SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



MAXAA ISKU ARAGTI KA DHIGAY MARAYKANKA IYO SHEEKH XASAN DAAHIR AWAYS. 


Sheikh Aweys | Sawirka: Google
:
Sheekh Xasan Daahir Aweys "Wanaagga dadka Soomaaliyeed ayaa igala muhiimsan danahayga gaarka ah"
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 

Sh. Xasan Daahir Aways waa wadaad diinta aad u yaqaan, waliba ku xeel dheer Cilmiga Qiraa’aadka Quraanka. Waa Askari ciidanka ka gaaray Kornayl. Dhawr jeer ayey xirtay dowladii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu kamid ahaa raggii u saldhigay Wahaabiyada. Ururadii Islaamiga ahaa asaas-kooda qayb ayuu ka’ahaa. Itaxaad Al-Islaami oo ah ururka ugu taageerada badan ayuu kamid ahaa maskaxdii curisay, ilaa uu ka gaaray ku xigeenka madaxa ururka oo markaas ahaa Seedigiis Sh.Cali Warsame.

Markii uu dalku burburay xamar ayuu ku haray, laakiin wax yar kadib wuxuu aaday halkaas iyo Bari oo uu hogaamiyey dagaaladii dhexmaray wadaadii Itaxaadka iyo ururkii S.S.D.F. waagaasna waxaa Jabhadda dagaalkeeda hogaaminayey C/Laahi Yuusuf Axmed oo hadda ah Madaxweyneha Soomaaliya.

Wixii dhacay baa dhacay. Haddeeer Sh.Xasan Daahir wuxuu kamid yahay dadka wax laga weydiiye talada Soomaalida. Sidaas haku noqdo inuu yahay Caalim diinta aad uyaqaan, ama inuu yahay nin dagaalka yaqaan oo shartiisa laga baqanayo. Waxaanse shaki ku jirin in Sh.Xasan uu yahay nin dadka qaarna ay ka baqayaan oo ay leeyihiin joogintiisa xamar oo ah meel uu awood ku leeyahay waxay sabab u noqon kartaa dowladda oo laga horyimaado. Halka dadka qaarna ay qabaan in uu matalayo qayb balaaran oo kamid ah bulshada Soomaalida oo ah Wadaadada waa nin muhim u ah dheeliritka Siyaasadda Soomaalida.

Shakhsiyad ahaan waa nin aftahan ah oo hadalka hela. Dhinaca kalena kalya adag oo firkadda uu qabo aan labaqin. Wuxuu mar warqadda u diray Madaxwenaha Maraykanka. Dhacdooyinka Siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya wuxuu ka dhiibtaa ra’yigaasa. Wariyeyaashuna waa raadiyaan si’ay u weydiiyaan firkadda uu ka qabo arimaha markaas taagan.

Wax badan oo uu qabo ma’ahan mid laguwada waafaqsanyahay oo qaar badan ayaa lagu diidanyahay loogana soo horjeedaa. Waxaa kamid ah dagaalladii Bari oo uu qayb-weyn ka’ahaa iyo fikraddaha qaar ee ay dad badani rumaysan yihiin inay tahay mid xaalada Soomaalida sii holcin karta. Sida inuu yiri: Haddii hal askari oo ajnabi ah wadanka yimaado waanu ku jahaadaynaa. Taasoo ay dad badani ka shaki qabaan iney sabab u noqon karto Soomaaliya oo Ciraaq isu badasha.

Wuxuu xubin ka’ahaa liiska Argagixisada Caalamiga ah ee uu Maraykanku faafiyey, marar badan ayey saxaafada caalamku magaciisa ku sheegtay inuu yahay wadaad argagixiso ah oo hub iyo ciidan ku haysta Soomaaliya. Hadaba maxaa is badalay?

Dowladda Maraykan-ka waxay maalmahan noqotay mid aan la fahmi Karin Siyaasadaheeda ama mid uu isbadal weyn ku dhacay Siyaasadaheeda. Waxaa la ogaa iyadoo Soomaaliya aan dan iyo heello kalahayn oo iska maqneysiisa dhamaan dhacdooyinka Soomaaliya. Muddo sii horeysay ayuu Sh.Xasan Daahir Aways yiri: Ciidamada ajnabiga ah wadankeena uma oglin. Waagaas dad badan ayaa Sheekha qaylo dhagaha u saaray oo yiri: Adigoo awalba lagu raadinayey miyaad hadana dagaal iyo waan is difaacaynaa ka sheekeyneysaa? Wallee mar dhaw ayaa lagu qaban doonaa. Hadduuna Maraykanku kuu soo jeesan. Iyo hadallo lamid ah. Laakiin sidaasi ma dhicin oo wax yar kadib waxaan aragnay Maraykankii oo warqad rasmi ah ku qoray isla fikradii uu wadaadku qabay, waliba leh awood ayaan u isticmaalaynaa sidii aan uga hortagi laahyn in ciidamo safka hore ah lageeyo Soomaaliya.

Hal mar ayaa lawada yaabay oo la yiri: Siday wax u jiraan? Maxaa is badalay? Waayaab! Kadib waxaa la’arkay xamar oo Mudaaharaadyo laga samayayo oo calankii Maraykan-ka la sito, ooba la jecelaaday mawqifkii Maraykanka. Dimlomaasi R/Jabuuti ah ayaa igu yiri: Waxaa la fahmi la’yahay wax ka dhaxeeya Maraykanka iyo Sh.Xasan Daahir Aways. Maxaayeelay ra’yigiisii unbay markii danbe qaateen.

Marnaba mamuuqdo shaki ah in uu jiro xiriir ka dhaxeeyo Sh.Xasan iyo Maraykan, waxaase meeshaas ka soo baxay in noloshu ay ku fiicantahay inaad ugu dhexnoolaato sida aad adigu u aaminsantahay. Haddiise aad baqdo waxaad ogaanaysaa inaad ugu dhexnooleyso si ay dadkale aamin-sanyihiin. Adiguna aad ka noqoneysid cunsir ku dhex nool, laakiin aan meelna ku xisaabsanayn.

Waakaas oo Sh.Xasan Daahir Aways wuxuu maanta marayaa firkadii uu isagu mar hore ka qayliyey iney Soomaali badan ku raacdo oo ay ku taageerto. Dowlado badan iney isla fikirkii ku dhawaaqaan. Ugu danbeytiina Maraykankii laftiisa uu isla firkadii sheego.

Intaad dunida joogto ogow oo adiga caqligaaga inaad ku fakarto laguuma dhaamo. Waa lagayaabaa inaad ku khasaarto laakiin lagama yaabo inaad ku weyso dad ninkaad ka tahay.

Sh.Xasan Daahir Aways waa wadaad Siyaasi ah, Caalim ah, Askari ah, fikrado badan waanu ku khilaafi karnaa, laakiin in laga soo horjeesto in ciimadama safka hore lakeeno Soomaaliya waa talo ay dad badani ku taageerayaan. Waxaana ogahay qaar badan oo Siyaasiyiin ah waxay mawqifkooda cadeeyeen marii ay ogaadeen aragtida Maraykanka.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | May 2, 2005


URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD