Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
UJEEDDO BADAN:
Allaha u
naxariistee Xikmad-yahankii carbeed Sh.Zaa'id Aala-Nahyaan ayaa qaabilay dhawr
dagaal-ooge Soomaaliyeed, kolkaasuu ku yiri, bal warama. Waxay u kala jeediyeen
hadallo uu midba midka kale ku eedaynayo inuu masuul-kayahay dhibta Soomaalida
haysata, goortii ay hadalkooda bogteen ayuu Boqorkii oohin bilaabay iyadoo ay
ilmadu ka qubaneyso ayuu yiri. Waxa dacwoonaya waa adinka, waxaad ka
dacwooney-saanna waa isla adinka, marka anigu maxaan idiin qabtaa? Wax kasta oo
ay umadi ku midoobi-lahayd waad haysataan, hadana waad kala eed sheeganeysaan.
Shirkii Jabuuti 1.
waxaa ka qayb-galay 6.Jabhadood, kii 93.dii ee Adis-Ababana waxaa ka qayb-galay
12.Jabhadood. Abwaan Yam-Yam ayaa la weydiiyey sababta ay hadda u bateen
Jabhadaha Soomaalida? Wuxuu yiri 12.kan waa 6.dii oo sarifantay.
Intii uu socday
shirkii Eldoret ayaan galab Nairobi ku sheekeysanay Xuseen Caydiid, hadaladii uu
yiri waxaa kamid ahaa. Marwalba oo Soomaalida shir loo qabto waxaa kordha tirada
madaxda Soomaalida. Shirkii Qaahira intii ka soo qayb-gashay hada wey kabateen,
waxaana hadda ka jooga ilaa 5.Hogaamiye oon anigu kamid ahay, intii kale wax
dhintay, kuwa laga adkaaday, kuwa fashilmay bey noqdeen. Sidoo kale aniga ayaa
ugu da'yaraa Hogaamiye-yaasha Soomaalida hadase waa iga yar Cumar Finish, hadaan
shirkan lagu heshiininna waxaa soo bixi doona kuwa Cumar Finish ka siiyar.
Sargaal katirsan
Safaaradda Masaarida ee Soomaalida aniga oo lataagan ayaa waxaa nagu soo leexday
mid kamid ah kuwii loo yaqaanay Saxiixa-yaashii shirkii Eldoret. Markii uu
sifiican usalaamay Sargaalkii ayuu wuxuu ku yiri. Fadlan salaan iga gaarsii Cali
Cabdalla Saalix waayo saaxiib ayaan nahay. Markii uu dhaqaaqay ayuu Sargaalkii
Masaarida igu yiri. Fahad wakaas mustawaha Siyaasiyiintiinna, aniga oo Masaari
ah ayuu Madaxweynaha Yaman fariin salaan ah iigu farayaa. Waxaan ku iri. Midkan
hadda sidaas ku leh wuxuu ka soo baxay Jaamacad wuxuuna ku hadlaa ilaa sadax
luqadood oo ajnabi ah. Inta qoslay ayuu yiri. IDAA KAANA NUURUKUM HAADAA FAKAYFA
DULAAMUKUM. Kiinnii aqoonta lahaa haduu kan yahay kan jaahilka ah tolow waa
sidee.
Waxaa lalayaabay
Soomaalidu meel walba oo ay dunida ka dagto waa goobta ugu hooseysa wadankaas,
qaarkood waaba meelaha ugu nadaafadda xun, haddii la baaray sababta waxaa lagu
fasiray laba qodob. Tan hore dhaqaale xumo ku khasbaya iney dagaan goobaha
rakhiiska ah oo ay noloshooda hooseyso. Tan xigta waa astaanta lagu yaqaan dad
kasta oo burburay oo uu jahwareer joogto ah kaga dhaco dhamaan qaybaha nolosha.
Sh. Axmed C/Samad
wuxuu qabaa Baaruruga Islaamiga ah ee jilkii bilaabay ay wali nool-yihiin ay
haysato dhibaato baaxad leh, taaso ah buu yiri. Caruurtii ay wadaadadaasu
dhaleen waxay u bateen dadaan hanuunkii qaadan, sidoo kale aan fahmin fariimihii
ay walidiintood wadeen. Sidaas awgeed wuxuu leeyahay maanta intii ay da'dooda ka
yartahay 20.jir lama hubo iney sii wadi doonaan kobcinta dacwadii ay
aabayaashood bilaabeen.
Waxaan lakulmay
wiil dhalin-yaro ah oo aad u necab BBC-da Soomaaliga markii aan sababta
weydiiyey wuxuu yiri. Bari-baan guursaday, goortii aan aqal-galay ayey niman aan
saaxiibo-nahay BBC-da u direen Tahniyadii Aroos-keyga, kolkaasay soodaayey
2.Bilood kadib iyadoo aan xaaskeygii kala tagnay. Waxaa taas iiga siidaran waxay
ku soo aaday anoo la joogo reerkii aan xididka ahayn oo aan aniga iyo iyagiiba
wada dhagaysanay. Marka saaxiib BBC iga daa, nimankaas aad ayey ii xumeeyeen.
Isdhexgalka dumarka
iyo ragga waxay keentay dhibaato baaxad leh. Nabigu C.S.W. waa ka digay. Markii
goobihii waxbarashada la'isku daray wiilashii iyo gabdhihii waxay lumaysay
hadafkii tacliineed ee laga lahaa. Wadamada R/Galbeedka laftooda ayaa dareemay
dhibaatadii ka timid isku dhexyaacii wiilsha iyo gabdha ee goobaha waxbarashada.
Madaxweyne Bush ayaa soo saaray go'aan uu ku dhiirigalinayo in dowladiisu ay
taageeri doonto Iskuulkii kala sooca labada jinsi, wuxuuna sheegay in hanaanka
ugu haboon ee ay caruurtu wax ku baran karaan iney sidaas tahay. Maalintii ay
11.Sep dhacaysay wuxu khudbo u akhrinayey Iskuul taageeray go'aankii uu soo
saaray.
Sh.Cali Wajiiz oo
kamid ah Culimada Soomaalida ayaa yiri. C/Laahi Yuusuf haddii uu diinta
ilaalinayo, uuna waxba udhimayn ahludiinka waxaan leeyahay 5.Sano kuguma filnee
gacanta soo taago aan 15.Sano kaaga dhignee.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 31, 2005
..
XAMAR IYO XALKA
SOOMAALIYA.
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|