SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.

DHEGESI::: Cadde Muuse oo ka warbixinayey Safarkii uu ku Tegey Magaalad Addis Ababa ee Dalka Itoobiyo... (Apr 2007)

Sida lalawada socdo waxaa deegaanada Puntland ka dhacday dhacdo la yaab leh oo aad u fool xun taasoo lagula kacay dhalinyaro Soomaliyeed oo laga haybsoocay deegaanada puntland, dhacdooyinkaas oo is xigay.

Waa tan horee waxaa Magaalada Garoowe lagu qabtay dhalinyaro ka timid koonfurta Somalia oo isugu jiray Gabdho iyo wiilal dhalinyaro u badnaa ama wada ahaaba kuwaasoo ka soo cararay dagaaladii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada muqdisho.

Dhalinyaradaan ayaa iyagu sheegtay markii lagu qabtay kantarolka magaalada Garowe in ay ku siijeedaan Magaalada Bosaso oo ay u socdaan sidii ay halkaasi uga shaqaysan lahaayeen balse maamulka Puntland ayaa ku tilmamaay dhalinyaradaan kuwa doonaya in ay puntland ka abuuraan qalalaaanso oo ay la shaqaynayaan Maxkamadihii iyaga oo mudo 4 cisho ahna ku hayay Xabsi kuyaala Magaalada Garowe halkaasoo markii danbana looga sii celiyaya ama la geeyay xuduuda ay puntland ka sheegato koonfurta Somalia ee ah duleedka Galkayo.

Waxaa dhacdaadaas oo ay dadwaynaha Soomaaliyeed ku mashquuleen dhagahana ka taageen ayna ku waynaatay dhibkaas loo gaystay dhalintaas tii xigtay markii maamulka puntland uu dib u celiyay dhalinyaro kale oo ka soo jeeda koonfurta Somalia lagu celiyay diyaaradii lagu soo tarxiiliyay ee ka keentay Sucuudiga taasoo ka dajisay markii danbe Hargaysa.

Dhalinyaradaan laga soo tarxiilay ayuu madaxwaynuhu ku dooday in ay diidayaan qorshahana aysan ugu jirin in dad Somaliyeed lagu soo celiyo si sharcidaro ah isaga oo madaxwaynuhu ka hadlayay idaacad ku taala magaalada muqdisho balse madaxwaynuhu ma oga miyaa in sucuudigu Kamid yahay wadamada ugu qalafsan xaga sharciyada, xabsiyada marka uu diidayo tarxiilka sidoo kale madaxwaynuhu miyuusan ogayn in sucuudigu uu dadka tarxiilo sharcidarada ku soo gala dalkiisa iyaga oo la kulma xabsi, jirdil, cadaadis....

Tan ugu daran ee maamulka puntland fadeexada galisay ayaa ahayd markii lakala haybsoocay dhalinyarada laga soo tarxiilay puntland xiligii laga soo dajiyay Garoonka Magaalada Galkacyo xiligaasoo lakala soocay dhalinyaradaasi oo laga reebay kuwa u dhashay puntland kuwii kalena uu diiday maamulka puntland in dhulkooda laga soo dajiyay taasoo fajiciso ku noqotay shacabka Somaliyeed in ay kala sheegtaan dhulka.

Hadaba akhristow miyuusan Xaal iyo Raali galin ku waajib noqon Madaxwaynaha puntland marka uu leeyhay waxaanu u danaynaynay dhalinyarada Somaliyeed waliba uu sidaas ka leeyahya idaacad codkiisa laga maqlayo meelo badan oo caalamka ah isagoo faseex ah isaga oo is hilmaansiinaya dhibka ka jira ama ka taagan xabsiyada sucuudiga oo uu madaxwaynaha puntland damcay in uu halkaas dhalinyaro Somaliyeed lafahooda ku shiito hadaan alle u bixin.

Mawaan lagula xisaabtami karin dhacdadaas foosha xun ee uu ka galay madaxwaynuhu shacabka koonfurta Somalia ee dagaalada ka soo cararaya oo uu madaxwaynuhu ku celinayo dhibka, qaxa, burburka Silica, Gaajada, hoy la'aanta intuba haystaan isaga oo guri dhala ah kaga jira dhibkaas.

Faaladani waa aysocotaa ilaa iyo inta uu Madaxwaynaha Puntland ka bixinayo raali galin iyo xaal.. qofwalba oo Somaliyana waa ku darsan karaa figradiisa....

A/rizak koronto
002525748434

Faafin: Apr 9, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD