Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
JABHADDA
FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH.
Dad-dilayaal kooxo
badan kala ah baa inta meel la’isugu geeyey lagu yiri: Dadkaad dili jirteen
sidaad dilka uga dayn lahaydeen ka’arinsada. Dadkii bey eegeen, dunidii bey
fiirsheen, iyagii baa hadana is-dhugtay, kolkaasey iska soo dhex saareen koodii
dad dilidda u bilaabay, dunidiina waxay ku yiraahdeen: Waxaan dhisanay dowlad uu
madax ka yahay macallinkii sixirka baray.
Bulsho weyntiina
rajo ayaa gashay, armaa xal la helaa ayey is yiraahdeen. Xaalkooduna wuxuu u
ekaaday sidii laga sheegay oday matukade muddo dheer ahaa baa markii danbe
masjidkii galay, wuxuu maqlay Imaamkii oo leh, garbaha iyo gumadaha hala isku
dhajiyo. Ninkii dadka ugu dhawaa ayuu inta ku jeestay ku yiri: Oo maxay tahay
sababtu? Wuxuu ku yiri: Shaydaanku inuusan nakala dhexgalin ayaa saas loo
yeelayaa. Salaad bilaabihii oo yaaban ayaa yiri: Oo Shaydaan hadduu tukanayo
maxaa loogu diidayaa? Haddeer shacabku wuxuu xaalkoodu yahay kuwii shalay
naleynayey hadday dowlad noo dhisayaan maxaa loogu diidayaa?
Habaynkey
doorashadu dhacday oo natiijadii la sheegay ayuu nin saaxiibkay ahi igu yiri:
War bal warran. Waxaan ku iri, waa inoo shan sano dabadeed iyo shir. Ninkale oon
mardanbe uga qiseeyey hadalkaas ayaaba iga sii daray oo yiri: Alla war li’idaa.
War waa madaxaa haku furto. Duqo intuu noolyahay meelna uma socdo.
Sidaasay tahay
quluubtii waxgaradka Soomaalida waxay guddoon-satay yaan laga hor iman dowladan,
hana lasoo dhaweeyo, sababtoo ah, wax la’aan wax xun baa dhaamaa, horaa waxaa
loo yiri: Ninbaa nin kale ku yiri tol xumo, kiina wuxuu ku jawaabay tol laawe.
Marka waxay u egtahay dowlad la’aan intii nala dhihi lahaa dowlad xumo-yaal
hanalagu sheego.
DAD DOWLAD RABA
IYO DOWLAD AAN DAD RABIN.
Waagii layiri
Madaxweyne ayey Soomaalidu dooratay, qaybihii kala duwanaa ee bulshada ayaa
dhamaantood soo dhAweeyey, waxay noqotay burburkii kadib dowladii ugu horeysay
ee ay dadku soo wada dhaweeyeen.
Culimada Soomaalida
waxaa u hadlay Sh. Cumar Faaruuq oo dadweynaha ugu baaqay in la taageero
dowladda Soomaali u dhalatay. Ganacsatadiina baaqyo ayey kasoo saareen Dubay iyo
Muqdisho oo cadeeyeen iney taageerayaan maamulka cusub. Aqoonyahan-kiina
shirkoodii Nayroobi ayey taageero buuxda uga direen dowladda. Dowladani wali
lama hayo qof Soomaali ah, dabaqadduu rabo ha’ahaadee, oo yiraahda dowladan
ma’aqoonsani, marka laga reebo walaalaha W/Galbeed.
Xamar uma socdo.
Xabashi ayaan dadka hubka uga dhigayaa. Xoog mooyee xod-xodosho la’aan, wa
astaamaha dowladdan cusub.
DOWLAD
JABHADNIMO ISU BADASHAY.
Shirkii dhawaa ee
Barlamaanka wuxuu la soo baxay dhawr qodob.
-
kooxihii dib-u-heshiisiinta loo qabtay ooba
kala maarmay ayaa muuqatay. Shirkii Qaahira C/Laahi Yuusuf iyo Aadan Gabyow
ayaa ka baxay hawshii iney guulaysan weysana ayagay sababsatay. Cartana
goortii ay diideen dagaal oga-yaashii waa tay gacaha ku socon weysay.
Maantana Dowladan iyagoo banaanka jooga ayey ka maarmeen qaybo badan oo
caqabad ku noqon kara dowladdii. Marka Jabhad-nimo ayey dooratay.
-
Dowladdii Carta lagu soo dhisay goortii
wakhtigeedii dhamaaday ayey isku dhacii ugu horeeyey bilaabeen, gaar-ahaan
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, tanna iyadoon dhalan bey
dhiciskii ka hor dirireen. Talow maxay ku danbeyn doontaa? Malaha jabhadnimo.
-
Fadhigii dhawaa wuxuu bilaabay in lakala
maarmi karo, haddii Shariifkii laga tashaday, waliba isagoo meel u dhaw
jooga, taasi waxay keeni kartaa in isaguna uu ka maarmo ragga kale ee
dowladda ugu sareeya.
-
Baydhabo oo hada dagaal fool u ah ayey
dowladdu dagaysaa baa la go’aamiyey. Xamarna waa meel aan ladagi karinna waa
lagu dhawaaqayaa. Sidaasi waxay kuu muujineysaa in maskax aan Soomaali
ahayni ay talada dalka hayso.
-
Dowlad-nimo magaceed iyo wada socod wixii lagu
waayey miyaa lagu heli doonaa Dalxa oo shir guddoon ah. Geeddi oon horay uga
mid ahayn kuwii caqabadda ku ahaa dowladnimada. Iyo C/Laahi oo raba inuu
adkaado ama uu dhinto isagoo jidkii adkaanshaha haya.
BAYDHABO KA
BILOW KUNA DHAMAYSO.
Waxay dad badani
isleeyihiin duqu hadduu Madaxweyne helay waa xiligii uu nasan-lahaa, laakiin
sidaasi manoqone, wali inuu dagaal sii wado ayuu diyaar uyahay, sidii uu ku
sheegayba khudbadiisii koowaad.
Qadarta ilaahay,
waxaa yaab leh, Baydhabadii uu dagaalka firkadiisa ku bilaabay ee uu
Madaxweyne-nimo ku gaaray, ayuu mindhaa isyiri, hadana hadaad dagaal-kaada
Baydhabo ka bilowdo, mindhaa sidaad Madaxweyne ugu heshay, ayaad dalkana ku
dajin doontaa.
|