SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


Maxkamadda Saddam Xuseen: Fariin Madaxda Carabta Loo Dirayo

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Isniin:  Dec 26, 2005


Sadaam Xuseen sidaan horay usheegnay waa nin noloshiisii oo dhan hal-xiraale kudhamaystay, ilaa laga soo gaaro sidii loo xiray, oo ahayd qiso aysan dadku fahamsanayn.

Maalmahan waxaa Bagdaad kasocday maxkamadaynta Saddaam Xuseen iyo dhawr saxiibadiisii xukunka kamid ahaa. Waxaa aad loo daawaday Saddaam Xuseen oo dal-dalmaya, ood moodo inuu wali dalka xukumo, waa marka aad eegto sida uu u dhiiran-yahay, u hadal-adagyahay, misana isugu kalsoon-yahay.

Siweyn ayaan u raad-raacay maxkamaddiisii, waxaan arkay nin lasoo qafaashay oo inta wadankiisii dukum-daakum laga dhigay, isagiina ay Maraykanku ku jees-jeesayaan. Hadafka maxkamadan laga leeyahay ma'ahan in garsoor lagu gaaro, ee waa mid lagu muujinayo sida loo dulaysan-karo ninkii ku dhaga-adkaata danaha R/Galbeedka.

Waxaa muuqda isbadal xaga fikirka ah oo kudhacay Madaxweyne Saddaam, wuxuu waayadan danbe u muuqdaa nin xaga diinta u jeestay, oo xoogga saaray quraan akhris iyo cibaado.

Danteennu ma'ahan inaan Saddaam Xuseen hadeer u muujino nin ay gacantiisa caddahay, balse, oo waliba sida dhabta ah, wuxuu ahaa nin ku xun diinta, ixtiraamka dhiigga shacabkiisa, sidoo kale waxaanan marnaba la inkiri-karin inuu ahaa nin dadkiisa gacan bir ah ku xukuma. Xisbigii uu madaxda u ahaana, wuxuu ahaa mid diinta Islaamka aad uga fogaa.

Sidaasoo ay tahay, kun jeer ayuu naga xigaa kuwa meelaha dhaadheer uga soo duulay dalalka Islaamka. Sh. Safar Xawaali waxa laga hayaa: Xisbul-Bacthi ilaa barri  ayaan colnahay, Kiristaan-kana ilaa Qiyaamaha ayaan colnahay. Waa sidaasee intii isticmaar uu dunida islaamka la wareegi-lahaa, waxaa dhaama, ina adeer caqiiqada ka khariban-tahay, waayo wadanka ayaad wada leedihiin, xalna waad ka gaari kartaa, laakiin kolka isticmaar kula wareego, waxa maanta Ciraaq ka socda ku quus-qaado, adoo is xusuusinaya sidii ay ahayd Ciraaq waagii Saddaam iyo Xisbul-Bacthi.

Kuwa ku marag furaya haddeer Saddaam iyo saaxii-badiis, waa rag da'yaraa kolkii ay dhacday qisada Dujayl oo ah kiiska hada loo soo maxkamadeeyey. Ninka ku marqaati furaya, wuxuu ku andacoonayaa inuusan wax lug ah ku lahayn isku-daygii dileed ee lala-beegsaday Saddaam Xuseen, taasoo ay ka dhalatay in dowladii Saddaam ay dad badan uleyso, iyadoo maxkamadu ay soo oogtay dad gaaraya ilaa 148.ruux oo loo haysto in nidaamkii Saddaam uu dilay, qaar kalana uu xasuuqay.

Qareenka Saddaam Xuseen Mudane Najiib Al-Nucaymi, oo habeenkii Axaddii uwaramayey TV-ga Dubai ayaa sheegay inuu hayo cajalad Vidyow ah, oo ninka hada ku murag-furaya uu ku qiranayo inuu ka qayb-qaatay isku daygii shirqoolidii Saddaam Xuseen, wuxuuna yiri: Wuxuu hadalkaas lahaa isagoo faanaya oo u waramaya TV. R/Galbeed ah.

Kolkii lasoo qabtay Saddaam Xuseen ee ay Maraykanku lasoo wareegeen, ilaa iyo hada waxaa kamuuqata inuusan jilcin, dad kala duwan oo soo booqday, waxay muujiyeen iney u tageen nin u hadlaya sidii isagoo Ciraaq u taliya.

Inta ay maxkamadu socoto, wuxuu hadlakiisa u badanyahay khudbooyin dhaadheer oo uu kaga hadlayo siyaasada Ciraaq iyo faragalinta R/Galbeedka, wuxuu aad ula yaabahanyahay, in isaga loo soo maxkamaday-nayo dad uu jir dilay, misana isaga laftiisa jir dil weyn loo geystay, oo uu yiri, raadkeedii ayaa jirkeyga haddeer ku yaalla.

Dad badan oo dunidan guudkeeda ku nool, waxaa laga dhaadhiciyey in Saddaam Xuseen uu haysto hubka wax gumaada, sidaas awgeedna ay gar-tahay in hubkaas gacantiisa laga soo wareejiyo. Beentaas sidii loogu cel-celinayey ayey dad badani rumaysteen.

Cidkastoo hadashay oo arintaas khuraafo ku tilmaantay lagama akhrisan, lamgana rumaysan, ra'yul caalamka intiisa badan waxaa la qaadsiiyey in nadaamka Saddaam Xuseen uu haysto hubkaas halista ah, uuna dhawaan u isticmaalayo wadamada dariska la'ah, gaar ahaan Israa'iil.

Cadayntii ugu muhim-sanayd waxay ka timid Madaxweyne Bush, wuxuu dhawaan isagoo miyir qaba afkiisa ka yiri: Wararkii ay mukhaabaradku noo keeneen, ee aan sababteeda Ciraaq u weerarnay, ma'ahan warar lagu kalsoonaan karay, amarka in lagu duulo Ciraaqna aniga ayaa baxshay, aniga ayaana masuul ka'ah.

Hadalkaas goortii uu afka Bush kasoo baxay, waxaan islahaa shacabka Maraykanku mudaaharaad baaxad leh ayuu dhigi-doonaa, waxayna qiri-doonaan in dowladooda ay been usheegtay, markii aan wax dhaqaaq ah waayey, ayaan is xusuusiyey in shacabka Maraykanku yahay isla shacabkii ayaantii horaba rumaystay beentaas, hadana waxaa laga dhaadhiciyey joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Ciraaq waxay gabaad u tahay nabad-galyada Maraykanka.

Waxaa isweydiin mudan, haddii Markaykanku Saddaam Xuseen sidaas u dulaystay maxay filan-karaan madaxda kale ee carbeed? Waxaa shardi ah Madaxweynihii carbeed ee raba inuu geeryoodo isagoo wax xukumaya inuu si joogta ugu hogaan-samo danaha Maraykanka, hadii kale jidka Saddaam Xuseen ayuu qaadayaa.

Wuxuuse Maraykanku meelna soo dhigan, kuna fakarin, awoodda rabbi-weyne, iyo inuu diintiisa ilaashanayo, waxaa intaas dheer in shacuubta muslimku aysanba raali-ka'ahay madaxda hadeer xukunta, misana aysan ogoleen in la gumaysto.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@gmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Dec 26 2005

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD