LADAGAALANKA ARGAAGIXISADA. MAYAAN
BAYDHABO LAGU SHIRINBAA?
![](fahad2.jpg)
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Isniin:
Feb 20, 2006
Ururka ladagaalanka
Argaagixisada iyo Nabadaynta Muqdisho. Waa markii iigu horaysan ee aan maqlo,
urur magaciisa hal ku dhig uyahay nabad iyo dagaal, waana cadayn aad ka fahmi
karto in ururkan uusan wax ujeedo ah ku dhisnayn.
Jabhadihii kuwan ka xumaa ee
Somaaliya jilbaha u dhigay, waxaa magac u ahaa, ururka Badbaada Soomaaliya.
Ururka Dimuqraadiga Soomaaliya. Ururka Samata-bixinta Soomaaliya. Waxay isu
muujinayeen iney dadweynaha badbaado u wadaan, laakiin Sabtidii dhawayd Jabhadan
Xamar looga dhawaaqay, waxaa la dhahaa ururka ladagaalanka Argaagixisada iyo
Nabadaynta Muqdisho. Bal adigu nabad iyo dagaal, oo uu waliba dagaalku soo
horeeyo is qabadsii, sow kuuma muuqato in ururkan ay unkeen dad aan dadka iyo
dalka wax u dan ah u hayin.
Waxay ahayd sanadkii
1997.kii. kolkii uu Xuseen Caydiid waraysi dheer siiyey jornaalka Al-Musawir ee
Qaahira lagu daabaco, wuxuuna u sheegay, inuu la dagaallamayo Argaagixisada
Soomaaliya joogta, isagoo kaalmeysanaya dowladda Masar, oo uu ku tilmaamay iney
aqoon u leedahay tir-tirida Argaagixisada.
Maalmo kadib waraysigaas,
ayaan ka qayb-galay khudbad uu jeedinayey Xuseen Caydiid, isagoo khudbadaas aad
ugu dhaleeceeyey Cumar Xaaji Masaalle iyo raggii lasocday ee ciidamada Itoobiya
soogaliyey G/Gedo, goortii uu hadalkii dhamaystay, ayuu su’aalo furay, aniga oo
gacanta ku haya nuqul kamid ahaa waraysigii uu dhawaatan siiyey Jornaalka
Qaahira, ayaan weydiyey su’aashan, { Haddii aad adiguba dilayso dad Soomaali ah,
adigoo kaalmeysanaya dowladda Masar ( Waa haddiiba ay kaa yeeshee) maxaad ku
kala duwantihin adiga iyo Cumar Xaaji Masalle oo isagana ciidamo Itoobiyaan ah
ku laayey dad Soomaali ah? Sow qof nool nafta halaga qaado ma’ahan cidii larabo
haloo soo adeegsadee sidii looga qaadi-lahaa nafta?
Qisadaas mid lamid ah waxay
hada ka taagantahay Muqdisho. Raggii ku cel-celinayey C/Laahi Yuusuf, wuxuu
ciidan Itoobiyaan ah u keenayaa Xamar, waa sidii uu dadka Muqdisho dagan
ulayn-lahaa, ( Dabcan waa siday u dhigayeen hadalka). Sow hadda isla iyagii
ma’ahan kuwa leh, anaga ayaa qandaraas ku qaadanay inaan layno dad badan oo
Xamar ku nool!!. Waxayse nasiib darro joogta ah ku dhacaysaa shacabka ku nool
Caasimada, oo marna dibada looga soo dhaaranayo, marna kuwa la joogo ay u
dhaaranayaan, oo laba jeerraba lalaynayo.
Maxuma in Argaagixiso lala
dagaalamo, laakiin su’aashu waxay tahay, yaa ah Argaagixiso? Muddo 15.sano ah
kuwii dawlada u diiday, ee heerkan soo gaarsiiyey sow iyaga ma’ahan Argaagixiso?
Waxay warqadoodii ku sheegeen in rag wajiga u daboolan-yahay ay habeenkii dadka
u soo dhacaan, kadibna ay si gaadmo ah ku laayaan, iyaguna ay doonayaan iney
taas ka hortagaan si bulshada ay nabad u hesho!!!.
Waxaan jeclaystay su’aashii
uu wariyaha Hornafrik weydiiyey mid kamid ah madaxda ururkan cusub, oo uu ku
yiri: sow adinka ma’ahan kuwii dadka mudada dheer laynayey? Wuxuuna ugu jawaabay,
anagu taayada wiiftay ahayd, tanse waa shirqool!!. Oo haduu qofku marba
dhimanayo wiifto iyo shirqool maxay u kala yihiin?
Dhiigga sida joogtada ah u
qubanaya ee marwalba cirka iskusii laraysa, waxaa masuuliyadeeda yeelanaya
raggan leh anaga ayaa hogaamiye u ah dalka, waayo iyaga ayaa diiday in dawlad
lahelo, in nabad lahelo, in xitaa lanoolaado. Haddii ay nabad iyo dowlad lahelo,
oo hogaan qaran dhismo, waa lagala xisaabtami-doonaa raggan dhibaadata ay umada
usoo jiideen.
Haddii shacabka Muqdiso
maanta la su’aalo Maxakadama Islaamiga ah iyo hogaamiye-yaashan hubaysan yaa wax
idin taray? Waxaan qofna shaki uga jirin iney 100% ay af buuxa ku dhihi-doonaan
Maxkamadaha Islaamiga ah. Waxay taariikhdu si kala duwan u qori doontaa, oo
siyaalo kala duwan u xusuusan-doontaa Maxakamadaha Islaamiga ah oo waxbadan u
madda u taray, ayna dhici karto iney khaladaadyo galeen, iyagoo islahaa wax saxa,
iyo raga tan iyo kolkii magac-baaskooda lamaqlay aanan lagaranaynin wax ay umada
utareen, aan ka ahayn iney 15.sano Soomaaliya dunida ka reebeen, iyo iney xumaan
oo dhan dalka ka fuliyeen, waa arin ay iyaguba ka marqaati kacayaan.
Waxaa jira rag aan moodayey
inaysan fadeexad intaan le’eg dhex istaagi doonin, laakiin nasiib daro sabtidii
ay goob ceebeed dhex galeen. Raggaas waxaa kamid ah Cumar Finish Wasiirka
Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Taariikhiyan wuxuu ahaa nin diineed, wuxuu kamid
ahaa dhalinyaradii Masaajidda ku xirnayd, kadibna siyaasadda u tallaabtay, ilaa
uu Wasiir ka noqday dowladii Nayroobi lagu abaabulay, Xajkii dhawaana wuu soo
gutay, waxaan isleeyahay waa wax ceeb ah, rabi hortiisna aan ku fiicnayn adoo
bil kahor soo xajiyey inaad hadana dhiig muslim sidii loo daadin-lahaa aad talo
ku yeelato. Wali rajo ayaan ka qabaa rag uu Cumar Finish kamid yahay, waana
suurowdaa in qisadan si sahal lagu galiyey.
Dilal kala duwan ayaa Xamar
ka dhacay. Waa run waayadan danbe waxaa soo batay in si gaadmo ah loo laayo
waxgaradkii bulshada, iyo raggii aqoonta lahaa, su’aashuse waxay tahay, yaa
dadkaas laynaya? Yay dan ugu jirtaa in shacabka ay ku soo haraan inta aan fahmi
karin hagar-daamoyinka qaran-dumiye-yaasha raba in Soomaaliya siday tahay lagu
sii xajiyo.
Waa arin u baahan in labaaro,
oo hadba qofkii lagu soo ogaado Maxkamad lasoo taago, ciduu doono ahaado,
shaatiguu rabo halabisnaado, xitaa haduu rabo magac diineed haku qaraabto.
Waxaad u malaysaa
dagaal-oogayaasha Xamar iney fahmeen Siyaasaddii Jen Morgan ee ku dhisnayd in
dadka laga mashquuliyo meelaha ay ka sugaan xalka qaran. Malaha Jananku intuu
Xamar joogay ayuu casharkaas u dhigay qolada Muqdisho. Dagaalka hada
la’abaabulayo hadafkiisa waxaa kamid ah in dadka shirka Baydhabo laga
mashquuliyo.
|