Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
MUQDISHO: QUBUURO FAGASHANA
MA DHIMANEYD?
Yaa bane: War miyaadan Muslim ahayn?
Qubuuro fage: Maxaa dhacay?
Yaabane: Maxaad qubuuraha ufaganeysaa?
Qubuuro fage: Dee waa qubuurihii Gaaladii
Talyaaniga.
Yaabane: Oo haday yihiinna qubuuruhu sow xurma
malahan?
Qubuuro fage: Ma Gaalkii nagumeystay baa xurma
leh?
Yaabane :Ka waran hadday Talyaanigu soo fagaan
qubuurihii Soomaalida ee wadankooda?
Qubuuro fage: Waa danahooda, maxay iyagu markii
hore dhulkaas gaalo ugu dhinteen?
Yaabane: Waa yaabee adigu ma Gaalada nool nool
ayaad col-latahay mise kuwa xabaalaha ku jira?
Qubuure fage: Saaxiib Gaal waa Gaal.
Yaabane: Oo madhabbey-kaatahay?
Qubuuro fage: Saaxiib kuwa hadda nool yaa
dhalay?
Yaabane: Sow ma’ogid in Muqdisho dowladdii
Soomaaliyeed ay ku duntay?
Qubuuro fage: Haddaan ogahayna.
Yaabane: War in guryihii dadka Xamar lagu
haysto sow ma’ogid?
Qubuuro fage: Oo ma’anaa haysta marka.
Yaabane: Adeegyadii bulshada oo dhan in la
bililiqaystay oo labor-buriyey sow ma’ogid?
Qubuuro fege: Dadkii bililiqaystay u sheeg.
Yaabane: Wax walba oo laga naxo xamar iney ka
dhaceen sow maadan maqal?
Qubuuro fage: Su’aalo badanidaa adigu, yaa noo
soo kaa diray?
Yaabane: Haddii dadkii, daarihii, duunyadi, iyo
waxwalba ladumiyey, qubuuro fagidna manoo dhimaneyd?
Qubuuro fage: Horta aan kuu waramo, waxaas aad
sheegtay oo dhan anigu majoogin, hadda ayaana xamar imid.
Yaabane: Haye. Qo qubuuraha maxaad ka soo
doontay marka?
Qubuuro fage: Runta haddaan kuu sheego, aniga
ganacsade ayaan ahay, nin xamar ka warhayo hadaadan ahaynna, meel walba dadaa
haysta xitaa wadooyinkii, marka ninyahaw barxadaan awalba Gaalo cadaan ah ayaa
ku duugneydee hadaan dhisto oon dadkeyga ku anfaco maxaa dhiboo ku jira?
Yaabane: Haye.
Qubuuro fage: Dadkaan xaasidnimaa ka badatay,
nolol xataa la’iima ogalo miyaa?
Yaabane: Sheeko iyo shaahid midna qof adigoo
kale ah ma’arag mana maqal, nin khayr qaba ma’ahidee, nabadeey anigu kaa tagay,
meeshaad taariikhda ka gashana la’arki doonee.
Qubuuro fage: War qaylada igala tag, intaad
muranka igu daalineysay sadax gaal ayaan banaanka keeni lahaa.
Yaabane: Sidii nin qandhan anoo dhabannada
haysta ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii fadeexo. Waxaan qaadan-waayey in madashan
ceebeed ay tahay Caasimaddii Soomaaliya.
Diinta Islaamka mabaneyneyso in lafagto
qubuuraha iyadoo uu qofwalba go’aankeeda leeyahay. Wey dhici kartaa in
shareecadu baneyso haddii ay dowladi sidaas masalaxo u aragto, sida in goob
masaajid laga dhisayey laga raro qubuurihii ku yaalay iyadoo la xurmeynayo,
si’asturanna meel kale loogu aasayo.
Maxakadaha Islaamiga ah ee haddeer lagu
tuhun-sanyahay iney lug ku leeyihiin, hadday ku cadaato waa godob ay magaca
diinta ku galayaan. Waxaana soo baxayey hadallo kala duwan oo ay soo saarayaan
Madaxda sare ee Maxkadamaha Islaamiga ah, oo ay qaarna inkiriyaan, qaarna
qirayaan. Dad badan ayaa Maxkadaha ku taageeray hawlaha ay bulshada u hayaan.
Sidoo kale waa lagu taageeray iney diidaan ciidamada ajnagi ah ee wadanka loo
soo wado, waxaanse loogu sacbin doonin iney isha ka fiirsadaan fagashada
qubuuraha, iskadaa iney iyagu lug kuleeyihiinee.
Uma haysto in dadka hawshan ka danbeeya ay
yihiin kuwa magaca ilaahay ku samaynaya oo isleh ajar ka hela inaad soo saartaan
qubuurihii Talyaaniga. Waxaa jirta sababo kale oo arintaas keentay una badan
dano dhaqaale ama ka faa’iidaysiga dhulka halkaas ku yaalla. Damiirka qofku
haddii uu dhinto wuxuu gaaraa in wixii ku soo dhacaba uu ku dhaqaaqo isagoo aan
aragtida dadka dan iyo heello kalahay.
Culimadda Soomaalida waayadan danbe waxay
muujiyeen doorka ay ku leeyihin bulshada dhexdeeda. Waxaa abuuran Dallad
kulmisa Culimada iyagoo marba wixii dhaca ka soo saara aragtida ay ka qabaan.
Sidaas awgeed waxaa lagama-maarmaan ah in waxqabad la taaban karo ay ka
muujiyaan dhacdadan layaabka leh ee Xamar ka socota.
Ganacsatada awoodda weyn ku leh Muqdisho muxuu
yahay mawqifkooda ku aadan arintan? Iyagaa taageera Maxkadaha Islaamiga ah ee
Muqdisho marka mey u adeegsadaan isla Maxkadaha in la hor istaago anshaxan xun
ee ku dhexabuurmaya bulshada Soomaalida.
Bulshada weynta Soomaaliyeed ee ku nool
Muqdisho waa iney muujiyaan sida ay uga xun-yihiin falkan dhacay iyo sida loo
maamulay. Waxaa yaab leh xitaa haddii qorshuhu yahay in qiil laga dhiganayo
meesha ay ku duugan-yihin ayaa loo baahan-yahay, maa inta si mas’uuliyad leh
looga soo saaro meel kale la geeyo oo halkaas lagu aaso?
Nin aduun joogoow maxaa aragti kuu laaban.
Wiilkii R/Xamarna wuxuu yiri. Cimrigaagoo raago Geel dhalaayana waa ku tusaa.
Marnaba ma filayn in qof Soomaali ah xumaan kastaba hafalee inuu ku fakari karo
Qubuuro fago si uu markaas nolol uga abuurto. Laakiin maanta waxay ka dhacday
Xamar, waxaana samaynaya dad huwan magacii Soomaaliyeed, kaagaba sii daranee
waxaa lagu tuhumayaa kuwa magac diineed wata.
Maxkadaha Islaamiga ah arintan lug haku
lahaadeen ama yeysan ku laahinine, waxaa saran mas’uuliyad anshax iyo mid
diineed, haddii aysan si degdeg ah wax uga qaban, waxaa dhulka ku dhici doona
sumcaddii Maxkamadaha Islaamiga ah.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 24, 2005
..
XAMAR IYO XALKA
SOOMAALIYA.
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|