WADAAGGA BATROOLKA:
W1 |
W2 |
W3 |
W4 |
MACDANTA iyo BATROOLKA:::
00 |
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
42 |
43 |
44 |
45 |
47 |
48 |
49 |
50 |
51 |
52 |
53 |
54 |
55 |
56 |
57 |
58 |
59 |
60 |
61 |
62 |
63 |
64 |
65 |
66 |
67 |
68 |
69 |
70 |
71 |
72 |
73 |
74 |
75 |
76 |
77 |
78 |
79 |
80 |
81 |
82 |
83 |
84 |
85 |
86 |
87 |
88 |
89 |
90 |
91 |
92 |
93 |
94 |
95 |
96 |
97 |
98 |
99 |
100 |
101 |
102 |
103 |
104 |
105 |
106 |
107 |
108 |
109 |
110 |
111 |
112 |
113 |
114 |
115 |
116 |
117 |
118 |
119 |
120 |
121 |
122 |
123 |
124 |
125 |
126 |
127 |
128 |
129 |
130 |
131 |
132 |
133 |
134 |
135 |
136 |
137 |
138 |
139 |
140 |
141 |
142 |
143 |
144 |
145 |
146 |
147 |
148 |
149 |
151 |
152 |
153 |
154 |
155 |
156 |
157 |
158 |
159 |
160 |
161 |
162 |
163 |
164 |
165 |
166 |
167 |
168 |
170 |
171 |
172 |
173 |
174 |
175 |
176 |
177 |
178 |
179 |
180 |
181 |
182 |
183 |
184 |
185 |
186 |
187 |
188 |
189 |
190 |
191 |
192 |
193 |
194 |
195 |
196 |
197 |
198 |
199 |
200 |
201 |
202 |
203 |
204 |
205 |
206 |
207 |
208 |
209 |
210 |
211 |
212 |
213 |
Boosaaso: Wasaarada
Maaliyadda oo soo saartay Wareegto lagu joojinayo Lacagaha
Caafimaadka ee Askarta Puntland...
- Cabdirisaaq koronto
SomaliTalk.com
(Dec 10, 2006:) Wasaarada
maaliyada DGPL ayaa soo saartay amar lagu joojinayo lacagaha
ay qaataan askarta ee la xiriirta caafimaadkooda taasi oo ka
baxsanayd mushahaarka ay qaataan oo aysan si toos ah xataa u
helin mushahaarka iyo lacagtan hada la joojiyay ee
caafimaadka.
Askari ku sugan magaalada Garowe oo ka gaabsaday in
magiciisa la shaaciyo ayaa SomaliTalk.com u xaqiijiyay in uu
amarkani ka soobaxay wasaarada maaliyada islamarkaana uu
yahay amar dag dag ah oo aysan xukuumadu ka soo saarin wax
qoraal ah iyo mid ay u gudbisay baarlamaanka oo ay wasaaradu
iska goosatay amarkaan.
Askarigan ayaa ku tilmaamay amarkan mid aan sharciga waa
faqsanayn islamarkaan aysan askartu heli jirin lacagahan
iminka la jaray ee caafimaadka oo ay ku dhici jirtay "jeebka
calooshood u shaqaystayaasha", waa sida uu hadalka u
dhigay'e.
Tilaabadaan ay maanta qaaday wasaarada maaliyada ayaan
lagaranayan waxa ay salka ku hayso ayadoo aysan awalba
askartu heli jirin musharaarkooda si joogta ah.
Askarta ciidanka ah ee puntland ayaa ah kuwo u taagan
mushahaar la'aan mana jiraan mushahaar ay si joogto ah u
helaan bil walba waxaana hada ka maqan 9 bilood oo mushahaar
ah oo aysan askartu helin lamana garanayo xiliga ay
helidoonaa.
Horey ayaa mushaharada ciidamada looga jaray 15% lacagihii
ay horey u qaadan jireen, codsigaasi oo ay Wasaarada
Maaliyadu u gudbisay golaha Wakiilada ayaa lagu ansixiyey
Kalfadhigii 16aad ee ay yeesheen golaha baarlamaanka
puntland.
Dhamaan Ciidamada Booliiska iyo kuwa kale ee Amniga iyo
Daraawiishta ayaan in muddo ah oo gaareysa 9 bilood qaadan
wax mushaharo ah iyadoo ay tilaabadanina ay sii xoojinayso
walaacii ay horay u qabeen ciidanka puntland ee mushahaar
la'aanta u bartay una taagan musha'haar la'aanta sanad
walba.
Wasaaradda maaliyada ee
DGPL ayaa horay loogu canbaareeyey musuqmaasuq iyo wax is
daba marin baahsan oo ka jira gudaha wasaarada maaliyada
manajirto cid wax ka qabatay arinta lagu eedaynayo wasaarada
maaliyada mar sii horaysay ayaa madaxwaynaha DGPL Gen: Cadde
Muuse laftigiisu ku eedeeyay wasiirka maaliyada hanti
lunsasho mar uu u waramayay kalfadhigii 17aad ee
baarlamaanka halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad hase ahaatee
madaxwaynuhu eedayntaas uu u soo jeediyay wasiirka maaliyada
waxba kama qaban maadaama uu isagu u magacaabay xilka
wasiirnimada wax ka qabashadeedana uu lahaa.
Shaqaalaha dowlada Puntland ayaa si weyn uga cawda dhinaca
mushaharada oo bilaha qaarkood aan la bixin, ayadoo ay
ciidamadu ay yihiin kuwa ugu daran oo aan helin si joogta ah
bil walaba, halka la sheego in shaqaalaha in toodabadan ay
helaan lacago ka baxsan mushahaarkooda oo aan lagula
xisaabtamin.
Musuqmaasuqa baahsan ee ka jira xukumuuada puntland ayaa
waxaa hooyo u ah wasaarada maaliyada oo iyadu inta badan
maamusha dhammaan wixii kharashaad ah ee la bixinayo.
A/rizak koronto
SomaliTalk.com
Dec 10, 2006
Xildhibaannada
Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad
(Map) Muujinaya in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku
Darsatay

Halkan ka akhri
warsaxaafadeedka... GUJI....
»Digniin
ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta


|