SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Puntland oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Wax Laga Siiyey DFKMG....

iyo Puntland oo Shirkadda Range Resources u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey...

  • Range Resources ayaa [Arbaca, 26/3/2006] Qoraal ay u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia waxaa si cad uga dhex muuqdey hadalkii Cadde Muuse ee in aysan ka mid ahayn DFKMG...
  • Waxa kale oo ay Range sheegtay: Dawlad [Goboleedka] Puntland waxay ku wargelisey Range [Resources] in Warqad Furan uu daabacay Wasiirka Tamarta ee DFKMG taas oo ahayd qoraal aysan ansixin ama ogolaan Madaxwynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG
  • 26 Xildhibaan oo soo saaray qoraal ay ku diidan yihiin qaabka loo ansixiyey sharciga Batroolka DGPL...
  • Xasan Aloore "DGPL kuma bakhaylin dakhligii ay ka heshay heshiisyada sahaminta in ay DFKMG kaga difaacdo weerarka kaga imaney kooxaha axmaqa/xamaadasaysan ee xaruntoodu tahay Muqdisho."

Talaadadii [25/3/2008] ayey ahayd markii Shirkadda reer Australia ee Range Resources ay hakad gelisey saamiyadeedii Suuqa Ganacsiga ee Australia, iyadoo taas sabab uga dhigtay "in ay sugeysey [ka hore Khamiista Maarso 27, 2008] qoraal ay Puntland ku cadayneyso xiriirka ay la leedahay Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya."

DGPL: 25/3/08

Xasan Aloore: 25/3/08
English  ama  PDF
DFKMG 20/3/08

Eng. Kaanje 20/3/08
 English |
Somali

Haddaba, isla Talaadadii [25/3/2008] ayaa Xafiiska Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntland waxa uu faafiyey Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Batroolka ee DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), oo si kulul u weeraraya Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje).

aloore Hassan Osman MahamudQoraalka Xasan Aloore oo lagu soo beegay inta aan la gaarin xilligii ay qabsatay Shirkada Reer Australia in ay qoraal ka hesho DGPL, ayaa ku qornaa af-Ingriiisi oo keliya oo aan Af-Soomaali wadan (weli), waxana uu si qayaxay u edeeyey Eng. Kaanje.

Aloore waxa uu qoraalkiisa ku yiri: "Wasiirka aan lahayn xafiiska uu ku shaqeeyo, ee guurguura/safarka ku jira, waxa uu ugu dambeeyey liis dheer oo shakhsiyaad, khaas ah ama dawladeed, oo kadeed/dhibaato ku haya jaalkayaga (shirkadaha) oo curyaaminaya degganaanshaha iyo yoolka horumarineed ee Puntland. Annagu ma xakuno shakhsiyaadka gaarka ah, welwelna kamaba qabno. Laakiin, Cayda iyo Hanjabaadda Wasiirku waxay u baahan tahay cunqabatayn dawladeed shaqadiisa uu gudan waayey iyo hab dhaqanqiisa aan ku haboonayn sarkaal dawladeed oo leh derajadaas oo kale. Sarkaal sare oo ka tirsan DFKMG ayaa noo xaqiijiyey in aragtida wasiirku (Eng. Kaanje) ay tahay aragtidiisa oo keliya oo aysan ahayn Warsaxaafadeed ay ansixisay DFKMG."

  • Qoraalka Aloore ee ay faafisay madaxtooyada DGPL (25/3/2008) ma lahayn tirsi ama tixraac wasaaradeed iyo sidoo kale ma leh shaabad Wasaaradeed. Halka qoraalka Eng. Kaanje uu leeyahay shaabad Wasaaradeed iyo tixraac xeer Lr# Min-Energy-Mining/E/2008.3/11 oo ku taariikhaysan: Khamiis, March 20, 2008.

Hadalka la xiriira in warsaxaafadeedka Eng. Kaanje aysan DFKMG ansixin waxaa sii faahfaahiyey qoraalka Shirkadda Range Resources u dirtay [Arbaca 23/3/2008] Suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX), oo lagu qoray "Dawlad [Goboleedka] Puntland waxay ku wargelisey Range [Resources] in Warqad Furan uu daabacay Wasiirka Tamarta ee DFKMG taas oo ahayd qoraal aysan ansixin ama ogolaan Madaxwaynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG." Waxayna markaas Range xustay in Warsaxaafadeedkii Wasiirka DFKMG [oo ay Range ku tilmaantay Warqad Furan] in ka jawaabey Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Puntland.

Hadalkaaas weli wax jawaab kama bixin col. Nuur Cadde iyo col. C/laahi Yuusuf.

Waxa kale oo qoraalka Range u dirtay Suuqa ASX la socdey sawir muujinaya shir dhex maray qaar ka tirsan madaxda sare ee maamulka Puntland iyo shirkaddaas (iyo jaalkeed).


Kulan dhex maray Madaxda DGPL iyo shirkadaha | Sawirka: ASX (26/3/2008)

Range Resources qoraalkeedii [Arbaca, 26/3/2006] waxa kale oo ay ku xustay in 2009 ay Puntland ku soo fool leedahay Doorasho. Waxaana qoraalkaas ay u dirtay ASX si cad uga dhex muuqdey hadalkii Cadde Muuse ee ahaa "Inta laga helayo dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda."

