QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
SANAD GUURADII KOOWAAD EE
FALLADA ISNIINTA.

Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Nov
28, 2005
Waxay ahayd dhamaadkii
sanadkii hore kolkuu uu maamulka Somalitalk isku afgartay in aan bilaabo faallo
todobaadle ah oo lagu falanqeeyo hadba mushkilad, ama dhacdo ka jirta G/Afrika,
gaar ahaan dalka Soomaaliya. Wuxuu heshiisku dhexmaray Somalitalk iyo Ayaamaha
inuu isku maalin kusoo wadabaxo.
Taladaasi waxay u muuqatay midaan lagu ordi karin,
anigoo aad uga cabsi qabay sida aan u joogtayn karo qorista maqaal ballan
xadidan u sitkan, ahna dhaqan aan ku badneyn Saxaafada Soomaalida, siiba tan
Internet-ka, waxaanse gudoonsaday inaan hawshaas u kaco, anoo rabi tala
saaranaya.
Sanad ayaa kasoo wareegay bilaabisti qoraalkaas,
wuxuuna soo baxay maqaalkii koowaad 29.kii Bishii 11.naad ee 2004. isagoo ku
bilaabay dhacdadii naxdinta lahayd ee mudo dheer uu loolankeeda ka socday
Hargeysa. Waa xarigii Samsam Axmed Ducaale.Waa sheekadii loo bixiyey qisadii
qarniga.
Hal maqaal oo aan arinta gabadhaas ka qoray ayaa
sabab u noqotay in laga tiriyo gabayo taariikhda galay, oo kor udhaafay
30.gabay, oo ay abwaanadu isugu hal celinayeen. Sidoo kale waxa laga qoray isla
arintaas maqaalo kor udhaafaya boqol.
Dhacdadaasi waxay muujisay sida shacabka
Soomaaliyeed uu u noolyahay, oo ay wali furantahay in la’abuuri karo qadiyad aan
siyasad ku dhisnayn oo ay heer qaran u wada difaacan karaan.
Mudadii sanadka ahayd ee aan qoraalkaas ku
hawlanaa, waxaan helay tiro kabadan 1200. oo E-mail, iyo Telefon aanan tiradooda
xusuusneyn, oo u kula qaybsan dhiirigalin, dhaleecayn, toos-toosin, iyo siyaabo
kale. Waxaan faaladas aawadeed isku baranay akhyaar kor u dhaafaya 50.meeyo ruux,
Dad badan waxay maalinta Isniinta u ahayd hawl ay
sugaan, oo kamid ah jadwalkooda shaqo, waana sida ay Somalitalk iyo Ayaamaha
usheegeen qaar badan oo kamid ah akhristayaasha, iyadoo ay ku jiraan tiro aan
yarayn oo colaad joogta u haysa qoraalada ay xanbaarsantahay faalladan.
Dhacdooyinka lagu xusuusan-doono waxaa kamid ah,
dhawr maqaal oo muhimad gaar ah uyeeshay siyaasada gobolka ama tan Soomaalida,
waxaana kamid ah kuwan.
Maqaalkii khudbadda Madaxweynaha oo ahayd sheeko
mala’awaal ku dhisnayd, asii talo soojeedin ahayd, wuxuu noqday maqaaladii loogu
hadal-haynta badnaa. Jornaalka Ayaamaha wuxu maalintaas dhamaaday saacadihii ugu
horeeyey, wuxuuna gaaray in lagu kala iibsado lacag hal doolar u dhigta, waxaa
intaas dheer in dad badani ay run u qaateen.
BBC-da qaybteeda wararka uruurisa, oo Somalitalk
iyo Ayaamaha ay kamid yihiin hay’adaha warbaahineed ee ay wax ka soo xigteen
ayey qoraalkaas daqiiqadii uu soo baxayba, waxay u turjumeen ilaa 9.luqadood oo
caalami ah, waxaana lawada dhigay isagoo Afafkooda urogan ilaa 25.dal oo isugu
jira R/Yurub iyo Qaarada Afrika.
Faallo aan ka qornay xariga lagula kaco
siyaasiyiinta Jawhar jooge ee si’un uga horyimaada maamulka deegaankaas ama tan
dowlada oo aan ugu magac darnay “ Xabsiga Jawhar Soomaaloo dhan maqaada” wuxuu
sabab u noqday in maamulka Jawhar uu mamnuuco keenista wargaysa Ayaamaha.
Wada hadalka hada lawado ee ah in la dhexgalo
labada garab ee dowalada, labadii shir ee udanbeysay ee lagu kala qabtay Jawhar
iyo Muqdisho, waxaa laga kala akhriyey laba warqadood oo ay kala qoreen Wasiirka
dib-udhiska Barre Hiiraale, oo warqadiisii laga akhriyey fadhigii Jawhar, halka
faalladii aan Geedi ka qornay laga akhriyey fadhigii Xamar, iyadoo waliba ahayd
mid kusocotay Madaxweynaha.
AAN KULA OOYEE ALBAABKA IGA FUR.
Sidaas waxaa E-mail iigu soo diray Saaxiib kunool
qurbaha oo uu dhalay Mudane Sh. Mukhtaar. Waa Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka
Soomaaliya. Fariintiisii wuxu uga dhigay sidatan.
(Waxaan kamid ahay jiilka qurbaha jooga ee
marwalba ku tallama iney dalkii kusoo laabtaan, markaanse maqaal-kaadii akhriyey
oohin baan la fuuray, aabahay Sh. Mukhtaar oo hada Sagaashankii kor u dhaafay,
oo caafimaad qaba, kolka agtiisa lagu daaro Raadyaha, wuxuu la qayliyaa, war iga
damiya, isagoo nacay, sida qiimada darrida ah ee ay uhadlaan iyo halista u
wadankii ku sii hoobanayo. Wuxuu hadalkiisii kusoo gooyey ( AAN KULA OOYEE
FAHADOW ALBAABKA IGA FUR).
Bal u fiirso, dibna ugu noqo maqaalkii u danbeeyey,
waxaad qiraysaa in jiilkii Sh. Mukhtaar uu gaaray heer uu kohdo dhagaysiga
warbaahinta Soomaalida, isagoo nacay darxumadu halka ay gaartay.
Qoraallo aad u badan oo aan ku dhaleeceynayo
dowladan Nayrooni lagu alifay ayaan qoray, dadkana waxaan tusay in hogaankeedu
uusan ahayn kii saxda ah, taasi waxay dhalisay dad badan oo dhibsada fariimaha
aan gudbino, qaarkoodna waayadan danbe ayey fahmeen qayb kamid ah khatarihii aan
ka digi jirnay.
Hadda hadii baddii lakireeyey, dhulkiina intii
maqnayd la fasaxay, intii wada socotayna hadii lakala jaro aysan dowladu dhib u
arag, akhristuhu gar ma’iisiinayaa wixii dhaleeceyn ahayd ee aan qori jiray.
Waana inoo isniinta danbe ilaahay idankiis, iyo
dhamaystirka sheekadan.
Rabbo sanadka xiga dowlad waarta oo wanaagsan baan
kaa barinay.
|