SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIDA

Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo...
  • Faalladii SomaliTalk.com | May 12, 2007

Gen. Cadde Muuse Waqtigii uu u Qabtay in Shirkadaha Batroolku ay Hawshooda bilaabaan oo ku ekaa May 11, 2007..

Puntland Batrool mise maaweeloMadaxweyne marka uu hadlayo waxa uu ku hadlaa mas'uuliyad sare iyo arrin ay golaha wasiiradda ee dawladdu isla meel dhigeen ka hor inta aan dadweynaha iyo saxaafadda loo soo bandhigin.

cadde muuseWaxay ahayd February 11, 2007 markii Madaxweynaha DGPL uu sheegay in ay mudo saddex (3) bilood gudahood ah ay ku imaan doonaan shirkadaha macdanta ka baaraya Puntland si loo guda galo halwaha baaritaan ee macdanta Puntland. May 11, 2007, waxaa ka soo wareegtey saddex bilood xilligii uu madaxweynuhu qabsaday. Shalay ayuuna madaxweynuhu kusoo laabtay Puntland kaddib safar uu muddo bil ah ku maqnaa Dubai.

Mar haddii waqtigii uu madaxweynuhu u qabtay shirkadaha la dhaafay, maxay noqon doontaa jawaabta madaxweynuhu siin doonoo shirkadahaas?

Madaxda Soomaaliyeed waxay u barteen shacab aan wax qorin ama aan dib u raacin hadaladoodii, bal haddaba si arrintaas looga gudbo aan eegno DGPL wax qabadkeedii shidaalka laga soo bilaabo Janaayo 2005 ilaa hadda oo taariikho kooban ah, waxaana halkaas ka ogaan doonaa jawaabta: wax qabad rasmi ah oo dawladda mise maaweelo ay shaacabka waqtiga kaga lumineyso. Jawaabta marka la akhriyo taariikhahaas sidey isugu xiriirsan yihiin ayey akhristaha uga soo bixi doontaa.


Sannadkii 2005

Janaayo 8, 2005: Gen. Cadde Muuse ayaa ku guulaystey madaxweynanimada Dawlad Goboleedka Puntland.

January 2005: Waxaa shaaca laga qaaday in wafti ka kooban 3 dhakhatar iyo hal kalkaaliso ay Febraury 2005 oo ka imanayey Australia ay tegi doonaan degaanka Puntland, (kuwaas oo ah Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson) - Waftigaas si rasmi ah ugama tirsanayn Terry laakiin wuu soo raacay markuu barnaamijkooda ka daawaday TV-ga Australia ee ABC.

Feb 2005: Waxaa Boosaaso yimid waftiga dhakhaatiirta reer Australia. Waxaana dhakhaatiirtaas hore u soo raacay ninka lagu magacaabo Terry Donnelly oo kan ay ka bilaabatay arrinta shidaalka Puntland. Terry waxa uu asal ahaantii Puntland u yimid barnaamij gargaarka carruurta ee loogu yeero KIDS IN NEEDS (KIN), waxase uu durbadiiba u xuub siibtey shirkad cusub oo shidaalka baarta.

Maarso 17, 2005: Waxaa la afduubay saddex dhallinyaro ah oo ka tirsana ciidanka Daraawiishta DGPL oo la socday markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Thailand oo dhallinyaradaas loo xilsaaray in ay waardiye ka ahaayeen, iyagoo ku dhex jira hawshii ay u hayeen Soomaalida, magacyadooduna waa: Yuusuf Aaden Seed, Maxamuud Cabdullahi Jaamac, iyo Xuseen Cabdullahi Aaden. Waxaana la geeyey xabsi ku yaal Thailand.

June 10, 2005: Madaxweynaha DGPL iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa u safar Dalalka Emaradka iyo Kenya. Waxaa waftigaas ka mid ahaa ninka lagu magacaabo Terry. Ninkaas ayaa durbadiiba saaxiib la noqday Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse. Muddo ka dib waxaa soo shaac baxay in Terry iyo xubno ka mid ah DGPL ayaa jasiirada Maldives kusoo asaaseen shirkad ay u bixiyeen CONSORT PRIVATE LIMITED, taas oo laga diiwaan geliyey wasaaradda Ganacsiga ee Maldives.

April 5, 2005: Terry Donnelly ayaa cambaarayn dusha uga tuuray hay'adda Qaramada Midoobey ee ka hawl gala Puntland, waxana uu dhaleecayntaas ka jeediyey markii Madaxwaynuha DGPL ku casumay casho sharaf loo sameeyey wafti ballaaran oo UN-ta ka socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta UNta Somalia). Waxa kale oo layaab ahayd in mid ka mid wakiiladii Terry xilligaas u joogey Garoowe uu sheegay in hay'adda Terry ee KIDS IN NEEDS ay Puntland ugu deeqday 19 mashruuc ilaa bishii February 2005 oo gaaraya ilaa $400,000 lacagtaas oo in ay jirto iyo inkale aysan DGPL wax cadayn ah ka bixin.

April 2005: Jariidada The Age ee ka soo baxda Australia waxay soo ogaatey in bishii April 2005 ay Soomaaliya (Puntland) u safreen Michael Povey oo ka tirsan maamulka sare ee RANGE RESOURCES iyo Terry Donnelly oo ka tirsan Consort Private.

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier (reer Norway) oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo deggan Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

May 29, 2005: Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, Waraysi dheer oo uu Telefishanka ETN Boosaaso la yeeshay ayuu wuxuu shaaca kaga qaaday in hay'adaha ajnabiga ah ay rabaan uun in ay dalka maamulaan, laakiin hay'adahaasi aysan dadka wax u qaban. [Dhegeyso halkan]

Aug 21, 2005: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo hay'adda wararka ee Reuters ay su'aalo ka weydiisey Batroolka Soomaaliya ayaa yiri "Shirkada kasta oo xiisayneysa khayradka daabiciga ee Soomaaliya way imaan karaan si ay dawlada Soomaaliya ula hadlaan, wadankii doonaan haka yimaadeene." "Waxaan fiirsaneynaa wixii dani noogu jirto, ha-tartameen shirkadahaasi waxaana guulaysan doona tan ugu wanaagsan". Waxaa jira shirkado (ilaa 1980-tamaadkii) ay Dawladdii hore ee Soomaaliya ay qandaraasyo shidaalka ah siisay iyo kuwo xiisaynayey Soomaliya sida Total, Amoco, Chevron iyo Conoco & Phillips (ConocoPhillips). C/laahi Yuusuf waxa uu arrintaas ka yiri mar ay Reuters weydiisey "Weligay ma akhrin qandaraasyadaas, mana ogi in ay jiraan qandaraasyo horay loola galay dawladii hore iyo in kale, waa in aan arko dukumiinti. Haddii ay shirkadahaasi hayaan dukumiinti, waa in ay na tusaan".

August 25, 2005: Waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL lagashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulka hoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier. (Ninkaas waxay jaraa'idka Norway ugu yeereen "Gabgablihii Batroolka ee Faraska Waalan Cayrinayey!")

Aug 28, 2005: Ra'iisul wasaraha DFKMG oo shir jaraa'id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in heshiisyada ay DGPL la geleyso shirkadaha shisheeye ay yihiin waxba kama jiraan, sharci darro ah. Waxana uu yiri "Ilaa ay dawladda (FKMG) soo agaasinto sharci ku saabsan maaraynta khayradka dabiiciga ah, sida sharciga Haydariij-Kaarboonka (hydrocarbon law), haba-yaraatee suurta gal ma noqon karto in la galo wada xaajood (Heshiis xagga khayradka dabiciga ah).... "... waa in shirkadaha shisheeyuhu ay ka fogaadaan heshiis yada ay la gelayaan maamulada maxalliga ah, ayagoo aan qoraal rasmi ah ka haysan Dawlada FKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya" ... "Xad gudub kasta oo arintaas ku saabsan wuxuu sababi doonaa cawaaqib xun, waxaana mas'uuliyada qaadi doona kuwa ku xad gudbey." ayuu digniin ku bixiyey Cali Maxamed Geeddi. Qodobada Dastuurka ee ka hadlay Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo xiriirada caalamiga ah waxaa ka mid ah qodobadda: 66aad, 67aad iyo 69aad. (waa Nuqulkii "Draft" koowaad ee axdiga KMG).

Aug 29,2005: Kulan degdeg ah oo ay yeesheen Golalaha DGPL oo lagu qabtay madaxtooyada Boosaaso ayey ka soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegeen in ay ganafka ku dhifanayaan hadalkii Cali Maxamed Geeddi, waxayna sheegeen in "Dawlad G/Puntland ay caalamka u caddayneyso in aysan cidna marti ugu ahayn horumarinta dadkeeda iyo dalkeeda." Waxayna cuskadeen qodobada dastuurka FKMG ee ay ka mid yihiin (Qaybta 4-aad, qod. 19-aad, farqaddiisa 4-aad.), ( Qaybta 13-aad qod. 88-aad, farqaddiisa 3-aad.), ( Qaybta 12-aad qod. 89-aad, farqaddiisa 14-aad.) oo Warsaxaafadeedku ku daray in qodobadaasi "ay intuba qeexayaan in laba sano iyo bar (2 1/2) gudahood lagu soo dhiso dawlad goboleedyada dhiman, iyadoo markaas kadib, la qeexi doono habka wax wada qaybsiga iyo awoodaha ka dhexayn doona DFKMG ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada dhismi doona."

Aug 30, 2005: Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL) iyo Terry ayaa waxay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Dubai, UAE, Hotel-ka Hilton. Ujeedada saxiixaas ayaa dad xog-ogaal ahi waxay ku sheegeen in ay ahayd in Terry la siiyo waraaqo muujinaya in uu madaxda Puntland ka haysto xuquuqda qodista shidaalka si uu u suuqgeeyo saxiixaas.

August 31, 2005: Hay'adaha Qaramada midoobey u qaabilsan samafalka carruurta ee loo yaqaan UNICEF warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in qaar kamid ah Puntland ay kadiiwaan gelisey 57,000 oo carruur ah oo aan iskuul dhigan kuwaas oo da'doodu u dhexeyso 6-jir ilaa 14-jir. Waxaa hay'addu qiyaastay in ugu yaraan 450 meelood oo laga degan yahay Puntland in carruurta aan iskuulka dhigan ay tahay inta u dhexaysa 150,000 ilaa 200,000.

September 9, 2005: Madaxweynaha DFKMG, C/lahi Yusuf, oo ay Idaacada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation wax ka weydiisey arrinta ay isku qabteen Puntland iyo Geeddi ayaa qiray "..Wixii Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe." Waxa kale oo uu yiri "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis."

Sept 10, 2005: Wasiirka Maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) oo magaalada Boosaaso kula hadlayey Isimada, waxgaradka iyo saxaafada ayaa sheegay in heshiiska lala galay shirkadda lagu magacaabay "Consort" in uu socon doono muddo toban (10) sano ah. Taas oo ah in baarto macdanta iyo shiidaalka, waxana uu hadalka ku adkeeyey in marka hore ay shirkadu baari doonto macdanaha ay ka mid yihii Tiinka, Dhuxul Dhagaxda, Birta iwm. Waxana u wasiirku intaas ku daray "Sannadka hore waxay shirkadu Puntland soo gelin doontaa lacag dhan $25 million, sannadka xigana waxay lacagtaas gaarsiin doontaa $50 million....." Waxana uu sheegay in Boosaaso ay shirkaddaasi ka rabto dhul ah 3km oo ay ka dhigtaan Xero (camp) u noqota beer ay cuntada kala soo baxaan iyo digaag ay halkaas keeni doonaan. Waxana uu wasiirku sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono. [Dhegeyso halkan]

Sept 17, 2005: Aqoonyahanno ka tirsan Jaaliayyada Soomaalida ee Australia ayaa DGPL u qabtay 72 saacadood in ay ku soo magacawdo guddi madax bannana oo soo baara heshiiskii Puntland la gashay shirkadda "Consort ltd".

Sept 19, 2005: Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse oo xilligaas ka dhoofayey Boosaaso waxa uu sheegay in dhowaan la magacaabi doono guddi arrimaha shirkada batroolka/macdanta kala xaajoon doona DFKMG. [Dhegeyso Halkan.]

Sept 25, 2005: Madaxweynaah DGPL iyo kuxigeenkiisa Xasan Daahir Afqurac ayaa soo magacaabay guddi hal dhinan ah (Dhinaca taageersan heshiisyada Consort) si guddigaas loogudiro magaalada Jawhar (oo xilligaas xarun u ahayd DFKMG) si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala soo Xaajoodaan DFKMG.

October 2005: Ayey ahayd markii la rabey in ay shirkadda Consort hawsheeda ka bilaabi lahayd oo ay shaqaalaysiin lahayd 400 ama 500 oo qof, sida uu Sept 10, 2005 sheegay wasiirka Maaliyadda ee DGPL. Taasi sida muuqata ma dhicin.

Oct 5, 2005: Waxaa soo shaac baxay in Madaxweynaha DFKMG uu u kala dab qaadayey ra'iisul wasaaraha xukuumaddiisa Geeddi iyo waftigii ka socdey Maamul Goboleedka Puntland ee booqday Jawhar. Xubnihii maamul Gobaleedka Puntland ka socday waxay ku adkeysteen in Ra’isul wasaaruhu uu ansixiyo warqado qoraal ah oo ay wateen xubnahaasi, hase yeeshee Ra’isul Geedi waxa uu xubnihii Puntland ku wargeliyay in Jowhar loogu keeno mas’uuliyiinta shirkadaha ee heshiiska lala galayo, halka Cabdullaahi Yuusuf uu xubnaha ku wargeliyey in cadde Muuse oo markaas ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta in uu yimaado Jawhar.

October 5, 2005: Waxaa soo shaac baxay in "Shirkada Consort" ay Saami ahaan 50.1% Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland ka Iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo yeelanaysa xuquuqda gebi ahaan saamigaas Khayraadka dhul baaxaddiisu dhantahay 212,000 Km oo laba jibbaaran. Heshiiskaasi markii uu dhacay waxa qoraal soo saartay "shirkada Range Resources" ay ku sheegtay in ay hor maris ahaan u siineyso "Consort" lacag dhan $US 1.5 million. Waxa kale oo ay 'shirkadaas Range' cadaysay in muddo 17 bilood ah ay bixineyso $200,000 bishiiba lacagtaas oo bilaabaneysey 15kii November 2005. Saamiga inta ka dhiman oo ahaa 49.9% waxa uu u haray CONSORT.

October 6, 2005: Geeddi ayaa warqad waxa uu u diray suuqa ganacsiga Australia uu ku wargelinayo in heshiiska dawlad goboleedka Puntland iyo shirkadaha macda/shidaalka uu yahay heshiis aan waxba ka jirin sababtoo ah dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah oo keliya ayaa leh awooda lagu geli karta wadahadalka (heshiiska) iibinta xuquuqda macdanta iyo batroolka. Waxana uu cuskaday qodobo ka mid ah xeerka DFKMG sida: Qodobka 44 (4a), 67 (1), 69 (2), 71 (9).

October 24, 2005: Magaalada Melbourne ee dalka Australia waxaa ku geeriyoodey Wasiirkii Batroolka ee DFKMG, Marxuum Yuusuf Maxamuud Xaraare, Allah ha u naxariistee.

November 2, 2005: Cali Maxamed Geeddi waxa uu warqad si hoose ugu diray Puntland uu u muujinayo sida uu u ogol yahay heshiiskii PL & Conosrt/Range, warqaddaas oo ka hor imaneysey warqadii hore ee uu ugu diray suuqa ganacsiga ee Australia ee diidmada ahayd.

Nov 19, 2005: Waxaa soo shaac baxay in Madaxweynaha DFKMG uu Maamul Gobaleedka Puntland ka dalbaday in aysan kalsoonida kala laaban Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu Geeddi ku dhawaaqay in uu aqoonsanayo maamulka la magacbaxay Soomaaliland haddii uu aqoonsi ka helo caalamka.

Oct 17, 2005: Agaasimihii guud ee shirkadda RANGE RESOURCES, Jim Marinis, oo la hadlayey jariidada The AGE waxa uu yiri "Puntland... waxa ay leedahay awood ay ku geli karto wada xaajood ayna ku saxiixi karto qandaraaska Consort Private" - hadalkaas oo si toos ah uga hor imanaya erayada ku qoran warqada uu Ra'iisul wasaaraha Dawlada FKMG ee Soomaaliya, Geedi, ee uu u diray Suuqa Ganacsiga Australia. Isla maalintaas waxay jariidada The AGE ay Terry wax ka weydiisey heshiiska dhex maray shirkadda uu soo asaasay ee Consort iyo Range, laakiin Terry waxana uu yiri wax abaal marin lacageed ah kama helin isku soo dubaridka heshiiskan.

Nov 26, 2005: Geeddi ayaa heshiis la galay shirkad lagu sheegay in ay badda ilaliso oo magaceeda la yiraahdo Topcat Marine Security. Heshiiskaasi ma dhaqan gelin kaddib markii ay warbaahinta Caalamku soo bandhigtay waxa ay tahay shirkaddaasi. [Dhegeyso halkan]

November 11, 2005: Ra’isul Wasaaraha DFKMG, Geedi ayaa sheegay in aan dal iyo dad Soomaali ahi ku hoos jirin gumeysi (Itoobiyaanka). [Dhegeyso halkan]

November 16, 2005: Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii Geeddii ee ahaa in aan dhul Soomaaliyeed ku hoos jirin gumeysi.


