SHACABKA
SOOMAALIYEED: RABBI AYAA U MAQAN EE RAG UMA
MAQNA.
Soomaalidu hadalka waa toosin-taqaan,
afmaalayaal hadalka wax ku cunta weeye, laakiin
in ficil laqabto wey ku adagtahay, dad dhisan oo
talaabo sax ah qaadi kara wey iska adagyihiin in
lahelo. Dhibaatada ugu weyn ee bulshada haysata
waxay noqotay hogaankeedii oon rabin inuu hor
kaco, waxay rabaan inuu ku horkaco iskadaayee
wuxuu isagu rabo xitaa uma horkici karo.
Hogaamiye-yaasha Muqdisho laga sugi maayo iney
fuliyaan waxay bulshadoodu u hanqal-taagayso,
sidoo kalana loogama baran iney qabtaan waxay
afka ka sheegaan ee ah xukun jacaylka.
29.qodob ayey
saxiixeen Madaxdii Muqdisho, waana ku wii
go'aanka ugu danbeeya iskalahaa, marka laga
hadlayo wax ka qabashada Muqdisho. Hadday iyagu
hubka ugu badanaa haystaan. Hadday igu yihiin
kuwii ku hadlayey magacyada beelaha Soomaalida
qaarkood waxaa cad hadii ay daacad-yihiin iney
wax weyn qaban karaan. Waxaan wada akhriyey
qodobada uu ka kooban-yahay heshiiska, waxay u
muuqdaan kuwa wax ku ool u ah xaalada murugsan
ee magaalada Muqdisho. Si faaf-faahsan ayey uga
warameen qaababkii wax looga qaban lahaa
magaalada Muqdisho. Hadday tahay qaabkii hubka
loo uruurin-lahaa. Hadday tahay sidii Dekedda
iyo Garoonka loo furilahaa. Hadday tahay Sidii
Malayshida loo xaraynlahaa. Iyo qodobbo kale oo
muhim ah.
Sidaan uga
baranay kooxaha Muqdisho waxaa u sahlan in
warqadaha la saxiixo, xaflad la dhigo, loo
sacbiyo heshiiska, shirar badan la galo, dadka
niyadooda kor loo qaada, laakiin uma fududa iney
ka dhabeeyaan wixii ay isku afgarteen, iney
qaadaan tallaabo horumar u ah mustaqbalka
Soomaalida guud ahaan.
Qaar kamid ah
Siyaasiyiinta Muqdisho oo aan la kulmay ayaan
weydiinayey hal su'aal oo ah. Waa run oo waad
saxiixdeen heshiiskan, laakiin ma runbaa iney
daacad idinka tahay fulinta heshiiska. Waxayna
kuwada jawaabayeen, wixii hore yaan naloo qaban
ee markaan hanala daayo oo wax hanalala qabto.
Waxaa cad in
kalsooni badan aan lagu qabin iney fulindoonaan
heshiiska, waxaase loo hayaa taageero haddii ay
dhab ka tahay wax qabad, bulshada Xamar ku
noolna wey sugaan in heshiiskaas wax un laga
fuliyo. Dekedda iyo Garoonka waxaa hadda ka
muhimsan Hubka daadsan ee aan maamul gacanta ugu
jirin. Malayshida hubaysan ee aan ciidan qaran
ka tirsanayn. labadas qodob kaliya haddii wax
laga qabto inta kale iyagaa hortaagnaa oo degdeg
ayey ku xalismi doonaan ilaahay idankiis.
Dad badan ayaa
eedeeya dhalin-yarada hubka ku haysata Muqdisho
oo habaara ama canaanta oo dhaha dhibta Soomaali
hortaal waa kuwan qoriga jeeni-qaaran, taasina
ma'ahan fikrad sax ah, sababtoo ah, qoriga
wiilka haysta ninbaa u dhiibtay oo sidii
xaabadii ugu adeegta, dadka u soo laaya,
gorgortanka Siyaasadeedna iyaguu ku galaa,
hogaamiyuhu ma dhinto ee wiilka ayaa u dhinta,
inta soo hartayna qaad ayuu siiyaa, kan ugu
badanna xoogaa dhaqaala ayuu u taagaa. Wiilka
qoriga sita waa nin dhiban, daryeel caafimaad
mahelo, mishaar maqaato, hadduu dhinto looma
tacsiyeeyo, wuxuu u dhimanayo mayaqaan, markuu
ugu bato nolol liidata ayuu ka helaa, isagoo
isleh hadaad ka tagto meel kale ood wax ka cunto
helimaysid.
Cidda larabo
iney umadda iyo caalamkuba la xisaabtamo waa
Hogaamiye-yaasha wiilashan gacanta ku haya,
iyagu hadday daacad noqdaan wiilashaanna awliyo
ayey noqon. Nidaam iyo kala danbayn haddii
lahelo wiilashaannu dalkay wax tari, mid
waxbarta, mid ciidanka noqda, mid shaqaala
dawladeed noqda.
Sidaas awgeed
qolada la rabo iney heshiiska fuliso oo ay
dhaqan-galiso waa kuwa Wasiirka ku helay.
Hotellada qaaliga ah dunida kaga dagan.
Magaciisa warbaahinta laga sheego. Kuligood
hadda waxay wada joogaa Nayrobi waxayna
heshiiska ku saxiixeen Nayrobi, waxaa haboon in
dunida caalamku hadeer u istaagto sidii loogu
dabagali-lahaa iney heshiiskaas fuliyaan.
Madaxweynaha iyo R/Wasaarahaba waxay maanta
haystaan fursad qaali ah, taaso ah iney kuwaan
toosh ku shidaan oo ay caalamka tusaan, sharcina
ka soo saaraan. Halka ay ku hawlanyihin in
Ciidamo laga doodo, ma saf hore ayaan keenna
mise kuwa kale, waxaa ka haboon in Barlamaanka
sharci la horgeeyo oo ah in lagu daba-galo kuwan
heshiiska saxiixay sidii ay fulin-lahaayeen,
hawshooda ugu muhimsan ee u taalla waxay tahay
sidii run looga dhigi lahaa wax ka qabashada
Muqdisho.
Madaxda Dowladu
waa iney fahmaan Xamar hawl u taalla iney tahay,
kuwii hubka ku haystayna hadday dhaheen waanu
dhiibeynaa, waxaa haboon in taas lagu dabagalo,
maxaayeelay marwalba waa hawl xal kaa sugaysa.
Waxaa laga yaabaa in Dowladda madaxdeeda
qaarkeeda ay ku farakayso xoog wax halagu xaliyo,
waan arin dab ku sii shidi karta xalka ay umaddu
sugayso.
Intaas waxaa
dheer Dowladda Soomaaliyeed waxaa ku haboon iney
gacan-siiso heshiiskaas shacabkana usheegto iney
diyaar u tahay wax kaqabashada Muqdisho, sidoo
kale waa iney muujiyaan in Xamar aysan qolo
kailya u oolin hawsheeda ee ay tahay hawl marka
koowaad dowladda u taal, marka labaadna bulshada
Soomaaliyeed oo dhan utaalla.
Waxaan
isleeyahay shacabka Soomaaliyeed nasiib-darro
ayaa haysta, waxaa isuku bahaystay sadax qolo.
1. Kiwii Xamar
xukumay oon wax qabad lahayn.
2. Dowladdii oon diyaar u ahayn iney xamar wax
ka qabato.
3. Shacabkii oon ikhtiyaar kale haysan.
Shacaboow
rabbaa kuu maqan ee rag kuuma maqna.