SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Xildhibaannada Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad (Map) Muujinaya in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay

  • Soo bandhigid Khariidad cusub oo Itoobiya Samaysatay...
  • Cambaarayn Qaraarkii kasoo baxay Golaha Ammaanku...
  • Baaq ay xildhibaanadu u direen madaxweyne C/laahi Yuusuf..

Warsaxaafadeed ay maanta (Axad Dec 10, 2006) magaalada Muqdisho ka soo saareen xildhibaanada dowladda Federalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay cambaareyn loo jeediyay dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya, sidoo kale warsaxaafadeedkaasi waxaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay map-kii Soomaaliya ku biirisay dalkeeda, lagana tiray khariidadda Afrika halka ay Soomaaliya uga tiilay lana raacsiiyay dalka Itoobiya.

Xildhibaannada oo arrintaasi ku sheegay inay tahay qoraal si fudud looga helay xafiiska ra’iisul wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi, iyadoo warsaxaafadeedka iyo khariidadii ay soo bandhigeen  ay u qorneyd sidatan:


Baarlamaanka Federaalka KMG
EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA 
 الانتقالى الفيـدرالى البرلمان 
لجـمـهـوريـة الصــومــال 
The Transitional Federal Parliament of the Republic of Somalia  

Muqdisho, Axad 10/12/2006 

WAR SAXAAFADEED

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya ee fadhigoodu yahay Magaala Madaxda Dalka Somaliya ee Muqdisho shir laba maalmood u socday ee ay uga doodayeen qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu ahaa 1725/2006 ee 7/12/2006 kuna saabsanaa keenista ciidamo lagu sheegay inay ka shaqeynayaan ilaalinta nabadda iyo qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Somaliya tan iyo sannadkii 1992 ayey Xildhibaannadu kaddib markii ay si qoto dheer uga doodeen ujeeddoyinka iyo nuxurka uu xambaarsan yahay qaraarka Golaha Ammaanka ayaga oo si cad u diiddan qaraarkaas soo jeedinayaan qodobbada soo socda:- 


Khariidada ay samaysatay Itoobiya

cosoble
Cali Cabdulahi Cosoble
jini boqor
Cabdi Cabduule Saciid jiniboqor



Shir Guddoonka xildhibaanada...

Eeg Sawirada oo weyn... Guji Halkan

Cambaareyn

  1. Waxaannu cambaareyneynaa qaraarka Golaha Ammaanka ka soo baxay ee lagu keenayo dalka ciidamo shisheeye laguna qaadayo cunaqabateynta hubka ee hore u saarneyd Somaliya.

    Waxaannu taariikhdu markey ahayd 4/12/2006 u caddeynay caalamka iyo Golaha Ammaanka “qaadista cunaqabateynta hubka iyo oggolaanshaha in la keeno ciidamo shisheeye dalkeenna ay sababi doonaan dagaallo ka qarxa Somaliya iyo gobolka oo idil”. Waxaa cad in dagaalladaasu qarxeen ciidamada Itoobiya ee dalka ku soo galay sharcidarradana ay bilaabeen in ay weeraraan fariisimaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga Somaliya.

  1. Waxaannu caalamka hortiisa ku cambaareyneynaa Dowladda Mareykanka oo aan u aragno in aysan dooneyn in ay nabad ka dhalato dalka Somaliya iyo Geeska Afrika ayada oo caado ka dhigatay dulminta shacabkeena laga soo bilaabo markii ay dagaallada sokeeye bilowdeen iyo ayada oo mar walba qaadda tallaabooyin sii adkeynaya xal u helidda xaaladaha murugsan ee Somaliya.

    Waxaan u aragnaa qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka in uu yahay mid ay dowladda Mareykanka ku jujuubtay wadammada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayada oo uga gol leh in ay fashiliso “ilayska nabadda iyo rajada wanaagsan” ee u muuqda ummadda Soomaaliyeed.

  1. Waxaannu cambaareyn dusha uga tuureynaa Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ee hor kacaya ciidamada Itoobiya una ololeynaya in ay dowladda Itoobiya qabsato dalka Somaliya. Waxaanna u aragnaa inuusan ka shaqeyneyn danaha umadda Soomaliyeed balse uu wakiil ka yahay madaxda Itoobia (Meles iyo Sium Masfin)