Sannadkii 2006

Febraayo 2006: Waxaa heshiis magaalada Dubai ku dhex maray Range iyo shirkadda MEPS (Middle East Petroleum Services Limited) oo ah shirkad sida la sheegay laga leeyahay Bariga Dhexe, si ay uga qayb qaadato shidaal/macdan barista Puntland.

Maarso 2006: Waxaa soo shaac baxay muran weyn oo ka taagan aagga Majayahan, murankaas oo u dhexeeya beelaha degaanka iyo DGPL kuna saabsan cidda wax laga weydiinayo macdanta laga qodayo degaanka. Majayahan waxay ahaan jirtey mashruucii weynaa ee ay macdanta ka baari jireen shirkaddii reer Bulgaariya ee la oranjirey Geomin ka hor intii aan Soomaaliya laga saarin Ruushka oo dalka Bulgaariya la jaal ahaa, xilli uu Ruushku Soomaalida ka hiiliyey lana saftay Itoobiya.

Maarso 22, 2006: Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo la hadlayey idaacadda Australia ee SBS ayaa waxa uu walaac weyn ka muujiyey shirkadaha macdanta/shidaalka ee heshiiska la galay Puntland, waxana uu yiri: "Dibitaatiyasha (Xildhibaanada) ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo xasiloonaan in meeshaas laga helo." [Dhegeyso halkan]

Maarso 22, 2006: Cadde Muuse waxa uu u dhoofay Dubai safar aan la sheegin ujeedadiisa.

Maarso 29, 2006: Hay’adda wararka ee Reuters waxa ay sheegtay in lix qof ku dhinteen dagaal ka dhacay tuulada Majayahan.

April 5, 3006: Faysal Axmed Yuusuf oo ka mid ah odayaasha gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xaalada Majayahan, halkaas oo DGPL ay keentay shirkad sheegatay in ay Australian tahay si ay uga baarto "macdan". [Dhegeyso halkan]

April 5, 2006: Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa dagaaladii ka dhacay majayahan waxay eedooda dusha ka saartay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse.

April 6, 2006: Idaacad Australia oo Wasiiro ka Tirsan Puntland ka Waraysatay Muranka ka Taagan Macdanta Majayahan, wasiiradaas oo ah Axmed Cabdi Xaabsade iyo wasiir Cali Buureed  [Dhegeyso halkan]

April 19, 2006: Jariidada Sydney Morning Herald ee Australia waxay qortay in Range Resources ay bil kasta Dawlad GPL sii saa $200,000 doolarka Maraykanka lacag taas oo qayb ka ah heshiiskii baaritaanka arrintaas oo ay wargeyska u cadaysay shirkadda Range Resources. Lacagtaas oo dhan $200,000 doolar oo ay shirkaddu cadaysay in ay bil kasta siiso dawladda Puntland ayaa dhaliyey muran.. Waxana isla markaas uu Agaasimaha Range Resources, Mike Povey, sheegay in uusan ogeyn wax dagaal ah oo ka dhacay Majayahan.

April 20, 2006: Shirkadda Range resources waxay saamigii ay ka iibsatey Consort heshiis hoosaad kula gashay shirkad laga leeyahay Korea oo lagu magacaabo KNOC (Korea National Oil Corporation). Shirkadaas waxaa lagula heshiiyey in la siinayo aaggaa Dooxada Nugaal boqolkiiba 75%. Heshiiskaasi waxa uu ka dhacay Dubai, UAE.

April 24, 2006: Saddexii dhallinyarada Soomaaliyeed ahaa ee ka tirsanaa ciidanka daraawiishta Booliska Puntland oo ahaa ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed ayaa waxaa la soo taagey maxkamad ku taal magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxaana maxkamadii ay mid kasta ku xakuntay Toban (10) sano oo xarig ah. [Dhegeyso halkan]

Dhammaadkii April 2006: Magaalada Jakarta, Indoniisiya waxaa kulan ku yeeshay qareeno DFKMG kala talinayey sidii sharci loogu samayn lahaa Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya. (Lataliyayaashu waxay ka socdeen madaxweyanaha DFKMG ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed). Kulankaas waxaa hoggaaminayey qareeno fadhigoodu yahay magaalada Calgary ee gobolka Alberta ee ku yaal galbeedka Canada.

May 3, 2006: Wasiirkii hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (C/Raxmaan Faroole) oo u waraamayey idaacada Australia ayaa shaaca ka qaaday lacago kor u dhaafay $3 million oo la qaatay, lakiin aan ku dhicin khasnadda dowlad (Goboleedka Puntland). [Dhegeyso halkan]

May 11, 2006: Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa booqasho waxa uu ku tegey magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, booqashadaas oo aan la ogeyn qorsheheeda, walaacna laga muujiyey.

May 11, 2006: Shirkadda Shiinaha ee ZPEB [Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau ] waxay shaaca ka qaaday in ay heshiis la gashay shirkadda Petronas ee laga leeyahay dalka Malaysiya si ay shidaal baaris uga bilaabaan (June 2006) Feer-Feer, Wardheer iyo aagga ku dhow oo lagu qiyaasay 93,000 sq km, sida uu xilligaas sheegay Li Jianjun oo ka tirsan madaxda shirkadda Shiinaha ZPEB.

May 18, 2006: Cali Maxamed Geeddi waxa uu warqad u diray Madaxweynaha DGPL uu ku muujinayo sida uu uga soo horjeedo in shirkadaha CONSORT iyo RANGE ay isku ballaarinayaan baaritaanka ay batrool iyo gaas kaga baarayaan dhul uu ku sheegay in ay dawladii hore heshiisku ku siisay (shirkado kale).

May 20, 2006: Cadde Muuse ayaa kalsoonidii kala laabtay Geeddi. Madaxweynaha DGPL oo arrintaas ka hadlaaya waxa uu yiri: "Waxaan su'aal gelinayaa xushmadda aad u haysid Dawladda Puntland iyo ddkeeda ayadoo dawladda Puntland ay ku dadaaleyso in ay horumariso dhaqalaha iyo bulshada Puntland iyo dadkeeda sidaas daraadeedna waxaan kula socodsiinayaa in dawladda Puntland ay go'aansatay in ay kalsoonidii kaala laabatay."

May 25, 2006: Waxaa is-casiley agaasimihii guud ee shirkadda Range Resources, Mr. Jim Marinis. Ninkaas oo ahaa kii October 2005 sheegay in agaasimayaasha shirkadda CONSORT ay ka mid yihiin wasiiro ka mid ah dawlada (Puntland).

May 25, 2006: Range Resources waxay warqad u dirtay suuqa ganacsiga Australia taas oo si dadban ugu jawaabeysey Ra'iisul wasaaraha DGKMG, Geeddi. Waxaana warqaddaas lagu xusay in agaasimayaasha shirkaddaas lagu daray Liibaan Boqor iyo Toufic Rahi.

May 28, 2006: Magaalada Boosaaso waxa booqasho ku tegey Guddoomiyahii Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sheekh Aaden.

May 29, 2006: Kaddib Kulankii uu Boosaaso kula kulmay Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse,waxa uu Shariif Xasan saxaafadda u sheegay in sharci loo samayn doono khayraadka Soomaaliya. [Dhegeyso halkan]

May 29, 2006: Madaxweynaha DGPL ayaa markii ugu horeysey qiray in shirkadda ay heshiiska kula galeen soo saaridda shidaalka ay tahay jirri. Cadde Muuse ayaa la weydiyey su'aash ah: " waxaa la leeyahay shirkaddan aad idinku heshiiska la gasheen ma ahan shirkad jirta oo ayadaa dallaal sii ah, arrimahaas maxaa ka jira." Wuxuu ku jawabey "Waa run weeye, JIRRI weeye, annagaana dooranay, shariikad weyn waxba noo qaban meyso, boqol sano ayey waxna noo qaban waayeen." [Dhegeyso halkan]

 May 30, 2006: Waxaa magaalada Boosaaso heshiis ka kooban lix (6) qodob ku kala saxiixday DFKMG iyo DGPL, heshiiskaas oo looga gol lahaa in lagu damiyo khilaafkii soo kala dhexgalay Geeddi iyo Cadde Muuse. Taasna waxaa daliil u ah in qodobka koowaad ee heshiiskaasi uu ahaa: "In Dowlad Goboleedka Puntland ay ka laabato kalsoonidii ay kala noqotay Raiisal wasaaraha dowladda Federaalka Cali Maxamed Geeddi." Taas bedelkeeda waxaa DGPL loo ogolaaday "In meeshiisa laga wado barnaamijka baarista, soo saarista macaadinta iyo shidaalka Puntland, lana xurmeeyo wixii heshiisyo ahaa ee labada dhinac horay u wada gaareen kuna saabsan arrintan, iyadoo aan arrintaasi cidina loo xirayn lagana dhigayo qaab Blocks ah (ama qayb-qayb), sida ku cad qodobka labaad ee heshiiskaas oo dhanka DFKMG u saxiixay Shariif Xasan, halka DGPL uu u saxiixay Gen. Cadde Muuse.

