ALLA DOWLADNIMO FOGAA! JUG JUG MEESHAADA LA JOOG. QAYBTII LABAAD.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Isniin:
Mar 20, 2006
Markaan damco inaan rajo
galiyo bulshada Soomaaliyeed, waxaan arkaa kuwii hoojiyey oo wali hortaagan,
kol-kaasaan kohasho iyo hoheey isku daraa. Bal adiguba ila eeg, beelaha
Soomaalida yaa hor boodaya, waa kii ugu aqoon liitay, ugu kartida yaraa, ugu
jaahilsanaa, dabcan waa inta badan. Maxaa taas sabab u ah? Waa adagtahay in lagu
soo koobo dhawr qodob, waxaase ugu haboon in ladhaho, waa calaamad lagu garan
karo, heerka maskaxeed ee ay bulshadu marayso.
Sida diinteenna ku cad,
laguna qiray cilmiga siyaasada, umad waliba hogaanka ay mutaysato ayey heshaa,
waayo iyaga ayuu ka soo dhex baxaa, iyagaas ayaana doorta, kadibna u sacbiya.
Quraanka waxaa ku taal aayad
macnaheedu yahay. ( Sidaas ayaan daalimiinta qaarkood taladooda ugu dhiibnaa
daalimiin kale) bal Aayadaas akhri oo misana u fiirso nolosha siyaasadeed ee
Soomaalida. Nabigu S.C.W. wuxuu yiri ( Saad noqotaan ayaa taladiina la’idin kugu
dhiibaa) hoos isu fiiri, oo sida layahay iyo sida talada naloogu dhiibay isu
miisaan.
Taariikhda Islaamka waxaa ku
taal, nin ayaa Amiirkii Muslimiinta Cali Binu-Abii-daalib u yimid, kol-kaasuu ku
yiri: Amiirow maxay dadka adiga kuugu dhaga adkaadeen, oo ay waagii Rasuulkana
S.C.W. ugu dhaga nuglaayeen? Wuxuu ugu jawaabay, raciyaddii Rasuulka aniga ayaa
kamid ahaa, laakiin aniga raciyadeyda adigaa kamid ah.
Marka qof ajnabi ah uu damco
inuu fahmo mushkilada Soomaalida, wuxuu soo bandhigaa su’aasha ah, war maad
dowlad dhisataan? Kolkaas ayuu ruuxu ku jawaabaa, hogaanka ayaa naga xun, oo
maad iska badashaan, ayey noqotaa hadalka ugu yar ee uu qofka ajnabiga ah dhaho
markuu maqlo jawaabtaas daciifka ah.
Dagaal-ooguhu wuxuu
rumaysan-yahay inuu beesha matalo, tallaabo kasta oo uu qaadana iney tahay mid
uu beesha ku matalayo, hadii uu dantiisa waayo, wuxuu dhahaa, annaga hadaanu
nahay reer hebel, arintan dan nooguma jirto, qodobka yaabka leh wuxuu yahay,
sidaas ayey beeshii ku ogoshahay, oo danahooda isaga ayaa u matala, markoodii
horana uma aysan dirsan.
Aqoon-yahankii ama
waxgaradkii wanaagsanaana wuxuu iska dhaadhiciyey danaha qabiilka inuusan matali
karin, qof ahaanna inuu ka sareeyo danta beeshiisa, ee uu yahay qof heer qaran
ah.
Fikradan asal ahaan meel sax
ah ayey ku taagan-tahay, waase marka la’eego in qaran la matalo, waxaase u
baahan in la’isweydiiyo, yaa beesha jidka wanaagsan tusaya hadii aan
dagaal-oogaha lagu qabsan hogaaminta reerka?
Taariikhda Islaamka si weyn
ayey uga buuxdaa in wax garadku ay noqdaan hogaanka reerka, waxaana aad loo
yaqaanay in beeshii uu hogaankooda wanaagsan-yahay iney beelaha kale ka
kuwaalati sareyso. Caqliga saliimka ahna wuxuu dhigayaa, hadaan la helin
hogaamiye-yaal fiican oo qabaa’ilkooda hormuud u ah, sidee lagu gaarayaa qaran
nabad qaba.
Waxaan aad ula yaabaa
geesinimada fitno wadayaasha Soomaaliya, waxay si cad u dhahaan, cidaan anaga
ahayn hadii ay muuqato, qoorta ayaan ka jaraynaa, waxaa intaas u dheer,
khaladaad waa weyn ayuu inta galo, oo misana goorta uu arko inuu fashilanyahay,
wuxuu madaxa lagalaa qoyskii uu ka dhashay, ilaahay amarkiis iyaguna waa u
diyaar, xitaa haday tahay khalad islaam-nimadiisa dhaawacaysa.
Shirkii u danbeeyey ee dalka
Kenya loogu qabtay kooxaha Soomaalida, waxaa saxiixi loo aqoon-saday tiro 40.tan
kor u dhaafaysa, hadii la baaro taariikhda kuwaas, waa ku yar yihiin wax aqoon
leh, iska daayee, mid kamid ah oo ay beeshiisa wakiilatay waa ku yaryahay,
waxayna meesha u joogaan danhooda gaarka ah. Waxaan garanayaa mid kamid ah
kuwaas, oo inta wax laga sheegay dhahaya, war haddii aad aniga I tuurtaan,
wallee mid aniga iga sii liita ayaa reerka hogaaminaya, armay ku fiicantahay in
aniga la’idaayo. MALAHA WAABA RUNTIIS.
Caasimada Muqdisho bari waxaa
isku hayn jiray Jen Caydiid iyo Cali Mahdi, waxay ahaayeenba, waa laba nin oo
horay loo yaqaanay, hakala duwanaadaan wixii lagu kala yaqaanayee, goortii iyaga
waxba loo ogolaan waayey, iyaguna ay wax isu ogolaan waayeen, waxaa gadaashood
dhashay, kuwa kale oo aan waagoodii xitaa aan awood u lahayn inay labadaas
masuul kor ka salaamaan, iska daa iney xil qaran qabtaanee.
Caydiid hadduu maanta
noolaan-lahaa wuxuu oran lahaa, tolkey tala xumaayeenaa, ma’anay inta ituureen,
bey kuwan hogaan u dhiibteen? Cali Mahdina badoodaba waa ka baxay, shirkii
Eldoret-na inta isha ku fiirshay ayuu arkay wax ka mustawa sareeya ineysan
goobta joogin, kol-kaasuu doontaba isaga dagay, wallee siduu sheegay waa noqotay.
Xuseen Caydiid ayaa shirkii
Eldoret kaga khudbeeyey. War hadii aynan anagu heshiinin, ogaado oo shirka danbe
xoogag cusub ayaa isugu iman-doona, wuxuu tusaale usoo qaatay shirkii Qaahira,
isagoo leh, madaxdii shirkaas ka qayb-gashay inyar ayaa hada ka joogta halkan,
intoodii kale wax dhintay, iyo wax siyaasada looga adkaaday ayey noqdeen, taas
waxaa dheer, aniga ayaa ugu da’yaraa intii shirkii Qaahira joogtay, maantana
Cumar Finish ayaa iga yar.
Shirka cusub ee Soomaali loo
qaban-doono, waxaa ka soo qayb-gali-doonaa Yuusuf Indha-cade. Bashiir Raage. C/Qaadir
Beebe. Jaamac Dheere. Iyo kuwa kale oo hada soo bixi raba.
|