QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
MADAXWEYNE SHEEKH NOQDAY.
R/WASAARE AW NOQDAY. IYO SHEEKH SIYAASI NOQDAY.

Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Octobar
3, 2005
Darajada
Sheekh: Culimadii hore waxay u taqiinay ninka quraanka yaqaan, cilmigana
minhaajka ka gaaray, dhaxalka, magta, iyo tuftana toosin-kara. Wahaabiyadase
waxay Sheekh u taqaan ninkii Tafsiirka Quraanka yaqaan, kutubta sunanta iyo
saxiixayn-ka akhrin kara.
Darajada Aw: Culimadii hore
waxay u taqaanay ninka quraanka wax uga bilaaban-yihiin, meherka iyo tuftana ku
aadi kara. Wahaabiyaduse magacaas inuu darajo diineed yahay uma aqoonsana.
Shaqada Siyaasada: Culimadii
hore waxay u taqaanay beenloow, khiyaanoole, iyo fitna ka shaqeeye.
Wahaabiyaduse waxay u taqaan hadba shaqada uu hayo siyaasigaas, oo haduu xumaan
wadana waa siyaasi xun, haduu wanaag wadana waa siyaasi fiican.
Asbuucii dhawaa waxaa dhacay
dhawr qiso oo layaableh, kuligood wax aan lawada filayn ayey ahaayeen. Hadaadan
horay ugu fiirsan aniga iga koobi hadeer, oo hadaad sidaydoo kale la yaabto waa
sidii aan ka rabay fariintan.
Jawhar ayaa waxaa tagay xayn
Culimo Suufiyo ah ayagoo hordhoobtay qasrigii Madaxtoodaya ee degmadaas. Xatro
iyo dikri ayey halkii ku akhriyeen.
(Hadaan kuu fasiro Xatro iyo
dikri, horta waa laba magac oo isu dhaw, Sh. Cumar Faaruuq ayaa la su’aalay
dikri waxa la dhaho, wuxuu yiri haddii af carabi lagu hadlo dikri waa xuska
eebbe weyne, hadiise afsoomaali laga dhigo waa dheel culimo).
Waxaa usoo baxay Madaxweynaha
Soomaaliya Sheekh C/Laahi Yuusuf iyo R/Wasaare Aw Cali Maxamed Geeddi.
Xadaradii markii la bogtay
ayuu Sheekh C/Laahi meeshii ka hadlay, hadaladii uu yiri waxaa ugu muhimsan (
Diintii Nabi Maxamed S.C.W. ee Kitaabka Quraanka ah iyo Sunadiisii wax ka
danbeeyay ninkii noo keena ka yeeli-mayno)
Waa hadal ku cusub afka
askarigii Soomaaliyeed ee haatan noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa ku
kalifay lama-yaqaan, waxaase loo maleeyey inuu soo xusuustay xiriirkii uu awalba
lalahaa xerta timaweynta ee uu Sheekhoodii dhawaantan geeryooday.
Sheekh C/Laahi hadal toosan
ayuu meeshii ka jeediyey, darajada Sheekhna waxaan u siiyey hadalkaas saxda ah
ee uu yiri. Wuxuuse warkiisii ka xumaaday gadaal, oo wuxuu raaciyey, qoladan
rabta iney diinta ku qaraabato ka yeeli-mayno, kuwa magacyada diineed wata ee
danaha gaarka ah u usocda ka yeeli-mayno. Intaan danbe waxay na xusuusiyey
Askari C/Laahi, iyo sidii lagu yaqaanay oo uu mar walba dhihi jiray, iskusoo
wada duuboo wuxuu ahaa hadal horudhac fiican leh, asii gadaal ka kharribmay.
Waxaa hadalka qabsaday Aw
Cali Maxamed Geeddi wuxuuna meeshii ka yiri hadalkan ( Culimadu waa iney dowlada
taageeraan, anaguna Culimada waan soo dhaweynaynaa waana loobahanyahay) intaas
markuu yiri ayuu hadal kale gadaal ka sii raaciyey, oo wuxuu yiri: Maxkamadaha
Islaamiga ah ee ka jira wadanka meelo kamid ah waan taageersanahay.
Waa sidii aw lagu yiqiinayee
wuxuu khilaafay qaabkii Sheekhiisii wax u rabay, oo kuwii uu Sheekh C/Laahi ku
sheegay iney hubka sitaan, ayuu isna leeyahay waan taageersanahay. Waxaan is iri
malaha waa mas’ala gaab-nidii lagu yiqiinay Aw cilmid barad ah.
Labadaas dhacdo waxaa garab
socotay Sh Xasan Daahir aways oo ku caanbaxay faafinta Diinta Islaamka ayaa isna
ka qayb-galay shir ay isugu imanayeen kooxihii Soomaaliya la dagay, ee
dagaal-oogayaasha loo yiqiinay. Balcad ayuu Sheekhu tagay, isagoo maalintaas
lasoo baxay shaar kale oo ah inuu yahay Siyaasi kamid ah kuwa ka jira koonfurta
Soomaaliya
Shirkii ayuu ka hadlay wuxuu
yiir isna ( Diinta Islaamka waa in la’isku xukumaa, ilaahayna loo towbad keenaa)
intaas waa intii wadaad diinta faafiya lagu yiqiinay, wuxuu gadaal ka raaciyey
dowladani waa mid ilaahay la dirirsanyahay, marka meel gaari mayso iyada ayaana
fashilmeysa. Hadalkaas danbe waa fariin cad oo tilmaameyso in Siyaasi Xasan
Dahir Aways uu ka soo horjeedo dowlada hada jirta Arinta yaabka leh waxay tahay
dhawrkan qodob.
1.
Kow maxaa
isku beegay, oo isku wakhti ka dhigay? Yaa halmar soo agaasimay? Waxaa maalmahan
muuqda in Siyaasada Xamar ay isku hayaan sadax qolo oo kala ah qaybta Sh. C/Laahi
Yuusuf hogaansho. Qaybta Siyaasi Xasan Daahir Aways hogaansho. Iyo qaybtii
dagaal-ooga-yaashii hore, oo iyagu hada taageero xadidan misana wakhti ku kooban
ka haysta cid walba oo kasoo horjeeda Sheekh C/Laahi.
2.
Sadaxdaan
nine eek ala ah Madaxweyneha R/Wasaaraha iyo Sheekhaba maxay hal mar dhaqanno
aan laguwada aqoon u muujiyeen. Madaxweynuhu hadallo diineed oon looga baran
ayuu ku dhawaaqay. R/Wasaaruhuna hadallo uu ku helayo darajada Aw ayuu ku hadlay.
Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir wuxuu banaanka soo dhigay shirka Balcad laga
bilaabo inuu kamid yahay Siyaasiyiinta Koofur wax laga weydiinayo.
Tolow maxaa is badalay? Yaase
shaxdaan sidaas u dhigay? Waan hubaa in Soomaaliya wax badan oon lafilayn inay
ka soo baxeen, kana soo bixi-doonaan, tanina ay kamid tahay muuqaalada hada jira
ee toos loo arkayo, anagoo sugi-doonna kuwa kale oo kaa yaabiya ama kaa farxiya.
Sidaan ay hadda wax u dhaceen,
waxaa loogu talagalay in qolo waliba ay is muujiso, oo ay banaanka isa soo
dhigto, kuwii Siyaasiyiinta ahaa waxay rabeen iney bixiyaan sawir ah, war anagu
diinta kama fogin, kuwii Culimada ahaana waxay naleeyihiin, war anagana waa
nakan, oo hadaan kooynay.
Anigase waxaan qoraalkan ugu
talagalay inaan tooshka ku qabto falkan sida dhabta ah u dhacay ee aanan
sidaydii ku riyoonin.
Sadaxda qisaba inaan wada
taageersanahay, ama qaar taageersanahay, ama aan kasoo wada horjeedo mid kamid
ah inaan muujiyo uma dan-lihi, ee waxaan u jeedaa inaan dhacdada kaliya akhriyo,
adiga akhristaha ahna aad talo ka dhiibato.
|