Baaq

  1. Waxaannu ugu baaqeynaa Dowladda Uganda iyo guud ahaan wadammada Afrika in aysan ka qeyb qaadan gacanna siinin qorshaha dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ee ah in ay dowladda Itoobiya qabsato dalka Somaliya si ay u yeelato bad sidii ay u qabsatay dalka Eritrea 1961dii.
  1. Waxaannu ugu baaqeynaa wadammada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Wadammada Islaamka iyo Midowga Yurub in la cambaareeyo lagana hor tago qorshaha ay ku bahoobeen dowladda Mareykanka iyo dowladda Itoobiya ee lagu doonayo in dalka Somaliya lagu daro lana hoos geeyo dalka Itoobiya sida ka muuqata maabka cusub ee ay u sameeyeen qaaradda Afrika.
  1. Waxaannu ugu baaqeynaa Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmad in uusan ku dhicin dabinka iyo khayaanada dowladda Itoobiya kuna yaboohin dalka Somaliya dowladda Xabashida.
  1. Waxaannu ugu baaqeynaa Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmad in uu fuliyo ballantii uu u qaaday umadda Somaliyeed ee ahayd in uusan colaad hor leh u horseedi doonin Soomaali balse uu geed gaaban iyo geed dheerba u fuuli doono sidii uu umadda isugu keeni lahaa una heshiisiin lahaa.
  1. Waxaannu ugu baaqeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee ku sugan magaalada Baydhabo in ay nagala shaqeeyaan
    1. sidii loo baajin lahaa in Somaliya ay noqoto goob dagaal
    2. Sidii dalka looga saari lahaa ciidamada Itoobiyaanka ee sida sharci darrada ah ku soo galay dalka
    3. Sidii arrimaha Somaliya loogu dhameyn lahaa wadahadal
  1. Sidoo kale waxaannu ugu baaqeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee ku sugan magaalada Baydhabo in ay yimaadaan Muqdisho indhahoodana ku arkaan isbeddelka iyo nabadda ka jirta magaala madaxda dalka Somaliya iyo guud ahaan dhulka ay gacanta ku hayaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga Somaliyeed.

Digniin

Waxaannu u direynaa digniin kulul Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya Meles Zenawi, waxaanu leenahay ha ka waantoobo riyada beenta ah ee ah in uu Somaliya ku darsado gobolka Soomaliyeed ee uu ugu yeero killilka shanaad, sidoo kale waxaannu leenahay waa in aad dib ugu celisaa ciidamada Itoobiya dalkooda hooyo si aysan ugu la’an dhul aysan lahayn. Shacabka Somaliyeedna uma dulqaadanayo hanjabaadaha ka soo yeeraya dowladda Tigrey wuxuuna diyaar u yahay inuu difaaco dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisa siduu horeba uga difaaci jiray cadawgii ku soo gardarrooda. Waa uu dhamaaday waqtigii aad hoggaamiye kooxeedyada Somaliya farta ugu yeeri jirtay amarkana siin jiray, 

Mahadnaq

  1. Waxaannu u mahd naqeynaa dowladaha Eritrea, Sudan, Djibouti iyo Jaamacadda Carabta ee caddeeyay:
    • Sida aysan raali uga ahayn in Somaliya la geeyo ciidamo shisheeye
    • Sida aysan raali uga ahayn in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Somaliya
    • Sida aysan raali uga ahayn in ay ciidamo Itoobiyaan ah ku sugnaadaan gudaha dalka Somaliya
    • Sida uusan qaraarka Golaha Ammaanka u ahayn mid nabad ka shaqeynaya balse uu u yahay mid hal dhinac oo keliya taageeraya
  1. Waxaannu uga mahad naqeynaa Midowga Maxaakiimta Islaamiga Somaliya sida ay ugu gurmanayaan dadka walaalahood ah ee ay daadadka iyo roobabku dhibaateeyeen iyo sida ay u buuxinayaan kaalinta ay gabtay Xukuumadda Cali Maxamed Geedi.
  1. Waxaanna u soo jeedineynaa hay’adaha caalamiga ah iyo deeq bixiyeyaasha in ay si buuxda ula shaqeeyaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga Somaliya ee ku howlan u gargaaridda dadka ay masiibooyinku waxyeeleeyeen.

Gunaanad

Waxaannu ka xunnahay  walaalaheen reer Baydhabo ee sida niyad samida leh waddaniyadduna ku dheehan tahay ugu soo dhaweeyay dowladda Somaliya degaankooda ballan ka baxa iyo khayaanada kala soo gudboonaatay dowladdii ay soo dhaweeyeen kaddib markii ay ku warrejisay degaankii ay sharafta iyo karaamada ku lahaayeen dowladda Xabashida.

Waxaannuu xusuusineynaa walaalaheen reer Baydhabo in aan la qeybsaneyno dhibta, tiiraanyada iyo welwelka heysta, sidoo kale waxaan walaalaheen reer Baydhabo xusuusineynaa in sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeenna ee ay la wadaagi jireen walaalahooda kale ee Somaliya ay gacantooda dib ugu soo laaban doonto ayna noqon doonaan iyagu kuwa ka taliya degaankooda.

Waxaa war saxaafadeedkan soo saaray Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya ee fadhigoodu yahay Magaala Madaxda dalka Somaliya ee Muqdisho.

### 

Khariidada cusub ee Itoobiya Samaysatay Ka eeg Halkan...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215576666/002521653623


Fikrada Akhristayaashu ka bixiyeen Khariidada cusub:

Xariiri: Khariidadii "Xildhibanada" - BEEN AAN RUN U EKAYN... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD