DR. IBRAAHIM DUSUQI: TODOBO
SANO KADIB IYO CAYDII CAA’ISHA UMUL-MU’MINIIN
![](fahad2.jpg)
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Isniin:
Dec 19, 2005
Dadbadan oo Soomaali ahi
waxay si joogta ah isu weydiiyaan sababta Mudane Cali Mahdi uu si fudud
siyaasada uga siibtay, kadibna uu kusoo baxay qof caadi ah, isagoo bari ahaan
jiray hogaamiye dunida oo dhan laga yaqaan, oo markaas hadalka dunida iyo dadka
Soomaalidaba uu ahaa Cali Mahdi iyo Caydiid.
Hadaan si sahal ah uga
jawaabo, wuxuu dhulka ku dhacay magaciisii goortii uu dhulka lasimay jiritaankii
Maxkamaha Islaamiga ahaa ee uu bilowgeedii raali ka’ahaa in la’abuuro. Wuxuu
heshiis lasoo galay dowlado shisheeye si loo tirtiro rajada diineed ee
Soomaaliya kasoo dhalatay.
Inkaarta bulshadii ku
hanweyneyd baahinta nabadda ee ay Maxkamadaha Islaamiga saldhig u ahaayeen, iyo
cuqabadii eebe-weyne ayaa dhulka la dhigtay muuqaalkii Siyaasadeed ee Mudane
Cali Mahdi, taasoo dhalisay inuu waayo maqaamkii hogaamineed ee uu Soomaaliya ku
lahaa.
Waxaanse aad ugu faraxsanahay
in Mudane Cali Mahdi uu dhawaantan is dabaqabtay, oo sida aan soo arkay, wuxuu
dhisay Masjid uu ugu talagay in eebbe weyne uu ajar ka siiyo, danbigiisii horana
uu ku dhaafo, waxaa sidoo kale igu maqaala ah inuu qabrigii lagu aasi-lahaana uu
kasii ag-dhistay, sidaas awgeed waxaan ilaahay uga rajayneynaa, is badalka hada
ka muuqda Mudane Cali Mahdi inuu noqdo mid loo aqbalo, wixiisii horana looga
tirtiro.
Sidaas si lamid ah waxay hada
haysataa Dr Ibraahim Dusuqi, oo bari kamid ahaa Culimada Soomaalida, gaar-ahaan
kuwooda Muqdisho. Wuxuu caan ku ahaa inuu kamid ahaa hormuudka baraaruga
Islaamiga ah ee Soomaaliya, mudo dheer waxaa aad loo dhagaystay Muxaadarooyin uu
ku faafinayay Diinta Islaamka, waxaan xusuustaa iyadoo goobaha uu wax ka akhriyo
siweyn loo camiro, sidoo kale iyadoo lawaheshado kolka xaalad Islaamka khuseysa
lasoo hadal-qaado.
Muuqaalkaas wanaagsan wuxuu
dhulka ku dhacay dhamaadkii sanadkii 1999-kii. Maalinta caalamiga ah ee xuquuqd
aadanaha. Ninkii aan kor kusoo sheegnay sidii loo jeclaa, ama loo daba
ordi-jiray, waxaa dhacday in isagoo Masaajidka Sh. Cali Suufi darsi ka’akhrin
raba in korsiga lala-gadiyo, oo banaanka looga saaro, dagaal fududna uu goobtii
ka dhaco, waxaa intaas dheer Dusuqi wuxuu lumiyey magicii diineed ee uu bulshada
kudhexlahaa, wuxuu noqday qof caadi ah, dad badani waaba ilaaween inuu mar lahaa
magac diineed.
Sidaas haday dhacday maxaa
sabab u ah? Maxaan isaga iyo Cali Mahdi tusaale isugu soo qaatay?
Shir ay soo abaabuleen
hay’adaha bulshada rayidka ah iyo qaarka dhaha waxaan u doodnaa xuquuqda
aadanaha ayaa lagu martiqaaday Dr Dusuqi iyo Sh. Axmed Qudubi oo labaduba ka
tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Al-Islaax, faracna ka’ah ururka Caalamiga ah
ee ( Akhwaanul-Muslimiin). Shirkaas laba khudbo oo sii kala liidata ayey goobtii
ka jeediyeen. Qudubi wuxuu aflagaadeeyey Xadiiska Nabiga S.C.W. Dusuqina wuxuu
afmuggii ku caayey Xaaskii Nabiga S.C.W. waa khalad aysan labadoodu ilaa iyo
hada ka towbad-keenin. Afxumadii uu maalintaas Dusuqi u geystay Caa’isho waa wax
aanan halkan kusoo qori-karin, laakiin waa qiso ay Soomaalida oo dhami ka
warhayso.
Hadalkaas iyo khaladaadka
kale oo ay cajaladaas ku galeen isaga iyo Qudubi, wallow hadalka Dusiqi sii
foolxumaa, waxaa aad u naqdiyey, aadna uga carooday shacabka Soomaaliyeed iyo
Culimadii Soomaaliya.
Sh. C/Qaadir Nuur Faarax (Garawe).
Sh. Maxamud Shibli (Holan). Sh. Axmed Daahir Aways (U.K). Sh. Xasan Daahir Aways.
Sh. C/Laahi Xaashi. Sh Maxamuud Abuu-Shayba. Sh. Xasan Xabeed. ( Muqdisho) iyo
Culimo kale oo farabadan oo aanan halkan kusoo koobi karin ayaa cajalado iyo
muxaadarooyin dhaadheer ka duubay, intii aan dhagaystay waxaa ugu diyaarin
qurxanaa Sh. Maxamud Shibli ( Holan).
Hadafka aan faaladan u qorayo
ma’ahan inaan hada la doodo Dusuqi, ama aan baarintaan cilmi ah kusamayno
saamaynta uu hadalkiisii lahaa, waayo taas waxaa ka hadlay Culimo arintaas awood
u leh, xaqeedana siiyey, culimada qaarkoodna waxayba ku sigteen iney gaal-nimo
ku xukumaan Dusuqi, waase ka dhawrsadeen, anaguna sidaasoo kale waa inaan uga
dhawrsanaa, laakiin wixii taas ka soo haray, waa nin-iyo kartidiis (Ijtihaadkiis).
Qodobka aan rabay inaan
bararujiyo wuxuu ahaa maxaa muuqaalkii culimo-nimo ee Dr Dusuqi loowaayey? Waa
sidii Cali Mahdi ku dhacday oo kalee, kolkii uu hadal anshax-xumo ah la’aaday
gurgii Rasuulka S.C.W. ayuu habaarka cirka kaga soo dhacay, wuxuu waayey
shaarkii diineed ee uu huwanaa, wuxuu dadkii dhexdooda ka noqday nin diin lahaa,
asii ku afxumaaday Rasuulka iyo Hooyadii Mu’miniinta, kadibna wasakheeyey
shaarkii nadiifka ahaa ee uu huwanaa.
Arinta layaabka lihi waxay
noqotay xiligaas ilaa iyo hada Dr Dusuqi waa laga la’yahay inuu ka cudurdaarto
khaladkaas uu galay, xitaa waxaa lagu kari-waayey inuu hadlo oo uu yiraahdo
hadalka saan u iri ma’ahanee si kale ayaa loo qaatay, waana ka cudurdaaranayaa
khaladkaas aan galay ee uu afka iga xaday. Malaha isla-weyni ayaa qaaday!!.
Dadka qaar ayaa aniga igu
eedi kara maxaad Dusiqi uga hadlaysaa? Waxaanse ku qancinayaa saaxiibadaas,
waagii uu Quraanka ku soo dagayey Nabiga S.C.W. wuxuu waxyi kasoo dagi-jiray
khaladaad intaas kayar, mindhaa hadii ay dowlad islaami ahi jiri-lahayd maanta
Dusuqi xukun adag ayuu mudanlahaa.
Qoraalkan waxaa isoo
xusuusiyey dhawaantan oo loo dabaal-dagay maalinta caalamiga ah ee xuquud
aadanaha, oo runtii aniga iigu calaamadaysan maalintii Dusuqi Caa’isho caayey.
Wakhtigaas dheer kadib Dr
dusuqi magarawsan-doonaa inuu si qayaxan uga noqdo gafkii uu kagalay Hooyadii
Mu’miniinta? Waa su’aal aan jawabteeda sugayno 7.sano kadib, sidoo kale ma is
dabaqaban doonaa sida uu Cali Mahdi isu dabaqabtay?
|