Puntland waxay lacagtii shidaal Sahaminta wax ka siisay DFKMG....

Qoraalka [25/3/2008] ee Wasiirka Batroolka ee DGPL waxa uu markii ugu horeysey shaaca ka qaaday in Puntland ay lacagihii ay ka heshay heshiisyada shidaal sahaminta wax ka siisay DFKMG, isaga oo halkaas ka hadlayeyna waxa uu Xasan Aloore qoray: "Dawlad [Goboleedka] Puntland kuma bakhaylin kharashkii ay ka heshay Cashuurta, iyo adeegyada dekeda Boosaaso iyo dakhligii ay ka heshay heshiisyada sahaminta si ay iyadu [Puntland] isugu difaacdo iyo in ay DFKMG kaga difaacdo weerarka kaga imaney kooxaha axmaqa/xamaadasaysan ee xaruntoodu tahay Muqdisho."

Range Ma Sheegin Qoraalkii ay Soo saareen 26-ka Xildhibaan...

XEER HOOSAASKA DGPL:
Habka Codbixinta Golaha Wakiiladda

Qodobka 13.6: Haddii codadku laba jeer is le’kaadaan Guddoomiyaha ayaa yeelanaya cod dheeri mar sadexaadka

Qoraalka ay Range u dirtay Suuqa ASX kuma aysan muujin in xildhibaanno gaaraya 26 xildhibaan ay 22/3/2008 soo saareen qoraal cinwaan kiisu ahaa "Soo celin Xeer aan ansax ahayn", maadaama markii loo codeeyey sharciga Batroolka ay xildhibaanadii noqdeen 21 Diidmo, 21 Ogol, 6 aamustay, oo halkii lagaga celin lahaa laba jeer, sida uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland, laakiin uu guddoomiyaha baarlamaanku codkiisa markii koowaad ku ansixiyey xeerka.

26-ka xildhibaan oo arrintaas diidan [21 hore u diidanaa iyo 5 ku biirtay] waxay qoraalka u direen Madaxweynaha DGPL, Madaxweyne ku xigeebka DGPL, Xeer ilaaliyaha Guud DGPL, Guddoonka Golaha Wakiillada DGPL, islamar ahaantaasna waxay ogeysiiyeen Isimida DGPL iyo saxaafadda madax bannaan.

Qoraalka Xildhibaannada waxaa ku qornaa: "Iyadoo la dhawrayo dastuurka DGPL qodobkiisa 46.8, 46.10 iyo xeer hoosaaska golaha wakiilada DGPL qodobkiisa 13.6, iyadoo laga fogaanayo in si bareer ah loo jabiyo dastuurka iyo xeerka iyo qawaaniinta kale ee u dhigan DGPL, waxaan guddoonka golaha wakiilada ka codsanaynaa in ay dib u soo celiyaan xeerka horumarinta kheyraadka macdanta iyo shidaalka, waxaan kale oo guddoonka golaha wakiilada u soo jeedinaynaa inaanay ku dhaqaaqin ku dhawaaqid go'aan aan ansax ahayn ayna raaligalin ka bixiyaan ku dhawaaqida go'aankii ku saabsanaa Xeerka Horumarinta Kheyraadka Macdanta iyo Shidaalka kaasoo aan ansaxa ahayn." Waxaana saxiisay xildhibaannada.

Daalaco Qoraalladii: Aloore: (English Keliya) | Eng. Kaanje (English | Somali) | 26-ka Xildhibaan: (Af-Soomaali).

DGPL: 25/3/08

Xasan Aloore: 25/3/08
English  ama  PDF
DFKMG 20/3/08

Eng. Kaanje 20/3/08
 English |
Somali
26 XILDIBAAN

Garoowe: 22/3/08
Saxiixa Xildhibaannada

Marka loo fiirsado qaabka ay arrimuhu ku socdaan, waxay Puntland u muuqataa mid hab siyaasadeedkeeda ay majaraha u hayaan shirkado ajnabi ah, waxaase loo fadhiya baarlamaanka Puntland sidii uu talada dalka dib ugu soo celin lahaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.

Waxa kale oo la sugayaa mowqifka uu arrinta iska taago col. Nuur Cadde, ra'iisul wasaaraha DFKMG oo wasiirkii uu u xilsaaray arrimaha Macdanta & tamarta (sida batroolka) ay sidaas u af jebiyeen shirkado shisheeye.

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2008

Aragtida Dadweynaha:

Shirkadda Range Resources oo Hakad Gelisey Saamiyadeedii Suuqa Ganacsiga Australia (ASX)....
iyo Gen. Cadde Muuse oo Garoowe ka dhisaya Xabsi Weyn oo Cusub... Akhri...


"Itoobiya oo Ilaalinaysa Meelaha Shidaalka Laga Baarayo ee Puntland"?
iyo khilaaf xooggaan oo soo kala dhex galay DFKMG iyo DGPL oo ku salaysan shirkadaha ay Puntland heshiisyada la gashay iyo xeerka batroolka iyo hadallo ay is.... Akhris/Dhegeysi

caddeQoraal ka soo baxay Gen. Cadde Muuse...
ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn DFKMG ilaa..... Akhri....

Dastuurka Cusub ee Loo Samaynayo DGPLb

Baarlamaanka Puntland oo Ku kala Qaybsamay Ansixinta Sharciga Batroolka Puntland


BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: