SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


  • Galkacyo: Madaxwaynaha Puntland oo soo saaray wareegto....
  • Galkacyo: Kulanka Culimada Puntland iyo Maamulka Gen: Cade Muuse..
  • Khilaaf soo kala dhex galay DGPL & DFKMG::

Maxamuud Qorane oo Xabsiga laga soo daayay.

Boosaaso: Nov 20, 2006: shalay galab ayaa xabsiga magaalada Boosaaso ee xurunta gobolka Bari laga siidaayay Maxamuud Qorane Maxamed oo ka tirsan hawlwadeenada Shirkadda Amal Bank Puntland Somalia.

Maxamuud Qorane ayaan wali la shaacin sababta ka danbeysey in xabsiga loo taxaabo hase ahaatee galabnimadii Axada ayaa loo soo cishey xornimadiisi oo xabsiga laga soo daayay.

Waxay ahayd goor siihoraysey markii qaar ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo Maxamuud Qorane ee beesha (Maxamed cumar) ay sheegeen in ay taageersan yihiin Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayna doonayaan in ay yagleelaan maxkamad.

Isku soo wada duuboo habeen hore ayaa Maxamuud Qorane loo taxaabey xabsiga magaalada boosaaso iyadoo oo aan si dhab ah loo garanayn sababta loo xirey masuulkan oo ahaa masuulkii xawaalada Amal Boosaaso.

Yusuf Gaduudow
yusufgaduudow@hotmail.com

Wararkii shalay hoos ka akhri


Maxamuud Qorane oo Lagu Xiray Magaalada Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Gaalkacayo ayaa sheegaya in Xabsiga Magaalada Boosaaso la dhigay Maxamuud Qorane Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Xawaaladda Amal ee Puntland iyo Macallin wax ka dhiga Jaamacada Boosaaso.

Maxamud ayaa la xiray kadib markuu amar ku bixiyey Madaxwanaha Puntland Gen. Cadde, lama garanayo Sababta loo xiray Maxamud marka laga reebo inuu kasoo jeedo beeshii ugu horaysay ee  kaga dhawaaqday Puntland Maxkamad.

Maxamud Xarigiisa ayey aad uga caraysiisay dadwanaha reer Puntland, kuna til maameen mid aan waa faqsaynay qawaaniinta u dagan Puntland in xoriyadiisa laga qaado qof aan danbiile ahayn.

Xariga Maxamud ayaa kusoo aadaya iyadoo Maanta uu Maamulka Puntland ku dhawaaqay inuu qaadanayo ku dhaqanka shareecada Islaamka. Sidoo kalena uu wadahal iyo shirar u furi doono dhammaan waxgaradka reer Puntland taasoo aan lagarayn sida ay isu waafajin doonaan maamulka Puntland.

Maamulka ayaa bishaanba ku jiray cadaadis badan oo kaga imaanaya inta badan deegaanada Puntland iyadoo mushtamaca reer Puntland doonayaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, baaqyo badana ay kasoo saareen ayaa waxa ay sababtay inay shir qaataan Culimada ugu Caansan Gobalada Puntland Maamulkuna uu muujiyo dabacsaan iyo inay ku dhaqanka Shareecada qaadan doonaan, arrintaas oo shacabka reer Puntland ay indhaha ku hayaan sida loo hir gelin doono.

Gaalkacayo | Somalitalk.com | Nov 19, 2006


Galkacyo: Madaxwaynaha Puntland oo soo saaray wareegto lagu siinayo xaq askarigii ku geeriyooda hawlgal ama ku dhaawacma difaaca Puntland.

  • In badan oo ka tirsan ciidanka daraawishta puntland ayaa sheegay in ay tani ka dhigan tahay marka hore dagaalan kadibna iska tag waana arin aan soconayn ayay dheheen askar badan....
  • qaar kale ayaa ku macneeyay wareegtadan mid la iska qoray xataa aanu madaxwaynuhu qorin balse ay qoreen rag bay yiraahdeen aanu garanayno oo ka tirsan golaha wasiirada iyaga oo sumcad ka doonaya Ciidamada Daraawiishta....

Warbixintii: Cabdirisaaq Koronto, Garoowe, PL, Soomaaliya

Madaxwaynaha DGPL ayaa maanta (Sabti, Nov 18, 2006) soo saaray wareegto  ku saabsan askarigii ku geeriyooda ama ku dhaawacma falgal difaaca Puntland ah in la siinayo xaqiisa hadii uu geeriyoodo iyo hadii uu dhaawacmaba. 

Wareegtdan uu soo saaray oo ku taariikhaysan 17, Nov, 2006 ayaa  u qornayd sidan:

__________________
Madaxweynaha DGPL: markuu arkey Dastuurka Puntland
Markuu qiimeeyay Xaalada nabadgelyo ee dalku ku sugan yahay
Markuu tixgeliyey soo jeedinta taliyaasha Ciidmada DGPL.

Wuxuu xeeriyey:
1. Askeriga ku jira hawlgal qaran oo lagu difaacayo dalka ama lagu kaalinaayo sharciga, wixii qasaara ah oo soo gaara, Dhimasho dhaawac iyo hantiba, waxaa lagu leeyahay dawlada oo bixinaysa.

2. Askerigii isaga oo gudanaaya waajib qaran ku geeriyooda ama ku dhaawacma waxaa xaqiisa ama daaweyntiisa damaanad qaadaysa Dawlada.

3.Wixii qasaara ah ee ka dhasha hawlgfalka Askeriga oo soo gaara denbiilaha mag dhaw malahan cid loo raacaayo ma jirto

4. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo:

Waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Dawlad goboleedka puntland
Max’ud Muuse Xirsi Gen (Cadde). 
__________________

Hadaba madaxwsaynu isma waydiin askarta la siinayo xaqa hadii ay ku geeriyoodaan hawlagkan uu ka dhawajiyay ama ay ku dhaawacmaan kuwa ay yihin.

Sidoo kale madaxwaynuhu kuma sooqaadin wareegtadan halka laga keenayo kharashaadka lagu siinayo askartan la sheegay in la siinayo xaqa hadii ay dhaawacmaan ama ay geeriyodaan.

Horay ayay u taagnayd cabashooyin badan oo ka imaanaya dhanka ciidamada Puntland kuwaasoo waayay xaqoodii ay lahaayeen  ee mushahaar iyada oo ay quus ka taagan yihiin helitaanka kharashaadkaas ayaa hadana la iswaydiinayaa halka laga bixinayo kharashkan carabka uu madaxwaynuhu ku dhuftay,

Kuwo badan oo ka tirsan ciidanka daraawishta puntland oo aan la sheekaystay ayaa ii sheegay in ay tani ka dhigan tahay marka hore dagaalan kadibna iska tag waana arin aan soconayn ayay dheheen askar badan, qaar kale ayaa ku macneeyay wareegtadan mid la iska qoray xataa aanu madaxwaynuhu qorin balse ay qoreen rag bay yiraahdeen aanu garanayno oo ka tirsan golaha wasiirada iyaga oo sumcad ka doonaya Ciidamada Daraawiishta ee ay rajadoodii burburtay ka dib markii ay waayeen xaqii ay lahaayeen iyo daryeel caafimaad intaba.

Saddex ka tirsanaa Daraawiishta Puntland oo laga kaxaystay Xeebaha Soomaaliya oo ku xiran Xabsi ku yaal Thailand... iyo DGPL oo aan arrintaas wax ka qaban... GUJI..
Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand Guji.

Sida laga wada warqabana waxaa burburtay haykalkii ciidan nimo ee ay DGPL ku faanijirtay taasi oo ah Ciidanka loo yaqaano Daraawiishta  kuwaasoo noqday kuwo iskood u shaqaysta oo kakala yaacay xeryaha ciidamada puntland ka dib markii ay waayeen billo badan oo mushahaar ah iyo waliba daryeel caafimaad, iyo agabka malatariga lagu yaqaano askar meeldagan.

Muddo hada laga joogo 4-sano ayaa ugu danbaysay isbedel laga sameeyo agabka Malateri ee ciidanka daraawishta  puntland xiligaasoo ay dhisnaayeen ciidanka malatari ee daraawiishta puntland balse aanu hada jirin ciidan malateri oo meel ku xaraysan, sidoo kale ma jiraan wax tasiilaad caafimaad ah iyo kharashaad u qoondaysan oo la siiyo ciidanka daraawiishta puntland taasi oo dhaxal siisay puntland in ay maanta weydisiato ciidamo beeleedyo oo ay madaxda puntland dhawaanahan ka wadeen gobalada dalka  kaasi oo ay ku raadinayeen dageero ciidan oo ay weydiisanayeen odayaasha gobalada kuwaasoo badi ugu jawaabay "Puntland waxay leedahay ciidan dhisan ee iyaga hawlgaliya xaqoodana siiya hadii kale  xilka iska soo wareejiya" taasi oo waji gabax ay  kala kulmeen madaxdaasi  la shirtay odayaasha. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha DGPL oo waayay taageerada odayaasha Gobalka Nugaal
Kulan looga hadlayay ammaanka gobalka Nugaal ayaa Guji

Si kastaba ha ahaatee xaalka ayaa la orankaraa maanta Puntland waa uu ku xunyahay  marhadiiba ay maanta ay raadinayso daageero ciidan iyada oo horay u dayacday 10kun oo ciidan dhisan ah maantana ka bilaabaysa gawaan maran iyo ciidan beeleedyo taasi oo taariikhda kagalidoonta bogmugdi ah waayo waayo iyo xasuus.  

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2006


Galkacyo: Culimada ugu waawayn Puntland oo  shir la qaadanaya Maamulka Gen: Cade Muuse.

Akhri Dastuurka Puntland

(dastuurka oo ku qoran PDF)

Culimada ugu waawayn Puntland ayaa shir si  wayn oo loo soo agaasimay la leh maamulka uu madaxda kayahay Gen: Cadde Muuse kaasi oo ka dhacaya magaalada Galkacyo.

Culimadan oo maalmahanba uu shir uga socday magaalada Dekeda ah ee Boosaaso ayaa ka soo kicitimay halkaasi iyaga gaarey magaalada Galkacyo si ay shir ula qaataan Gen: Cadde Muuse, lama xaqiijin shirarakii isdaba jooga ahaa ee culimada wixii ka soobaxay balse waxay ay  u badan tahay sidii maamulka isbedel loogu samaynlahaa loona dhisilahaa maamul ay wadaadadu ka muuqdaan.

Culimadan ka soo kicitintay magaalada Bosaso soona gaaray galkacyo shirkana kula leh magaalada galkacyo Gen: Cadde Muuse  ayaa waxaa hogaaminaya culimada ay ka midka yihiin. 

1.Sheekh Cabdulqadir Nuur Faarax
2. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
3. Sh. Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur iyo culumo kale.

Shirkan oo ilaa hada aan si dhab ah loo xaqiijin waxyaabaha looga hadlayo balse ay ugu wayntahay isbedel sidii maamulka loogu samayn lahaa islamarkaana loo dhisilahaa maamul loo wada dhan yahay culimo iyo caalimba ayaan hada wali wax war ah oo rasmi ah laga hayn.

QuraanWaxaa indhawaale isasootaraya baaqyo wax ku ool ah oo looga dalbanayo maamulka Gen: cade muuse in uu ku sameeyo  isbedel islamarkaana uu dalka ku xukumo shareecada islaamka taasi oo u muuqata in madaxweynaha DGPL Cadde Muuse uu u hogaansamay baaqyada culimada iyo wax garadka reer Puntland mar haddii uu ogolaaday shirar lala qaato culimada.

Horay uma dhicin in maamulku uu culimada  puntland wax shirar  ah  la qaato mana jirin in wax laga dhagaysto ama wax laga waydiiyo xaalada uu dalku ku sugan yahay balse hada ayaa waxaa soo baxaya in culumada wax laga waydiiyo xaalka dalka.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Gen:cade muuse uu shir qarsoodi ah kula qaatay madaxtooyada Puntland ee Garowe Shiikha ugu wayn culimada Puntland ee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax kaasi oo aan ilaa iyo hada saxaafada loo soo bandhigin wixii ay kawada hadleen.

Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Dr.Gaagaab

Gen.Cade

Madaxweynaha DGPL oo Wasiirkiisa Maaliyadda ku eedeeyey Hanti Lunsasho...
Gen. Cadde Muuse oo la hadlayey golaha baarlamaanka Puntland oo Talaadadii ka furmay Garoowe ayaa Guji


Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga DGPL oo waayay taageerada odayaasha Gobalka Nugaal: Kulan looga hadlayay ammaanka gobalka Nugaal ayaa Axmed Cabdi Xaabsade  Guji



BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US 50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...  ABC Australia...


KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 
 

Shirarka culimada lala qaadanayo ayaa waxaa si wayn uga soo horjeeda wasiirka maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), waxana shacabku rumaysan yihiin in ay arrintaas ugu wacan tahay in uu arko mar haddii la dhiso dawlad ay culimadu hormuud ka yihiin in markaas xukuumada lagula xisaabtami doono meesha ay ku baxdo hantida dawlada soo gasha, sidoo kalena waxaa meesha ka baxaya musuqmaasuqa baahsan ee ka jira puntland maadaama ay wadaadadu majaraha u qabanayaan xukuumada cusub waaba hadii lagu heshiiyee. Sida cadna diinta islaamka bulshada ayaa iska dhexdoorata ninka ay u bogaan wax qabadkiisa, madaxda puntlandna badi waxay ku yimaadeen doorashooyin tiro yar oo shacabka ka mid ahi ay samaysay oo aan inta kale wax laga waydiin masiirkooda taasina ay dhaxal siisay in dalku uu u baa'ba'o oo aan la fiirin danta dalka iyo dadkaba.

Kulan ka dhacay Galkacyo::

Wararka ugu dambeeyey ee ka soo baxaya magaalada Galkacyo ayaa tibaaxay in habeenimadii xalay ee Sabtidu soo geleysey in kulan albaabadu u xiran yihiin uu dhex maray culimadii ka timid magaalada Boosaaso iyo maamulka Gen. Cadde Muuse.

Wararka ugu horeeya ka soo baxaya kulankaas ayaa tibaaxay in madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Cadde Muuse uu aqbalay soo jeedintii culumada Puntland, isla markaana uu magacaabayo guddi kasoo talo bixiya oo ka kooban culimaa'udiinka, waxgaradka iyo qaybaha DGPL, iyo in shir weyne lagu qabto magaalada Garoowe kaas oo looga arrinsanayo mustaqbalka Puntland.

Wararku waxa ay tibaaxeen in kaddib markii uu madaxweynaha DGPL kulan la yeeshay culumada Puntland in kulankaas ay ka soo bexeen qodobo ay xubno dowlada ku dhowdhow kusheegeen sidan:

1. In la taabo geliyo ku dhaqanka sharciga Islaamka, sida ku cad "Dastuurka" Puntland
2. In Madaxweynuha DGPL uu magacaabo "Guddi" ka talo bixiya habkii wax loo sixi lahaa kana kooban golayaasha dawlada, culimaaudiinka, isimada iyo aqoonayahada DGPL
3. In la dhawro amniga iyo xasiloonida Puntland
4. In arrimaha Soomaaliya lagu xalliyo wadahadal iyo is afgarad.

Khilaaf soo kala dhex galay DGPL & DFKMG::

Warar hordhac ah ayaa tibaaxaya in markii uu Cadde Muuse aqbalay soo jeedintii culumada ee ahayd in la qaato shareecada Islaamka, isla markaana la isku raacay in reer Puntland loo qabto shirweyne guud in uu khilaaf weyn oo hor leh uu durbadiiba soo kala dhex galay maamulka DGPL ee hoggaamiyo Gen. Cadde Muuse iyo DFKMG ee uu madaxweynaha ka yahay Col. Cabdullaahi Yuusuf.

Warbaahinta Puntland ee aan ku hadlin afka dowlada oo ka faalloonayey kulanka dhex maraya maamulka DGPL iyo culumada ayaa tilmaamay haddii kulamadaas lagu guulaysto sida uu u suuli doono musuq-maasuqa baahey ee la haray Puntland. Jariidada Garoweonline waxay tiri "Ku dhaqanka sharecada Islaamka ayaa meesha ka saaraya xukuumada Cadde Muse oo musuq-maasuqu ragaadiyay isla markaana wadada u xaaraysa in Dastuurka Puntland la wafaajiyo shareecada islaamka". Sidoo kale ayadoo ka warbixineysa aqbalaadii Ge. Cadde muuse ee culumada iyo khilaafka cusub ee DGPL iyo DFKMG ahna waxa ay tiri "in Madaxwayne DGPL uu aqbalaadiisa la socodsiiyay Madaxwaynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf oo asal ahaan ka soo jeeda Puntland balse uu ku gacansayray qorshaha Cadde Muse iyada oo sida la sheegayo khilaaf xoogan uu soo kala dhexgaley labada xubnood."

Isha: SomaliTalk.com iyo wakaaladaha

C/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2006


"Waxaan usoo jeedinaynaa maamulka burcadka ah oo xaaraan ku naaxa ah ee uu hada hogaamiyo Gen. Cadde oo hantida dadwaynaha puntland ugu takrifasha sidii wax ay ayagu leeyihiin ayadoo sidii uu cadde u qabasaday maamulka lakala garan la'yahay inuu yahay Duqa magaalada Dubai iyo in uu yahay madaxwaynaha maamul Goboleedka Puntland...." BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN .


»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD