Heyb-Soocii
Gaalkacyo iyo Hoy Wanaagii Hargeysa
(xeer
dhaqameedkii somladi xagee aaday)
Hor dhac
Waxaan qormadeydan ku
bilaabayaa magaca soomaali meesha uu ka soo jeedo iyo
xikmada uu xanbaarsan yahay, sida aan la wada soconaba
magaca soomaali waxa uu ka yimid xili hore dhulkan geeska
Africa waxaa loo yiqiinay dhulkii xabasha (ardul xabasha)
sida ku cad waqtii dacwada islaamka socotay oo saxaabada
(RC) qeyb ka mida u soo hijirootay
dhulkan ayna ka soo galeen zeylac.
Xiligii uu jiray ganacsiga
carbeed iyo kii faariska (Persia) waxaa dhulkan loogu imaan
jiray ganacsi xura iyo waji fur furnaasho lixaad leh sida uu
qoray bad mareenkii carbeed ibn baduuda marki uu yimid
dhulka somalida dagta iyo sida wanaaga leh ee loo soo
dhaweeyey.
Asal ahaan magacan (Somali)
waxaa la isku raacsan yahay inuu ka kooban yahay laba eray
oo isi saran oo kala ah SOO iyo MAAL waxana la sheegaa in
marki ay yimaadaan ganacsata dhulkan inta aan la guda galin
ganacsiga in la marti soori jiray waxayna aad u maqli jireen
eraygan SOO MAAL marki ay soo marti yaan kaasoo looga jeedo
in loo maalo xoolaha si ay u cabaan caanaha (milk) oo ah
cabitaanka ugu qiimaha badan xiligaas iyo xliganba oo aan
la siin jirin biyo caadi ah ama cabitaano kale.
ALLAH subxaanahu watacaalaa
waxuu nagu galadeystay diinta islaamka maanta aan nahay
dalka kaliya ee dunidan ku noo ee 100% muslina hadana Sunni
ah .
Hadaba sidaas ayaan hadii
aad nahay umad soomaaliyeed ku hananay magac wanag,saqinimo
iyo deeqsi wanaagba intaana asal u ah diinta iyo dadnimada
aan ku faano maanta
Umadda somaaliyeed ee lagu
aqoon jiray is jacayl, isu tanaasul iyo in lagu dhameeyo
dhib kasta oo dhaca geed hoostiis, waxaa jiray dagaalo dhex
mara bulshaddi somaaliyeed ee reer miyiga ahayd waxa lakala
qaadan jiray xoolo uu GEELLA mudane u ahaa, haddaba
akhristow markasta waxa jiray xeer beegti u xilsaaran
xalinta dhibaatooyinka dhex mara beelaha somaliyeed ee ab
iyo
isir iyo islaanimo intaba wadaaga, waxa xusid mudan inuu
jiray xeer hoosaad lagu kala saaro bulshadda xeerkaas oo ay
dejiyeen boqolaal sano ka hor gar yaqaano soomaliyeed.
Gumeysigii (the colonist)
wadankeena qabsaday qarnigii 19aad ayaa si hurriyey
xurguftii soo tiilada ahayd ee somaaliddi hore u dhexeyn
jirtay wuxu isku dayey gumeystihii inuu saaxiibo ka dhex
samaysto bulsho waynti soomaliyeed isagoo ku fushanaya
dantiisa gaarka ah, wuxu dhici jiray geela iyo gamaanka (fardaha)
ama (horses), labadaa ayaa ahaa gaadiidka ugu qaalisan
wakhtigaas isagoo beelana ka qaadaya beelaha ay gacan-saarka
leeyihiinna ku abaal marinaya.
Sida qoraayaal (authors)
badan oo soomaali ah aaminsan yihiin dhagarihii gumeysigu la
maaganaa somaliya iyo isku dirki beelaha walaallaha ah ee
soomaliyeed si buuxda uma hirelin waxaana wiiqay xeer
beegtida oo wakhti kasta u taagnaa suluxa iyo heshiisiinta
(peace) beelaha soomaaliyed waxay ahaayeen xeer-beegtidu
marjac loo noqdo.
Akhristow waxan la yaabay
markaan taariikhda indha-indheeyey qiimihi soomaliddi hore
iyo isu tanaasulkii inuu meesha ka baxay, waxaa igu adkaatay
inaan is bar bar dhigo somalida maanta iyo tii hore waxa ku
so baxaya inay ad u kala duwan yihiin marka laga fiirsho
dhinacyo badan waxa dareemeysa in uu dhacay dulmi weyn oo
beelaha soomaliyeed is dulmiyeen, waxa lawada ogsoon yahay
dawladdi ugu danbeysey waxay soomaali dhex dhigtay oo xumaan
ah.Waxa so baxay qab qablayaal dagaal oo dantooda gaarka ah
ka hormariya tan guud waxay gumaadeen (genocide) shacab
weynihi somaliyeed ee walaallaha ahaa laga bilaabo
Raas-casayr ilaa Raas-kabooni, waxa ku daatay dhulki
soomaliyeed xinjiro, dhiig (blood) badan oo an waxba
galabsan, waxay sababeen dagaalo macno darro ah iyago ku
ilaashanaya kuraastooda, qab-qablayaashu waxay heshiis la
galeen shirkado maafiyo ah kuwaaso ku aasay sun dhulkii
soomaliyeed waxay jireefeen (tir tireen) badda, dhirta,
daaqa, duurjoogta, beeraha waxay ku guuleysan waayeen inay
heshiiyaan oo talada wadanka qaybsadaan, waxay fashiliyeen
15 shir oo loo qabtay somalida, taladdi soomalida waxa
gacanta ku dhigay qabqablayaan aan la dooran, kuwaaso u
horseeday wadanka dawlad la'aan, bur-bur, dhiig macno darro
loo daadiyo, dhaca dadka laga tabar roon yahay, maroorsi
taladdi soomaali ka dhexeysey, kufsi iyo DALKI soomaaliyeed
oo gabi ahaanba loo gacan galiyay cadaw in badan ku taamayay
inuu ku dhax tibaaxo gudaha soomaaliya.
Hadaba akhristow waxaa
isweydiin leh goormuu shacab weynaha soomaliyeed la
xisaabtami doonnaa nimanka dhiigooda ka ganacsada dalkiina
cadaw ku cusuumay.
Murtidda qoraalka
Waxaan la soconaa in
Soomaali badan ku noolyihiin dalka dibadiisa ayna la kulmaan
dhibaatooyin kala duwan.
Dalka boqortooyada
sacuudiga (KSA) ayaa ah wadamada ay soomaliadu u nabad iyo
neecaw baxdsadaan ayagoo ka baxsanaya dhibaatadda 16jirsatay
ee ku habsatay dalkeena hooyo maanta , Dalka sacuudiga oo
la sheego inuu soomaalida si uun u caawiya ayaa hadana
dhibaatooyin fara badan u geysta oo ay ugu horeysa
musaafurin tarxiil (immigrate).
Waxaa dhacaday maalintii
talaadadii (Tuesday) 03/04/06 in diyaarad raacsan shirkada
duulimaadka JUBBA AIR sodcaalkeeduna ahaa Jeddah to
Mogadishu ay qabsatay mucjiso .
Diyaaradan ayaa lagu war
galiyay dagaallada gobanima doonka ah ee ka socdo muqdisho
oo ayna u suuruubeyn inay diyaaradu caga dhigto muqdisho
international airport ama balidogle, Diyaaradan ayaa qasab
noqotay inay gaca dhigto garoonki diyaaradaha ee gaal kacyo
(Gal kayo airport) balse akhristow waxa ka dhacay garoonkaas
ayaa ahaa mid baal
madaw u gali doonta umadda soomaaliyeed oo dhan, dhaqan
ahaana aan lagu aqoon umaddan meel kasto ha joogtee dal iyo
dibad.
Waxaa dhacday akhirstow
inay sameeyeen maamulka eela boorka gaal kacyo (galkayo
airport) -ee raacsan maamul goballeedka punt land-waxa loo
yaqaan midab takoor (discrimination) afka carbeedna lagu
yiraahdo (timyiiz jinsi).
Rakaabka saarnaa
dulimaadkaa ayaa lagu amray inay is tibaax sheegaan
qabaa'ilkooda si loo kala saaro taasoo noqotay amakaak iyo
anfariir ebed soo marin umadda soomaaliyeed , marki ay is
qabiil turxaan bixiyeen rakaabka diyaaradaas saarnaa oo in
badan dhibaato soo arakay ayaa dhacday in la loo ogalaaday
7ruux oo ka mida 100-120ka rakaaab ee saarnaa diyaarada in
loo ogalaaday inay galaan gobolka punt land oo ay ka soo
jeedeen halka inta kalana lagu amray inaysan ka soo dagin
diyaaradi maadaama ay ka soo jeedaan gobollada koonfureed
iyo caasimada muqdisho .
Qoraalada qaar ayaa
cadeynaya inay halkaas yimadeen ciidanka punt land oo ugu
hanjabay rakaabka inaysan cagaha dhulkaas dhigin hadii
kalana ay dhib la kulmi doonaan
Arintan ayaa noqotay mid ka
tarjumeyso colaad qabiil iyo aar goosi aan la aqoon halka uu
ku salka hayo, waxaa su'aal taagan noqon doonto sababta
keentay musaafiriin hadana tarxiil ka sii ah la yiraahdo
qolmaa tahay
Maamulka shirkada JUBBA AIR
oo in badan isku dayay inay u sharxaan rakaabkan inaysan
qabiil wax shaqaa ku leheyn ina yihiin dad la soo
musaafuriyay kuna xirnaa xabsiyada dalka boqortooyada
sacuudiga muddo sanadaa ayna qabaan dhibaatooyin badan ay ka
mid tahay xanuunyo qaarkoodka la sheegay inayba wax cunin.
Carabi waxay ku maah
maahdaa (laqad asmacta low naadeyta xayan laakin laa xayaata
liman tunaadii) waxayna macna ahaan noqon 'waad maqli lahayd
hadii aad noole u qeylin lahayd balse qofka aad u qeylini
nololba uma sugna', dhibka iyo daruufta ka muuqata rakaabka
diyaarada saarnaa oo qaarkood da' ah waxaa ka weynaa
siyaasada qalafsan iyo qabiil xumaha na laayay.
Diyaaradaas ayaa la sheegay
inay galabinimadii salaasadi (tuesday) ay ka kacday
garoonka diyaaradaha gaalkacyo kadib marki ay ku guul
darasyteen maamulka shirkada JUBBA AIR in loo ogaalado in
rakaabka galaan gudaha magaalada si loogu sii qaado
gawaari loo diyaariyay inay u sii gudbiyaan gobollada dalka,
balse diyaadan ayaa la sheegay inay galabnimadii abaartay
dalka jabuuti inkastoo hadadana shidaal qaadasho ugu dagtay
hargeysa oo ayadana ay kala kulmeen rakaabka iyo maamulka
shirkada JUBBA arin kale oo hor leh balse ka duwan waxii
ay kala soo kulmeen dhulka punt land oo lagu tiriyo nimaad
ahaan inuu hoos yimaado dhulka jamhuuriyada soomaliya .
Maamulka ka jira hargeysa ayaa albaabadda u furay rakaab
diyaadaas ku dhibanaa ayna ku war galiyeen inay iyagu marti
u yihiin, arintan ayaa noqtay mid lama filaana iskuna
badashay lama ilaawaan uur ku taalo ah.
Waxaan xasuusanahay in
marki ay dagaalada ka dhaceen koofurta soomaaliya uu
maamulka ka jira gobaladaas waqooyi ay u ogalaadeen dadka
ka baxsanayay dagaalada ka jira koonfur inay u gudbaan
dhulkaas, hadana markii la sheegay inuu dilaacay cudurka
dilaagaa ee koleeraha (cholera) ay xayiraad ku soo rogeen
dulimaadyada uga yimaada koofurta, hadana dib uga laabtay
go'aankaa ayagoo ku macneeyay inay u adkeysan Karin dhibka
heysta walaalahood cudurkasta oo jirana ey ka daran tahay
xabada iyo madaafiicda cadawga ku habayo .
Arintan oo aan dareemi karo
akhristow inay ku dareensiineyso inaan wali lumin magaca
soomali meesha uu ka yimid si kasto uu xaalka ahaado, ku
darso gobalado waqooyi maanta waxay go�aan ku gaareen
inaysan dib ula midowbeen Somali inteeda kale balse taas
kama reebin inay ka naxaan xaalada adag ay ku sugan yihiin
maanta waalallahood Somaliyeed anagoo og waxii dhibaato
ahaa ee loo geestay walaalaheen waqooyi taasoo maanta
keentay inay ka calool duubtaan umadda soomaaliyeed kuna
taagnaadaan xaqa ay u lee yihiin gobi nima doonka iyo aaya
ka talinta danahooda.
Ku sii darso akhristow
walaaallaheen waqooyi galbeed waa kuwii keenay midowgii 1960
nana dareen siiyay mancaha midownimo (united) ka hor inta
aanaan dareemin manacaha wadanimo (nationalism), waxaanse
amaan iyo bogaadin u jeedinaayaa shacabka ku nool dhulkaas
ee dhiigooda ku jiro magacii soomaliyeed ayagoo ku han wayn
inay hantaan dhulkii soomaaliyeed teedna rumeeya magaca
Somali iyo dhulkiisa oo manca ahaan imaan dhulkii soomaalida
(Somaliland).
Gaba gabada qoraalka
Madaxa ugu sareeya maamul
gobaleedka punt land mudane cade ayaa muujiyay mar uu la
hadlayay idaacad gudahaa inaysan dhicin waxa midab takoora
uuna diyar u yahay inuu baaro arintaas waana talaabo ku
dayasho mudan waa hadii ay ka dhabeeyaan in arintaaas in la
sal raaco.
Si kastaba ahaatee arinta
ka soo yeertay punt land waa uur ku taalo umadda
soomaaliyeed maalin uun laga geed fadhiisan doono koley
ficilkan xun kuwa ku kacay waa maamul (authority),
maamulkana waxuu matalaa (representative) shacab shacabkuna
waxuu lee yahay oday dhaqameedyo(cuqaal) hadaba waxaan ka
codsan oday dhaqmeedyada reer punt land inaysan arintan
dhagaha ka fureysan (xiran) oo dib u soo celiyaan dawrkii
weynaa ee ku lahaayeen xalinta dhibaatooyinka dhaci jiray.
Koley qoraalkeygana kuma
af xumeynayo shacab ama qabiil gaara inkastoo somalidu qaar
isku qotomisa aallaaba middida (knife) balse waxa aan raba
ayaa ah inaan muujiyo waqtigan inuu dalku u baahan yahay
odayaashi shalay keenay gobanimadii, maanta waxaa muqdisho
nabad iyo cimaamad cad ku baaqaya waa odayaashii dhaqanka ee
beelaha daga dhulkaas.
Bulshada qayb ayaa qabta in
odayadu in yar oo ALLAH u naxariistay mooyee ay dhibka jirra
qayb ka yihiin iyagoo la kala saftay beelehooda gacan saarne
la leh qabqab layaasha.
Culumadda, Indheergaradka,
Aqooyahanka iyo intii wax uun samo ah ku hartay waxaa ka
codsanayaa in soomali la bad-baadiyo, cadowgu wa badan yahay
waana dul joogaa , waxa imaan doonta in magaca soomaali la
waayo hadii aan wax laga qaban xaalka la marayo
Mar hadii aan maqalnay
xanti xuseen ka fakatay, xal xaloolidii diinaari, normal
la'aanta yuusuf sheegay iyo xil ka qaadistii geedi ee xuseen
intaa oo dhan inay ka turjumeyso in dalku Qatar ku sugan
yahay ayna suurtal tahay -ALLAH nooma keenee- in aan marno
wadadii eratareeya (Eritrea) soo martay markii ay dawladii
wasaayada (trust ship government) iyo baarlamaankiisu (the
parliament) ku afti qaaday December 1950 Eritrea inuu yahay
qeyb (part) ama muqaadaca ka mida dal weynaha Ethiopia .
Waxa is weydiin mudan
odayaddi xeer beegtidii meeye xagee ka dheceen, waxaa maran
kaalintoodi waxa laga rabaa inay somali heshiisiyaan oo
wanaaga ka shaqeeyaan siddi looga bartay.
Waxaan mar labaaad iyo mar
boqolaad ku celinayaa gabagabaddi qoraalkeyga inta samaha
iyo nabadda jecel, indheer garadka, culimadda, aqoon yahanka,
siyaasiyiinta daacadda ah, fanaaniinta, gacansatada, ururada
bulshada iyo ardayda waxaan ka codsanayaa inay u kacaan wax
ka qabashadda arimaha cakiran 16-ka sano iyagoo la
kaashanaya ALLAH si looga xoroobo cadawga dalka ku
gaardinaya iyo qab qaylayaasha qabiilka qalbigeena ku
beeray ,laguna so celiyo DALKA iyo talada umadda
soomaliyeed si ay u dhistaan dawlad loo dhan yahay oo
cadaalad ku salaysan ..
Walaahu almuwafaq
Dalmar Omar Gacal
Islamabad-Pakistan
E-mail:
dalmaryare@hotmail.com
ama
dalmardayax@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Apr 9, 2007

References: -

