TOBANKA OKTOOBAR:
HABEENKII MOOBAYL-KAYGII LA’IGA XADAY
![](fahad2.jpg)
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Octobar
10, 2005
Subaxii ay sanadkii hore ahayd 10.Oktobar ayaan
aaday garoonka kubadda cagta Kasaraani oo ku yaal Nayrobi, dantii aan u aaday
waxay ahayd inaan dhawr Ha’yadood oo caalami ah u tabiyo xogta iyo wararka
maalintaas ka dhaci-doona goobtaas, nasiib wanaag Telefan-kaygu wuu ii
shaqaynayey ilaa laga gaaro 12.00. Fiidnimo, waxaana la’iga jeebsiibay markii
natiijadii lagu dhawaaqay, oo la soo kala dareeray, goor-taasuu midaan
xishooneyn anoo maahsan jeebkaygii kala baxay, waxaana ogaaday kolkii aan usoo
dhawaaday halkii aan daganaa.
Tobanka Oktobar qofba waxbuu ku xusuustaa.
Xil-dhibaankii ay maalintaas ugu horeysay codayn, wuxuu ku xusuusanayaa
maalintii ugu horeysay ee uu codeeyo. Intii tartanka Madaxtinimada gashaye ee
misana weysay, waxay ugu calaamad-santahay maalintii ay khasaareen.
Waxaa ugu xusuus fiican odaga maalintaas ay guushu
raacday, ee magacii uu mudada dheer raadinayey habeenkaas hantay, waxaa isagana
garab socda intii taageerada u haysay, sidoo kale intii moodayey inay wax is
badali-doonaan maadama nin askari ah dalka loo dhiibay.
Aniguse waxaan ku xusuusanaya habeenkii la’iga
jeeb-siibay Mobail-kaygii, oo aan la kulmay khasaare badan, oo ku dhacday
shaqadii aan hayey, taasoo ay ii garab-socotay anoo ku qanacsanaa in waxa caawa
dhacay aysan noloshii Soomaalida isbadal siyaasadeed ku samayn-doonin, waliba
aan u arkayey khasaare hor-leh iyo god cusub oo la qotay.
Maxaa keenay inaan iyadoo Soomaaliya dowlad loo
dhisay aan misana ilaawi-waayey Mobil-kaygii? Waan kaaga jawaabi-doonaa.
Tuuggii xaday Mobayl-kaygii wuxuu ahaa tuug
hanyar, waayo hadafkiisu wuxuu ahaa, inuu ku iibsado lacag yar oo uu maalintaas
ku noolaado, anigase hadaan sii haysan-lahaa waxbadan ayuu ii tari-lahaa, ugu
yaraan No-radii muhimka ahaa ayaan ku intifaaci-lahaa.
Xilidhibaanadii habeenkaas codeenayey qaarkood iyo
kii aniga iga jeeb-siibay Mobayl-kaygii waxay isaga ekaayeen hanyaradi, oo waxay
wax ku doorteen, xoogaa dhaqaala ah oo maalintaas la siiyey, haddiise uu
codkiisa iska haysan-lahaa umada Soomaalida wax weyn ayey u tari-lahayd.
Habeenkii subaxiisa la’aadi-doono doorashada,
waxay xildhibaanada qaar saf u galayeen musharaxiintii iyagoo mid walba lacag
farabadan kaqaadayey, una balan-qaadayey iney codad-kooda siinayaan.
Dowladdii habeenkaas la doortay waxaa maanta oo
10.kii Oktbar ah u dhamaatay hal sano, ilaa iyo hadana waxay qabteenna oo macna
leh lama hayo.
Waxaan layaabay sanadbaa idlaaday, intii
badneyd Nairobi ayaa lagu dayacay, inteedii kalana degmo Jawhar la yiraahdo ayaa
la dagay.
Awal qorshuhu wuxuu ahaa in Baydhabo la dago,
laakiin talo-xumo awgeed waxaaba Wasiir-nimo loo diiday mid kamid ahaa
qab-qab-layaashii Baydhabo, bal adigu shaxdaas macnee!!. Meel baan dagayaa,
aniga ayaana colaadda bilaabaya.
Waxaa sii kala fogaaday intii xubnaha ka wada
ahayd golaha Wasiirada, waxaa loo kala baxay kooxda Jawhar iyo kooxda Muqdisho,
hadana waxay u baahan-yihiin in shir labaad oo dib-u-heshiisiin ah loo furo,
lagana yaabee inuu 2.sano oo kale qaato.
Dhawaan wuxuu golaha amaanku soo jeediyey in shir
dib-u-heshiisiin ah la furo, oo kooxaha Soomaalida meel la’isugu keeno. Taas
maxay ku fasirantahay?
Maraykankii iyo Midowga Yurubba inuu aqoonsado
diyaar uma’ahan, waxayna ku shardiyeen in ay Soomaalidu wada heshiiso. Taas
maxay kula tahay?
Carabtu waaba is moogay-siiyeen, shilin dhaqaale
ah ma’aysan siinin. Masar iyo Sacuudigu waxay shardi ka dhigeen Soomaali
midaysan in la’arko, kolkaas kadib in laga hadli-karaa in wax loo taro. Tanna
bal xageen saarnaa?
Dowladu lacag mahayso. Shacabkii mawada
raacsana. Sheekhii degmo ayuu marti ku yahay. Awguna N.J.O yadiina kasoo tag,
meel nacfi lehna ma’iman. Golihii Wasiiradana kuwooda hubka haystay sidoodi ayey
yihiin, kuwoodi awalba shaqo la’aanta ahaana xaalkoodu ayey ku suganyihiin.
Taasna maxaa kaaga baxay?
10.kii Oktobar ee 2004 ma’aysan noqon 21.kii
Oktobar ee 1969. Waxaanse ka baqayaa iney noqoto 31.Desembar ee 1990. maalmaha
ilaahaybaa leh laakiin qaarkood horumar ayaa lagu xusuustaa, qaarnaa dib-udhac
ayaa lagu sumadaa, danbigana maalinta malahee cida falka ku kacday ayaa leh.
Su’aashaadii Mobaylka aan kaaga jawaabo. Waxaan
u xusuustay laba sababood.
Tan koowaad: Haddii dawladan ay horumar
samayn-lahayd oo uu dalku is badali-lahaa, waxaa gar’ahaan lahayd inaan ilaawo
wixii aniga shakhsiyan iigu dhacay, laakiin taasi ma dhicin, oo markii lasoo
qaado 10.ka Oktobay waxaa igu soo dhacaya Mobaylkii iga lumay, illeen waa
dhibaato si shakhsi iiheshay, asii aanan arag maslaxa guud oo aan ku tir-tiro.
Tan labaad: Maalintaas waxaa dhacay laba
khasaare oo midna Soomaali ku dhacday, midna aniga igu dhacday, tan Soomaalida
haleeshay waxay tahay, iney doorteen nin aan wakhtigan munaasab ahayn.
Haddii aysan dowladan wax horum ah samaynin
wakhtiyada soo socda waxaan shaki iiga jirin in la soo xusuusan-doono
dhibaatooyin yar yar oo dhacay maalintaas.
Mafilayo in dowlada hada jirta ay is badal
keenayso, aniguse horaan uga digay, iyadoonba aysan doorasho dhicin. Dadkii
rajada ka qabay hogaankan cusub maxay sanad kadib oranayaan? Waxaan leeyahay waa
inoo sanadka danbe.
|