CASHARRADA BAYRUUT
ADIS-ABABA MAY KU CIBRAQAADATO.
Lubnaan waa dalka Carbeed ee uu
ladagay dagaallada sokeeye. 1975.tii ilaa 1989.kii ayuu ka socday
iska-hor-imaadyo lagu hoobtay, oo maraba waji lagu dirirayey,
shacabka Lubnaan waa kala diin xitaa kuwooda isku diinta ah ayaa sii
kala baxaya. Waxay kala haystaan Diinta Islaamka. Kiristanka.
Duruuziga. Iyo qaybo kale oo falsafad casri ah ku dhisan. Muslim-kooda
wuxuu usii kala baxaa Sunni iyo Shiico oo labaduba awood ku dhexleh
bulshada.
Heshiiskoodii ugu muhimsanaa waa
kan lagu magacaabo heshiiskii Daa’id ee dalka Sacuudiga, waxaana
kamid ahaa qodobadii la’isku afgartay.
- 1. Marwalba Madaxweynaha
waxaa leh Kiristanka.
- 2. Marwalba R/Wasaaraha
waxaa leh Suniyiinta.
- 3. Marwalba G/Barlamaanka
waxaa leh Shiicada.
- 4. Suuriya iney keento
ciidan nabadda suga oo dhan 40.kun oo Askari. Waxaana la sheegaa
in dowladda Sacuudiga ay bixineysay kharashkaas.
Maadama uu khilaafkoodu caqiido
salka ku hayey waxay dhigteen xeerar ay ku kalabaxaan si’aan
la’isugu soo xadgudbin. Sheekada Lubnaan waa mid dheer misana meelo
badan uga eg xaalada dalka Soomaaliya.
Casharka aan rabno in laga qaato
waa midka ciidan ee haddeer ay qayladhaanta weyni ka aloosantahay.
Heshiisku wuxuu dhigayaa in Suuriya ay ku ekaato nabad sugid iyo
kalacalinta kooxaha dagaalamaya, sidoo kale laba sano iyo bar kadib
iney dalka ka baxdo.
Suuriya waxay ku guulaysatay
mabda’ahaan, soo celintii nadaamka iyo sugidda ammaanka, taasna
waxay ku gaartay dhawr qodob oo isbiirsaday oo ka dhaxeeya labada
shacab ee Suuriya iyo Lubnaan.
- 1. Waa isku dad oo waa wada
carab.
- 2. Waa isku luqad oo afka
carabiga ayey wadagaan.
- 3. Wax colaad ah oo
dhexmaray majirin.
- 4. Waxay wadaagaan hal cadow
oo labadoodaba dhul kawada hasyta.
- 5. Waxay wadaagaan caqiidada,
oo qaybaha diimeed ee Lunbaan ka jira isla iyagii ayaa ka jira
Suuriya.
- 6. Waa laba shacab oo
isjecel, ixtiraam badanna uu ka dhaxeeyo.
- 7. Waxay taageero buuxda oo
dhinac walba ah siineysay kooxaha Israa’iil la dirirayo sida
Xisbul-laah.
Asbaabahaas iyo kuwa kale oo
kamuhimsan ayaa sabab u noqday iney nabad ku soo dabaasho dalka
Lubnaan.
Iyadoo sidaas la isurabay ayey
suuriye ku kacday khaladaad ay tabanayaan kooxaha haddeer Mucaaradka
ah, waxayna Suuriya ku eedeynayaan qodobo ay ugu muhimsanyihiin kuwa
soo socda.
- 1. Waxay abuurtay kooxo
iyada taabacsan oo ay Dimashq uga taliso, waxay doontana uga
fuliya Bayruut, xukunkiina iyaga ayey u gacan-galisay.
- 2. Waxay banaanka ku
daadisay ciddii ka hortimaada Siyaasadda Dimishq, iyadoo
baabi’say dhamaan kooxihii ka soo horjeeday Siyaasadeeda.
- 3. Waxay ahayd in mar hore
ay ciidankeeda kala baxdo, joogista iyo daahista ciidanka
Suuriya waxay u arkeen xoog kuhaysasho Lubnaan.
adopted 6
February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo ah intii ay
Soomaaliya ku jirtey burburka) sida kamuuqata
sawirka sare waxaa dhexda kagajira xidig shangees ah oo
kudhexjirta qayb buluug ah. Sida hoos kamuuqata Calanka
Soomaaliya waa buluug
xidig dhexda kagajirto.
Taariikhda Calanka Soomaalida
Calanka Hoose oo kamida Calamadii hore ee Itobbiya
ka eeg halkan
![etl](etlion1_small.gif) |
Qaylo dhaan walba hadday yeertay oo
la leeyahay Suuriya haka baxdo Lubnaan monoqon fariin ku dhacda
dhagaha madaxda Suuriya. Waxayse xaaladdii cirka isku shareertay
markii ladilay R/Wasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiq Al-Xariiri,
taasoo Suuriya ku khasabtay iney ku dhawaaqdo kabixidda Lubnaan
iyadoo u fulineysa siduu dhigayay qodobadii heshiiskii Daa’if.
Hawlahi ciidan ee ay Suuriya ka
haysay Lubnaan waxay kala ahaayeen kuwa lagu farxo iyo qaar laga
naxo, hadana maanta Suuriya waxay ku khasbanaatay iney isaga baxdo
dalkaas.
Ka waran haddii Adis-ababa ay
hadeer ku fakarayso iney qabato Muqdisho oo ay hubka ka dhigto?
Haddii ciidamo Itoobiyaan ah ay ku guuleystaan iney dadka hubka ka
dhigaan sow dalka oo dhan la wareegi-mayaan? Madaxda Soomaalida ee
haddeer u yeeraysa laftooda sow lahayste noqon-mayaan oo goortii
larabo la tuuri karo ama la’eryi karo.
Itoobiya isku diin manihin, oo
Itoobiya lafteeda ayaa ah wadan tirada yar ee Kiristan ah ay xukunto
tirada badan ee Muslimka ah. Isku dhaqan manihin oo Soomaalidu
Tuunjiga qolka jiifka ma dhigato. Itoobiyaankuna hilibka geela ma
cunaan. Isku af manihin oo xitaa labada luqadood isku xuruuf laguma
qoro. Taariikhda aduunka ayey Soomaalidu la socotaa. Itoobiyana
sanado badan ayey taariikhda dunida ka danbeysaa.
Nacayb taariikhi ayaa u dhaxeeya
labada shacab. Colaad mooyee saaxiib-tinimo kama dhaxayso. Xurguf
soo jireen ah ayaa abuuran oon degdeg lagu daaweyn Karin. Soomaalidu
qofkey caaya-yaan ayey dhahaan Amxaar-yahow. Dagaallo lagu wiiqmayna
wey dhaceen.
Itoobiya waa Deked la’aan. Yaa
nooga celinayo Dekadaha hadday hubka ka dhigto Soomaalida? Milas
Zinaawi 14.Sano ayuu xukumaa Itoobiya, cidkale iney hadasho ma’ogola,
hadaba nin dalkiisii Dimuqraadiyad ka hirgalinwaayey miyaa Soomaali
inta hubka ka daadsho dib ugu soolaabanaya dalkiisa? Ma danta
Soomaalida oo kaliya ayaa wada Zinaawi?
Waxaanu ognahay Itoobiya ineysan
ahayn Ha’yad Samafal ah marka ay ka qaybqadaneyso hubka dhigista
Soomaalida. Dano ayey leedahay oo ay fushaneysaa. Hadaba danahaas
iney ku hesho iyadoo gorgortan la galaysa shacabka iyo maamulka
Soomaalida iyo iney hesho iyadoo wadanka oo dhan wada qabsatay
keebay maslaxada ku jirtaa?
Su’aalo badan ayaan ku dhex sheegay
maqaalkan. Waxay u taalla iney ka jawaabaan kuwa calaa-casha ku soo
dhaweynaya Itoobiya oo Soomaalida hubka ka uruurisa, iyagoo u jeeda
in Caalmakii qaylo-dhaan bilaabay iyadoon Itoobiya wali ciidankeeda
gayn Soomaaliya.
Kuwani kama duwana kooxihii iyagu
aqoon-yahanka sheeganayey ee wadamada carbeed, oo u ololeynayey in
Maraykanku Ciraaq gacanta ku dhigo.
Maalmahan hawl-weyn ayaa hortaal
ciddii rabta badbaadinta shacabka Soomaalida.