May 31, 2006: Waftigii guddoomiyihii baarlamanka DFKMG ayaa booqasho ku maray magaalooyinka Qardho, Garoowe iyo Galkacyo.

June 1, 2006: Waxaa soo shaac baxay Jirri-nimadii uu madaxweynaha DGPL ku tilmaamay shirkadda uu heshiiska la galay kaddib markii shirkaddaasi ay warqad u dirtay Suuqa Ganacsiga ee Australia ay ugu hanjabeyso websiteyada ka hadla danaha Soomaaliyeed.

June 4, 2006: Madaxweynaha DGPL ayaa u dhoofay dalka Jarmalka.

June 9, 2006: Madaxweynaha DGPL ayaa waqti kooban waxa uu booqday Belgium iyo Holland, (kaddib markii uu tegey Jarmalka). Holland waraysi uu ku siiyey Raadiye Dalmar waxa uu Cadde Muuse kaga hadlay arrimaha shirkadaha shidaalka, waxana uu markii ugu horeysey xaqiijiyey hadal si weyn uga hor imanayey heshiiskii ay hore u wada galeen shirkadda "Consort ltd", hadalkaas oo ah in uu madaxweynuhu sheegay "in aan Khayraadka Puntland la siin hal shirkad oo keliya, balse (Puntland) loo qaybiyey qaab ah Blocs, ama qayb-qayb". [Dhegeyso Halkan]

June 9, 2006: Intii uu booqashada ku joogey Holland Madaxweynaha DGPL waxa uu qiray in dalka lagu dhiqi doono xeerkii macdanta ee dawladii hore ee Soomaaliya "Mineral Code", waxana uu xaqiijiyey in ay Dowladda Federaalku ay kiraysatay Qareeno sharci macdaneed samaynaya. Waxana uu carrabka ku adkeeyey "Sheydaan Ilcad haddii uu yimaado Puntland ninkii wax noo soo saaraya ayaan rabnaa." [Dhegeyso halkan].

June 12, 2006: Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil, ayaa soo saaray wareegto uu ku caddeeyey in DFKMG ay go'aamisey magcaabidda AIMR (African Institute of MAritime research) iyo shirkadda jaalkeeda ah ee NSG (Northbridge Services Group) oo noqonaysa wakiilka keliya ee qaabilsan dhammaan hawlgallada xeebaha Soomaaliya, difaaca, ciidan iyo tababarida dhammaan ciidanka difaaca xeebta ee DFKMG.

June 12, 2006: Qoraal ka soo baxay "Northbridge Services Group" (NSG) ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG) ay NSG u ansixisay lahaanshaha gebi ahaanba xuquuqda bixinta heshiisyada shidaalka Soomaaliya. Arrintaas oo la mid ahayd sidii kuwii TOPCAT, HAFZA iyo tii mr. Meier.

June 12, 2006: Kulan Magaalada Malindi ee xeebta Kenya ka socdey intii u dhexeysey June 8 -12, 2006 ayaa lagu soo sameeyey sharciga loo dejinayo Batroolka Soomaaliya. Gabagabadii kulankaas waxaa sharcigaas lagu wareejiyey Cali Maxamed Geeddi si uu u horgeeyo baarlamaanka DFKMG si uu u dhaqan galo (Kaas oo aan weli May 12, 2007 la hor geyn baarlamaanka).

June 17, 2006: Kalfadhigii 16aad ee baarlamaanka DGPL ayey markii ugu horeysey si rasmi ah uga wada hadleen arrimo la xiriira Khayradka Dabiiciga, inkasta oo aysan hore u ansixin wax heshiis ah oo Puntland la gashay shirkadaha Consort & Range, iyo in aan hore baarlamaanka Puntland loo hor keenin waxa ku qoran heshiiska shirkadahaas lala galay ama aanba lagala tashan.

June 19, 2006: Toddoba (7) xubnood oo ka tirsan baarlamanaka DGPL ayaa kulankii uga socdey Garoowe golaha wakiilada DGPL waxay soo hor dhigeen mooshin xilka looga qaadayo guddoomiyahii baarlamaanka Puntland, Cismaan Dalmar Yuusuf. Waxayna arrintaas xil ka qaadista u cuskadeen in uu ku tagri falay shaqadii guddoomiya-nimada baarlamaanka isla markaana uu ku dhex milmay dawladda, iyo in uu lug wayn ku leeyahay hawsha macdan baarista khayraadka deegaanada Puntland oo ay dawladdu heshiisyo kula gashay shirkado shisheeye.

June 21, 2006: Waxaa xilkii laga qaaday guddomihii golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland, Cismaan Dalmar Yuusuf, kaddib markii cod bixin uu u qaaday baarlamaanka DGPL ay 32 xildhibaan u codeeyeen in guddoomiha xilka laga qaado, halka 8 xubnood ay si diidmo ah kulanka uga baxeen, 4 xubnoodna ay ka aamuseen. Arrintaas waxaa ka dhashay is qabqabsi keenay in wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka DGPL June 22, 2006 lagu xiray kalfadhigii baarlamaanka Puntland. Waxaana kulankaas baarlamaanka dib loo furay June 25, 2006. [DHegeyso halkan]

July 4, 2006: Cadde Muuse ayaa dib ugu soo laabtay Boosaaso kaddib markii uu dalka ka maqnaa muddo bil ah (June 4 - July 4, 2006), safarkaas oo uu ka soo laabtay Jarmalka (iyo  Holland, Belgium, imaaraadka carabta iyo waliba safar aan la qorshayn si wayna looga hadlin oo uu ku tagay dalkaasi Ethiopia).

July 11, 2006: Cadde Muuse oo la hadlayey golaha Wakiilada (Baarlamaanka) Puntland ayaa sheegay in Dekedaa Boosaaso ay furdo u noqoneyso dalka Itoobiya. Arrintaas isagoo ka hadlayana waxa uu yiri "In aynu Itoobiya dhaqaaleheenna ku xirano baan rajeyneynaa, dowladda Itoobiyana waa kala hadalay in ay furdo u noqoto, meelaha qaarkoodna, ay wax la arko iyagu ka soo degsadaan dhulka, sida Jabuuti, Hargeysana waa siisay, dal bey siisay." [Dhegeyso halkan].

July 11, 2006: Cadde Muuse waxa uu sheegay in dekeda iyo garoonka Boosaaso laga kirayn doono shirkado muddo 25 sanadood ah, laguna wareejin doono shirkado. [Dhegeyso halkan]

July 12, 2006: Madaxwaynaha DGPL ayaa golaha baarlamaanka ka hor cadeeyay in ay maqantahay lacag aad u badan kana badan 70Bilyan loona baahan yahay in baarlamaanku uu arintaas lunsashada lacagtaas ah ku sameeyo baaritaan dag dag ah cidii ay ku cadaatana la horgayndoono sharciga.

July 12, 2006: Golaha baarlamaanka DGPL ayaa ansixiyey heshiiska ay DGPL la gashay shirkadaha ee ku saabsan macdanta/shidaalka kaddib markii uu sidaas cadadis ku saaray madaxweynaha DGPL. 55 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada ayaa si gacan-taag ah u ansixiyey heshiiskaas. [Dhegeyso halkan]

July 12, 2006: Qoraal ka soo baxay Range aya shaaca ka qaaday in la baabi'yey heshiiskii Range iyo MEPS (Middle East Petroleum Services Limited) oo lagana baxay heshiiskaas kaddib markii ay Range Resources sidaas ka ogolaatay shirkaddii MEPS.

July 13, 2006: Madaxweyne xigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac, ayaa u hanjabey qaar kamid ah Saxaafadda Puntland kaddib markii ay faafiyen warkii ahaa in madaxweynaha DGPL uu sheegay in musuqmaasuq ka dhacay dalka intii uu dibadda kaga maqnaa.

July 15, 2006: Guddoomiyihii baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan, oo la hadlayey xubnaha Barlamanka Federaalka ee Baydhabo ayaa sheegay in aan xukuumaddu muddo laba sano ah hor keenin wax heshiis caalami ah oo ay tahay in barlamaanku ka doodo, arrintaas isagoo ka hadlayana waxa uu yiri: "Anigu waxaan qabaa baarlamaanka xukuumadu wayba ankirtay, sababtoo ah hal heshiis laba sano ay noo keentay ma jirto, hal heshiis oo caalami ah oo xukuumadu hal waraaq ku qoran la yiri hal malin ka hadla ma jirto". Taas oo daliil u ah in Cali Maxamed Geeddi uusan baarlamaanka hor geyn xeerka sharci u dejinta macdanta ee lagu soo sameeyey Malindi. [Dhegeyso halkan]

July 16, 2006: Madaxweynaha DFKMG iyo wafti ka kooban 30 xubnood oo la socdey ayaa booqasho ku tegey Garoowe. Xilligaas Madaxweynaha DGPL, Gen.Cadde Muuse waxa uu sheegay in Puntland ay casuntey Cabdullaahu Yuusuf si ayuu yiri loo saxo arrimo ku kala dhex jira DGPL iyo DFKMG kuwaas oo sida uu sheegay ku saabsan Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland (Macdanta).

July 16, 2006: Waxaa magaalada Garoowe kulan ku dhex maray shirkad lagu magacaabo CNOOC (China National Offshore Oil Corporation) iyo waftigii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, MDFKMG, iyo madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland. Shirkaddaas laga leeyahay dalka shiinaha waxaa warar hoosaadku sheegeen in ay gacan saar la lahayd dhanka DFKMG.

July 14, 2006: "Range Resources" waxay shaaca ka qaaday in ay la wareegtey baaqigii ka harsanaa xuquuqda 'Consort ltd' ee khayraadka Puntland ee ahaa 49.9%, sidaasna ay say Range ku yeelaneyso saamiyada 100% xuquuqda baaritaanka shidaalka iyo macdanta dhulka Puntland, saamigaas oo ahayd in lacag laga siiyo CONSORT.

July 17, 2006: Saxaafadda Soomaalida waxaa loo sheegay in shirkadda Range Resources ay $250,000 oo loogu talo galay dhismaha garoonka Garoowe lagu wareejiyey issimada Puntland.

July 20, 2006: Golaha baarlamaanka DGPL ayaa Axmed Cali Xaashi u doortay guddoomiyaha cusub golaha Wakiilada Baarlamaanka DGPL.

July 20, 2006: Madaxweynaha DFKMG ayaa ku laabtay magaalada Baydhabo isagoo aan saxiixin heshiiska dhex maray DGPL iyo Consort/Range, arrintaas oo ka dambeysey kulan dhex maray Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf oo ay isku khilaafeen. Khilaafkan ayaa waxaa sababey kaddib markii Madaxwayne Cabdullahi Yuusuf uu su'aalo waydiiyey xubno ka socdey shirkadda Range Resources. Su'alahan ayaa ku saleysnaa howsha ay shirkaddaasi qabtaan iyaga oo u sheegey in ay baraan macdanta dhulka ku jirta balse aysan shidaalka baarin lakiin ay qaab dulaal ah (ama habka loo yaqaan 'Joint Venture' ama wadaagga) ku raadiyaan in ay helaan shirkad shidaal ka soo saarta Puntland.

July 25, 2006: Saxaafadda Australia waxaa loo sheegay in lacagta $250,000 ee loogu talo galay garoonka diyaaradaha ee Garoowe loo dhiibey Dawladda (Puntland), sida ku caq warqad ay Range u dirtay suuqa ganacsiga Australia (ASX). Waxaana shabakada suuqa ganacsiga ee Australia lagu soo daabacay sawir muujinaya issimada Puntland oo loo dhiibayo jeeg ay ku qoran tahay $250,000 arrintaas oo dad badan oo Soomaali ah ay sheegeen in ay waji gaabax ku ahayd issimada Puntland.

July 28, 2006: Waxaa soo baxay in shirkadda Range Resources ay si qarsoodi ah ku tagtay aagga magaalada Buruc (oo u dhexaysa Boosaaso iyo Qandala). Xilligaas waxaa si wadajir ah ay waxgaradka Majayahan/Dhalan iyo Buruc ay u sheegeen in ay u digayaan shirkadda Range resources in aysan deeganaadaas tegin.

July 31, 2006: Warqad ay RANGE u dirtay Suuqa Australia ayey ku sheegtay in ay tageen meesha la yiraahdo HANTAARA oo dhanka Bari ka xigta magaalada Boosaaso.

Agust 11, 2006: Wasiirka Maaliyadda DGPL, M.C.Gaagaab oo Minneapolis kula hadlayey Soomaalida Minnesota ayaa sheegay in ay jiraan hay'ado iyo dowlado ku dhiiri geliya Puntland in ay dalka Soomaaliya intiisa kale ka go'do. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Anagu (Puntland) weligana ma aanaan (oran waa goosaneynaa), laakiin waa nalaku dhiiri geliyaa, hay'adaha caalamiga ah iyo dawladahu markaan mucaawino weydiisano waxay yiraahdaan maad goosataan waan idin caawineynaaye". [Dhegeyso Halkan]

Sept 9, 2006: Wasiirka Maaliyada DGPL ayaa masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha garoonka Garoowe xafiiskiisa ku guddoonsiiyaya lacag cadadkeeda lagu sheegay $95,000 dollar oo qayb ka ah lacagtii ay Range Resource ugu talagashay dhismaha garoonka Garoowe oo cadadkeedu ahaa $250,000 dolar.

October 12, 2006: Qoraal ka soo baxay Range Resorces ayaa shaaca ka qaaday in shirkaddaasi ay heshiis cusub oo is afgarad ay la gashay shirkad cusub oo ah CANMEX, shirkaddaas oo ah mid macdanta baarta oo laga leeyahay dalka Sweden laakiin ka diiwaan gashan dalka Canada. Heshiiskaas ayaa CANMEX siinaya 80% xuquuqda rajada laga qabo macdan/shidaal laga qodo dooxada Nugaal iyo buuraha Cal-madow /Darin.

October 17, 2006: Waxaa is-casiley Lukas Lundin oo ahaa madaxweynihii shirkadaasi CANMEX ilaa 1996, waxaana lagu bedeley ninkii heshiiska la soo galay Range Resources ee magaciisa la yiraahdo Mr. Richard Schmitt. [Is casilaadda oo timid shan maalmood kaddib markii Range iyo Canmex ay heshiiska kala saxiixdeen.]

October 27, 2006: Madaxweynaha DGPL ayaa ka soo laabtay safar uu ku tegey Imaaraadka Carabta iyo Malaysiya.

October 28, 2006: Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Af-qurac, ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, Safarkaas waxaa ku weheliyey Cabdirisaaq Cali Siciid "Shaahdoon". Safarkaas oo lagu macneeyey in uu la xiriiro dhanka ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale iyo ammaanka.

October 31, 2006: Wasiirka maaliyadda DGPL oo la hadlay xildhibaanada Baarlamanka Puntland kalfadhigiisii 17aad ayaa yiri "shirkadaha aan heshiiska la soo galnay wax walba ayay  isugu jiraan kuwo runta ka hadlaya oo dalka imaanaya iyo kuwo aan imaanayn laakin runta baan idiin sheegayaaye wax walba maanta shirkado ayaa gacanta ku haya." Isagoo ka hadlayey ceelasha shidaalka ee la qodi doonona waxa uu yiri "Ceel walba waxaan ugu tala galnay 12 millan oo dollar  in marka hore lagu baaro."

October 31, 2006: Madaxweynaha DGPL oo ka qayb galay kalfadhigii 17aad ee Baarlamaanka DGPL ayaa eedeeyey Wasiirkiisa Maaliyadda. Cadde Muuse waxa uu sheegay "in ay iminka jiraan 2 Maaliyadood wuxuuna intaasi ku daray in dhaqaalihii dalka ay qaateen Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Guud, Gaagaabna si wayn loo xamanayo, anigu waxba qarinmayo wixii jira ayaan cadaynayaa, arintaas jirta oo ay shacabku ka cabanayaana dhawaan waanu sixi doonaa. Waxa kale oo uu xilligaas Madaxweynaha DGPL oo ka hadlaayey shirkadaha ay heshiiska la soo galeen intii uu dalka ka maqanaa waxa uu yiri "ku dhawaad 40 shirkadood ayaanu heshiis la soo galnay".

November 5, 2006: Madaxweynaha DGPL oo magaalada Galkacyo kaga qayb galay kulan ayaa yiri "Boosaaso waa magaalo madaxdii" Puntland. Arrintaas oo reer Garoowe markiiba farta ku fiiqeen in maadaxweynuhu uu hadalkaas ku hareer maray dastuurka Puntland oo dhigaya in caasimadda DGPL ay tahay Garoowe. [Dhegeyso halkan]

November 7, 2006: Itoobiya waxay shirkadda Ludin ee reer Sweden heshiis 25 sano ah kula gashay dhulka loo yaqaan Calub iyo Hilala oo 1,200 km koonfur-bari ka xiga magaalada Addis-ababa. Dhulkaas oo ah dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato. Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Addis-ababa waxaa Ethiopia la saxiixday madaxa shirkadda, Ian H. Lundin [oo ay walaalo yihiin Lukas H. Lundin oo ahaa madaxweynihii shirkadda CANMEX ee 12kii October 2006 heshiiska hordhaca ah la saxiixatay shirkada Range Resources ee heshiiska macdan/shidaal baarista kula jirta Dowlad Goboleedka Puntland, inkasta oo uu Lukas uu madaxweynanimada CANMEX iskacasiley shan maalmood kaddib markii uu dhacay heshiiskii Range iyo Canmex oo mataan la ah shirkadda Lundin. Waxa kale oo xusid mudan in madaxweyne kuxigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac uu kulan degdeg ah ku tegey Addis-Ababa October 28, 2006 taas oo ahayd toddobaad ka hor intii aan la saxiixin heshiiskan cusub ee Ethiopia iyo shirkada Lundin.]

November 12, 2006: JWXO waxay digniin culus u dirtay shirkaddo heshiisyo la galay ama danaynaya in ay heshiisyo la galaan Itoobiya oo ay ka mid yihiin Ludin ee Sweden, Petronas ee Malaysia iyo Gail & Gujarat State Petroleum Corporation ee Hindiya iyo kuwo kale.

December 17, 2006: Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa si degdeg ah ugu safray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu shir albabaabadu u xiran yihiin uu kula yeeshay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana wararka hoosaadku sheegeen in Cali Maxamed Geeddi uu diidey in lacag hor-maris ay bixiso shirkadda CANMEX, lacagtaas oo la siiyo DGPL.

December 23, 2006: Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi, warqad uu u diray guddoomiyaha baarlamaanka DGPL, waxa uu ku yiri "Waxaan halkaan idiin ku soo gudbinaayaa isla halkaana ku lifaaqan Ansixinta heshiiska qaybsiga wax soo saaraka Shidaalka & Gaaska oo Golaha Wasiiradu ansixiyeen 14/12/2006. Sidaa darteed, waxaa Golaha Wakiilda laga codsanaayaa in aad ka doodaadan ka dibna Ansixsaan heshiiskan." Isla maalintii 23/12/2006 ayaa baarlamaanka DGPL ansixiyeen heshiiska loogu yeeray "wax qaybsiga shidaalka ee shirkadaha wax soo saarka iyo Maamul Goboleedka Puntland", heshiiskaas oo qodobadda rasmiga ah ee ku qoran qoran aan shacabka iyo saxaafadda toona loosoo ban dhigin, waxaana u coddeeyey 52 ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dhamaantood isku raacay heshiiskaas. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Axmed Cali Xaashi, waxa uu isla maalintii 23/12/2006 ku jawaabey:- Markuu Arkey: Dastuurka Puntland iyo Soo gudbinta golaha xukuummadda Dec 16 2006 ee ku saabsan ansixinta heshiiska qaybsiga waxsoosaarka Shidaalka iyo gaaska ee golaha wasiirradu ansixiyeen 14/12/2006. iyo Baahida loo qabo soo saarista khayraadka dalka. iyo  Dooddii iyo go'aankii golaha wakiillada, 23/12/2006 iyo Ansixinta Golaha wakiillada ee heshiiska wax-soosaar-wadaagga ee shidaalka iyo gaaska. Wuxuu Gudoomiyey: Ansixinta Heshiiska Wax-soosaar-Wadaagga Ee Shidaalka iyo gaaska.

December 23, 2006: Baarlamaanka DGPL ayaa markii ay heshiiska shirkadaha ansixiyeen waxay isu sameeyay xafalad ay isugu hambal-yaynayaan. Waxayana xaflad balaaran ku qabsadeen beeraha ku teedsan duleedka magaalada Garoowe.

December 29, 2006: Shirkadda Range Resources waxay warqad u dirtay suuqa ganacsiga Australia ay ku sheegtay in baarlamaanka DGPL uu isku racaay ansixinta heshiiska waxsoosaar wadaagga ee u dhexeeya RANGE, CANMEX iyo PUNTLAND. Waxaana websiteyada suuqa ganacsiga lagu soo bandhigay xubnaha barlamanka Puntland oo gacmaha kor u taagaya markii ay heshiiska ansixinayeen.

December 29, 2006: Wasiirka Maaliyadda ee Dawlad Goboleedka Puntland, Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab" ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso isagoo u dhoofay dalal aan magacooda saxaafadda loo sheegin, balse uu ku macneeyey in uu u baxay hawlaha maamulka. Safarkaas oo aysan jirin cid mas'uul kale ah oo ku wehelisa, sida laga soo xigtey ilo ka ag dhowaa Garoonka Boosaaso.


Sannadka 2007

Horraantii January 2007: Madaxweynaha DGPL ayaa u safray dalka dibadiisa, waxana uu sheegay ka kor intii uusan ka anbabixin Puntland in uu tagi doono dalka dibadiisa halkaasi oo uu wadahadlo kula yeelan doono shirkadaha ka baaraya macdanta Puntland.

Janaayo 15, 2007: Jaraa'idka Kenya waxaa lagu soo qoray in dagaalkii iyo duqaybtii ka dhacay aagga magaalada Raas-Kambooni uu ka badbaadey Riigga Shidaalka ka baarayey Badweynta Hindiya meel aad ugu dhow halkaas, taas oo dadka Soomaaliyeed ku baraarujisey ceelka Block L-5 in uu aad ugu dhow-yahay ama ku jiro gudaha Biyaha Soomaaliya. Waxaa shakigaasi shacabka xusuusiyey sababta keentay in xeerka Shidaalka Soomaaliya in lagu soo sameeyo magaalada Malindi oo ku taal xeebta u dhow Soomaaliya iyo in aan cid ka tirsan madaxda Soomaaliyeed hadda aysan arrintaas ka hadlin.

January 23, 2007: Waxaa xarunta Conoco, oo qiyaastii 30km dhanka bari kaga aadan caasimada puntland ee Garoowe, waxaa booqday xubno ka socdey shirkadaha Puntland heshiiska macdanta/shidaalka la galay, kaddibna dib halkaas uga laabtay.

January 23, 2007: Madaxweynaha DGPL waxa uu Dubai heshiis kula saxiixday RANGE iyo CANMEX. Heshiiskaas oo dhigaya in Canmex ay $50 million oo doolar ku kharash-garayso baaritaanka shidaalka laga baarayo Puntland muddo labajeer oo min saddex sano ah (oo ah 6-sano), taasna Canmex loogu bedelayo 80% in ay yeelato baaritaanka laba aag oo ah Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor ee Puntland. Boqolkiiba 20% saamigaas baaritaanka uu u soo harayo Range Resources.

January 24, 2007: Warbixin ay qortay Jariidada Sydney Morning Herald ee Australia ayaa shaaca ka qaaday in shirkadda CANMEX in bishii September 2006 ay lacag caddaan ah ka haysatey $C3.5 million, waxayn ajariidadu is weydiisey halka ay shirkaddaasi ka keeneyso lacagta $50 million ee ay sheegtay in ay u qorshaysay in ay ku baari doonto Puntland muddada lixda sano.

January 29, 2007: Jariidadda Sydney Morning Herald ayaa waxay shaaca ka qaaday in Shirkadda Range Resources la siinayo lacag aan hore loo shaacin oo ah baqshiish oo ay ka heshay CANMEX, kaas oo la xiriira heshiiskii dhex maray shirkadahaas ee CANMEX u ogolaanayey baaritanka Batroolka iyo Gaaska Puntland. Jariidadu waxay sheegtay in: Agaasimaha Range Resources, Peter Landau, oo bartamihii Janaayo 2007 booqday Puntland, in uu sheegay in ay lacagtaas qayb ka mid ah la qaybsanayaan Dawlad Goboleedka Puntland. Laakiin DGPL arrintaas ma ay caddayn.

January 31, 2007: Warbixin ay soo saartay Shirkadda Range Resources waxay shaaca kaga qaaday in ay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe ay sannadkii 2006 siisay lacag dhan $313,000 doolarka Maraykanka (USD). Lacagtaasi (US$313,000) waxay aad uga badan tahay lacagtii cadadkeedu ahaa $95,000 USD ee September 9, 2006 uu Wasiirka Maaliyadda DGPL isagoo joogey xafiiskiisa Garoowe ku guddoonsiiyaya odayaasha iyo masuuliyiinta garoonka Garoowe, taas oo markaas lagu sheegay in ay ka timid Range Resources. Lama sheegin lacag kale oo gaartey garoonka Garoowe.

February 11, 2007: Madaxweynaha DGPL ayaa sheegay in ay mudo saddex (3) bilood gudahood ah ay ku imaan doonaan shirkadaha macdanta ka baaraya Puntland si loo guda galo halwaha baaritaan ee macdanta Puntland.

February 19, 2007: Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, oo magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, ayaa sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." [Dhegeyso halkan]

February 24, 2007: Qoraal ku soo baxay jariidadaha caalamka oo uu qoray David Barouski  ayuu cinwaan uga dhigay "Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka...." qoraalkaas oo nuxurkiisu ahaa in dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay salka ku hayso batroolka ku jira Soomaaliya ee tartarnka loogu jiro.

April 1, 2007: Madaxweynaha DGPL ayaa kusoo laabtay magaalada Boosaaso waxana uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Itoobiya. [Dhegeyso halkan]

April 9, 2007: Waxaa magaalada Boosaaso tegey shirkadda AlJaabir oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

April 10, 2007: Waxaa heshiis kala saxiixday shirkadda Aljaabir iyo DGPL. Heshiiskaas oo ku saabsan dhoofinta xoolaha, waxaa dhanka Puntland u saxiixay Madaxweynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi, dhanka shirkada Aljaabir-na waxaa u saxiixay Sulaymaan Siciid Aljaabiri. Shirkaddaasi waxay muran xagga dhoofinta xoolaha ka dhalisay Puntland.

April 10, 2007: Ra'iisul Wasaaraha DGPL ayaa booqasho magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha DGPL. Safarkaas oo lagu macneeyey mid lagu hagaajinayo xiriirka Cadde iyo Geeddi, maadaama uu Geeddi ahaa kii inta badan diidanaa heshiisyada dhex maray shirkadaha shidaalka iyo DGPL. Kulankaas ka din Geeddi waxa uu Puntland ku ammaanay horumarka ay gaartey.

April 12, 2007: Xisbiga mucaaradka ee Puntland ayaa digniin kulul u diray Geeddi, waxaana uu aafhayeenka xisbigaas RPP yiri: Waxaan usoo jeedinayna Ra,isul wasaare Cali Maxamed Geedi in uu joojiyo booqashooyinka uu ku tagaayo degaamada Puntland ilaa iyo inta ummadda Soomaaliyeed samaysanayso wax ay kuwada qanacsan yihiin, waana inuu faraha kala baxaa arimaha khayradka Puntland ee uu leeyahay waxaan u saxiixi shirkado cusub oo yimaada Puntland, haddii Geedi ka waan toobi waayo arimaha xisbiga RPP Waxaay ka qaadin talabo uu san ku farxin.

April 13, 2007: Cadde Muuse ayaa u safray dalka Imaaraadka Carabta.

April 14, 2007: Waxaa heshiis Dubai ku kala saxiixday Madaxweynaha DGPL iyo madaxda Ras Al Khaimah. Heshiiskaas oo ah in ay sameeyeen shirkad cusub oo loogu magac darayo "Puntland Hydrocarbon Development Company LLC" taas oo hawsheedu noqoneyso in ay Batrool iyo gaas ka baarto Puntland.

April 14, 2007: Cali Maxamed Geeddi ayaa dib uga dhoofay Boosaaso kaddib booqasho qaadatay afar maalmood.

April 23, 2007: Qoraal ay Range Resources u dirtay suuqa ganacsiga ee Australia ayey ku caddaysay in ay si rasmi ah usoo gabagabaysey isku dubarididda lacag dhan $20 million oo doolar, isla-mar-ahaantaasna ay si rasmi ah u bilaabeyso sidii ula soo wareegi lahayd Shirkadda CONSORT oo ay ku harsanayd boqolkiiba 49.9% xuquuqda macdan/shidaal qodista Puntland, sidaasna ay saamiyada oo dhan ku yeelaneysa RANGE, taas oo 80% sidii iibineysa CANMEX.

April 24, 2007: Weerar ay JWXO ku qaadeen xarun ay shidaal ka bareysey shirkad laga leeyahay Shiinaha ee la yiraahdo ZPEB ayaa lagu diley 74 qof oo 65 ka mid ah ay ahaayeen Ciidamadii Itoobiya ee ilaalinayey goobtaas iyo 9 u dhashay Shiinaha. Weerarku waxa uu ka dhacay tuulada Cobole oo 30km dhinaca Waqooyi-Galbeed ka xigta Magaalada Dhagaxbuur, isla markaasna 120 km (75 miles) Koonfur ka magaalada Jigjiga oo ah dhulka ay Itoobiya gumeysiga kaga haysato Soomaalida, halkaas oo shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB) ay shidaal ka baareysey. Waxaa weerarkaas lagu qafaashay Toddoba Shiine ah kuwaas ay JXWO siideysey April 29, 2007.

May 1, 2007: Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka DGPL, Salaad Xareed Cali, ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray xukuumada DGPL, waxana uu sheegay in Dhagxaan Qaali ah oo aad u badan si sharci darro ah looga dhoofiyo Boosaaso. Waxana uu guddoomiye xigeenku xukuumada ugu baaqay in ay kusoo laabtaan caasumada Garoowe. [Dhegeyso halkan]

May 7, 2007: Waxaa maxkamada derejeda koowaad ee Boosaaso ay $100,000 oo Doolar ku Ganaaxday Maraakiib iyo Doonyo tiradoodu dhantahay Sagaal (9), kuwaas oo maxkamadu ku eedaysay in ay sharci darro u kalluumaysanayeen. Waxaana la sheegay in qaar doonyahaas ka mid ah ay sharci ka haysteen qaar ka mid ah madaxda DGPL. Arrintaas oo muran siyaasadeed dhalisay.

May 9, 2007: Labo shaqaale ah oo ka tirsan Hay'adda Care International ayaa lagu afduubay Tuulada Xiriiro oo hoos tagta degmada Iskushuban. Tuuladaas oo qiyaastii 120km (75 miles) u jirta Boosaaso. Labada qof ee la afduubay ayaa u dhashay Britain (Ireland) iyo Kenya.

May 10, 2007: Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Maxamuud Afqurac, ayaa xilkii laga joojiyey Wasiirkii Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdirisaaq Cali Siciid "Shaahdoon".

May 11, 2007: Waxaa dhammaaday saddexdii bilood ee madaxweynaha DGPL uu sheegay in Puntland ay imaan doonaan shirkadaha macdanta ka baaraya Puntland si loo guda galo halwaha baaritaan ee macdanta Puntland. Hadalkaas oo uu Cadde Muuse jeediyey February 11, 2007 ayaa noqday mid aan wax ka qabsoomin.

May 11, 2007: Madaxweynaha DGPL ayaa kusoo laabtay magaalada Boosaaso kaddib markii uu dalka Imaaraadka Carabta ku maqnaa muddo bil ah (April 13 - May 11, 2007). Cadde Muuse markii uu safarkaas bisha qaatay ka soo laabtay waxa uu jeediyey khudbad uu kaga hadlay dhagxaanta laga dhoofiyo dekedda Boosaaso, waxana uu aad u dhaliilay wasiirka Maaliyadda DGPL, Gaagaab, oo uu ku eedeeyey in uu ka soo horjeedo Siyaasadda, (maadaama Gaagaab uu kasoo horjeedo dhagxaanta laga rarayo Boosaaso).

May 11, 2007: Weriyayaashii duubay Khudbaddii uu jeediyey Cadde Muuse oo laga qaaday qalabkii ay ku duubeen hadalkii Cadde Muuse, waxaana qalabkaas weriayaasha ka qaaday saraakiisha madaxtooyada DGPL, kuwaas oo weliba ugu hanjabey weriyey yaashu in aysan ka hadlin wax ku saabsan khudbaddaas. Khudbaddaa Cadde Muuse waxaa kamid ahaa in  dhagxaanta laga dhoofiyo Boosaaso ay yihiin kuwo aan cidna wax tar u lahayn oo haddii dalka dibaddiisa loo dhoofiyo markaas dadka danyarta ah wax loogu qaban karo.  Warbaahintu waxay sheegtay in dhagxaantan loo dhoofiyo dalka Imaaraadka Carabta si ay baddooda ugu beeraan taas oo sababeysa in ay markaas ay ku kobcaan ama ku bataan khayraadka ay ka mid yihiin Kalluunka iyo Aaragoosatada oo hadda Imaaraadka gabaabsi ku ah, arrintaas oo xaalufineysa khayraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya. Waxaa taas dheer dhagxaanta macdanta oo aan la ogeyn xaddiga la raro iyo meesha la geeyo. Laakiin Ganacsato reer Puntland ah ayaa iyaguna sheegan in dhagxaanta la siyasadeeyey oo ay yihiin dhagaxa loo yaqaan Xarsho ee laga sameeyo Nuurada oo laga qaado meel badda u jirta 30 mitir, kaas oo marka la geeyo Dubai lagu dhiso ama lagu qurxiyo guryaha. [Dhegeyso halkan]

May 11, 2007: Waxaa soo shaac baxay in degaanda Hantara, Bacaad iyo buuraleeyda Shimbiro oo dhanka Bari kaga aadan Magaalda Boosaso looga digey in ay tagaan shirkadaha ay DGPL heshiiska la gashay.

May 11, 2007: Garoowe waxaa booqasho ku tegey wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Francois Lonsanly Fall, oo madaxda iyo issimada Puntland kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa laba shaqaale u ahaa hay'adda Care oo lagu afduubay tuulada Xiriiro.

May 12, 2007: Waxaa soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse iyo wasiirkiisa Maaliyadda, Gaagaab, arrintaas oo ka dambeysey kaddib markii uu madaxweynuhu kusoo laabtay Boosaaso ayuu eedayn kulul u jeediyey Wasiirka Maaliyadda oo uu sheegay in uu ka soo horjeedo siyasadda dawladda. Khubaddaas uu Cadde eedayntaas ku jeediyey saxaafaddu ma soo bandhigin waayo weriyayaashii khudbadas duubay waxaa laga qaaday qalabkii ay codka ku duubeen. Arrinta khilaafka dhalisay ayaa ah in Gaagaab oo aad uga soo horjeestey dhagxaanta laga dhoofiyo Boosaaso. Cadde Muuse waxa uu sheegay in dhagxaantaasi aysan cidna wax tar u lahayn taas awgeedna in aysan habboonayn in uu wasiirka Maaliyadda, Gaagaab iyo cidkalaba ay ka soo horjeedsadaan.

May 13, 2007: Maamulka sare ee Suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX) ayaa aad ula yaaban dhaqdhaqaaqa degdeg ah ee ay sameynayaan saamiyada shirkadda Range Resources, sidaas daraadeedna waxay warqad degdeg ah u direen maamulka RANGE. Warqadaas oo Fax lagu diray waxaa RANGE lagu weydiistey in ay kaga soo jawaabaan ugu dambayn May 15, 2007, 7:30 waqtiga Galbeedka Australia.

May 14, 2007: Kulan lagu qabtay xarunta madaxtooyada DGPL ee Garoowe, oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxwene Ku-Xigeenka DGPL, Xasan Daahir Maxamuud "Afqurac" iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yusuf "Gaagaab" ayay ku wareejinayeen lacag la sheegay in ay  Garoonka DIyaaradaha Garoowe ugu deeqday shirkadda Range Resources. Lacagtaas oo ahayd $140,000 oo lagu wareejiyey Isimada Gobolka Nugaal, waxaa loo dhiibey Islaan Ciise Islaan Maxamed. Wasiirka Maaliyadda DGPL oo meesha lacagtaas lagu wareejinayey ka hadlay waxa uu sheegay in lacagta ay bixisay shirkadda Range Resources ay ahayd $150,000, laakiin xawaalado iyo meelo kale oo ay lacagtaasi soo martay darteed ay go’day lacag dhan $10,000.

May 14, 2007: Waxaa magaalada Boosaaso tegey Safiirka Dalka Masar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Samiir Maxamed Misri, waxana laga soo xigtey in uu sheegay sababta uu Boosaaso u tegey in ay ahayd in uu xalliyo kalluumaysatada, doonyaha iyo maraakiibta lagu xiray Puntland ee qaar la sheegay in laga leeyahay Masar.

May 15, 2007: Waxaa la siidaayey laba ka tirsanaa hay'adda CARE oo lagu afduubay tuulada Xiriiro (May 9 - 15, 2007). Bayaan cod ah oo ay soo saareen dadkii afduubay 2-dan Nin ee shaqaalaha Care, oo sheegtay in ay yihiin dhallinyaro reer Bari ah, ayey ku sheegeen in ay ugu baaqeen dhammaan hay'adaha samafalka in ay ka baxaan degaanka Puntland ilaa laga saxayo arrintii keentay in afduubkaasi dhaco... [Dhegeyso halkan]

May 16, 2007: Waxaa soo shaac baxay in uu is casiley Wasiirkii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Degaanka ee DGPL, Siciid Jaamac (Qoorsheel), oo ku sugan Dubai. Waxaa wasiirka laga soo xigtey in uu is casilaaddaas u gudbiyey Madaxwaynaha Puntland Cade Muuse xilli uu madaxweynuhu Dubai ku sugnaa oo ku beegnayd May 10, 2007. Waxaa kale oo wasiirka laga soo xigtey in arrintaasi ay ka dabeysey kaddib markii ay cuntabi wayday Maxjar laga dhisayo Boosaaso oo la sheegay in qandaraaska xoolahaas la sii yayay 100% nin Sucuudiyaan ah, halka wasiirku uu madaxweynaha u soo jeediyey in arrintaas ay ku haboonayd in shirko lagula galo mandaqada Raas Al Khayma oo ogalayd in ay lacag la'aan ku dhisto maxjarka, islamarkaasna 50% ay xoolaheena ay qaadato. Waxana uu wasiirku sheegay in uusan rabin in uu galo taariikh madow.

May 20, 2007: Waxa la sheegay in la siidaayey kalluumaysatadii ku xiray magaalada Boosaaso, kuwaas oo ay soo qabteen DGPL. Tirada maxaabiista la siidaayey ayaa lagu sheegay 45. Waxa kale oo la siidaayey maraakiib tiradoodu dhan tahay oo la sheegay in laga leeyahay Masar. Arrintaas ayaa la sheegay in ay ka dambeysey kaddib markii uu Puntland booqday Safiirka Masar u qaabilsan Soomaaliya, Samiir Maxamed Misri.

May 24, 2007: Shirkadda RANGE ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah ula wareegtey 100% saamiyadii shirkaddii CONSORT. "Range Resources waxay ku faraxsan tahay in ay idinla socodsiiso in ay dhamaystirtay lahaanshada boqolkiiba 49.9% ka dhinaa xuquuqda Puntland ee Consort Private ltd." waxaa warqad sidaasi ku qoran tahay suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX) u diray agaasimaha RANGE oo magaciisa la yiraahdo Mike Povey. Waxaa xusid mudan in agaasimihii guud ee Range Resources, Mr. Jim Marinis uu bishii October 2005 shaaca ka qaaday in Agaasimayaasha Shirkada "Consort" ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Taas oo muujineysa in haddii shirkadda CONSORT lakala iibsado uu saamigoodu kusoo hagaagayo wasiirada uu xusay agaasimahii hore ee Range Resources. Shirkadda CONSORT in ay ka diiwaan gashan tahay Maldives waxaa caddaysan Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives.

May 25, 2007: Waxaa soo shaac baxay in Safiirka Masaarida u qaabilsan arrimaha Soomaaliya in muddo toddobaad ku dhow ay DGPL ku xayirtay magaalada Boosaaso, una diidey in uu dalka ka baxo, arrintaas oo wararku ku tilmaameen in ay ka dambeysey kaddib markii aysan Maamulka Puntland soo gaarin lacag lagu sheegay ilaa $300,000 taas oo lagu ganaaxey saddex Markab oo ay DGPL ku sheegtay in ay si sharci darro ah uga kalluumaysteen xeebta Puntland, safiirku waxa uu Boosaaso u tegey sidii uu gacan uga geysan lahaa soodeynta Maraakiibtaas oo laga leeyahay Masar, laakiin markii lacagtii la sheegay in lagu heshiiyey ay soo gaari weydey DGPL ayey safiirka ku xanibeeb Boosaaso. Safaarada Masarida ee Nairobi oo wax laga weydiiyey arrintaas ayaa warkaas xaqiijisay, sarkaal safaaradda ka tirsan oo magaciisa la yiraahdo Axmed Al-Azhari ayaa waxa uu xaqiijiyey in wadahadal dhex maray Masar iyo Puntland, laguna guulaystey in safiirka la siidaayo, soodeyntana uu Cadde Muuse ka qayb qaatay. Sidoo kale warkaas waxaa xaqiijiey wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar. [Dhegeyso halkan] . Dhanka kale, warsaxaafadeed ay soo saartay DGPL oo wararkaas beeninayey ayaa lagu sheegay in: "Safiirku wuxuu marti sharaf u yahay Puntland, wuxuu ku guulaystey arimaha uu u yimid Puntland, wuxuu xor u yahay xiliga uu dhoofayo, mana jirto wax caqabado ah oo ka hor timid. Dowlad Goboleedka Puntland waxay u aragtaa in been abuurkaan ay ka dameeyeen dad cadow u ah jiritaanka iyo sharafta shacabka Puntland oo adeegsanayo Idaacada British Brodcasting Corporation iyo shabakadaha internet-ka qaarkood.

###

Haddaba, su'aashii ahayd "Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo..." jawaabteeda akhristaha ayaan u dhaafnay...

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2007

 


HESHIISYO HORE EE MADAXDA SOOMAALIYEED 1990 - 2005

1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

Qoraal ay (Febraayo 18, 2005) faafisay shabakada Hafza ayaa shaaca ka qaaday waraaqihii lagu saxiixday heshiis la sheegay in la kiraystay magaalada xaafuun muddo 99 sanadood ah. Heshiiskaas oo Xaafuun ka dhigaysa mid si toos ah uga madax bananan sharciyada iyo qawaaniinta Soomaaliya iyo kan Puntland - waxaana halkaas lagu dhiqi qoona sharci iyo qaanuun u gooni ah oo ay u dejiso Hafza [Horn of Africa Free Zone Authority], taas oo looga gol leeyahay in laga dhigo meel u madax bannaan ganacsi ay tooska u maamusho HAFZA. Heshiiskaas oo u dhaqan geliwaayey Hafza kaddib markii shacabka Soomaaliyeed ka hor yimaadeen.


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH