QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA
GOL-LEEYAHAY?

Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Agoosto
19, 2005
SAMATABIXINTA BALCAD
vs
S.R.R.C.dii HAWAASE |
Bilihii u danbeeyey ee
shirkii wadahadallada Soomaalida ee dalka Kenya, waxaa la maqlay koox cusub oo
midaysan kuna shirtay Balcad oo lamagac-baxday golaha SAMATABIXINTA SOOMAALIYA.
Waxay gudoomiye u doorteen Xaaji Muuse Suudi Yalaxaw, sidoo kale waxay
magacaabeen dhawar kuxigeenno oo uu kamid ahaa Col Barre Hiiraale oo ahaa
Gudoomiyaha Dooxadda Jubba.
Golahani waxaa isku
uruursaday tiro badan oo kamid ah hogaamiye-kooxeed-yadii K/Soomaaliya,
gaar-ahaan kuwoodii hubka haystay, waxaana loo dhisay in lagaga hor tago golihii
S.R.R.C. da ee lagu soo dhisay Hawaasa, kuwan danbena waxaa loo dhisay in lagu
burburiyo dowladii Carta lagu soo unkay.
Samatabixin iyo dowladii
Carta oo uu hogaaminayey C/Qaasim waxay muujiyeen isku xirnaasho siyaasadeed, oo
looga hortagayey kooxaha Itoobiya garabka ka dhigtay, wax badan ayeyna ku
guuleysteen, oo ay kamid ahayd Dastuurkii oo wax laga badalay, gaar-ahaan
qodobada la xiriiray luqada dalka, iyo faah-faahin laga sii bixiyey
maamul-goboleedyada hada ka jira dalka iyo kuwa lasamayn rabo.
Sidoo kale golaha
SAMATABIXINTU wuxuu muujiyey in Soomaalidu ay samaysan-karto magac lagu
midaysan-yahay, gudoomiyuhuna uu xili mudo dheer ah haynayo, iyadoo aan la
dhahayn la-gudoomiye, ama aan 30.kii cishaba magac cusub loo dhiibeyn.
Taasi waxay wax ka badashay
muuqaalka siyaasiyiinta Soomaalida, oo waxaa cadaatay iney jiri karaan isbahaysi
wax isu ogol.
Waxayse SAMATABIXINTU
fashilmeen oo ceebtoodii ay soo baxday markii lagaaray doorashii Madaxtinimada,
oo ay tiro badan oo kamid ahi isu sharaxeen jagada Madaxtinimada Soomaaliya,
taasoo ay SAMATABIXINTU dib ugu noqdeen qaabkii lagu yiqiinay ee ahaa, wax isu
ogolaansho la'aan.
Dad badan ayaa waxay qabeen
haddii ay is haysan-lahaayeen oo ay hal musharax keesan-lahaayeen iney jagada
Madaxweyne-nimadana ku guulsan-lahaayeen, taasna waxaa marag looga dhigayaa,
tartarkii Gudoomiyaha Barlamaanka hal musharax ayey keensadeen waana ku
guuleysteen, iyagoo markaa jabiyey musharaxii S.R.R.C.da, sidoo kale
ku-xigeenkii 1aad ee Gudoomiyaha waxay iyagu wateen Maxamed Cumar Dalxa, tiina
way ku guuleysteen, markiise lagaaray tartankii Madaxweynaha ayey kala baxeen,
oo ay iskhilaafeen, taasoo dhalisay in jagadaas ay helaan S.R.R.C.dii, jagadii
ku xigtay ee ahayd R/Wasaarahana waxaa qaatay xubin fikrad-ahaan uga mid ahaa
S.R.R.C.dii.
Mar haddii ay sidaas ugu
fashilmeen tartankii madaxti-nimada waxaa loo fasirtay in ururkaasi uu burburay,
uuna kala tagay, magacooda danbana aan la maqli doonin, waxayna ahaayeen niman
is dayacay oo fursad ay heli-kareen iska lunshay, taasna waxaa sabab u ah,
ma’ahayn urur u abuurnaa sidii Xisbi Siyaasi ah oo hadaf Siyasadeed leh, ee
wuxuu ahaa mid si caadifad ah lagu sameeyey, dantii laga lahaana ku’ekayd.
Su’aashuse waxay tahay
dharbaaxadaas haday ku dhacday miyey ku quus qaadan-doonaan, oo ma dib ayey
boorka isaga jafi-doonaan, mise sidoodii ayey hadana caadifad ku shirayaan, kuna
kala tagayaan.
Shirkoodan waa mid ku
salaysan sidii la’iskula heli lahaa kooxo iskudan ah oo ka soo horjeeda
Madaxweynaha iyo saxiibadiis, waxay u egyihiin sidii markii Carta lagu soo
dhisay Dowladii uu hogaanka u hayey C/Qaasim Salaad looga sameeyey Hawaasa koox
isku dan ah oo is uruursatay lana baxday S.R.R.C. hadafkooduna ahaa iney
fashiliyaan dawladaas.
Kuwan hadda Balcad ku
shiranaya waxay u egyihin kuwii Hawaase oo kale niman isu uruursanaya kala
dirida dowladan, waxayse ku kala duwan yihiin halka lagu shirayo.
Dareenka noocaas ah maxay uga
bixi-karaan? Tuhunka laga qabo maxay ku tirtiri karaan? Waxay ila tahay iney
tahay, hadday samaystaan golayaal hufan oo qeexaya qodobadan soo socda.
-
1. Iney Xamar nabad-galyadeeda wax ka
qabanayaan, oo ay meesha ka saarayaan dhamaan qodxaha kajira xamar, si’ay u
noqoto goob nabad ah, aduunkuna aamini karo, shacabkuna ku kalsoonaankaro.
-
2. Iney cadeeyaan hadafkooda Siyaasadeed
wuxuu yahay, mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.
-
3. In la’arko iyagoo hogaan midaysan leh, oo
ay u muuqdaan dad jidkii dowladnimo u heelan, oo ay iska xoqaan dhaqanadii
hore ee wax burburinta kaliya ku salaysnaa.
-
4. In la’arko is bahaysi xoogan oo ay dad
badani ku jiraan, taasoo ay ku iman-karto in magicii hore ee SAMATABIXINTA
laga guuro, oo lasameeyo cinwaan cusub oo ay ka muuqato hurumar ama is badal
ugu yaraan.
Koley horaa loogu maah-maahay
nimaad taqaanay hadaad marada ka soo rogto waa isla isagii, oo aan ula jeedo
kuwan waa isla iyagii, rajo kama qabo iney ka shaqayn-doonaan danta ummada,
waxaanse fariintan ugu dirayaa maanta in iyagu ay huwan-yihiin shaarkii
Soomaalida, sidaas awgeed way haboontahay in lalataliyo oo la toos-toosiyo.
Dhawr jeer ayaan warqad u
diray, ama maqaal talo bixin ah u qoray garabka kale ee dawlada, sidaas awgeed
waxaa igu waajib ah inaan kuwaanna lahadlo, oo wixii waajib ku’ah aan usheego.
|