • Ugu danbayntii waxay beeshu ugu baaqaysaa in cid kasta ha ahaato shaqsi,koox ama  beel ay wax kaga maqan yihiin beeshaas inay la soo xiriiri karaan culumada beesha si xaqooda loogu xukumo shareecada Islaamka,laga bilaabo maanta.
Wabilaahi Towfiiq

Dadka ku saxiixan Bayaanka
  
Caaqil Cabdullaahi Caaqil Aadan
Nabadoon Cabdiraxmaan Cabdullaahi
Nabadoon Cabdiraxmaan Xasan
Nabadoon Xirsi X.Cali
Nabadoon Axmed Warsame
Samadoon Saciid Cali
Samadoon Jaamac Cali
Samadoon Bashiir Cabdi Maxamuud
Shiikh Maxamed Shiikh Axmed
Shiikh Cabdishakuur Cabdiraxmaan
Shiikh Maxamed Maxamuud
Shiikh Siciid Cabdi
Dr.Abshir Cali
Dr.Ibraahim Faarax
Cabdiqani
Cabdullaahi   
Idiris Maxamuud
Bashiir C.Ismaaciil 
  
Fiiro Gaar ah: Waxaa qoraalkaan saxaafadda soo gaarsiiyey afhayeenka beesha Gumasoor oo ah Shiikh Cabdishakuur Cabdiraxmaan oo u soo gudbiyey weriye Iimaan Cali Cabdi oo si toos ah u soo gaarsiyey boggaan.
  
Iimaan Cali Cabdi
E-mail: iimaanc@yahoo.com
mobile:254-722-881372
Nairobi,Kenya

Bootan cabdi | SomaliTalk.com | Nairobi | botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD