SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..



"...waxay ahayd bisha dambe in ay mashaariicdeena noo socoto. Waagii hore heshiis baanu gaarney, bishii la soo dhaafay in bansiinka u horreeya in la soo qaado. Dagaaladii yaryarka ahaa oo dhacay ama Garoowe ka dhacay ama Boosaaso ka dhacay  ayaa dib loogu dhigay...." Madaxweynaha DGPL. Akhri:
"Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."



Ardayda wax ku barata Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho ... AKHRI...



Garoowe: Xaabsade oo markale wajigabax kala kulmay Odayaasha Gobalka Nugaal..

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha DGPL oo waayay taageeradii odayaasha iyo wax garadka gobalka Nugaal....

C/rizak koronto
Garowe puntland

Nov 16, 2006: Kulan looga hadlayay ammaanka gobalka Nugaal oo Khamiistii (Nov 16) ka dhacayay Xarunta cilmi baarista ee PDRC ee magaalada Garoowe ayaa loogu baaqay Xaabsade in puntland ay tahay Dawlad islamarkaana, loona baahan yahay haddii Dalkii la soo weeraray in ay dawladu dalkeeda Difaacdo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo aminga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ay marlabaad ku timid waji gabax aad u wayn kagadaal  shir dheer oo maanta uu la qaatay odayaasha Gobalka Nugaal kuwaasoo u muujiyay in aan waxba looga baahnayn odayaasha mar haday dhiseen dawladii xaqna ay tahay dawladu in ay dalka iyo dadkaba difaacdo hadii la soo weeraro.

Xaabsade oo isagu  shirkan maanta soo qaban qaabiyay ayaa ujeedadiisa ugu wayni ahayd sidii uu taageero uga helilahaa odayaasha gobalka Nugaal iyo mid dhaqaalebe hase ahaatee arintaas ayaa waxaa ka hor yimid odayaasha deegaanka oo ku tilmaamay in ay tahay arin aan munaasib ku ahayn odayaasha gobalka in hada loo soo laabto markii horena iyaga laga booday.

shirkan oo socday in kabadan 6 saacadood ayaa ku soo dhamaday waji gabax uu kala huleelay wasiirka wasaarada arimaha Gudaha iyo amniga Axmed Cabdi Xaabsade kadiba markiii loogu baaqay in ay dawladu iyadu marka hore is difaacdo ka hor inta aan shacabka la waydiisan taageero dhaqaale iyo mid ciidanba wasiirka ayaa maalmahaan waday shirar uu la qaadanayao odayasha gobalka nugaal in kastoo uu shirarkaasi uu san wali ka helin taageeradii uu ka raadinayay odayaasha gobalka Nugaal.

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand Guji.

Odayaashii halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ka sinaa in la saxo xukuumada kalitalisnimada ku dhisan ee uu madaxda kayahay Cadde Muuse loona baahan yahay in dalka iyo dadka la hormariyo islamarkaana ay xukuumadu ahaato mid Puntland oo dhan ka dhaxaysa oo aan cidna gaar u lahayn la iskana dhaafo nin jeclaysiga iyo reer wax u xaglinta.

Odayaasha Gobalka ayaa badi u soo jeediyay dhaliilaha xukuumada loo tirinayo in ay marka hore ka soo baxdo oo ay iska dhigto mid dadka u dhex ah islamarkaana talooyinka  loo soo jeediyo  qaadan karta waxna iska badali karta balse inta ay xukuumadu tahaya mid kalitalisnimo ah aan lala shaqayn karin waxna lagu darsan karin.

Xaalka ayaa ku xun wasiirka arimaha gudaha mar hadii uu waayay taageeradii odayaasha iyo wax garadka gobalka Nugaal oo ah xarunta puntland laga hago oo aan xukuumada u hayn  wax taageeero ah ka dib markii Cadde Muuse laga waayay xaqii ay caasimadu lahayd iyo wax qabadkii laga sugayay Cade Muuse oo uu ka dhigay mid uu ku tuntay  taasina ay Madaxweynaha DGPL dhaxalsiisay in uu waayo taageeradii caasimada Puntland.

Sikastaba Nabadoon Faarax Guure Kaarshe  ayaa sheegay in loobaahan yahay in ay xukuumadu is xisaabiso inta aan la xisaabin oo aysan shacabku xisaabin, Nabadoonka ayaa eeda difaac la'aanta dusha u saaray xukuumada. 

A/rizak koronto
Garowe puntland

 ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD