SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

warsaxaafadeed

Tuesday, 19-Feb 2008

bankaxGarowe,Puntland:Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta DGPL ayaa waxa lagaga jawaabayey hadalkii ka soo yeeray maamulka la magac baxay Somaliland,wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidatan:

Dhacdadii afduubka ahayd ee ka dhacday degaanka Ruqay ee degmada Ceerigaabo laguna afduubay ninka madaxda ka ahaa hay’ada Agro action ee ahaa ninka Jarmalka ah ayaa waxa ay maamulka Soomalidiidka ahi sheegeen in falkaasi laga soo abaabulay Puntland.

Hadaba waxaan cadaynaynaa in aanay jirin wax laga soo abaabulay Puntland,nimankaasina ay ahaayeen niman u dhashay maamulkaasi,sida aanu wararka ku helaynana nimankaasi ay ku sheegeen in ay u dhasheen Puntland in ay ahaayeen wiilal dadkoodii arrimo siyaasadeed lagu xiray una dhashay degaanka Burco iyo Sanaag,arrintaas darted ayey u sameeyeen falkaasi.

Hadaba waxaanu u sheegaynaa maamulka Riyaale in uu iska daayo waxa aan jirin ee uu ummadda uu xukumo ku maaweelinaayo,uuna u sheegayo waxa aan sal iyo raadtoona lahayn,annaggu wixii fal afduub ah geysta taageerimayno,garabna siinmayno,markaa waxaan mar labaad u sheegaynaa maamulkaasi in uu ka waantoobo,waxyaabaha beenta h ee ay ku hadaaqayaan iyagoo u gafey ummad dhan kana dhigay dad xiriir la leh argagaxisada ama burcadda waxa afduubta.


The five young men involved in the kidnapping of German aid worker Daniel Bronkal, following their arrest on Thursday, Feb 14, 2008...  Image from: Somaliland Times...

Waxaan kaloo sheegaynaa in ay jiraan dad ka soo horjeeda dowladda DFKMG ah iyo Puntland.

Hadaba waxaan idiin caddaynaynaa in nimankaa aay leeyihiin wax bay afduubeen sidaan horeba idiinku soo sheegnay in saddex ka mid ahi ay u dhasheenka degaanka Burco halka labada kalena ay u dhasheen degaanka Ceerigaabo,magacyadoodiina la hayo.

Hadaba magacyada dadkii lagu eedeeyey ama falk geystay waa kuwan kana soo jeeda maamulka soomaalidiidka ah waxayna kala yihiin sidan:

  • 1.C/risaaq Cabdi Cali Habarjeclo(Cimraan)
  • 2.C/raxmaan Warsame Xayd Habarjeclo(Max'med abokor).
  • 3.Maxamuud Yuusuf Xirsi habarjeclo(Maxamed Abokor)
  • 4.Xasan Saalax Faarax,inadaancariish, warsangeli(dubeys)
  • 5.Maxamed Yuusuf xirsiwarsangeli(Dubeys).

nimankaani ma ahan reer Puntland,taasina ayaa idiin cadaynaysa beenta qaawan ee maamulka Riyaale.

Wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta,dhaqanka iyo dalxiiska

C/raxmaan Maxamed Saalax(Bangax).

G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: