QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
AAN OOYEE ALBAABKA ISOO
XIRA.

Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Nov
21, 2005
Hadaad damacdo boohin inaad
qorto majiraan xuruufo higaad sax ah ku dhisan oo aad ku cabirto? Yaase ku og
hadaad inta albaabka soo xirato kaligaa iska oydo? Horaa loo yiri: Aftaag habeen
ninkeed bay dhibtaa!
Hadaad tahay wadani dalkiisa
jecel ha akhrinin maqaalkan. Hadaad tahay dalkiis gabe waanadase wax ku qaata,
qoraalkan aduu kugu socdaayee bal isha-mari. Haddiise aad tahay laga sabir,
dalka aan dan kalahayn, adna ha’akhrinin.
Kan hore waxaan ugu diiday
inuu muraaro-dilaaco ayaan ka baqayaa, niyad jabkaan ka leexinaya, inuu oohin
darteed albaabka usoo xirtaan kala cararayaa! Kan dhexese toos-toosin unbuu
rabaa, hanuunkuu u dhawyahay, waa suurowdaaa inuu talada yeelo, waanadana wax ku
qaato. Kan sadaxadse waa khayr beelo, waa dagaal-ooge iyo dantiis-oogii aan
horay uga waranay, isaguna haduu akhriyo rajo lagama qabo inuu dan guud u
heellado.
DALKA LOO WADA DHALAY. WAASE
LAKALA DUWANYAHAY.
Odagii lixdankii soogaaray
wuxuu hankiisu ahaa iney Soomaaliya xoriyad hesho. Calankii shanta xidig lahaana
uu ka babado shanta Soomaaliyeed. Waxay ku farxeen markii ay heleen labo kamid
ah shantii aan xorta ahayn. ( Bal aan siduu yahay eegee, kanna siib kanna saar)
waxay markaas hanteen 40% intuu hankoodii ahaa, kuwoodii aan burburka soogaarin,
waxay geer-yoodeen iyagoo u ciil qabay iney hoos harsadaan calan kawada dhaxeeya
shantii xiddigood. Rabi ha’unaxariisto kuwaas.
Kuwoodii burburka soo gaaray,
ee hooggii iyo bi’ii arkay, wuxuu hadalkoodii kusoo uruurray tol beeli-waayey
intaysan fadeexaan dhicin maxay taydii iigu iman weysay? Kuwa hada Soomaaliya
isku haya kolkey doodayaan, ma’ay fahmaan dantooda, waxa isaga ka maqan iyo
waxay ka hadlayaan waa kaaf iyo kala dheeri, ciil buu u go’aa, wuxuu duqoobay
isagoo muruqii uu jilcay, tabartiina ay ka tagtay, murugana ay u dheertahay,
kowoodii kala tagii dalka kadib geeryooday, waxay god galeen iyagoo
muraara-dillaacsan, oo isle Rabbow intaadan Soomaali rogin naga hormari.
Raggii aan gumaysi arag,
dowladnimose qiimaheedii ku dhex noolaa, kadibna uu dalkii ka burburay, iyagu
hankoodii wuxuu ku soo uruuray Allow yaa labadii la’isla helay mar un isku soo
cesha, oo sidoodii hore ka dhiga, kuwaase qoladan garab socdoo, taasna iyaga ku
khilaafsan, oo leh, anaga xiddigtii shan geesoodka ahayd, taayadii ka goosanay,
afarta kalana dan iyo heello kama lihin, ammaan hana siiyeen, anaguna ammaan
baanu siineynaa.
Wiilashii dowlad la’aanta
hana-qaaday hankoodu meeluu usocdo maba ay oga, waayo han ahna maba lahan, dadku
may danahooda kala raacaan ayeyba u joogtaa, maxaa muranka keenaya ayey lasoo
taagan-yihiin? Maxaa dagaalka sabab u ah weeye su’aashoodu? Waa jiil nolol
kamaqanba aan fahmin, waxa loo socdana aan garanin, shantii Soomaali ineyba
jirtay loomaba dhigin, dowlad iney muhim tahay magaran, sidaan hada si dhaanto
ma’aqaan ayuu hadalkoodu yahay.
ALLA KALA DUWANAA.
Intii uu socday shirkii Kenya
ayaan Hotel 680.ti kula kulmay Daahir Haji Cusmaan “Dhegaweyne” oo kamid ahaa
dhalinyaradii Aasaastay S.Y.L. anoo ku faraxasan inaan Daahir nolol ku arko
ayaan kolkii la’iskaaya baray ku iri hal su’aal baan ku weydiin, waxayna tahay.
Adeer Soomaalidii waagaagii joogtay iyo kuwan hada ee aad 680.ti ku aragto farqi
intee le’eg baa u dhaxeeya? Wuxuu ku jawaabay. Inta sano ee noo dhaxaysa baa u
dhaxaysa! Waligay ma’aragtay jawaab sidaas u kooban, misana sidaas u mug weyn!
Hadalkaas waxaan si fiican u fahmay muda wakhtigas laga joogo sanad, oo aan
tagay Soomaaliya.
Wiil gaari aan saarnaa
darawal ka’aha ayaan weydiiyey inuu dowlada taageersan-yahay iyo inkale? Wuxuu
iigu jawaabay. Walaal da’daydu waa 19.jir, kolkii ay dalka dowladii ka duntay!
siday dadku iisheegeen! waxaan ahaa shan jir, intaan joogay dalkana maanta ayuu
ugu daganyahay, marka saaxiib qofkii dowlad soo gaaray su’aashaa u bandhig, oo
anigu waxay tarto iyo waxay gooyso garanmayo. Taasi sow marag u ma’ahan jiilkii
uu Daahir Dhagaweyne la noolaa iyo kan hada jooga garaadkoodu inuu isu jiro inta
sano ee u dhaxaysa?
Farqiga maskaxeed iy kan
wadaniyadeedba haduu intaas yahay, waxaa sahal ah inaan aragno R/Wasaare u
ololeynaya inuu labadii wada jirtay kalajaro, oo uu Koonfur kaliya haddayba u
hagaagto uu ka taliyo.
Kuwa dibadaha jira waliba
kuwooda ku qaangaaray dhulalkaas, waxay lumiyeen dhalashadoodii wadaniyadeed,
waxaan lagu kari-doonin inuu yahay Soomaali, dabcan marka laga reebo qoosas yar
oo fara-ku-tiris ah. Baasaboorka uu qaatay ayey latahay inuu maskax-ahaan
dalkaas yahay.
Waxaa shaki iiga jiraa
10.sano kadib sida ay usii shaqayn-doonaan Xawaalad-layaasha Soomaalida, waayo
waxaa lagaari doonaa wakhti aan dheereyn oo ay Soomaalida dibadaha ku nool,
waliba kuwooda iyagoo yaryar lageeyey aanan la fahmsiinkarin sida xaq ahaan
loogu leeyahay inuu qaraabo Soomaaliya ka jirta uu biil joogta ah u xawilo.
Dunida marka ay Soomaali soo
qaado waxay tusaale u yihiin dowlad la’aan, dal la’aan, iyo hadba umadii burburi
rabta in ladhaho Soomaaliya oo kale hanoqonina. Alla ceebweynaa. Qof ajnabi ah
hadaad iskahortimaadan uuna jinsiyadaada ku su’aalo, ood ku dhaho Soomaali baan
ahay, wuxuu ku oran HAAH ma wadanka aan dowlada lahaynbaa.
Ninkii sii joogoow maxaa
aragti kuu laaban. 14.Sano kadib hadii laga tanaasulay dhulalkii Soomaali
kamaqnaa, sidoo kale lakala gooyo labadii Jamhuuriyada wada ahayd, oo ah arin
soo socota, sow jiilka anaga nagu xigaa ma waayi doono Soomaali oo dad ahaan
mooyee dal ahaan u jirta?, sow lama arko karo Soomaali oo khariidada dunida
kamasaxan? Kuwa ku sii xigana haday taasi dhacdo waxay lumen-doonaan in magaca
Soomaaligu uu dad ahaanna usii noolaado, ayna noqota wax taariikhda lagu sheego
oo kaliya.
ALLAW CEEB INTAAN BAA NOOGU
FILAN.
|