Dadka u dhashay waqooyiga
yurub oo laga codsaday iney ka baxaan Marinka Qaza
Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed
oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya
Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub | Jan 29
Waxaa is soo taraya maalinba maalinta ka
danbeysa eedaymaha kulul iyo carada sida joogtada ah ka soo yeeraya dadyowga
muslimiinta ee ku dhaqan barriga dhexe, gaar ahaan shirkadaha carbeed ee
dalalka Sacuudi Careebiya, Imaaraadka iyo Kuweit ee iyagu heshiis ganacsi la
leh Denmark.
Xiriirkan ganacsi ayay u badan tahay inuu
waxyeeleeyo, kadib markii mid ka mid ah wargays ka soo baxa dalka Denmark uu
si weyn meel uga dhacay maqaamka Rasuulka Muxamed (scw).
Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga
MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH |
Maalinimadii arbacada la soo dhaafay ayay
ahayd markii muftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo
saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada
muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha
laga leeyahay Denmark, wuxuuna dhinaca kale u soo jeediyay xukuumadda
Denmark inay jawaab cad ka bixiso aflagaaddada uu wargayska Jyllands Posten
u gaystay Rasuulka (scw), kadib markii uu wargayska mid ka mid ah bogaggiisa
ku soo bandhigay sawiro-gacmeedyo gaarayay 12, sawiradan oo aad foolxumaa
ayaa lagu sheegay inuu ahaa qofkii ku sawirnaa Nebiga (scw).
Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda
Fatwadaas uu soo saaray muftiga weyn ee Sh.
Cabdil-casiis, markay ka soo wareegatay wax ka yar 24 saacadood, ayaa waxay
xukuumadda Sacuudiga u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dalka Denmark, iyadoo
sidaas jawaab uga dhigtay carada ay ka muujiyeen sida weyn ee meel looga
dhacay muqaddasaatka islaamka.
Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada
loo laabay
Waxaa tallaabadaas oo kale sameeyay dalka
Kuweit oo sidoo kale uu yeeratay safiirkooda, halka maanta oo axadna (Jan
29) gebi ahaanba albaabada loo laabay safaaraddii Libya ay ku lahayd
Copenhagen, xarunta dalka Denmark. Waxay arrimahan oo dhan jawaab uga
dhigeen carada weyn ee ay ka muujiyeen sawiro-gacmeedyadii lagu been-abuurtay
Rasuulkeena Muxammad (scw) oo ka hufan dhammaan xad-gudubyadaas foosha xun
ee ay isaga u nisbeeyeen.
Guud ahaan, saxaafadda Denmark ayaa
maalmahan si weyn u hadal haya dhibaatada uu sababay wargayska Jyllands
Posten, iyadoo la sheegay inay jiraan warshado iyo shirkado deenish ah oo
muujiyay walaaca iyo khasaaraha dhaqaale ee iyaga la soo gudboonaatay, kadib
markii shirkado carbeed ay gebi ahaanba jareen xiriirkii dhaqaale ee ay la
lahaayeen, waxayna shardi uga dhigeen inuu sii socdo xiriirkooda ganacsi in
xukuumadda Denmark iyo wargayska Jyllands Posten ay cudurdaar cad ka soo
saaraan arrimaha sawiro-gacmeedyada, taasoo aan ilaa iyo hadda aan si dhab
ahaan loo arag. Shacabka Sacuudiga ayaa waxaa taleefannada gacanta ee
Cellphone-ka ah loogu soo dirayay oraahyo ay ka mid yihiin "ha gadanin
alaabta laga keeno Denmark iwm", iyadoo dhinaca kalena la sheegay in
boqolaal shaqaale u dhashay Denmark ay khatar ugu jiraan in laga eryo
shaqooyinkooda, kadib markay la soo gudboonaatay dhibaatadan dhaawacday
ganacsigoodii.
Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay
iibsanmayno alaabaha lagalaga keeno Denmark, ayaa kuqornaa
shacabka Sacuudiga oo joojiyay in ay gataan alaabaha Denmark
lagakeeno |
Hans Skov Christensen |
Warshadda caanaha ee Arla ee laga leeyahay
Denmark ayaa wargayska Politikenee Denmark ka soo baxa daabacay maalintii
dorraad ahayd ee ay bishu ahayd 27-ka jannaayo, in warshaddaas Arla ay khasaaraan
maalin walba lacag gaaraysa toban malyuun oo lacagta Dk, tanoo u dhiganta
lacag lagu qiyaasay 1 malyan iyo 600,000 USD ($1.6 Million). Guud ahaan,
waxay warshadda Arla u dhoofisaa sannad walba badeeco lagu qiyaasay ilaa 3
bilyan oo lacagta deenishka ah. Arla oo keliya ma ahan shirkadaha deenishka
ee khasaarahaan la soo gudboonaatay, waxaa kaloo jira kuwo kale sida
shirkadda dhoofisa daawada ee loo yaqaano Novo, waxay maanta shaaca ka
qaadeen inay khasaarayaan ilaa 50 malyuun sannadkan aynu ku jirno, una
dhiganta ilaa 8,4 malyan oo USD, iyadoo ay jiraan sharikado kale oo iyagana
lala socodsiiyay in xiriirkooda dhaqaale ee ay la lahaayeen dalalka Kuweit,
Qatar iyo Imaaraadka uu hakad galay, waxayna sabab uga dhigeen siday
dowladda Denmark uga aamustay aflagaaddadii ay qoreen wargayska Jyllands
Posten.
Khasaarahan intan le’eg, waa tan keentay
inuu madaxa warshadaha Denmark Hans Skov Christensen uu si toos uga codsado
wargayska Jyllands Posten caddaymo la xiriira sababta keentay fidinta
sawiro-gacmeedyada sababtay inay si weyn u dhaawacdo dareenka dadyow tiro
badan oo muslimiin ah. Sidaasoo kale, madaxa xisbiga bahwadaagga la ah
dowladda ee Konservative-ga ayaa wargayska u soo jeediyay inay cudurdaar ka
bixiyaan aflagaaddada weyn ee ay sida weyn u dhaawacay dareenka iyo
muqaddasaatka muslimiinta.
Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo
dhaleeceeyay JP
Safiirka Denmark ee u fadhiya dalka
Sacuudiga ayaa si weyn dhaleecayn ugu soo jeediyay wargayska Jyllands Posten,
wuxuuna isagoo shaleey waraysi siiyay taleefishin laga leeyahay Mareekanka
sheegay in wargayska JP uusan dhibaataynin keliya muslimiinta ku dhaqan
dalka Denmark, ee uu si weyn u dhaawacay malaayiin muslimiin ah oo ku kala
nool dunida daafaheeda kala duwan. “waa wax aad loola yaabo in wargays si private
loo leeyahay uu sidan weyn dadyow u dhaawaco, ma aha oo keliya muslimiinta
Denmark, ee waa muslimiinta meel walba ku nool” ayuu yiri Hans Klingenbjerg
oo ah safiirka Denmark u fadhiya dalka Sacuudiga. Hadalkan ayaa wuxuu caro
weyn ku abuuray xisbiga xag-jira ee Dansk Folkeparti oo ku tilmaamay inuu
safiirka ka soo horjeestay siyaasaddii uu dalkiisa u metalayay.
Calankii Denmark oo la gubay
calankii Denmark oo lagubayo |
Calankii Denmark oo ay caruurta falastiiniyiinta ku
korsocdaan |
Maanta oo axad ah (Jan 29), ayaa loogu
hadal badnaa saxaafadda Denmark arrimaha la xiriira jawaabaha ay muslimiinta
ka bixiyeen sawiro-gacmeedyadii ay daabacday wargayska JP, iyadoo maanta la
inka tusayay tv-yada iyadoo dhalinyaro falastiiniyiin ay gubayaan calanka
deenishka, ayna ku hanjabayeen inay beegsan doonaan shacabka deenishka ee
dalalkooda booqashada ku yimaada, si ay falkaas ay jawaab uga dhigaan ayay
yiraahdeen sawiradii meel-ku dhaca ku aha Rasuulka (scw). Wasiirka arrimaha
dibadda dalka Denmark Per Stig Møller ayaa welwel weyn ka muujiyay xiisaddan
sii kordhaysa, wuxuuna shaaca ka qaaday gelinkii danbe ee maanta in
wasaaradda arrimaha dibadda ee Dk ay berito oo isniin u diri doonto dalalka
Khaliijka wafdi la kulmi doona madaxda dalalkaas.
Xukuumadda Norwey ayaa iyadu cudurdaar u gudbisay dadyowga
muslimiinta, kadib markii wargays ka soo baxa dalkeeda uu soo daabacay
sawiro si weyn meel uga dhacay Rasuulka (scw), halka xukuumadda Denmark iyo
maamulka wargayska Jyllands Posten aynan weli wax cudurdaar ah ka bixin.
Xisbiga labaad ee social-ka ayaa weli ku celcelinaya inay
habboonaan lahayd inuu Ra’iisal wasaaraha la kulmo muslimiinta Dk, isla
markaasna mowqif cad uu iska taago sawiro-gacmeedyada caro-geliyay guud
ahaan muslimiinta.
JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN
AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)
Waxay ahayd 30-kii bishii sibteembar ee
sannadkii tagay, markii wargayska afka dheer ee lagu magacaabo
Jyllands Posten
soo bandhigay 12 sawir-gacmeedyo oo lagu sheegay inay ahaayeen Rasuulka
(scw), kuwan oo oo aad u foolxumaa, isla markaasna mid welibana u taagnaa
macno aan u qalmin Xabiibka sharafta badan ee Muxammad (scw)...
Warkan oo dhan akhri... Guji...
DENMARK IYO JP OO WAX RAALLI-GELIN U EG BIXIYAY
Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub
Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga
codsaday iney ka baxaan Marinka Qaza
Xiisada ay dhalisay aflagaadada aan
geed ku gabashada laheyn ee u geystay wargeyska lamagac baxay
Jylland- Posten ee dalka Denmark ayaa la islahaa waa uun demi
doontaa haddiiba ay madaxda wargeyskaasi ay cudurdaar aan rasmi
aheyn jeediyeen warqad furana ay u direen dadka Sacuudiga
islamarkaasina ay ku soo qoreen wargeys ku sheegooda iyagoo sheegaya
iney ka xun yihiin wixii dhacay, ayaa hadana wararka laga helayo
marinka Qaza ee dhulalka Falastiiniyiinta sheegayaan in kooxaha
mujaahin- Al Aqsa ugu baaqeen dadka asalkoodu ku soo jeedo Denmark,
Sweden iyo Norway iney 72 saac ee soo socota ay uga baxaan
Falastiin.Sidoo kale kooxaha Islaamik Jihaad ayaa iyaguna ugu baaqay
dadkaasi iney gebi ahaanba 48 saac gudahood uga baxaan haddii kale
ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo.
Saraakiil matalaya wasaarada arrimaha
dibada dalka Denmark oo haatan ku sugan Raammallah ayaa iyagoo
xaqiijinaya warkan dhiilada leh ku tilmaamay "Biriq si kedis ah uga
soo dhacday cirka oo aan caad laheyn" Maanta wadooyinka Nablus waxaa
lugu arkayey falastiiniyiin careysan oo gubayey calanka Denmark
waxaana ay ku hanjabeen iney waxyeelo u geysan doonaan dadka Denish-ka
ah.
Qoraalo looga dalbanayo Urrurada ugu
waa weyn ee dunida muslinka ayaa laga codsaday iney gollaha amaanka
Qaramada Midoobey ugu gudbiyaan baaq ah iney kasoo saarto qaraar ku
saabsan ku xadgudubka ay Denmark ku sameysay ixtiraamka diimaha
caalamka ka jira, Mas''uuliyiin ka tirsan Jaamacada Carabta ayaa
dhinacoodana waxey u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee AFP iney soo
gaareen dhambaalo looga codsanayo iney u gudbiyaan gollaha Amaanka
sikulankooda ugu horeeya kaga munaaqishoodaan.
Dowlada Liibiya ayaa wakaaladeeda
wararka sheegtay in Liibiya ay xirtay safaaradeedii ay ku laheyd
kopenhagen sidoo kale waxey xustay wakaaladu wax u eg cuno qabateyn
lugu sameeyo badoocooyinka Damark inay dowladu qorsheyneyso.
Madaxweynaha Afgaanistaan Xamid Karzai
oo haatan booqasho ku jooga dalka Denmark ayaa sheegay inuu ku rajo
weyn yahay in loo helo xal arrintan walaaca leh waxaana uga digay
wargeysyada Denmark iney ka foojignaadan waxyaabaha ay qorayaan gaar
ahaan diimaha oo uu sheegay iney ixtiraam u muujiyaan.
Diblomaasiyiinta dalalka
Iskaandaneefiyanka oo arrinta ku saabsan iney ka baxaan dhulalka
Falastiiniyiinta u arag wax weyn ayaa hoosta ka xariiqay iney tahay
arin qatarteeda leh, wasaarada arrimaha dibada Sweden ayaa saraakiil
ku sugan waxey sheegeen ineysan howlihii diblomaasiyiintooda bariga
dhaxe ka wadeen aysan wax iska badalin balse waxey ugu baaqeen
shaqaalahooda iney taxadaraan.
Dalka Denmark ayaa iyadana wararka ka
imanaya sheegayaan in "dadkoo dhan isku wada careysan yihiin" taasoo
salka ku heysa cuno qaboteynta lugu soo rogay badoocooyinkooda.
Axsaabta siyaasadeed dalkaasi ayaa qaba in wargeysyadu xadkooda ka
baxeen waxaana ay ra'iisal wasaaraha dalkaasi ka codsadeen inuu si
deg deg ah ku maareeyo xiisada taagan ee wargeyska Jylland- Posten
abuuray.
Wargeyskan lugu magacaabo Jylland-
Posten ayaa warqad furan oo u diray dadka sacuudiyiinta ah codsaday
raaligareyn iyo waxa uu ku sheegay iney fahan darro keentay kartuun
ay ku aflagaadeynayeen Nabi Muxamed NNKH oo tafaftiruhu ku sheegay iney
timid xilli dood weyni ay jirtay oo wargeysku cabriyey fikirkiisa ku
aadan xorriyada saxaafada.
Bishii september ee sanadkii hore ayuu
wargeyskaasi sawiray kartuuno uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH kuwaasoo mid
kamid ah muujiniya Rasuulka ay cimaamad bambo ah madaxa ugu xiran
tahay. Sawiradaasi foosha xun ayaa muslimiinta dalkaasi iyo guud
ahaan dunida Islaamkaba si weyn ugu careysiisay waxaana ay dowlada
dalkaasi ka codsadeen iney talaabo ka qaado wargeyskasi balse
jawaabaha dalkaasi ka imanayey ayaan iyagu habayaraatee qiimeyn codsiyadii
loo soo jeediyey, balse haatan oo arrini farraha ka baxday ayey
qasab ku tahay dowlada dalkaasi iney maareyso mushkilad ay
sahashaneeyeen.
Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi
Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya
Haba soo daahdee ugu dambeyntii wargeyskii
aflagaada darran u geystay Nabi Muxamed NNKH ee dalka Denmark ayaa wax u
eg raali gareyn iyo warqad furan u diray boqortooyada Sacuudi Careebiya waxaana
lagu soo qoray wargeyska qeybtiisa internet-ka. Warqadan furan oo lugu
sheegay "Sixid isfahan darro" ayaa lugu qoray afafka
carabiga iyo denish-ka iyadoo weliba afka carabiga yahay mid la diray
dadka Sacuudiga sida uu wargeysku sheegay. Hadaba nuqul kamid ah
qoraalkaasi afka carabiga ku qoran oo aan soo akhriyey ayaa waxeyna u
qorneyd sidan. [ARABIC
VERSION]
"Ku: muwadaadiinita boqortooyada
Sacuudi Careebiya.
Iigu ogolaada Munaasabadan (fursadan)
si aan u saxo isfahan darrada jirta oo ka timid sawiro kartuun ah oo
Nabiga Maxamed ah, taasoo keentay inaad goysaan alaabooyinkii Denmark.
Sawiradan kartoonka ah oo lasoo
daabacay muddo afar bilood ka hor ah, waxey aheyd dood furan oo Denmark
ka jirtay kana tarjumeysay cabirka fikir iyo xuriyatal qowlka. Waana xaq
aan ku cabireyno inuu muhiim u yahay Denmark.
Sawirkaasi lasoo bandhigay wuxuu u
muuqday mid loogu danlahaa muslimiinta Denmark iyo guud ahaan caalamka
Islaamka waana mida aan doonayo in la saxo. Ujeedadu wargeyskuna maaheyn
mid wax loogu dhimayo dadka diimahooda waan ka xumahay waana mida
dhacday iyadoon ujeedadu sidaas aheyn.
Annaga (bahda wargeyska)
arrintaasi waan ku raali gareynay dhowr jeer bilihii ugu dambeeyey
wargeyskeena, wargeysyada kale, talefeyshinka, raadiyaha iyo warfaafinta
caalamiga ah. Sidoo kale waxaanu kulamo la yeelanay jaaliyadaha
muslimiinta Denmark iyadoo jawi is garasho ku dhamaaday sidoo kalena ku
baaqnay kulamo kale oo aan la yeelano muslimiinta Denmark guud ahaantood
si looga doodo arrintan.
Hadaanu nahay bahda Jylland Posten
waxaanu ka xunahay in mowduucu heerkaas gaaray, sidaas daraadeed waxaan
(annagu) markale ku celineynaa (leenahay) in u jeedayadu aanu aheyn
inaan qofna wax u dhino waxaanu ictiqaadsanahay hadaanu nahay mujtamaca
guud ee Danmark in la ixtiraamo diimaha kala duwan ee xorta ah"
Carsten Juste
Tafatiraha wargeyska Jylland-
Posten
Hadaba raaligareyntaas laga waayey madaxda
siyaasadeed ee dalkaasi ayaa u muuqata iney u sabab tahey xayiraadii ay
dowlada Sacuudiga ku soo rogtay badeecooyinka ka yimaada dalka Denmark
islamarkaasina lugu daminayo xiisada diimeed uu dhaxeysa Denmark iyo
guud ahaan musliminta caalamka oo ay haatan Sacuudi Careebiya hormuudka
ka yahay.Wasiirka Arrimaha dibada dalkaasi Per Stig
Möller oo ka hadlayey arrintan cawaaqib xumada ka imaan karto hadaan xal
siyaasadeed laga gaarin ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay iney
tahay mid dhibaatadeeda leh waxaana uu sheegay in maalinta isniinta wa
(Jan 30)uu hordhigi doono kulanka ay wasiirada arrimaha dibada midowga
Yurub iskugu imanayaan si looga munaaqishooda mowduucan oo uu u arko in
Danmark dhaqaalaheeda saameyn ku yeelan karto. Sidoo kale war laga helay
wasaarada arrimaha dibada ayaa lugu sheegay in wasiirku u socdaalayo
dalka Kuweyt si bal mowduucan xasaasiga ah ugu munaaqishoodo madaxda
dalkaasi.
Qoraalkii
Tafatiraha wargeyska Jylland-
Posten oo Carabi ah:
http://www1.jp.dk/indland/doku/jp_aabent_brev.pdf
Waxaa
diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2006
BOQORADDA DENMARK: WAA
IN AYNU ISLAAMKA HOR ISTAAGNAA! (15/04/050
Boqoradda
ka talisa dalka Denmark ayaa ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku
wajahan muslimiinta dalkeeda jooga.
Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa
Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax dunida oo dhan khatar ku ah, isla
markaana ay tahay in la hor istaago. “waa in aynu muujinno diidmadeenna
Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa layaabka dunida.
Jariidadda kasoo baxda UK ee “The Daily
Telegraph” ayaa caddadkeedi 15/04/05 ku tilmaantay in boqoraddu ay
kharribtay sawirkii Denmark laga haystey oo ahaa in ay tahay “jannadii
xorriyadda” ee dadka nolosha cusub doonayaa ku soo hiran jireen.
Boqoradda ayaa iyadoo u hadlaysey si ay
kalsooni ka buuxdo tidhi: “Sannadahaanba Islaamka ayaanu la halgamayney,
caalami ahaan iyo maxalli (lookal) ahaanba. Arrintu waa halgan, waana in
aynu si dhab ah u qaadannaa” ayay tidhi iyadoo ku sii dartay “arrintan muddo
dheer ayaannu iska dayney oo aanaan wax ka qaban, sababtoo ah dulqaadkii iyo
liidnimadii ayaa naga badatay” waxay Margrethe II intaas sii raacsiisay
“xukuumaddu waa inay wax ka qabato, oo hannaan kan hadda jira ka fiican kula
dhaqanto, waa haddii aynu fahamsannahay waxa aynu la lagdamayno” ...
AKHRI...
Jariidad Deenish ah
oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.
CAWAAQIB XUMIDA UU
LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)