SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADHAN


Horn Relief oo Markii ugu Horreysey ka Hirgelinaysa Ceel Riig ah Magaalada Badhan.

Badhan :- Magaalada Badhan oo sida la ogyahay la ildarrayd biyo la'aan khatar gelisey noolayaasha kala duwan ee ku nool gudaha iyo dibadda magaalada, ayaa hay'adda Horn Relief waxay ka bilowday iney ka hirgeliso ceel riig ah oo laga rajeynayo inuu baahida biyaha wax weyn ka tari doono.



Madaxa hay'adda Horn Relief Somalia Md. Yuusuf Xuseen Cali Ciise ayaa wariyeyaal soo booqday goobta riigga laga qodayo u sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in biyo macaan la gaadho todobaadkan gudihiisa ( ilaah idankii ), Md.Yuusuf wuxu intaas raaciyey in sidoo kale ay mashruucan la socoto biyo gelin magaalada lagu samayn doono mustaqbalka dhow. shirkadda Cosob oo leh riigga hirgelinaya qodaalka ceelka magaalada Badhan ayaa sidoo kale la filayaa inuu riig ka hirgeliyo magaalada Hadaaftimo , waa haddii uu sida la rabo uga soo boxo shaqada uu ka hayo magaalada Badhan.



Sidoo kale waxa weriyeyaasha u suurta gashay iney la kulmaan xubno ka tirsan guddi loo magcaabay arimaha amniga iyo diyaarinta martiqaadyada shaqaalaha riigga , kuwaas oo ka kooban 33 xubnood oo ka kala tirsan qaybaha bulshada , waxayna weriyeyaasha u xaqiijiyeen inaan wax caqabad ahi jirin , wax kastana si hufan ay u socdaan , haddana ay ku guda jiraan sidii loo heli lahaa shaqaale lagu gado adhi ay biishaan shaqaalaha riigga inta ay shaqada ku jiraan.



Dadweynaha magaalada Badhan ayaa si weyn ugu farxay una soo dhoweeyey hirgelinta riiggan , waxayna sheegeen iney ka qayb qaadanayaan wixii guddidu usoo jeediso ooo dhaqaale ah.

Maxamuud Ciyoon / Badhan.

Isha: LaasqorayNet | editor@laasqoray.net

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD