QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE
MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY.

Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Nov
14, 2005
Mudane Madaxweyne.
Asalaamu
Calaykum.
Maanta waa maalin
Isniin ah bishuna tahay 14/11/2005. Waxaan ahay nin Soomaaliya midnimadeeda u
danqada. Waxaan ahay nin goob-joog ka’ahaa maalintii ay Soomaali kuu dooratay
inaad Madaxweyne u noqoto, guushii aad heshay nin ujeeday baan ahay.
Waxaad tahay
dastuur ahaan qofka ugu sareeya dalka. Waxaad tahay sida ku cad Axdiga KMG ah
astaanta midnimo ee Jamhuuriyada Soomaaliya.
Waxaad tahay
Hogaamiye aan wali afkiisa laga maqal isagoo si dadban ama si cad usheegay inuu
raali kayahay kala-goynta Jamhuuriyada Soomaaliya.
Intaasba hadaad
tahay sow xaq umalihin inaan kuu dacwoono? Sow gar ma’ahan inaan kusoo gaarsiino
dareenka ay bulshadu qabto? Sow waajib nooguma lihid taladii wanaagsan inaan
kusiino? Sow Madaxweynuhu ma’ahan hay’adda ugu sareysa ee looga dacwoodo qofkii
khiyaamo qaran ku dhaca? Haday intaasba dhab tahay, weyba tahayee, waxaan kaa
codsanayaa inaad dacwadaan dhagaysato, kadibna wixii rabi kaa waafajiyo aad ku
go’aan-qaadato.
Taarikhdu markay
ahayd 11/11/2005 ayaa waxaa British
Broadcasting Corporation laga waraystay Awga aad u magacawday sanadkii
hore R/Wasaare inuu kuu noqdo, oo uu hawlaha fulinta kaa xigsado.
Hadaba wuxuu
waraysigaa kasiidaayey hadalo aad u dhawacaya mustaqbalka dowlada aad madaxda
utahay, sidoo kale wuxuu af-mugiii ugu hadlay arimo shacabka Soomaalida agtooda
muqadas ka’ah oo uu qaab khiyaano qaran ah ugu dhacay.
Mudane Madaxweyne
yaanan kugu daalin inaan dib kaaga kuugu celiyo ceebtii maalintaa dhacday, oo
aan ku eekaado inaan codsigayga sheegto.
Waxaan kaa
codsanayaa Madaxweyne laba qodob inaad yeesho.
1. Inaad xilka
ka qaado Cali Maxamed Geedi sababaha aan codsigaas kuugu soo gudbinayana waa
kuwan.
A: Axdi Qarameedka
qoran waxa ku yaal in Midnimada Soomaaliya ay muqadas tahay, oo Jamhuuriyada
Soomaaliya ay hal tahay. Qodobkaas ninka khilaafay waa hogaamiye aan Axdiga ku
dhaqmaynin, sidaas awgeed wuxuu mudan-yahay xilka-qaadis.
B: Axdigu wuxuu
qorayaa in Madaxweynuhu yahay astaanta midnimo ee Jamhuuriyada Soomaaliya,
Geedina wuxuu ogolaaday in Somaliland ay go’i karto, walibana uu aqoonsanayo
hadii ay go’do.
Taas macnaheedu
waxaa weeye in Geedi uusan Madaxweynaha u aqoonin inuu yahay astaan qarameed, ee
uu u qabo iney tahay midnimada qaranka hawl xukuumada u taal.
C: Wuxuu meesha ka
saaray loolankii dhuleed ee udhaxeeyey Jamhuuriyada Soomaaliya iyo dowladaha
dariska ah, waana qorshe uusan wali isku afgaran shacabka Soomaaliyeed, taasoo
iyana udhiganta u adeegid dano shisheeye.
2. Inaad saartid
Maxkamad qaran, laguna xukumo inuu yahay khaa’inul-wadan, lana tuso shacabka
Soomaaliyeed in dawladaadu tahay dowlad midnimo, qofkii taas ka horyimaadana uu
noqonaya khaa’inul-wadan. Sidaasna waxaan kaaga codsanayaa sababahan.
A: Wuxuu muujiyey
inuusan dhib u arag Jamhuuriyadii burbursanayd hadii lasii kala jaro, wuxuu si
cad u yiri. Somaliland hadday dunidu aqoon-sato anaguna waan aqoon-sanaynaa.
Hadalka intaas
le’eg hadduu oran lahaa muwaadin iska caadi ah wuxuu ku mutaysanayaa hadii lagu
xukumo Dastuurkii shacabka aftida looga qaaday inuu yahay khaa’in heer qaran ah,
kadibna toogasho mudan.
Hadii uu maanta
yahay ninka hadalkaas leh qof sita maamuska R/Wasaare Soomaaliyeed muxuu isagu
xukunkiisa noqon-doonaa? Madaxweyne adiga ayey kuu taalaa arintaas.
B: In Cali Geedi
yiraahdo waanu aqoonsanayaa Somaliland haday go’do, waa hadal aan kashido yarayn
kii Cumar Carta Qaalib yiri isagoo R/Wasaare Soomaaliyeed ah, ee ahaa “Ciidamada
qalabka sida hubkooda haku warejiyeen jabhadaha” waana hadalkii Soomaali
kala-diray ee sida ay maanta utaal ka dhigay.
Sidoo kale hadalka
Cali Maxamed Geedi wuxuu noqonayaa hadal kaas ka culus oo uu R/Wasaare
Soomaaliyeed ku dhawaaqo oo ah in Gobol kasta oo Soomaali ah uu xaq uleyahay
inuu go’, waliba isagoo R/Wasaare ah uu u aqoonsanayo sidaas, xitaa haday rabto
jawhar kaliya haku soo hartee.
Waxaan rajaynayaa
in Madaxweynaha Soomaaliya uu tallaabo cad kaqaado Cali Maxamed Geedi. Waxaan
ogahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan kolka aad marka hore xilka
ka qaado Geedi, kolka xigana aad kiiskiisa u gudbiso Maxkamad sare oo heer qaran
ah.
Dad badan oo
qoraalkan akhrinayaa ayaa is oranaya miyaad waalantahay marka aad codsi sidaas
ah udirayso Madaxweynaha? Mase tuhunsan-tahay in warkaada wax ka soo qaad
yeelanayo?
Waa midda horee:
Madaxweynaha intaan maqlay isagoo hadlay ma’aanan arag isagoo hadal dabacsa
xitaa ka leh arinta midnimda Jamhuuriyada Soomaaliyeed, cadaaladuna waxay
dhigaysaa inaan ruux waliba wuxuu ku wanaagsan-yahay aan u qirno. Sidaas awgeed
shaki iigama jiro in Madaxweynuhu uu kun jeer ka wadanisan-yahay Geedi.
Waa midda labaadee:
Waxaan si xog ah ku hayaa in Madaxweynuhu uu si kulul u canaantay Geedi isagoo u
muujiyey inuu ka xunyahay hadaladii-saas uu Idaacada kasiidaayey, waxanse
warqadan ugu diyrayaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha in khaladkan oo kale aysan
canaan kaliya ku filneyn ee ay mudantahay xil kaqaadis wajiga hore ah iyo xukun
saaris wajiga labaad ah.
Anoo rajo kaqaba in
codsigayu meel mar noqdo, waxaan sii tilmaamayaa hadii aan taladaas layeelin, oo
waliba tan hore aan lagu-dhaqaaqin, in si’aan shaki lahayn ay iigu muuqato in C/Laahi
Yuusuf uu mari-doono halkii uu maray Cali Mahdi. Sidoo kale Cali Geedina
mari-doono halkii uu Camar Carte maray.
Rabbow Soomaali
adaa u maqan.
|