SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK


Ku been abuurasho Jaalliyadda Denmark. 

Assamucalayum waa raxmatullaahi waa barakatuhu. 

Waxaanu umadda Soomaliyeed u rajaynaynaa barwaaqo iyo baraare meel ay joogtaba.

Waxaanu ugu baqaynaa nabad, walaaltinimo iyo daris wannaag, waxaanu xasuusinaynaa in nin walbaa waxa uu wiilkiisa la jecelyahay wiilasha soomaliyeed oo dhan la jeclaaddo.

Islaamkana waxaan u aragnaa xalka kaliya ee soomalidu iyo muslimiinta meel kasta oo ay joogaan ay ku heshiin karto. Mana aragno in ay jirto jid looga carari karo maadaama aan nahay dad ku abtirsada islaamka. 

Ujeeddo. 

      Ku: Dhamaan bulshawaynta, aqoon yahanka, indheer garadka, hooyooyinka iyo ardada maskaxda furun.

Ku: Isimada iyo cilimo awdiinka. 

Waxaan aad isaga fogeyneynaa baaq dhawaan ku soo baxay webside-yada qaarkood, oo sheegaya in jaaliyada Denmark shir ay u dhan tahay ku soo saartay baaq ay ugu magac dareen Bayaan iyo wargalin muhiim ah.  

Dadka magacyadooda lagu qoray bayaankaan inta badan waxba kama oga bayaanka iyo isticmaalka magacyadooda toona. Marka waxaan u aragnaa in baaqa ay ka muuqato u fiirsasho la’aan iyo daraaseyn aad u gaaban.  

Xaalada soomaaliya uma baahna caadifad iyo degdeg. Jaaliyada dibada ee fursada u helay nabada iyo aqoonta kuma haboona iney qeyb ka noqdaan burburin iyo fidno abuurid gudaha Soomaliya. Waxa nalooga baahan yahay waa inaan ka qeyb qaadano nabada, dhismaha, walaaleynta iyo midnimida soomaaliyeed. Aduunka intaan joogno waa wax yar, in dhagax jiray inaan mid kale kor saarno moyee aannan mid jiray kala daadin.

Cuqaashada, culumaa’udiinka, indheer garadka, aqoonyahanka iyo hooyooyinka gobolada Puntland, waxaan ugu baaqeynaa in badbaadiyaan shacabka gobolka, maamulka Puntlandna uu noqda mid ku shaqeeya ku dhaqanka shareecada islaamka. Waana habka kaliya ay ku heli karaan qabaa’ilada kala duwan ee gobolka nabad iyo cadaalad.  

Talo soo jeedin: 

Gobolka hadda uma baahna abaabul dagaal. Gobolka waa uu ka nabad galay burburkii 16 sano, ee dagaalada sokeeyo. Waxaan ku talinaynaa in waqti badan la geliyo qalinka iyo aqoonta, ee aan waqti la gelin qori, jaahilnimo iyo dhimasho.

Bayaankan waxaa qoray dadka samo jeclaha ah ee jaalliyada Denmark kana soo horjeeda burburka iyo ku been abuurashada.  

Qoralkan waxaa lagala soo xiriri karaa: 
 

Cawil Cabdi Faarax,                 Denmark. 18. november 2006 
cawilc@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2006


»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD