Xubno ka tirsan maxkamada Islaamiga ah oo dhegeysanayey xubno ka
tirsan baarlamaanka FKMG, Feb. 5, 2005, Mogadishu, Somalia. |
Sawirka: AP.
GUJI... |
Dadaal caalami ah iyo mid
gudaha wadanka ahba waa loo galay sidii Xamar loo xalin-lahaa, intii talaabo
ee laqaaday midna ma’aysan mira dhalin. Waxay ku dhawdahay iney quusasho
gaarto xal u helida Muqdisho.
Hadda kahor dhawr jeer
ayaan tilmaanay heerka ay le’egtahay nolosha khaldan ee ka jirta Caasimaddii
Soomaaliya, asalna waxaa u ah, nabad-galayda xumida ka jirta magaaladaas,
oona sal dhig u noqotay dhibaatada guud ee ka jirta dalka oo dhan, maadama
ay tahay ishii wadanka laga arkayey. Hadaba fool-xumadani waxay dalka oo
dhan ka bixisay fikrad xun.
91dii ilaa iyo hadda
Xamar ma’aysan helin hal nadaam oo ka taliya. Jabahadii U.S.C. halkii ay
maamul ka samayn-lahayd waxay ku mashquushay sidii beelaha qaar loo
bursan-lahaa, oo hardan qabiil ayey galeen. Ciidamadii caalamiga ah ayaa
iyaguna yimid, laftooduna waxay qayb ka noqdeen dagaal-oogayaashii caasimada
kajiray, waana iyagii dagaaladii sokeeye kaqayb-qaatay.
Jen Caydiid wuxuu ku
dhintay Xamar isagoo sheeganaya Madaxweyne Soomaaliyeed. Cali Mahdi oo ka
horeeyey wuxuu wakhtigii ka dhamaaday isagoon Waqooyiga Muqdisho soo dhaafin,
ilaa uu hadda gaaray inuuba siyaasadda isaga baxo.
Maamulka gobolka Banaadir
hala dhiso ayaa la yiri. Hogaamiyaha Liibiya Qadaafi ayaa diyaar u ahaa inuu
maal-galiyo, tiina waxaa hor istaagay qaar kamid ah hogaamiye-kooxeed-yadii
awooda-lahaa.
C/Qaasim oo Carta loogu
soo doortay Madaxweynaha dalka isna wuuba u gudbi-waayey inuu hanto hogaanka
siyaasadeed ee Xamar, wakhtigiisiina wuxuu ku dhamaaday is jiid-jiidkii
dagaal-oogayashii Muqdisho.
Madaxweynaha haddeer
Mudane C/Laahi Yuusuf isagu indhaha ayuuba kalaabay, umaba socdo ayuuba yiri,
iskadaa inuu wax ka qabtee, inuu aado ayuu diiday, xalka kaliya ee uu u
hayana waa in ciidan-ahaan gacanta loogu dhigo. Taasna hadday sidaas tahay,
maxaa xal u ah caasimaddii Soomaaliya.
Burburkii dalka kadib,
muuqaalada ku soo kordhay dalka waxaa kamid ah Maxkamadaha Islaamiga ah ee
ka hirgalay gobo dhawr ah oo dalka kamid ah.
Guud-ahaan Maxkamaduhu
waxay muujiyeen in la’abuuri karo nabad-galyo aan siyaasad ku xirnayn, oo ah
in la dhiso hay’ado nabada ka shaqeeya iyagoon koox gooni ah u shaqayn, han
siyaasadeedna uusan ku jirin, oo waxay tusaale u noqdeen, xal raadin aan ku
dhisnayn xukun-doon.
Marka lasoo hadal-qaado
Maxkamahada Islaamiga ah wixii ay qabteen waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa
tii ugu horeysay ee laga’aasasay waqooyiga Muqdisho ee uu hogaaminayey Sh
Cali Dheere, deegaa-nadaas waxay gaarsiiyey nabad-galyo aan taariikhda
Soomaalida soomarin. Cali Mahdi ayaa burburiyey isagoo siyaasadeeyey hawshii
ay hayeen, isna inkaartii Makxamadaha ayaa ku dhacday, oo banaanka ayuu uga
baxay siyaasadii.
Dalka oo dhan meeshii
laga aasaasay nidaamkan Islaamka ku dhisan, waxaa lagu gaaray nabad waarta,
iyo kala danbayn, taasna waxaa sabab u ah laba arimood.
1. Xalka ay soo bandhigayeen oo ku salaysnaa
Shareecada Islaamka, taasoo keentay iney iswaafaqaan noloshii dadka iyo
sidii uu ilaahay ugu talagalay dunidan, taasna waxaa dheer danbiiluhu marka
uu hubo in lagu kala baxayo caqiido iyo diin, oo aysan jirin laaluush iyo
qabyaalad, wuxuu ku talagalaya inuusan galin raad danbi leh.
2. Ragga hormuudka u ah Maxkamadaha
Islaamiga ah oo aan muujinin han siyaasadeed, sidoo kale aan sheeganin iney
iyagu deeganadaas siyaasad-ahaan u matalaan ama rabaan iney matalaan. Taasi
waxay dhashay in shacabku ka rumayso iney daawo wadaan oo kaliya ee aysan
danahooda u socon.
Xamar waxaa ka dhisan
ilaa dhawr Maxkamadood oo wada Islaami ah, waxayna leeyihiin hogaan midaysan
oo loogu magac-daray Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, inta badanna iskumeel
ayey wax ku wadaan.
Fursadda kaliya ee maanta
u furan dadka ku nool Muqdisho waa iney wakhti-siiyaan Maxkamadaha Islaamiga
ah ee hadeerba awooda ku dhax leh magaalada. wakhtiganba nabad-galyada
caadiga ah iyaga ayaa haga, ciddii wax laga dhaco, ama wax laga dilo, ama
dhib kale sheeganaysa waxay u xukun-tagaan Maxkadamaha Islaamiga, iyagoo
kahela intii ay awoodaan.
Nabadda yar ee hadda
kajirta Xamar waxaa qaybta ugu weyn leh, dadaalka Maxkamadaha Islaamiga ah
ee ay uga hortagayaan khal-khalka amni-darrada ah ee ka jira aagaga ay ka
taliyaan.
Waxaan shaki kujirin,
haddii fursad hal bil ah la siiyo midowga Maxkamadaha Islaamiga ah iney wax
weyn ka qaban-karaan xal u helida nabad-galyada Muqdisho. Waa la ogahay
saamaynta caalamiga ah ee ay yeelan-karto, waxaase taas lagu xalin-karaa
marka ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ay ku ekaadaan hawsha muqadaska ah ee ay
qabana-yaan, sidoo kale qaabka ay kalsooni uga bixin karaan ineysan han
siyaasadeed uga faa’iidaysan-doonin haddii ay nabada xal u helaan, waana
qaabkii ayba ku soo guulaysteen intii ay hawsha u hayeen umadda.
Tijaabooyin kala duwan
waa loo soo galay sidii nabad looga dhigi-lahaa Xamar, kuligoodna waxay ku
dhamaadeen khasaare iyo mushkilad horleh, sidaas-awgeed maxaa diidaya inaan
fursad siino Maxkamadaha Islaamiga ah, si’ay wax uga qabtaan xaalada
murugsan ee ka jirta Muqdisho.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Aug 22, 2005
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com