Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
MAXAMED SIYAAD BARRE: MADAXWEYNE LATABAY.

Marxuum Maxamed Siyaad Barre |
Garoon diyaaradeed ayaan kula kulmay oday
Soomaali ah. Adeer kumaad ahayd ayuu yiri? Magacayga oo sadaxan ayaan usheegay.
Oo maxaad qabataa ayuu ii raaciyey? Somalitalk ayaan Tifaftire ka’ahay baan ugu
jawaabay. Oo Somalitalk maxaa laga wadaa? Adeer waa meel Internet-ka ah oo sida
Jornaalladii u shaqeeya. Oo internet-na waa maxay? Xoogaa ayaan u sharxay waxa
uu qabto. Kolley waa wax iga danbeeyey ayuu iigu jawabay isagoo yaaban.
Waayahayee bal xaalladii Soomaalida iiga waran ayuu i yiri. Adeer aan kuu
waramee adigu kumaad tahay ayaan ku iri? Oo imaba taqaanid miyaa ayuu iigu
jawabay isagoo indhaha igu fiirinaya. Markasuu sii raaciyey Maxamed Siyaad Barre
ayaa magacayga la dhaha. Dalkaad sheegayso ayaan Madaxweyne u ahaa.
Salaan qurxan ayaan utaagay, wuu iga qaaday
salaantii. Adeer firaaqo mahayee wadankii iiga waran ayuu iyiri. Madaxweyne meel
aan kaaga bilaabo ma’aqaano, laakiin aan kuu guud maro ayaan iri. Oday baan
ahayoo anaa warka fahmi doonee adigu ii waran ayuu iyiri. Oo waxaad xoogga
saarta wixii ugu muhimsanaa intaan Soomaaliya ka maqnaa.
Kolkaasaan hadalkii ka bilaabay sidan. Jaalle
Madaxweyne intaanba wey kaa danbeysay.
- Magacii Soomaaliya ee
aad sharafta ku ogayd waa lumay. Basaboorkiina wuxuu noqday wax aan la
aqoonsanayn. Raggii dalka kula hayey oo dhanna qaxooti ayey dunida ku yihiin,
waxba gacan kuma hayaan, dalkana waxba umahayaan.
- Dalalkii na ixtiraami
jiray waagaad Madaxweynaha u ahayd, hadda iyagii ayaa nayasa oo nooguba
daran. Intii aad wax tartay ayaa dhibka ugu badan Soomaali ka soo gaaraa.
- Melas Zinaawi iyo
Jabhaddiisii aad Xamar ku haysay iyagii ayaa Soomaali Dowlad u diiday oo
halkaan dhigay. Waliba dalkoo dhan iskadaayee gobolkaad ka soo jeeday ayuu
dhibta ugu badan gaarsiiyey. Kuuma abaal gudinee waa uu kaa aarsaday sidii
adoo xumeeyey.
- Waqooyigii Soomaaliya
wuxuu yiri waanu go’nay oo dowlad gooni ah ayaan nahay, haddeerna waxaa
socda qorshe ay wadaan dhawr dowladood oo u ololeynaya in la aqoonsado kala
goynta Soomaaliya.
- Madaxtooyadii aad ka
daganayd Xamar waxay hadda kamid tahay Isbaarooyinka yaala Muqdisho ee
aananba ku jirin ilaa iyo hadda Isbaarooyinka la yiri waa laqaaday, wiilal
yar yar oo aan aqoonin qiimaheedii ayaa haysta.
- Xamar waxaa iney ka
taliyaan sheegta dagaal-oogeyaal aadan badankood horay u umaqal. Waxay isu
haystaan iney Soomaaliya dowlad ugu maqanyihin, laakiin khilaafka iyaga u
dhaxeeya ayaan waxba qaban doonin.
- C/Qaasim Salaad Xasan oo
kamid ahaa Wasiiradii aadka kuugu dhawaa ayaa mar loo doortay Madaxweynaha
Soomaaliya 4.Sano ayuu sharaftaas huwanaa, waxayna ka dhamaatay isagoon
dawladnimo iyo dagaal sokeeye midna soo kordhin. Waxyaabihii lagu eedeeyeyna
waxaa kamid ahaa inuu adiga kula shaqeeyey, taasoo uu isaguna ku faano.
- C/Laahi Yuusuf oo aad
sifiican u taqaan ayaa hadda huwan magacii Madaxweynaha Soomaaliya. Kaaga
sheekeyn maayo C/Laahi oo adiga ayaa iga yaqaan. Waxaad isku layseen war
hadaad Madaxweyne dooneyso Itoobiya garab haka dhiganin. Waxaanse maanta kuu
sheegayaa isagoo Madaxweyne ah ayuu wali Itoobiya garab ka rabaa. Malaha
wuxuu u qabaa inaad wali Madaxweyne tahay oo aad ka adagtahay.
- Xamartii aad jeclayd ee
aad noloshoo dhan isugu keentay waxay maanta caqabad ku tahay in Soomaaliya
dowlad yeelato. Dagaal-ooge aan dal u naxayn ayaa xukuma. Halkii ay adiga
kuu ahayd Caasimad aad ku faanto, iyaga waxay u tahay warqad ay ku
gorgortamaan.
- M.Faarax Caydiid waa uu
dhintay. Wiil uu dhalay ayaa booskiisii galay. Laakiin waa mid ka aqoonyar
wiilashaadii aad ifka uga tagtay, waayo iyagu dalkayba joogeen xilalna ka
hayeen, isaguse dalka waa kamaqnaa, shisheeyana xilbuu u hayey, jidkii
aabihiisna waa khilaafay.
- M. Ibraahim Cigaal isna
waa dhintay, wuxuuse Madaxweyne ka noqday Waqooyi galbeed oo loo bixiyey
Jamhuuriyadda Soomaaliland. Waxayse ku amaanan tahay nadaam iyo kala danbeyn.
Hadana waxaa xilkaas haya Daahir Riyaale Kaahin.
- Waxaad ogayd Itoobiya oo
aad ka’adkaatay oo aad meel cad uga soo hartay, wax lasoo maraba
Barlamaankii iyo dowladdii Soomaalida ee haddeer jirta waxay ka doodayaan
Itoobiya dalka oo dhan ma u gacan-galinaa mise? Hadaad doodaas joogi lahayd
murugo intee le’eg ayaa ku qaban lahayd?
- Qoladii aad Wadaad-xume
u bixisay waxay maanta kamid yihiin awoodaha dalka ka jira, ganacsiga ugu
badan iyagaa leh, dhaqan-ahaanna dadkii iyaga ayuuba raacay, oo ilaa
baadiyihii ayey saameeyeen.
- Warka yaanan kugu
badinee intaasba wey kaa danbeeysay waana lagu tabay. Yaanan kaa ilawinee
hadaad maanta joogi-lahayd si khasab ah ayey dadweynuhu u codsan-lahaayeen
inaad Madaxweyne u noqotid, illeen wax adiga ku dhaama iney arkaan
iskadaayee, cid kaa danbeysaba ma’aysan arag.
- Caruurtaadii mid
Siyaasaddan xun dhexgalay kuma jiro, banaanka ayey kamareen. Tolow ma’adigaa
kula dardaarmay sidaas?
16. Dhawrsano adoo maqan ayuu Abshir
Bacadlihii gabayaga kugu dhibi jiray intuu wax ku dhaama waayey ayuu ku cabaaday.
Duqii doona ducana ugu dara waad na dubateene. Waagaas dubasho ayey joogtayee
hada dalkii oo duban ayaa dibada loo beec-geynayaa, laguna wareejinaya dalkii
dariska nala’ahaa.
Madaxweyne waxbadan oo aadan ku farxayn hadaan
kuu shegay aniga eedda malihi ee dalkaadii ayaa adiga kadib sidaas noqday.
Intaan warka u waday mar wuu fajacayey. Marna
wuu ilmaynayey. Mar dhulka ayuu eegayey kolkaasuu yiri: Adeerow wargal baad
tahay, wax badan oo aanan filayanna waad iisheegtay, bal aan kuu waramo anigana,
oon kaaga sheekeeyo sidii dalku ahaan jiray waagii aan anigu ka talinayey iyo
siduu hadda xaalka iila muuqdo.
Intaas oo dhan dhab uma dhicin ee waa qayb
kamid ah riyo layaab leh.
Waa inoo asbuuca danbe iyo jawaabtii
Madaxweynaha.
|