QORMADA ISNIINTA:::
01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
| 09
| 10
| 11
| 12
| 13
| 14
| 15
| 16
| 17
| 18
| 19
| 20
| 21
| 22
| 23
| 24
| 25
| 26
| 27
| 28
| 29
| 30
| 31
| 32
| 33
| 34
| 35
| 36
| 37
| 38
| 39
| 40
| 41
| 42
| 43
| 44
| 45
| 46
| 47
MA’AKHRISAA WARARKA
FALASTIIN OO AFSOOMAALI AH.

Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Octobar
31, 2005
Waxaan aad
ugu fiirsaday warbaahinta Soomaalida, waxaa iisoo baxday in hadal-heyn-toodu ay
ugu badan tahay arinta soomaaliya oo kaliya. Hadaan hadana usii fiirsaday waxaa
ii muuqatay in Siyaasada xoogga lasaaro. Taasi waa muuqaal ay wada-wadaagaan
bahda warbaahinta oo dhan.
Arimaha guud ee Muslimiinta khuseeya wax yar ayey
ka hadlaan, markay ugu roon-yihiin wararka ayey kusoo daraan, waase goorta lagu
daalo hogamiye-hebel wuxuu yiri, iyo ugaas hebel baa bayaan soo saaray.
Haddaad tahay qof arkay dareenkaas waxaan kuu soo
heelay Bar Internetka kamid ah oo aad ku ciil-baxdo. Waxaan kuu soo helay Bog
aad ka heli-doonto baahidii aad u qabtay inaad aragto xogtii Muslimiinta oo
afkaaga hooyo ku hadlaysa. Waa fursad ay dad yar heli-karaan.
Waxay ahayd bartamihii sanadkan markii ay ila soo
xiriireen dhawr nin oo aqoon-yahan ah, ayna igu wargaliyeen in dhawaan lasmayn
doono Bar Internet-ka ah oo ka hadasha xaalada Muslimiinta Falastiin. Waan
farxay. Waan u mahadnaqay. Waxaan u sheegay hawl bahda warbaahinta u taalay iney
u istaageen, mahad heer qaran ahna ay mudanyihiin.
Qofkasta oo muslim ah oo maanta dunidan saaran
haddii la weydiiyo maxay tahay dhibaatada ugu weyn ee muslimiinta haysata? Shaki
waxaan lahayn inuu ku jawaabayo waa xaalada Falastiin. Sababtu maxay tahay? Waa
tan koowaadee waa goob barakaysan oo Masjidkii Qudus waa barta ay dunida kaga
taal. Waa xaramka sadaxaad ee mulimiinta. Waa bartii Anbiyadu ku kalantahay
habeenkii Nabi Maxamed S.C.W. la dheelmiyey. Waxay kamid tahay meelaha ugu
baraykaysan dhulalka islaamka.
Waa midda labaadee: Yahuud baa inta xoog ku
qabsatay iyagoo garab ka haysta dowladaha awooda leh, waana dad lagu beeray dal
aysan lahayn. Waa midda sadaxaadee: Falalka foosha xun ee lagula dhaqmo
masaakiinta R/Falastiin ayaa noqotay boog ruux kasta oo muslim ah ku taal, oo
kolka uu Falastiin maqlo uu daqmaayo.
Shacabka soomaalidu isaga oo lajira qadiyada
walaalahooda Falastiin, hadana waxaa garab-socoto inuusan aad u fahamsanayn
siday wax u jiraan, xataa qaybta aqoonta leh ayey ku yartahay inta ay ka ogtahay
sababaha mushkilada ee u dhaxaysa muslimiinta falastiin iyo cadawga yahuudda.
Sidaas hadday jirto waxaa dhawaan abuuray bar lamagac-baxday www. aqsaonline.com
oo isu xilqaantay iney sharaxaad afsoomaali ah ka bixiso waxa dhabta ah ee
kajira dhulkaas barakaysan iyo waxa ay la damacsanyihin gaaladu.
Anigoo kamid ah dadka aad ula socda xaaladaha
falastiin ayaan misana kolkii aan booqday bartaan waxaan is arkay anoo dugsanaya
oo aad mooda in qadiyadii markale qaraabo ila noqotay. Taasna waxaa sabab u ah,
markaad warbixin ku akhriso af kale, misana isla xogtii oo afsoomali ah dib u
akhrido, waxaad dareemeyso ehelnimo aad ku akhrineyso isla qoraalkii.
Waxaan hubaa in umada soomaalidu ay dhiig iyo
dhiiranaan u leedahay nacaybka bah gaalo oo idil, sidoo kale waxay hiil iyo
hooba ula diyaar-yihiin muslim oo dhan meeshuu dunida ka saaran-yahay. Sidaasoo
ay tahay xogtay ka haystaan waa yartahay, waxaana sabab u ah laba arimood. Tan
hore afkoodii hooyo looguma qorin buugaag ahaan iyo warar ahaanba waxa khuseeya
muslimiinta guud. Tan kalese soomaalidu oo aysan ku baahsanayn aqoonta luqadaha
caalamiga ah, oo intooda badan waxay ku hadlaan, akhriyaan, qoraan afkooda hooyo
oo kaliya.
Sh. Cumar C/Raxmaan oo isagu madaxa u ah xarunta
Al-Aqsaa ee Muqdisho ayuu u sheegay Aqsaonlin inuu ku hawlanyahay sidii shacabka
soomaalida loo bari lahaa oo loo dhex dhigin-lahaa xaalada falastiin, wuxuu
kaloo sharaxaad maangal ah ka bixiyey sababta ay soomaalidu uga maqantahay
arimaha waaweyn ee muslimiinta, wuxuuna ku fasiray in dhibaatada sida goonida ah
u haysata ay qaby ka noqon-korto mashquulka ku dhacay maskaxda qofka soomaaliga
ah. Waana arin dhab ah oo xaqiida aan ka fogayn.
Waxaan hubaa wixii maanta ka danbeeya haddii aad
tahay qof af soomali kaliya akhriya inaadan oran dooni waxaan waayey meel aan
kala socdo arinta walaalahayaga falastiin.
Waxad haysataa Barta
http://www.aqsaonline.com
. Waxaad ka bogan-doonta xogta maalin-laha ah ee R/Falastiin, maanta kadib
cudurdaar kuuma ahan inteen wararka walaalahay u dontaa.
|