SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


 HAMBALYO IYO TAAGEERO KA TIMI BEELAHA CALI SALEEBAAN

Annagoo ah Beelaha Cali Saleebaan ee horay ugu baaqay Maamulka iyo Beelaha reer Puntland in ay qaataan isku xukumidda shareecada islaamka, waxaanu taageero iyo hambalyo u diraynaa go,aanka ka soo baxay wada tashigii u socday maalmahaan qayb ka mid ah culumada iyo madaxweynaha DGPL.

 

Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha DGPL oo gaaray go,aan taariikhi ah waxaan sidoo kale u mahad celinaynaa culumadii isku hawshay arrintaas.

 

Haddaba waxaan xusuusinaynaa dhammaan Beelihii horay ugu dhawaaqay ku dhaqanka shareecada islaamka iyo madaxweynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde) in aysan arrintu naga noqon afka baarkiisa, kana tigtoonaano kuwa ilaahay yiri { kuwii ilaah rumeeyoow maxaad u oranaysaan waxaydaan samaynayn}.

 

Waxaan rajaynaynaa in aan noqono kuwa si buuxda u fuliya ku dhaqanka shareecada islaamka sida ilaaba yiri {kuwa ilaah rumeeyoow gala diinta si dhammaystiran}.

 

Waxaan ku talinaynaa in guddiga loo saarayo hirgelinta shareecada ay noqdaan dad ehel u ah arrintaas

 

waxaanuna codsanaynaa in dhammaan loo istaago sidii loo taaba gelin lahaa go,aankaas isaga ah.

 

Gaba-gabo

 

Waxaan u rajaynaynaa shacabka reer puntland guul iyo midnimo,

 

Waxaan xakumaynaa wixii muuqda allaah ayaan u talo saarsanayna waxa qarsoon

 

Gudoomiye Xigeenka Guddiga Beelaha Cali Saleebaan

 

Sh, C/xaafid Cali Yuusuf

 

Mobile:- 0025-25-789422

Office:  0025-25-827953

EMail: xafid71@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2006


»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD