SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



KHUDBADDA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA. 

abdullahi Yusuf
C/LAAHI YUUSUF AXMED , MDFKMG

KU: Dhammaan Umadda Soomaaliyeed.
KU: Waxgaradka dalkeenna oo dhan.
KU: Culumaa-udiinka.
KU: Siyaasiyi-yiinta qaybahooda oo dhan.
OG: Beesha Caalamka iyo ururadad Caalamiga ah.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Anigoo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed. Waxaa sharaf ii ah inaan idiin soo gudbiyo khudbadan taariikhiga ah, anigoo rajaynaya markaan dhameeyo khudbadaan in xaalka dadkayaga iyo dalkanaga wax weyni iska badali-doonaan.

Haddaan idinla kaftamo waxaad isleedihiin odaygii maxaa iska badalay? Waxweyn ayaa iska kaybadalay. Khudbadaanna dhaga furan iyo maskax fayow ku dhagaysta.

Waxaad ogtihiin inaan ahay ninkii Soomaali xabadda u bilaabay, wax badan ayaan idin iri hadalkaas, inaan ku faanayo ayaad u fasirateen, ilaahay-baa ogoo sidaas igama-ahayn, ee waa inaan ka xumahay wixii dhacay. Maanta waxaan idiin cadaynayaa inaan khalad weyn u arko wixii horay u dhacay, ilaahay ayaan ka baryayaa inuu nagawada cafiyo wixii danbi ah.

Waxaan idiin sheegayaa

  • Markii aan arkay in dowladii la dhisay mar hore in aanay ilaa iyo hadda wax lataaban karo qaban.
  • Markaan arkay in Soomaalidu ay sii kala fogaaneyso.
  • Markaan arkay in caalamkii naga indha-xirtay, quusna naga taagan-yahay.
  • Markaan arkay in aniga shakhsi-yadayda colaad gooni ah loo qaaday dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
  • Markaan arkay qab-yaaladdii oo dib u bilaabatay, iyadoo aan islahaa weyba soo dhamaatay, ayaa lagu noqday 91.kii.

Waxaan go’aansaday inaan idin soo hordhigo qodobadan, oo ah kuwa go’aan cad iga’ah, hor ilaahayna aad iigu imanaysaan balantaas.

1.   Inaan diyaar u ahay wixii ay ku jirto maslaxada Umadda Soomaaliyeed, anoo iska ilaaway dhammaan wixii khilaafad ahaa ee horay u jiray oo dhan.

2.   Inaan magaacaabo guddi qaran oo ka shaqaynaya dib-u-heshiisiinta umaddeenna. Guddigaasna waxaa hoormuud u ah. Raggii dalkan taariikhda ku lahaa.

A: Adan Cusmaan Cabdulle (Adan Cadde) B: C/Risaaq Xaaji Xuseen. C: Sh. Mukhtaar. D: Cali Mahdi Maxamed. E: Dr C/Qaasim Salaad Xasan.

Raggaas waxaan u doortay iney Soomaaliya xilalkii ugu sareyey usoo qabteen, aanna dareen-sanahay iney daacad ka noqonayaan xalka dalkanaga. Wixii intaa ka danbeeya, iyagaa gudiyadooda dhisanaya, oo qofkay maslaxa u arkaan ku darsanaya. Hor ilaahayna iyagaa masuul ka noqonaya hawsha loo xilsaaray. Waxaana ka codsanaya inay aqbalaan soojeedin-taydaas.


Madaxweynaha iyo afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya | Nairobi | Oct 2004

3.   Walaalkey Guddoomi-yahay Barlamaanka Mudane Shariif Xasan waxaan leeyahay Walaalow wixii horey u dhacay aan wada ilowno. Barlamaan-kana adiga ayaa madax ka’ah. Xildhi-baanadana waxaan ogay-siinayaa ineysan jirin wax la dhaho koox Madaxweynuhu uu wato iyo koox uu Gudoomiyuhu wato. Ogaada in dhamaanteen uu nawada-hogaaminayo Shariif Xasan. Isaga ayaan hoos-tagaynaa, go’aan-kiisa ayaana ka danbey-neynaa, meeshuu noogu yeerana waan isugu tagaynaa.

4.   Dhammaan xubnaha labada gole waxaan ogaysiinayaa inaan ku ekaan-doono inta uu Dastuurku ii ogolyahay. Mar danbana aanan ninna hawshiisa ku faragalin-doonin.

5.    Qodob kale oo muhim ahna waan idiin sheegayaa. Waxaad wax badan igu xamateen Itoobiya ayuu la socdaa, iyo hadallo kale oo farabadan. Saacaddan laga bilaabo waxaan hortiinna ka cadaynayaa, wax gooni ah oo aniga iyo Itoobiya naga dhexeeya ineysan jiri-doonin.

6.   Waxaan Itoobiya ugu baaqayaa wixii hadda kadanbeeya iney ku ekaato xirirka wanaagsan ee dari-wanaaga iyo saaxiib-tinimada ku dhisan. Mana aqbali doono iney mardabne arrimaha Soomaalida soo fara-galiso si toos ah iyo si dadbanba. Haddeer oo aan khudbaddan wado, waxaan ka dalbanayaa maamulka Adis-Ababa inay dalkeenna kala baxaan wixii askar ah oo si sharci-darrada ah ugu jira dalkeenna hooyo.

7.   Anigu Muslim baan ahay. Islaam-kana waan jeclahay. Tuhunka ay Culimada qaarkood iga qabaanna waxaan hortooda ka caddaynayaa in maanta wixii ka danbeeya  aan diinta uga danbeynayo Mashaa’ikh-dayada noo ilaaliyey diintayada suuban.

8.   Caalamka waxaan u sheegaynaa gaar’ahaan wadamada uu walwalka kahayo waxa loogu yeero argagixisiso, in Soomaaliya aysan ka jirin awoodo lagu tilmaami karo argagixiso. Hadday tuhumo jiraanna waxaa lagala soo xiriirayaa dowladda Soomaaliya.

9.   Walaalahayo Carbeed kama maaranno. Iyaguna nagama maarmaan. Haddii tuhumo aan jirin la’idiin sheegay waxaad ku qanacdaan in Dowladda Soomaaliya iyo madax-deedaba ay ilaalin-doonaan danaha guud ee carbeed. Waxaana idin kaga mahad-naqayaa wanaagyadii aan lasoo koobi karin ee aad u qabateen Walaali-hiinna Soomaaliyeed.

10. Xamar waa Caasimadii Soomaaliyeed. Waana magaalo aanan waligay ilaawi karin. Haddii uu horey u jiray hadallo aysan jeclaysan Walaalahayga labada gole ee Muqdisha jooga. Waxaan idiin sheegayaa inaan diyaar u ahay inaan Xamar dago. Wakhtigaan laga bilaabo adinka ayaan idinka warsugayaa goorta aan ka soo dagayo Xamar Cadde, iyo goorta aad munaasab u arkaysaan.

11. Madaxda labada gole ee uu khiilaafku naga dhaxeeyey waxaan ugu baaqayaa, in anigoo ah Madaxweynaha dalka aan diyaar u ahay tallaabo kasta oo dalka maslaxa ugu jirta, anigoon wax shuruud ah ku xiraynin, qodobada la’isku hayana aan gudiyo farsamo usaarno.. 

Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan. Mardanbe inaysan dunidu maqal Soomaali ayaa la heshiisiinayaa. Gacmaha aan is qabsanno. Dalka aan wada dhisanno. Habeen iyo maalina aan si daacad ah ushaqayno.

GUUL. GUUL. GUUL. ALLOW SOOMAALI MIDEEY. 

Khudbaddan macaanka badan ma’ahan mid uu wali akhriyey Madaxweynaha Soomaaliya. Ee waa mid aan usii diyaarinay Hogaamiyaha Soomaaliya. Waxaan rajaynayaa in uu umadda u akhrin doono. Aan wada sugno dhawaan in uu Madaxweynuhu akhriyo khudbadaas qiimaha badan.

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD