Waxaad
iiga jawaabtaa adoo degmo jooga cidii kaa soo horjeesataba ma xiri-lahayd?
Mise sidaad isu balaarin-lahayd baad falan-keeda gali-lahayd? Gaar-ahaan
intaad ka heleyso xabsi weyn oo dad badan kuu qaadi kara, si’aad ugu
xaraysato.
Deg-degu wuxuu kaa lumiyaa kun hawlood oo
aad gadaal ka qabsan-lahayd. Deganaa-shuhuse wuxuu isugu kaa duwaa kumanaan
hawlood oo kaa kala daad-sanaa, su’aashuse waxay tahay yaa sidaas u
garan-kara?
Jawhar waa degmo ay nabadi ka jirto,
waxaana ku amaanan maamulka Maxamed Dheere, iyo shacabka deegaanadaas.
Goorta burburkan laga baxo oo dowlad-nimo lagaaro, waa astaan ay Jawhar
kumutaysan-doonto iney gasho liiska degmooyinka is hagaajiyey kahor inta
aysan dowladu nabadayn.
Sidaasoo ay tahay, waliba intii ay qolada
kumeel-gaarka ah ay u tageen, muuqaalo wanaagsan oo ay magaaladaas lahayd
ayaa lumay, halkii la sugayey iney kor usii qaadaan horumarka magaalada,
waxay culaab ku noqdeen deegaankii, oo waa iyagii iskuuladii buuxiyey, oon
ilaa iyo hada sanad dugsiyeedkan ay ardaydii la’yihiin goob ay wax ku
bartaan.
Intaas waxaa dheer Jawhar waxay astaan u
noqon rabtaa degmada caburinta hadalka ee Soomaaliya. Hay’adaha u dooda
xuquuqda aadanaha waxay ilaa iyo hada hayaan tiro koox ah oo cadaynaya inta
xad-gudub ee ka dhacay degmadaas.
Jaamac Aadan Dheere Guddoomiyaha Golaha
Nabadda iyo Midnimada Qaranka wuxuu ku jiraa xabsi ku yaalla Jawhar. Sida
lagu soo waramayo markii hore wuxuu halkaas ku tagay martiqaad uu ka helay
maamulka degmada iyo qaar-kartisan dowladda.
Maalmo haduu halkaas joogay oo uu
indha-indheeyey xaalada degmadaas kajirta, kadibna uu kor u eegay bulsha
weynta Soomaaliyeed ee wax ka sugaysa inta Jawhar joogta, ayuu aflabadii
dhawaaqay: Kuwan Jawhar jooga iyo kuwa xamar joogaba midna yaanan dowlad
laga sugin ayuu yiri. Intaas ayuu ku galab-saday in xabsiga loo taxaabo, oo
uu ilaa iyo hadda ku jiro.
Dad badan waxay ilaa iyo hadda la
yaaban-yihiin geesi-nimada uu ku karay in isagoo jooga Jawhar uu hadalkaas
weyn ku dhawaaqo.
Waxaa laxiray isagoo ka tirsan garabka
S.R.R.C.da oo taageero ka hela Itoobiya. Muddo wuxuu ku sugnaa xudur iyo
deeganada u dhaw, halkaas oo uu kula kulmay saraakiil Itoobiyaan ah.
Wuxuu jawhar tagey isagoo la koox ah kuwa
hadda xirtay, wuxuuse u qabay runta oo la sheegaa iney banana-tahay. Hadiiba
uu xabsiga ka soo baxo tolow ma xudur ayuu dib ugu laaban-doonaa? Mise wuxuu
ku ekaan-doonaa inuu Soomaali oo kaliya garab ka dhigto?
Ninkii shalay ay isku kooxda ahaayeen,
hadana martida u ahaa, dowlada ama maamulka xabsiga dhigay, maxay la
damacsan-yihiin shacabka intiisa kale, oo mucaarad iyo muxaafidba leh.
Waxaan isweydiinayaa hadday dowladan
hirgasho oo ay caga-dhigato, yaa ku dhiiran-doono, oo hadal aysan rabin
dhihi kara? Warbaahintu waa iney u diyaar-garowda sidii ay shaqo kale u sii
furan-lahayd, ama waa iney sii curiyaan heesihii ay madaxda dowlada ku soo
dhawayn-lahayeen.
Car yaa iga daba hadli kara waxay ku ekayd
xiligii dowladii milatariga ay jirtay, maanta oo ay wax waliba sahlan-yihiin
miyaa dib loogu noqonayaa waayadii afka la’iska xiri-jiray.
Wariye C/Laahi Kulmiye oo ka tirsanaa
Idaacada Hornafrik ayaa isagana lagu xiray Jawhar, wuxuuna sabab-saday war
uu siiyey Idaacada uu u shaqeeyo, lamana yaqaano xukunka iyo qaanuunka dadka
noocaas ah lagu xukumayo.
Maamulka Maxamed Dheere waxaan uga
baahanahay inuu cadeeyo falalkan ka dhacaya jawhar yaa masuul ka’ah? Yaa
eedeeda qaadaya? Yaa Jawhar ka taliya? Ma dowladda mise Maxamed Dheere?
Waxaanan fahmi karin, in hal degmo ay laba maamul isku haystaan oo aanan
la’aqoonin cidda lagala xaalayo. Jawaabta rasmiga ahna waxaa bixin kara
Maxamed Dheere.
Taariikhda waa mid qoran, lana qorayo wixii
hadba dhaca, sidaas awgeed inta Jawhar lawada joogo yaanu ku qornaa samaan
iyo xumaan waxa ka dhacaya.
Qaar katirsan golaha nabadda iyo midnimada
waxay eeda dusha ka saarayaan Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo leh isaga ayaa
bixiyey amarka xiritaanka. Majiro Afhayeen dowlada u hadlay oo jawaab ka
bixiyey xarig-yada is daba jooga ah ee ka dhaca degmadaas.
Waxaa horay loo yiri Ilaahay weel weyn baa
lagu baryaa, markii ay kumeel-gaartani degmo dagtay ayey muujisay hankeeda
dowlanimo intuu le’egyahay.
Haddii ay caburinta heerkaas gaartay, oo
siyaasigii la garabka ahaa sidaas loo galayo, maxaad ka filaysaa haddiiba
la’ogaalaado in Jawhar ay dowlada oo dhan tagto.
275. Xildhibaan, dhamaan shaqaalaha
dowladda, iyo xisbiyo cusub oo siyaasadeed hadii Jawhar lawada geeyo miyey
ogolaan-kartaa in fikrado kala duwan laga sheego halkaas.
Nimanka hadal kaliya xamili-waayey, siday
ku aqbali karaan in la’arko xubno Barlamaanka ka tirsan oo ka aragti duwan
dowlada, iskadaa iney ogolaadaan xisbiyo Siyaasadeed oo dalka kahirgala.
Su’aasha hadaba meesha taala waxay tahay
xabsiga Jawhar Soomaaloo dhan maqaadaa?
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Sept 5, 2005
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com