SOOMAALIYA OO 14. SANO
KADIB ITOOBIYA LOO CAGANGALIN RABO
Waxaan
kamid ahaa Wariye-yaashii raacay Diyaaradii Guddoomiyaha Barlamaanka,
waxaan ku dagnay Garoonka Diyaaradaha Dayniile, halkaas oo aan kula
kulanay soo dhaway siweyn loo agaasimay oo ay diyaariyeen
waxgaradkii joogay Muqdisho, waxay muujiyeen xiisaha iyo xurmada ay
u hayaan wafdigii dowladda ee uu horkacayey Shariif Xasan Sh.Adam.
Afhayeenka Baarlamaanka FKMG,
Shariif Xasan Sheikh Aaden oo la hadlayey Ardayda Dugsiga Axmed
Gurey , Feb. 9, 2005, Mogadishu, Somalia. | Sawirka AP
Xubno ka tirsan maxkamada
Islaamiga ah oo dhegeysanayey xubno ka tirsan baarlamaanka
FKMG, Feb. 5, 2005, Mogadishu, Somalia. | Sawirka: AP.
Gabdho xijaaban oo sugayey
imaanshaha afhayeenka baarlamaanka, Feb. 9, 2005, Mogadishu.
| Sawirka: AP |
Wuxuu
ahaa Safar qurux-badan oo xiise leh, waxaan safarkaas ka kororsaday
in xalka Soomaalidu uu yahay mid caqli yar u baahan ee aan goodis
iyo caga-juglayn u baahneyn, wadaadkii Sayid Maxamed ahaa waatii
laga sheegay ( Rag wuxuu walaalow ku dhaamo waan waayey). Maanta
waxaa madaxda Soomaalida laga doonayaa iney muujiyaan caqli dheeri
ah, karti dheeri ah, hufnaan dheeri ah, kalsooni dheeri ah, haddiise
lagu socdo sida hadda xaalku yahay oo ah, hadii aydanan saas yeelin
anna saasaan yeeli, waa xaabadii oo dab lagu sii shiday.
Burburkii Maxamed Siyaad wuxuu bilowday goortii uu beelaha qaarkood
u xoog-sheegtay ee uu ugu faanay cududa ciidan ee uu haysto, isagoo
ku xisaabtamayey ciidamadii qalabka siday ee 21.ka Oktobar gaardiska
ku agmari-jiray, wuxuuse garan la'aa in ciidankani uu beelaha
Soomaalida ka kala yimid, oo haddii Askariga beeshiisa wax loo dhimo
uu ku dagalamayo qorigii uu qaranka u dhiibtay.
Waxaa
yaableh. Dowladan Soomaaliyeed ee dibad joogga ah ee u dhaqmeysa
sida layaabka badan oo ah, goodin iyo deegaanada qaar uma socdo
hadii wax kasta la akhriyo. Wuxuuse ogolyahay inuu aado kadib marka
uu ciidan ahaan uga adkaado. Soomaali la'ogaayo degdeg wey isku
cafin kartaa, wey ku heshiin kartaa, wax wey ku dhisan karaan,
laakiin degdeg kuma kala adkaato. Su'aashu waxay tahay Maxamed
Siyaad wixii burburkiisa soo dadajiyey isagoo carshiga ku fadhiya
ayey dowladan cusubi iyadoo dibadda ku nool ka bilowday, bal meesha
ay ku danbeyso aan aragno. Maanta talaa la gudboon, barise eebaa og.
Itoobiya dhulka Soomaalida meelo badan ayey ka soo gashay, sida Gado,
Bay iyo Bakool, intaba kuwii keenay ayey tuurtay oo hogaan cusub
ayey soo saartay kadib markii ay hubsatay gacan-ku-haynta deegaanka.
Waxaan isweey-diiyaa, madaxda Soomaaliyeed ee haddeer u yeeraneysa
Itoobiya ee leh soo gala dalkeenna oo kalaaya hubka Soomaali ka
uruuriya, hadayba taas dhacdo oo Soomaali hubkeeda ay Itoobiya meel
isugu geyso, yaa damaanad qaadaya in qolyihii keenay ay sii wada
soconayaan, oo ay dalka iyaga u gacan-galineyso. Sidaan Itoobiya uga
baranay nimay wax isla bilaabeen islama-dhamaystaan. Marka odaga maa
qodobkaa la xusuusiyo, oo la dhaho nimanku waa ku wii Cumar Xaaji
Masalle sidii la'ogaa u galay. Waa kuwii Shaati-guduud hal faliiq oo
A.R.R. ah ku soo reebay. Tolow adigoo Madaxweyne ah miyey kaa
xishoon-doonaan oo adigay waligaa ku wadan doonaan? Koley jawaabta
Itoobiya unbaa haysa, oduguse waa ku nasiib-sanayaa. Caqliga
saliimka ahi wuxuu dhigayaa, Madaxweynuhu marba haduu tijaabo galayo,
muu Soomaalida isku tijaabiyo, oo xitaa iney Soomaali kugu
balan-furto iyo in Itoobiya kugu balan-furto keebaa odaga u khatar
badan? Dalkana u khatar daran?
Sh.
Cali Wajiiz ayaa yiri isagoo Muxaadaro ka dhigaya Masaajid ku yaalla
Xaafada Soomaalida ee Nairobi. Itoobiya haddiiba ay aamintay C/Laahi
Yuusuf oo askari ah wey ku nasiib-sanaysaayee anaguna aan kula
nasiib-sanno, maxaayeelay marka uu arko ciidan Soomaaliyeed oo u
gaardinaya oo uu dhawr safarna dibadaha ku tago, isagaaba kusoo
jeesan doonee aan sugnos.
Taariikhda Soomaalida waa lagu arkay Jabahad Itoobiya la socota, oo
hubka iyo saanadda ka soo qaadata, laakiin wali lama arag Madaxweyne
Soomaaliyeed oo Itoobiya hub iyo tageero karaba. Malaha C/laahi
Yuusuf isagaa bilaabay jabhadii uhoreysay ee garabsato Itoobiya,
hadana isaga ayaa isku wada inuu noqdo Madaxweynihii Soomaaliyeed oo
Itoobiya garabsada.
Wadada
kaliya ee maanta u furan madaxda Soomaalida waa iney xiriirka u
jaraan Itoobiya, haddii aysan u jarin Karin waa iney khafiifiyaan,
haddii aysan khafiifin karin siyaasadda kaliya haku koobaan, intaas
hadaysan awoodin fashalkooda oo degdeg hasugaan.
Shacabka Soomaaliyeed iyo danaha Itoobiya waa laba dab oo aan
istaaban karin. la'iskuma wadi karo, laakiin si khiyaano ku jirto
colaadooda waa loo dhimi kara. La'isma jecleysiin karo, laakiin
inyar wa lasii kala jeedin karaa. Waxayse u baahantahay hogaan caqli
badan, falsafo badan, dadku ku kalsoonayahay. Taasina hadeer mawada
muuqato.
Halgan
kasta waxaa laga qiimeeyaa meesha uu ku dhamaado. Haddii uu horumar
iyo wanaag ku dhamaado wixii khalad ahaa ee intuu halganka socday
dhacay waa lacafiyaa ama waaba la ilaawaa. Haddiise halganku halaag
iyo taariikh xumo ku dhamaado jiilasha danbe ayaa lacnada taariikh
xumo Siyaasadeed wey ku dhamaataa.
Waxaan
taas ula jeedaa 30.Sano oo xiriirka Itoobiya ah haddii uu ku
dhamaado Itoobiya oo wadankii Soomaaliya loo wada gacan-galiyey, waa
fadeexo aan qabriga ku harin. Haddiise shacabka Soomaaliyeed loo soo
laabto oo hogaan dalka daacad u ah danta guudna ka shaqaynaya ay
noqoto gabagabadu waa wax taariikhdii hore lagu ilaawi karo, ama ugu
yaraan la dhihi karo, ninkani wanaag iyo xumaanba waa leeyahay,
laakiin wanaag ayuu ku dhamaystay.
Waxaa
lamoodayey Itoobiya ninkii la soo shaqeeyey inuu aad u yaqaan,
waxaase soo baxaya hadba ninkii Itoobiya ka fog inuu arkayo danaha
ay Soomaaliya ka leeyihin.