SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON


"Maamulka Puntland oo ka Shaqaynaya isku Dhac kadhaca Degaanka Nugaal" C/Naasir Jeer

LONDON, UK, Dec 7, 2006: Waxaa magaalada London ee cariga Ingiriiska shir jaraa'id ku qabtay afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party [RPP] ee midowga Yurub C/Naasir Guure Faarax [jeer] wuxuuna afhayeenku shirkaan kaga hadlay colaad iyo hub isku gurasho baryahaan ka dhex taagnayd labo jilib oo kawada mid ah beel dagta G/Nugaal, wuxuuna C/Naasir daaha ka qaaday in colaadan aloosan ay ka danbeeyan madax sarsare oo maamulka Puntland ka mid ah, isagoo amuurtan ka hadlaayana wuxuu yiri:

"Waxaynu lawada soconaa walaalayal in maalmahaanba sansaan colaadeed ay ka dhex taagnayd labo beelood oo wadadhashay dagana inta u dhaxaaysa Garoowe iyo Sinujiif, colaadan ayaa waxaay ka bilaabatay dooxooyin laysku qabsaday, falalka noocan ah oo G/Nuugaal ku cusub ayaa dad badani iswaydiiyeen waxa uu maamulka Puntland u kala dhex gali waayay labadaan beelood ee kawada tirsan deegamada maamulka Puntland hoostaga, waa isagii maamulka Puntland ay dhex gali jireen beelo ku daagalamay meel kabaxsan deeganka Puntland, sida coonfurta Mudug iyo Galgaduud.

Isagoo afhayeenku hadalka sii watana wuxuu yiri:

"Baaritaan badan kaddib waxaan ogaanay in madax sarsare oo ka tirsan maamulka Puntland ay ka danbeeyeen colaadan oo ay waliba ku bixiyeen dhaqaale dhan £35000 sidii labada qoys isku gacan saari lahaayeen, waxaay kaloo hurinta dagaalkan u adeeg sadeen in dooxooyinka u dhaxeeya Garoowe iyo Sunajiif uu shidaal kabuuxo qoladii hadda awood iyo deegan ku yeelatana ay xaq wayn iyo mudnaan ku lahaanayan wixii kasoo baxa ee khayraad ah.

Wuxuu kaloo afhayeenku uga digayaa, waa sida uu hadalka u dhay'e, kuwa madaxda ka ah maamulka Puntland ee dabkaan hurinaaya:

"Kooxda ka tirsan maamulka Puntland ee colaadan gaaska ku shubaaya hadii ay ka waan toobi waayan isku dirida ay wadaan waxaan ku dhex fadeexayn doona shacabka reer Puntland, anagoo magac yadooda soo qorayna iyo dadkay howshan u dirsadeenba iyo maalintii ay arintaan bilaabeen iyo intii ka shirtayba.

Ugu danbayntii wuxuu afhayeenku kacodsaday beelaha in ay waxwalba walaal nimo ku dhameeyan:

"Hadaanu nahay xisbiga Ramaas iyo shacabka Puntland ee ku dhaqan Yurub waxaan ka codsanayna labadaan beelood ee walaalaha ah inay arintooda qaboojiyaan isna cafiyaan iskuna samraan inta labo wada qadayn jiray oo walaala labada dhinac ku kala dhiman lahaayen, sidoo kale meel ay joogtaba umada Soomaaliyeed ee ehelka waxwalba hadal iyo samaan haku dhameeyeen.

Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka: keenadiid18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2006

Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal


Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

HFKMG: Soomaaliya Ciidan Itoobiyaan ah ma joogaan

Idd Bedel Mohamed
Dec 6, 2006: Ciid Beddel Maxamed [Idd Bedel Mohamed] oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad ka heshay warkaas... Halkan ka daawo... [Isha: UN]

AP: 6,000 ilaa 8,000 oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...

Dec 7, 2006:  Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo sheegaya  in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha: AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD