SH. MAXAMED HAADI.: XIDIG
SOOMAALI KA DHACAY.
Maalintu waa Jimce. Taariikhdu waa 14.kii Janaayo. Sanadku waa
2005. Goobtu waa Switzerland. Dadku waxay ku xoonsan-yihiin Isbitaal
ku yaalla dalkaas. Qofay jecelyihiin ayaa ku jira. Rabbow caafi oo
xanuunka u sahal ayey ku guuxayaan. Dhagtu waa taagantahay, warkii
soo yeera ayey sugaysaa. Indhuhu hadba dhinac ayey jeedaali-nayaan,
tolow yaa soo baxa oo war laabta qaboojiya noo keena.
Ehelku wuxuu dul taaganyahay
sariirtii bukaanku jiifay. Waxay isha la raacayaan hadba dhinacuu
bukaanku eego. Dhakhaatiirtii ayaa is dhaaf-dhaafaya. Mashiinadiina
waa daaranyihiin. Ehelkiina waxay u qayb-sameen kuwa il ku eegaya
bukaanka, iyo kuwa ka wardoona dhakhaatiirta. See noqday? Maxaa ku
soo kordhay? Sidaan looma qaban jirinee rajadiisu sey tahay? Waa
su’aalahoodii. Wuu roonaan-doonaa! Isbadal ayaan filaynaa! Khayr
niyada u sheega! Waa Jawaabtii dhakhaatiirta.
Intaas dhulkey ka dhacayeen.
Qadartii Eebana samaday ka soo socotaa. Amarkii ilaahna waa dhacay.
Ajashii bukaankaa go’day. Rabbi go’aankiis iyo Kun Faya-Kuun bey
noqotay. Sidii tin cajiin laga siiabayo ayey naftii usoo dhaaftay.
Mar qura ayuu indhihii iyo afkii kala qaaday. Ruuxdiisiina xagga
rabi ayey aaday. Jirkiina dhaqdhaqaaqii ayuu gabay.
Ehelkii isbadalkii ayey arkeen. Ma
dhintay? Miyuu sooo roonaaday? Ma xanuunkii ayaa ku siyaaday? Ayey
is weydiiyeen. Dhakhaatiirtiina qolkoodi ayey daawo isku
dar-darayaan. Qolkii Bukaankay soo aabareen. Qaraabadii ayaa u
sheegtay waxa dhacay. Qalabkoodii ayey wadnaha kaga rakibeen.
Dhabtii ayey ogaadeen. Il mirig-mirig leh ayey qaraabadii ugu
sheegay in naftii ay ka baxday tii rabina ay timid. Ayagoo hadalkii
waayey ayey banaankii usoo baxeen. Muuqaalkoodii ayaa laga gartay in
mardanbe aan bukaankii Isbitaalka lagu soo booqan-doonin.
Telafan ayaa isoo dhacay. Salaaddii
subax ayaan isu diyaarinayey. Salaan dabadeed. Ayaa fajacisadii la
ii sheegay. Wuxuu yiri. Sh. Muxumad Haadi Allaha-u-naxariisto.
Innaa-lilaahi wa innaa-ilaahi raajicuun. waxaan ku sheekeystay anoo
murugaysan ( Qabri ma socdee ninkiisaa socda) xaalkeygii wuxuu
noqday sidii Abwaankii loo soo sheegay geeridii Keenadiid ee yiri:
- Dadkaan aragnay aradkii
hobyood amarka laysheegay
- Arbow keenadiid adamihii iilka
lagu owdye.
- Cirkaa ooyayaa waa abkiyey
sida agoomeedee.
- Aroorayadana shamiskaan
iftimin oogta waabberiyee
- Arladana dhirtii baa engagan
ubaxu saarraayee.
- Adduunyduna amug bay u tiri
umashadisiiye.
Sh.Maxamed Haadi Xaaji Maxamed Sh.
Cusmaan. 20.Sano maalintuu jiray Tafsiirka Quraanka ayuu sheekh
ku’ahaa. 7.kamid ah faniyada luqada Carabiga da’daas ayuu ku akhrin
jiray. Aabihiis Xaaji Maxamed ayuu khaddii ugu horreysay ka
xariiqday. 15.ka hoose ee quraanka tafsiirkooda isagaa u dhigay.
Culuumtii asaasiga ahaa oo dhan isagaa baray. Laba sano ayuu
aabihii kamaqnaa kolkaasuu kusoo laabtay isagoo cilmid badan sida,
tafsiirkii quraankana wada yaqaan. Aabihii oo markaas cashar tafsiir
ah xertiisii u wada ayuu wiilkiisii Sh.Maxamed Haadi ku amray inuu
xerta u dhamaystiro tafsiirka inta ka harsan. Sha.Maxamed Haadi
casharkii ayuu dhameeyey Aabihiina waxbuu ka dhagaysanayey.
Bilowgii Nofembar 2004.kii ayuu
Nayribo ka duulay, laba maalmood ka hor ayaan lakulmay. Waxaan ka
codsaday maadaama uu safrayo inuu taariikh nololeedkiisii iiga
sheekeeyo, isagoo dhoollo cadaynaya ayuu igu yiri, oo maxaad ku
falaysaa? Maadaama aad kamid tahay Culimada ugu da’da weyn
Soomaaliya ayaan jecleystay in ardaydu ay ka faa’iidaystaan
tajaarubtii aad nolosha ka soo marten, ayaan ugu jawaabay. Allaha u
xanariistee wuxuu jeclaa inaan ka daayo codsigaas, laakiin markii
aan ku ilxaaxiyey ayuu iga aqbalay. Wuxuuna igu yiri caawa gurga
iigu kaalay.
Habeenkii ayaan aqalka ugu tagay,
si xishood ku jiro ayuu hadalkii iigu bilaabay, markii aan furfuray
oon su’aalaha ku badiyey ayuu sheekooyin badan ii sheegay. Qaar
kamid ah noloshiisii ayuu warkeeda ii dulmaray. Wuxuu ahaa waraysi
aanan ilaawi doonin taariikhdayda, waxaanse waraysanayey anoo
islahaa caawa inta muhimka ah ka qaado, wixii kale ood u baahato
markuu soo laabto ayaad ka dhamaysan doontaayee. Laakiin talada
rabigay waa gooni.
Sh. Maxamed Haadi wuxu kamid noqday
ardaydii ugu horreysay ee ka qalin jabisa Jaamacal-Islaamiya ee
Madiina Munawara. Waxay isku arday ahaayeen culimada hadeer dunida
islaamka lawada-yaqaan sida Sh.Cabdi Raxamaan Cabdi Khaaliq. Sh.
Rabiic Al-Madkhali. Iyo culimo kale oo duniada Islaamka magac ku leh.
Wuxuu wax ka bartay Sh. Maxamed Naasirudiin Al-albaani. Sh. Cabdi
Casiis Binbaaz. Sh. Maxamed Alshanqiidi. Sh. Maxamed Ibraahim
Aala-Sheek. Iyo Culimo kale oo waaweyn.
Sh. Maxamed Haadi wuxuu saaxiib
gaar ah la noqday Sh. Binbaaz Alaha u naxariistee. Waxay ahaayeen
laba Caalim oo si gaar ah isu jecel. Wadanka Kenya oo uu Sh.Maxamed
Haadi 50. sano daaci ka’ahaa waxaa u soo diray Sh. Binbaaz oo ka
codsadsay inuu dhulkaas diinta ku faafiyo.
Sh. Maxamed Haadi xer aad u tiro
badan ayuu ka tagay oo cilmigiisa ka aflaxday. Waxaana kamid ah, Sh.
Maxamed Macalin Xasan Allaha u naxariistee oo ka akhristay
Alfitu-Ibnu maalik. Sh. Cumar Faaruuq. Sh. Maxamed Axmed Rooble (
Boqolsoon). Sh. Cabdul Qaadir Cukaasha. Sh. Maxamed Cabdi Umal. Iyo
Culimo kale oo dalka Soomaalida aad looga yaqaan.
Sheekhu wuxuu sal dhig u ahaa
faafintii dacwada islaamka ee G/Afrika. Manhajka Salafiga ah
Culimadii dhibada u aastay ayuu kamid ahaa. Dowrkii uu ka qaatay Sh.
Nuur Cali Calow Soomaaliya ee ahaa faafinta Tawxiidka mid lamid ah
ayuu isna ka qaatay dalka Kenya.
Dabeecad ahaan nin sheeko badan, oo
taariikhdii la soo dhaafay aad uga sheekaya ayuu ahaa. Nin dhiiran
oo hadalka aan la baqin ayuu ahaa. Masaa’isha qaar meel adag ayuu
iska taagi jiray. Waxaana jiray fataawooyin uu soo saari jiray oo
aysan culimada kale ku waafaqi jirin, sida mawqifkii adkaa ee uu ka
taagnaa Jamacatu-Tabliig oo uu meel fog gaarsiin jiray. Waligiis
kama mid noqon xarakaadka Islaamiga ah ee dunida ka jira. Wuxuuse
fatwoon jiray in la taageero xarakaadkaas, in laga mid noqdana dhib
uma arki jirin. khilaafka u dhaxeeya Salafiyiintana wuxuu u arkay
wax aan weyneyn, laakiinse la buun-buuninayo.
Sh. Maxamed Haadi Allaha u
naxariisto. Ilaahayna Janadii Fardowsa haka waraabiyo. Wuxuuna
dhintay anoo huba in cilmigii uu lahaa aan laga wada faa’iidin,
taasoo marag u ah sida Culimada Soomaaliya u dayacanyihiin.