SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


ALLA DOWLADNIMO FOGAA! JUG JUG MEESHAADA LA JOOG.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Isniin:  Mar 6, 2006




 Waxaan u safray Baydhabo si'aan uga qayb-galo furitaankii shirkii Barlamaanka, jidka dheer ee Xamar iyo Baydhabo udhaxeeya ayaan qaaday, waxaana kala kulmay dhibaato badan, oo ay ugu badan-tahay tira-badnida Isbaarada, iyo nabad-galyo la'aanta goobaha qaarkood.

Intii aan jidka sii hayey waxaan isa su'aalay. Haddii adigoo shacab ah aad riski intaas le'eg u galayso, si'aad usoo aragto halka ay Dowladdii Soomaaliya ku shirayso, intee in le'eg ayey Dowlada ku qaadanaysaa inay iyagoo wada socda ay soo maraan jidkaas, si'ay u xaliyaan xaallada Soomaaliya.

Bal u fiirso, shacabkii, iyo dadweynihii qaarkood waxay joogaan caasimadii, dowladuna mudo sanad iyo xoogaa ah ayey marba degmo u guuraysaa, tolow shacabku ma sidaas ayey ku sii jiri-doonaan? Dowladuna ma sidaas ayey usii guur-guuri-doontaa?

Nasiib-wanaag ama nasiib-xumo, anigu ma'aanan booqan Jawhar, waxayse Xildhibaannada qaarkood qireen, Baydhabo iney ka fiicantahay Jawhar, waayo waa magaalo weyn, oo adeegyo badan laga heli-karo. Waxaanse shaki ku jirin, Muqdisho iney kasii wanaagsan-tahay, waase goorma? Waa marka shacabka Xamar jooga ay is xilqaamaan, oo ay dareemaan in umadda Soomaaliyeed ay sugayso, loogana baahan-yahay abuurista nabad-galyo lagu kalsoonaan karo.

Haddii aad aragto hoolka shirka lagu qabtay, waxaad isleedahay Mudanayaasha Barlamaanka iyo madaxda saraba, waxaa daacad ka'ah iney wax qabtaan, oo ay xal abuuraan. Waa goob aanan u qalmin iney noqoto xitaa iskuul hoose, ama aanan lagu qaban-karin shirar iska caadiga ah, waxaase shaki iiga jiraa, bisaylkaas Siyaasiga ah inay gaareen inta badan Xildhibaanada.

Halla shiro. Fadhigii Barlamaanka hala qabto. Madaxdii sare oo dowlada oo dhanna hakasoo wada qayb-gasho. Laakiin intaas oo dhan maxaa ku xiga? Maxaa suuragali kara. Maxaa sababay iney hada is ogolaadaan?

1.   Madaxweyne C/Laahi Yuusuf markii la doortay kadib waa is tijaabiyey, wuxuu is moodsiiyey inuu muruq wax ku xalin-karo, ciidamo ajnabi ah ayaan keenayaan, qofkaan hubka dhigin, waa laga dhigayaa, sidaas ayuu ku dooday, taasi waxay dhashay, inuu marti ahaado, oo uu shirar caalami ah ka qayb-galo, sidii uu u fakarayeyna ay miro dhali-weyso. Muddo kadid waxaa laga-maarmi waayey in Shariifka heshiis qalin ku saxiix ah lalagalo.

2.   Shariif Xasan markii la doortay isna waa is tijaabiyey, wuxuu is moodsiiyey in Xamar uu xalin-karo, dagaal-oogayaasha joogana haduu faataxo u maro ay qaadanayaan, oo ay maamul iyo nabad samaynayaan. Wax walba oo Madaxweynaha kasoo yeero waa diiday, wuxuuse markii danbe ku qancay xamar inuusan isagu waxba ka qaban karin, isku day kasta oo uu sameeyayna waa fashilmay, oo waa laga fashiliyey. Yaa ka fashiliyey? Bal adba!

3.   R/Wasaare Cali Maxamed Geeddi markii la magaacaabay, nin karmeed dantiis aqood ah ayuu noqday, hawshiisuu ka watay, xiriirkiisa ayuu sii xoojiyey, sidii beesha caalamka dhaqaale looga heli lahaa ayuu wakhtigiisa ugu badan siiyey, taasi waxay dhashay, inuu is waayo, oo muranka siyaasada gudaha ay ku soo uruuraan duqowda kale, ilaa lagaaray in laga qadiyo heshiiskii Cadan.

4.   Wasiirrada Xamar waxay isku dayeen iney fashiliyaan mashruucii Madaxweynaha, qaybo badan oo kamid ahna waa ku guuleysteen, hadase iyagii ayaa xujo galay. Jawhar oo ay shacabka ugu sheegaan inaan latagin, maalmo kadib markii uu C/Laahi kasoo baxay, ayey shir u aadeen, illeen  shaqadii ay xariifka ku'ahaayeen ayey wadaanee, oo ah in wax walba ladiido, waxnana aan la dhisin. Intaas waxaa u dheer, iyagoo halgan cusub abuuray, oo dagaal kula jira wax ay ugu yeereen Argagixisada. Shacabkana waxaa lagu mashquuliyey qandaraaskaas.

Intaasba hadday dhacday. Barlamaankiina uu Baydhabo fadhiyo. Waxaanan la dhaafi doonin in magaaladaas la camiro, hanti badanna ay shacabkaas ka soo gasho, wakhti dheer kadibna la'ogaado inaanan waxba laqaban, mindhaa hadana heshiis kale ayaa wadanka dibadiisa lagu soo gali-doonaa, si hadana magaalo kale oo Soomaaliya kamid ah ay u camiranto.

Wixii nalagu yiri waa lagu dirirsan-yahay, wali lagama heshiinin, xitaa Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu meel islama dhigin. Furitaankii shirka ayuu Madaxweynuhu ku celiyey fikradii uu ku khudbeeyey 4. bari kadib markii la doortay.  JUG JUG MEESHADA JOOG SOW MA'AHAN?

Geedi waa latuurayaa. Maya bil kadib ayaa xilka laga qaadayaa. Saas ma'ahanee, laftiisa ayaa kalsoonida lasiinayaa, oo dowlada unbaa dib la'isugu-shaan-dheeynayaa. War mayee, Baydhabo iyo Jawhar ayaa loo kala qaybinaya dowlada iyo Barlamaanka. Intaas oo qorshe ah ayay tahay hadal-haynta Mudanayaasha.

Siday noqotaba, waa un isla iyagii. Mishaar ayaa loo ogolaaday, sida kaliya ee lagu cuni karo, waa in horta intii cabbaar ah aanan siyaasad kulul lagalin, qolo walba wa in loo qoslaa.

Ha'yadaha samafalka bixiya, sida kaliya ee lacag badan looga heli karo, waa in meel lawada joogo, marka xaalku waa qawda maqashii, waxse ha u qaban. ALLA DOWLADNIMO FOGAA.

Hadaad xanuun ka qaadayso rajo la'aanta Soomaaliya, ha'akhrinin maqaalkan, ee waxaad telefan kula hadashaa qaar kamid ah xubnaha dowlada, waliba kuwooda anan hubaysaneyn, hadaadse runta rabto, la sheekeyso kuwooda hubaysan.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@gmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Mar 6, 2006

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD