QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
CAR IGARO: DAGAAL OOGE IYO DANTIIS OOGE.

Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Nov
7, 2005
DAGAAL OOGE.
Aniga ma itaqaan? Yaad imoodaan markaan idinla-
hadlayo? Tolka inaan ahay baad iila hadashaa. Anna inaan ku danaysto baan beesha
usheegtaa. Hadaan nin xun ahay sow adinku iima kabagalin. Dawlad la’aan hadaad
ka xuntihiin maxaad aniga iisoo hormariseen? Awal darawal baan ahaa. Hadana
daroogaan ka shaqeeya, adinkuna dowlad baad iga sugaysaa. Alla war li’idinaa!!
Kuwa xun-xun baa hada icaaya. Dagaal ooge ayey
iigu yeeraan. Ma dadnimo kale ayaa jirta hadaan beesha dagaal lagu daafacayn.
Wadaadku muxuu cidda ugu tooranyahay? Sow kan aniga ii tufa ma’ahan? Taajirku
muxuu cida u qabtaa? Sow kan lacagta isiiyo ma’ahan? Saxafigu muxuu qoraa? Sow
kan dadka iyo aniga iskaaya baray ma’ahan? Haweenka maxay hayaan? Sow kuwa ii
buraanbura ma’ahan? Hadduu xaalku sidaas yahay. Kaligay maxaa dagaal-ooge
la’iigu baxshay. Cadaalad xumaa!
Dadku waa diin wax ku dile. Waa qalin wax ku dile.
Waa lacag wax ku dile. Waa Qaylo wax ku disho. Danbigaan wada lahayn maxaad
kaligay ii saarteen? Ugaasku sow aniga lataliya iima’ahan. Jaamicigu sow
afhayeen iima’ahan.
Daroogadaan beerto intaasoo akhyaar ah sow kuma
biilo. Anigu dowlad masoo wado, saa danteyda ma’ahan. Adinkuna in aydnan dowlad
rabin waxaa u marag ah, anaad iidi dirsateen, mise waad iga wardhawreysaan!!
Sidaan idiin dagaal-galiyo waa aqaan. Shaarka
wadaniyaan gashtaa markaan danteyda waayo. Danta qabiilkaan ka hadlaa markaan
nafteyda waxay cunto uwaayo. Adinkuna waad igu raacdaan, ileen wali anaa idin
matalee. Allow Alle.
Diintu waxay noo sheegtay hogaan fiican dad fiican
buu ka dhashaa. Horta dad fiican adinku noqdo. Markaas baan meesha ka baxayaa.
DANTIIS OOGE.
Anigu waa anigii. Adiguna waa adigii. Halkaan
usocdo maad ma'ogid. Adna halkaad usocoto kuumacadda. Adigu waad i aamineysaa.
Anna waan ku sirayaa. Mise waad i ogtahoo adna waad igu danaysan? Waxaanse
heshiis ku nahay inaad daacad ii ahaato. Anna aan kugu danaysto.
Horay isumaanan aqoon. Meel Xillaan kuugu imid.
Xorriyad-baan ku siiyey. Xiriir shax-shax ah baan yeelanay. Xor baad noqotay.
Xer baad yeelatay. isku meel baan wax u wadnaa. Adiguse xil iyo xoolo-doon baad
tahay. Anna xuduudo badsi iyo dhul xaarashaan ku hawlanahay. Cadawgaagu waa
cadawgeyga. Saaxiibadayse saaxiibadaa ma'ahan. Dhaqaale kuma siin karo. Kuwii ku
siin lahaana anay igu kaa naceen. Inaad wax sirto kuuma ogoli. Adiguna aniga ima
siri kartid.
Qaar xun-xun baa ku dhaha isma-wadidee waa lagu
wadaa. Manimaan lawdin baa jira ku dheh. Waxan adaa noo bilaabay hadday ku
dhahaan. Laga baray laga badi ku dheh. Dacaayadooda hadhagaysan. Wararkooda
hamaqlin. Dantaada mayaqaanaan. Adna tooda maqaban kartid.
Waxaad rabtey rabaan. Dadkoodana wax bay
larabaan. Annagana nama rabaan hadday gaaraan meeshaad joogto. Adiguse igaar
raayaad-tahay. Nimaan kugu doorsanno mahayno. Adna cidaad nagu doorsato mahaysid.
Intaad gaartay anagaad nagu gaartay. Taageeradeenna awgeed ayey dad badani kaaga
baqeen. Hadana wey kaa baqayaan mooyee, madaxay kugu qaadi-lahayeen.
Maxaa kuu dan ah hadday ku dhahaan. Goormaad
adinku wax ila qabateen ku dheh. Dektaatoor marabno hadday ku dhahaan.
Dektaatoor maxaa la dhahaa ku dheh. Hadday iloobeen qofkaad dad ka'ahayd xusuusi
oo u sheeg dad ninkaad ka tahay. Si'ay kaaga quustaan waxay kaaga baqaan
maqashii.
Inaad iyaga tahay magac ahaan kaliya fahamsii.
Taladase inaad nin heer gobol tahay u sheeg. Wey illow badanyihiinee goortaad
halkanka bilowday marwalba xusuusi. Kii kula hadlaa waxaad dhahdaa sanadkii
guduudane xageed dunida kaga nooleyd? Wey afxunyihiin, oo waxay ku oran dumiye
wax ma dhisi karaa? Daadiye wax ma dhawraa? Alla sow adigii ma'ahan hadday
hadalka ku soo gooyaan. Waxaad dhahdaa yaa iga fiican ood haystaaan? Qof kale
haduu jiro maxaad u boqran-weyseen? Wixiinu waa kibir iyo isla-weyni, isoo raaca
hadaad dantiida taqaanaan, haddii kale daybshaa idin qaadi, inta idinka soo
hartana tubtay cagta saari.
TALO DAGAAL OOGE.
Talo ma’idin siiyaa? Aniga dagaal-oogaa la’idhaha.
Dantaydu waa saan. Horumarkaygu waa dowlad la’aan. Hadaad badbaado rabtaan
warkayga ha dhagaysanina. Dantiina ciddii matali lahayd ordoo doonto. Haddii
kale waligiin saan ahaada, anna saasaa ii fiican. Aan aragno ninkay dhibto.
TALO DANTIIS OOGE.
Talo ma’idin siiyaa.? Aniga iyo adinku isku dad
baan nahay, dowlad waan rabaa. Madaxnimo waan doonayaa. Laakiin meeshaan u socdo
ma’aqaan. Indhahaa ii xiran ee sidaas ma’igu dabagalaysaan? Wixii aniga iga
danbeeyaa mustaqbal-kooda ma’aqaan ee maku nasiib-sanaysaan?
TALO MUWAADIN.
Dowlad hadaad rabtaan marka hore dagaal-ooge
daadsha. Dowlad hadaad rabtaa marka xiga waxa soo socda kaan ogayan naga erya.
Dowlad hadaad rabtaan dad cusub oo idin hogaamiya doonta. Haddii kale xaalku
wuxu yahay. Anna wax noqon mayo, kuwa iga soo horjeedana xal mahayaan. Adinkuna
cimraa idinku socdo. Yey u daran-tahay marka.
Raboow raxmad keen.
MA’AKHRISAA WARARKA FALASTIIN OO AFSOOMAALI AH: Guji...
|